Home » Diinta

Daawo Khudbadii Sheekh Umal ku soo gabagabeeyey ka digidda dhiigga Muslimka.

Sh. Maxamed Cabdi Umal, ayaa  khudbooyinkiisii ku soo afmeerey dardaaran muhiim ah. Sheekh Maxamed Umal oo jimcooyinkii la soo dhaafay soo jeedinayeey khudbooyin taxane ah oo uu uga hadlayey khatarta ay leedahay baneysashada dhiigga Muslimiinta guud ahaan iyo gaar ahaan kan Culimada, ayaa shalay  waxa uu ku soo gabagabeeyey dardaarano guud oo aad u qiimo badan. Dardaaranka 1aad Sheekha ayaa dadka... 

Nadwo ka dhacday Masjid Jaamica Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.[Dhagayso]

Waxaa magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool gaar ahaan Masjidka Jaamac Laascaanood ka dhacay nadwo ay ka qayb galeen culimo’u diin fara badan oo ka soo qayb galay aaskii Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo ay masjidka Badar ee magaalada Garoowe ku dileen xili uu ku guda jira Salaadii Casar rakcadeedii 3aad ururka Al-shabaab. Culimada ka qayb galay Nadwada ka dhacday Masjid Jaamaca magaalada... 

Sh. C/naasir Xaaji Axmed oo shaaca ka qaaday in qaar ka mid ah aasaasayaasha Al-Shabaab ay dowlado kale u shaqeeyaan (Dhageyso)

Sh. C/naasir Xaaji Axmed, ayaa  shaaca ka qaaday in qaar ka mid ah aasaasayaasha Al-Shabaab ay dowlado kale u shaqeeyaan. Sh. C/naasir oo xalay ka qeyb qaadanayey kulan-diineed lagu qabtay masaajidka Al-Huda ee magaalada Garoowe, ayaa ugu horeyn sheegay in Sh. C/qaadir ay dishay xarakada Al-Shabaab, isla markaasna ay garanayaan ninka dilka geystay, uuna ka mid yahay Amniyaadka xarakada Al-Shabaab. Mar... 

Culimada Soomaaliyeed ee dalka Kenya oo maanta bayaan ka soo saaray dilkii Sh. C/qaadir Nuur Faarax

Culimada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ku dhaqan, ayaa  bayaan ka soo saaray dilkii Sh. C/qaadir Nuur Faarax, bayaanka oo nuqul ka mid ah uu na soo gaaray ayaa u qornaa sidan:- TACSI IYO CANBAARAYN  Waxaa mahad dhammanteed leh Allaah,  ku dayashana waxaa mudan nebi maxamed (scw) Kulan ay isugu yimaadeen qaar ka mida ah culimada soomaaliyeed ee dalka Kenya, kana dhacay hoolka shirarka madiina moll... 

Khudbadihii ay culimadu ka jeediyeen aaskii Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax.[Dhagayso]

Ka dib markii shalay la aasay Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax  ayaa waxaa kalimaad kale duwan  ka jeediyey culimo kale duwan oo ka soo qayb gashay duugta Shiikh oo ka kala yimid Gobollada dalka Soomaaliya, Culimada maanta ka hadlay koobta aaa waxaa ka mid ahaa Sheekh Yuusuf aadan oo ahaa saaxiibka gaarka ah ee Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax oo taariikh dheer ay isla soo mareen , Sh.Yuusuf Aadan oo... 

Sh Mustafe Xaaji Ismaaciil oo ka hadlaya xalka Soomaalida (MAQAL IYO MUUQAAL)

Sh. Mustafe Xaaji Ismaaciil oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee aadka loo jecel yahay, ayaa muxaadaro uga hadlaya xalka umadda gaar ahaan kan Soomaalida. Muxaadarada Sheekha oo aad u xiiso badan hoos ka daawo kana faa’iideyso.            Read More »

Wafdigii culumada oo hawlo kala duwan ka qabtay magaalada Gaalkacyo

Wafdigu wuxuu soo gaaray magaalada habeenimadii jimcaha ee 24/01/13. Intii uu joogayna wuxuu muxaadarooyin iyo kalimado waano iyo wacyigalin ah ka jeediyey masaajida Abuuhureyra, Salaaxu diin, Shaafici iyo Nuurul-yaqiin. Wuxuu la yeeshay maamulka dacwada gobolka iyo odayaasha magaalada fadhiyo lagaga wada hadlayey dardargalinta dacwada gobolka Mudug, tayaynta waxbarashada diiniga ah, walaalaynta bulshada... 

Wafdigii culumada ahaa oo booqday degmada Xarfo iyo deegaanka Bacaadweyn (Sawiro)

Waxaa soo gaaray magaalada xarfo wafdigii culumada ahaa ee  uu hogaaminayey Sh. Axmed C/samad 24-01-13, halkaana waxaaa ku soo dhaweeyey gudoomiyaha degmada C/laahi Faarax Bayle, Sh. C/qaadir Cumar Awdheere iyo Sh. Axmed Maxamed Guuleed. Ka dib culumadu waxay booqdeen dugsiga Daarul Qur’ aan oo ay dhigtaan 370 arday, waxaana ardayda kalimad wacdi iyo dhiirrigalin ah u soo jeediyey Sheekh Xabiib... 

Muxaadarooyinkii ka qeyb galka golayaasha dowladaha ee Sh. Shible oo maqal iyo muuqaal ah.

Sh. Maxamuud Sh. Maxamed Shible, ayaa  Muxaadaro uu uga hadlayo ka qeyb galka golayaasha dowladaha ka bilaabay Masaajidka Hidaaya. Sh. Shible, ayaa ugu horreyn sheegay in muxaadaradu socon doonto saddex maalmood oo maanta ka bilaabatay, wuxuuna sheegay in inuu ka hadlidda mowduucaan u doortay arrimo ay ka mid yihiin:- 1- In waayadan dambe ay jiraan dad masaa’ishan dadka ku gaaleysiiya, dhiig iyo... 

Sh. Maxamuud Shible oo soo afmeerey Muxaadaradii uu uga hadlayey ka qeyb galka golayaasha dowladaha.

Sh. Maxamuud Shible, ayaa  soo afmeerey Muxaadaradii uu uga hadlayey ka qeyb galka golayaasha dowladaha. Sh. Shible oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay masaajidka Hidaaya ka waday Muxaadaro uu uga hadlayey ka qeyb galka golayaasha dowladaha, ayaa shalay ku soo afmeerey qeyb uu uga hadlayey Sh. Xassaan Xuseen, taasoo uu ku soo bandhigay hadallo maqal iyo muuqaal ah oo uu Sh. Xassaan ku kala hadlay,... 
© 2008-2013 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno