Home » Uncategorized
Gabar Dhibaato Caafimaad ay haysato oo labadeeda Kalyood ay shaqo gabeen gacan qabasha badanma uga baahan dadka Muslimiinta ah,(Daawo)
Waxaa jirta Gabar Soomaali ah oo dhibaato Caafimaad ay haysato, taasoo gacan qabasho uga baahan dadka Muslimiinta ah.
Gabadhan, ayaa waxaa lagu magacaabaa Maryan C/laahi Cali, waxaana shaqo gabay Labadeeda Kalyoodm iyadoona halkii Toddobaad u baahan in laba jeer dhiiggeeda Mashiin lagu sifeeyo.
Yaasiin Cabdi oo ka mid ah Howlwadeenada shabakadda Somalireal, ayaa gabadha ku booqday Isbitaal...
Hadal haynta ugu badan ee xiligan Soomaalida dhexdeeda
Maamul u sameynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo, ayaa noqotay tan ugu hadal haynta badan.
Dadka Soomaaliyeed, ayaa sheekooyinka fadhiyadooda waxay noqotay mid lagu falanqeeyo maamul u sameynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo, iyadoona laba loogu qeybsan yahay:
1- In dadka deegaanka goboladaas loo daayo maamul u sameynta Jubooyinka.
2- In dowladda Federaalka Soomaaliya ay dalka mas’uul ka tahay, xaqna...
Itoobiya oo shaaca ka qaadday inay ciidankeeda kala baxeyso Soomaaliya.
Dowladda Itoobiya, ayaa shaaca ka qaadday inay ciidankeeda kala baxeyso Soomaaliya.
Ra’isul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, oo shalay ka hadlayey baarlamaanka dalkiisa, ayaa sheegay inay qorsheynayaan sidii ay ciidankooda ugala soo bixi lahaayeen waddanka Soomaaliya.
Hailemariam Desalegn, ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya iyo AMISOM, ay ku guul darreysteen inay kala wareegaan...
Digtoor Bashiir Dadkaa u Baahane Dooxiddiisu Dow Maaha. W/Q: Maxamed Nuur Shire.
Digtoor Bashiir Dadkaa u Baahane Dooxiddiisu Dow Maaha, waa qormo aan kaga faalloon doono sida Digtoorku muhiimka ugu yahay dadkiisa.
Digtoor Bashiir waa kuma?
Digtoor Bashiir Axmed Salaad, sanadkii 1957 dii, ayuu wuxuu ku dhashay deegaanka Magaalada Gaalkacyo, waxaana Sheekhu markii uu dabka ka leexday waalidkiis ku dareen dugsi lagu barto qur’aanka Kariimka ah, dugsigaas ayuuna qur’aanka...
Madaxweynaha Puntland oo furay idaacad cusub oo xarunteedu ku taalo Garowe (Daawo)
Madaxweynaha Puntland, ayaa furay idaacad cusub oo xarunteedu ku taalo caasimadda Puntland ee Garowe.
Idaacaddan iyo tv dhawaan la filayo inuu hirgalo ayaa waxaa hirgelisay dowladda Talyaaniga, waxaana jira mashaariic kale oo balaaran oo lagu wado in laga fuliyo deegaanka dowladda Puntland ee Soomaaliyeed.
Halkan hoose ka daawo Madaxweyne Faroole oo xarigga ka jaraya idaacadda cusub.
Xafiiska wararka...
Sh. Umal iyo Sh. Maxamed Idris oo ka jawaabay su’aalo ku saabsan Al-Shabaab (Daawo)
Sh. Umal iyo Sh. Maxamed Idris, ayaa ka jawaabay su’aalo ku saabsan Al-Shabaab.
Sh. Maxamed Cabdi Umal iyo Sh. Maxamed Idris oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee caanka ah ayaa dhawaan ka jawaabay su’aalo laga weydiiyey Al-Shabaab iyo dadka fikirkooda ku qanacsan.
Labada Sheekh, ayaa jawaabaha ay bixinayeen ka eegayey dhinacyo badan, waxaana dadweynihii su’aalaha weydiinayey ay...
Dhageyso Khudbaddii Jimcaha ee masaajidka Hidaaya ee maanta
Khudbadii Jimcaha ee masaajidka Hidaaya ee maanta, ayaa waxa uu Sh C/waaxid uga hadlay barbaarinta Carruurta.
Imaamka Masjidka Hidaaya ee magaalada Nairobi Sh C/waaxid Xasan, ayaa diiradda ku saaray khudbadii Jimcaha ee maanta qaabka loo tarbiyeeyo Carruurta.
Sheekha ayaa ka hadlay in loo baahan yahay in carruurta lagu tarbiyeeyo akhlaaqda wanaagsan iyo in ubadka lagu barbaariyo sidii ay ku dayaso...
Uhuru Kenyata oo noqonaya Madaxweynaha dalka Kenya.
Dalka Kenya, ayaa waxaa xalay la soo gabagabeeyey tirinta codadkii doorashadii dalka ka dhacday Isniintii.
Natiijada doorashada oo si weyn loo dhowrayey tan iyo Isniintii galinkii dambe, ayaa u muuqata inuu Madaxweynenimada ku guuleystay Uhuru Kenyata, maadaama uu helay codadkii loo baahnaa ee uu ku guuleysan karay.
Inkastoo guddiga doorashada uusan weli ku dhawaaqin natiijada rasmiga ah, haddana waxaa...
DAAWO Sh. Umal, qeybtii labaad khudbaddii hadaf ka dhigashada Culimada Soomaaliyeed.
Sh. Maxamed Cabdi Umal, ayaa Jimcihii dhawaa mar kale ka hadlay in hadaf ka dhigashada Culimada ay tahay fitnada ugu daran ee dalka soo martay.
Sh. Umal oo Jimcadii hore bilaabay khudbo uu uga hadlayo khatarta ay leedahay in hadaf laga dhigto dhiigga Culimada, ayaa Jimcihii dhawaa qeybta labaad halkiisii ka sii waday.
Muhiimadda Culimada
Sheekha ayaa sheegay in Culimada ay tahay qeybta ugu muhiimsan...
Sh. Maxamed Cabdi Umal oo mar kale ka hadlay in hadaf ka dhigashada Culimada ay tahay fitnada ugu daran ee dalka soo martay
Sh. Maxamed Cabdi Umal, ayaa maanta mar kale ka hadlay in hadaf ka dhigashada Culimada ay tahay fitnada ugu daran ee dalka soo martay.
Sh. Umal oo Jimcadii hore bilaabay khudbo uu uga hadlayo khatarta ay leedahay in hadaf laga dhigto dhiigga Culimada, ayaa maanta qeybta labaad halkiisii ka sii waday.
Muhiimadda Culimada
Sheekha ayaa sheegay in Culimada ay tahay qeybta ugu muhiimsan ee bulshada,...
