Home » Author Archive

Ciidamada ammaanka oo maanta howlgallo balaaran ka wada xaafado ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Ciidamada ammaanka dowladda Federaalka, ayaa  maanta howlgallo balaaran ka wada degmada xaafado ka mid ah degmad wardhiigley ee gobolka Banaadir. Ciidamada , ayaa saaka howlgallo balaaran oo dadka lagu qabqabanayo kula kalahay degmada xaafadaha u dhexeeya waddooyinka Wadnaha iyo Warshadaha ee degmada Wardhiigley, waxaana baaritaanku u muuqdaa mid dad badan lagu qabqabanayo, waxaana dadka laga qabqabanayaa... 

Sh. Maxamuud Sh. Maxamed Shibli oo dhallinyarada Nairobi uga jawaabay Su’aalo ay qabeen.(Maqal iyo Muuqaal)

Sh. Maxamuud Sh. Maxamed Shibli, ayaa  dhallinyarada Nairobi uga jawaabay Su’aalo ay qabeen. Dhallinyarada magaalada Nairobi, qaar ka mid ah ayaa dhawaan waxa ay fursad u heleen inay su’aalo diini ah weydiiyaan, isagoona uga jawaabay su’aalihii ay dhallinyaradu weydiiyeen. Halkan hoose ka daawo su’aalaha iyo jawaabaha. Xafiiska wararka Somalireal somalireal@gmail.com  Read More »

Baloo ma waadan garanayn waa cidda!

Ilmanimadiisii ilaa uu noqday ustaad jaamacadeed wuxuu ku noolaa Muqdisho. Dhowr iyo sagaashankii markuu dibada ka soo noqday ayuu Gaalkacyo xarun ka dhigtay. Ha moogaan waa halka uu asal ahaan ka soo jeeday. Dhaqanka Mudug wuxuu keenayaa in shaqaalaha qayb ka mid ah lagu xusho reernimo; si haddii hawshaada la khashkhasho beesho hooy u tiraahdo. Dr-ku ma khilaafin caadadaas ee darawalka ayaa ka mid... 

Madaxtooyadda Soomaaliya oo xalay Madaafiic lagu tuuray

Madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, ayaa  xalayto waxaa  lagu gaaracay madaafiicda loo yaqaano Hoobiyaha. Madaafiicda, ayaa waxaa bartilmaameed u ahaa  Madaxtooyada Villa Soomaaliya ilaa iyo haddana lama sheegin waxyeelo ay Madaafiicdaasi geysteen, iyadoona qaarkood ay ku dhaceen xaafado ka mid ah degmada Wardhiigley. Dadkii ka agdhowaa xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sheegaya... 

Madaxwne kuxigeenka Puntland oo weli kulamo uga soconayaan Boosaaso.(Dhageyso)

Madaxweyne kuxigeenka  Puntland Gen. C/samad Cali Shire. ayaa weli kulamo uga soconayaan magaalada Boosaaso xarunta ganacsiga Puntland. Madaxweyne kuxigeenka, oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Boosaaso, ayaa Madaxtooyada magaalada, waxaa uga socda kulamo joogta ah oo uu la leeyahay bulshada gobolka, iyadoona kulamadu ay yihiin kuwo guud iyo kuwo gaar ahba. Qeybaha bulshada ee uu Madaxweyne... 

Xubnaha Al-Shabaab oo ay ka dhex bilaabatay inay isku yiraahdaan “Murtad”

Xubnaha  xarakada Al-Shabaab, ayaa waxaa   ka dhex bilaabatay inay isku yiraahdaan  ereyga “Murtad”. Ilo xogogaal ah, ayaa sheegaya in garabyada ay u qeyvsameen xubanaha hoggaamiyaha xarakada Al-Shabaab, ay hadda isu adeegsadaan ereryga aadka u culus ee ” Murtad”, kaasoo macno ahaan ku qotoma qof diinta Islaamka ka baxay. “Kooxda la safan Abuu Zubeyr markay ka hadlayaan... 

Mooshinkii ka dhanka ahaa xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’isul wasaare Saacid oo sii xoogeysanaya.(Daawo)

Mooshinkii ka dhanka ahaa xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’isul wasaare Saacid ayaa sii xoogeysanaya. In badan oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka,  ayaa xiligan wada qorshe ay ku ridayaan xukuumadda uu madaxda ka yahay Ra’isul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon, iyadoona tan iyo intii la dhisay dowladda federaalka ee KMG kiina laga baxay aan la maqlin wax khilaaf ah. Xildhibaanada ka biyo diidan... 

Madaxweynaha federaalka Soomaaliya oo si adag uga hadlay arrinta Jubbooyinka iyo Somaliland (Daawo)

Madaxweynaha federaalka Soomaaliya, ayaa maanta  si adag uga hadlay arrinta Jubbooyinka iyo Somaliland. Madaxweynaha oo maanta ka hadlayey munaasabad lagu furayey xarun waxbarasho oo dowladda Turkoga hirgelisay, ayaa sheegay in uu ka digayo colaad ka dhacda gobolaha Jubbbooyinka, wuxuuna carrabka ku adkeeyey in doorashadii dhawaan ka dhacday ay aheyd mid ayan u dhammeyn dadka deegaanka, sida uu hadalka... 

Wafdi ka socda IGAD oo saaka gaaray magaalada Kismaayo

Waxaa saaka soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose gudigii  xaqiiqa raadinta IGAD waxaana uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxweynaha Juba Land Sheekh Ahmed Madoobe. Gudiga xaqiiqo raadinta ee Ururka IGAD ayaa  laba maalmood waxaa ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho iyaga oo kulamo la qaatay Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxmuud iyo Raisulwasaare Saacid . Wafdiga Ururka IGAD... 

Kaluumeysatada gobolka Bari oo ka cabaneysa Maraakiibta Shisheeyaha.

Kaluumeysatada gobolka Bari ayaa waxa ay sheegeen inay dhibaato xoog leh ku qabaan Maraakiibta shisheeye ee ku sugan xeebaha gobolka. Qaar ka mid ah kaluumeysatada gobolka Bari, ayaa waxay sheegeen in ay dhibaato xoog leh  ku qabaan Maraakiibta shisheeye ee ku sugan xeebaha gobolka, iyagoo ku nuux nuuxsaday in qaar ka mid ah Kaluumeysatada ay dil iyo xarigaba u geystaan ciidamada shisheeye ee ku... 
© 2008-2013 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno