Home » Suugaan
Gabay: Dilkii Sheekh Cabdulqaadir Nuur –WT Maxamuud Axmed Cabdalla(shiine)
Dhammaan ummadda Soomaaliyeed waa salaamaynaa. Gabaygan waxa Abwaan Maxamuud Axmed Cabdalla (shiine) kaga qisoonayaa dilkii bahalnimada ahaa ee loo geystey Alwaalid-Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax, oo Garoowe Masjidka Beder lagu dhex dilay. Gabaygan waxa abwaanku ku xusayaa Sheekha dabeecadihiisii, khayrbadnidiisii, isla markaana waa ugu ducaynayaa. Akhris wanaagsan, codkiina naga suga dhowaan.
Wuxu...
Suugaanta Soomaalida & Afka Soomaaliga
Afka Soomaalidu waa af ballaaran, erayadiisuna badan yihiin si loo fiiriyaba hadal iyo hawraar, maanso iyo maahmaah, gabay iyo geeraar, masaal iyo madaddaalo, hees iyo hello, sheeko iyo qorriin iyo qun-u-hadal, gees loo dayaba waa af hodan ah ee Eebbe Weyne u yeelay murti bad ah iyo miro macaan ka buuxaan , nuxur, qoto dheeri iyo xigmadina u sii dheer yihiin.
Haddaad eegto af-Soomaaliga qaayihiisa,...
Abwaan Siciid Qase oo maanso ka tiriyey Dhaqanka.
haduu dhaqankeeni dhumay
haduu ceeldheer ku dhacay
haday dhalintii lumeen
haday dhaafeen dharkii
dhugiyo dhaclahaba lahaa
haday dhagahaba durteen
howraarta hadaan ka dhaho
hayaydiyo dhawaaqa iyo
hirkaan dheeliga nabaday
qofkii dhiiglee wanaagsan
dhadhama raac kaan ahayn
dhadiyo ceeryaan dhexroorin
ilaah aan talada dhaafin
dhulkiyo ciidaa korkeeda
aakhiro asagaan ladhaamin
haduu dhaqan keen dhantaal...
Mid ka mid ah hal-abuurada Soomaaliyeed oo suugaan uga hadlay colaadda Gaalkacyo.
reer mudug dabkii galay ayaa gaaray dunidiiye
holacii runtii daaray baan cidi dawaynayne
maan garan wixii laysu dilay oo dagaal badaye
dad waxay ahaayeen xigaaloo misana dhalasho doorroone
isir qura kasoo deexmayoo ul iyo diirkeeda
raas wada degoo waxay ahayd kal diqoonayne
dannigayga marna kama sugayn inay dagaalaane
hayeeshee col baa laysku dumay noo cabbaabada’e
dariiqaa raggeenii la dhigay...
Maanso cusub oo Abwaan Maxamed Warsame Hadraawi ka tiriyey qaadka
1. Uub baad ku jirtaa qarsoone,
2. Ka soo baxa iilka Qaadka,
3. Adduunka ragoow mar kaalay,
4. Abuurtiyo heega daawo,
5. Awoodaha saaran daawo,
6. Falaadkiyo alabbadeeda,
7. Ilaah samihiisa daawo,
8. Udbaha iyo teedka daawo,
9. Aloolka ku jeeran daawo,
10. Hagoogta aslaysa daawo,
11. Cadceedda ifaysa daawo,
12. Ilwaadkiyo nuurka daawo,
13. Abaabul-caddaanta daawo,
14. Ummuuraha toosay daawo,
15. Dayaxa...
Gabay lagu difaacayo Nabiga, abawaan Abshir Bacadle
Maxay ahlu towxiidku sugi waa su?aal furane,
Sanka miyaa bir laga galiyayoo seeto lagu taagay,
Suddan miyaa qalbiga nooga xiran samaha diideysa,
Cawinaad miyaa nalagu sabay sun iyo dhuunkaal ah,
Ma wax Nabigii lagu seejiyaa gacanta loo saaray,
Waxay sahala ugu eegayaan waa saqiifnimo?e,
Usaamiyo Sarkhaawiba walley naga saxnaayeen,
Haddaan labadaa saacidi lahayn sidan ma joogneene,
Ninkii xaar...
Gabaygii: Alifyeen; Sheekh Cali Majeerteen
Gabaygan wuxuu ka mid yahay gabayyadii Sh. Cali Cabdiraxmaan Fiqqi Khayrre (Sh.CaliMajeerteen), tiriyey abbaarihii sannadkii 1835tii badhtamihii qarnigii 20aad.
Alifyeen adduun waa socdee uunka bal u sheega
Allawshahakan baas iyo ka tagay amar ku dheeraadka
Ninba ururka dhow buu la iman ` eed wuxuu falaye
Ajashiin intii aanay iman toobadda ogaada.
Beyteen mindhaa booligii layska burinmaayo
Banka...
Gabay:Hami: Raage Ugaas
Gabaygan Hami la yidhaahdo, wuxuu abwaanku ku fasilayaa riyo uu habeen ku riyooday waa sida gabaygu u dhacayee Haddii aad hayso qisadan oo dhan noo soo gudbi fadlan. waxuu yidhi:-
Xalay Isniintii waxaa i helay toban umuuroode
Asal gama’na ways idhi hurdana uurka kama seexan
Indhahana makala qaadihayn, aragna way muuqday
Afka kama dhawaaaqayn hadana, aamus ma aan yeelan
Ogaan uma qoslayn...
Gabay:Guda Ammuurtayda; abwaan Qamaan Bulxan
Gabayagan waxaa tiriyey Qamaan, waxuuna u diray reer sheekh cabdille oo u sii dhiibay Aw cumar isagoo maqlay in Afadiisi Barni sheekh cabdille laga furayo oo nin kale loo meherinayo,gabaygani sidaad buu ku yimid waxuu yidhi Qamaan sidan
Aw Cumar gaddoontaye haddaad naga guddaan caawa
Rabbi ha idin geeyee haddaad gama’mulayn weydo
Ood gaanbisaan socoto way galan galcootaaye
Guluf iyo lugooyiyo...
Gabaygii: Jaamac Dayuurad
Abwaan Jaamac dayuurad baa markii Abaartii dhacday dabo-Dheer 1975 baa xaaskiisi ku eedaysay dhibaatada reerka soo gaadhay oo haarantay , markaas isna waa garaysan waayey waxa marwadiisu ugu cadhaysan tahay kolkaas buu gabaygan tirshay oo kaga waramayo waxyaalaha aduunka ka dhacay inay ku eedaynayso siday ugu eedaysay Abaarta markaas taagan waxuu yidhi Abwaanku
...........................................................................................
Naahooy...
