Home » Qoraalada Maxamed Nuur
Waddan aan Waddaniyiin laheyn waa Guri aan gabbaad laheyn.(2aad)
Qormada qeybteedii hore waxaan uga soo hadlay horudhac aan ka sameeyey halka Soomaalidu waddaniyadda ka taagan tahay iyo tusaalayaal aan ka soo qaatay laba qeybood oo ka mid ah bulshada, waxaana inoo harsanaa qeyb kale oo ka mid ah Soomaalida, waana Wadaaddada.
Inta aanan u guda gelin qeybtaan aan isku dayo inaan ka jawaabo su’aal uu isweydiin karo qofkii qormadii hore soo akhriyey, taasoo...
Waddan aan Waddaniyiin laheyn waa Guri aan gabbaad laheyn.
Waddan aan Waddaniyiin laheyn waa Guri aan gabbaad laheyn: waa qormo aan ku qaadaa dhigi doono sida ay waddaniyiintu ugu yar yihiin dadka ku hadla luuqaddan aan qalinka u qaatay inaan amuurtan ku lafa guro.
Dadka Soomaaliyeed intooda badan waa reer guuraa asal ahaan, sida la wada ogyahayna dadka reer guuraaga ah majirto meel ay si gaar ah u leeyihiin, qofka miyiga ka war qaba ayaa garanayee, reer...
Si fiican Isu Eeg Inta Aan Lagu Eegin.
Qofka bini’aadamka ahi, markuu halka uu deggen yahay ka soo baxayo wuu isa soo eegaa. wuxuu isku fiiriyaa Muraayad, hadba tii uu heli karo, wixii aan hagaagsaneyna halkaas ayuu isaga soo masaxaa.
Wuxuu soo aadaa halka uu ku socdo, meel uu ka shaqeeyo ha ahaato, ama meel uu ku shaaheeyo, ama meel uu wax kabarto, amase meel uu dan ka leeyahay. dadka uga horreeya halka uu ku socdo waxay wataan...
Burburinta Buulka Caarada. W/Q: Maxamed Nuur Shire.
Mahad oo dhan ilaahay ayey u sugnaatay, nabad galyo iyo naxariisna ha ‘ahaato nabigeena dushiisa (SCW).
Horudhac
Inta aanan u guda gelin qormadaan Burburinta Buulka Caarada, waxaan in yar ka bidhaaminayaa cinwaanka qormada:
Buul-Caaro, wax guri laga dhigto isagaa u liita, maxaa yeelay, Qorax, Dhaxan, Roob iyo Cadow midna kaama difaaci karo.
“Haddii Buulka Caaradu sidaas u liito maxaa loo...
Saxane oo Sahal isu beddelay qeybtii 2-aad. W/Q: Maxamed Nuur Shire.
Waxaa isugu kaaya dambeysay iyadoo Saxane ay ku soo food laheyd marxalad cusub. Waxaan kala tagnay Saxane oo su’aalo badan jawaab u la’, kuwaasoo qaarna uga imaanayeen dadka kale, kuwa kalena ay ka soo maaxanayeen Maskaxdiisa. Halkanna waxaan sheekada uga baxeynaa Sahal oo ah magaca cusub ee Saxanihii hore, waxaana magacan uu ku baxay sababahan:
1- Saxane wax walba meesha ugu adag ayuu iska taagi...
Saxane oo Sahal isu bedelay. (Qiso dhab ah) W/Q: Maxamed Nuur.
Saxane oo Sahal isu beddelay waa Qiso dhab ah oo ka hadleysa qeyb ka mid ah arimaha ka jira Soomaaliya, waxayna sheekadu u dhaceysaa qaab ka qiseyn ah.
Ugu horeyn aan kuu kala sheego labada magac ee is-bedelay, si aad sheekada u dhuuxdo. waa hal qof, balse laba xili soo maray. Markii hore waxaa la dhihi jiray Saxane, markii dambana waxaa loo bixiyey Sahal. haddaba aan idin kala baxo adiga iyo Saxane,...
Alla Sheekadu macaanaa.
Siyaabaha dadku isugu imaan karaan oo sheeko ku wadaagi karaan ma ahan mid sharraxaad u baahan. Waxaa jira dad sheeko wadaag ah oo ay isugu baxdo, waxaa kale oo jira dad isku cusub oo fadhi uu kulmiyey si kastaba ha isugu yimaadeene. waxaa dhacda marmarka qaarkood in qofi dad u sheekeeyo, haka codsadeen ama yeyan ka codsane, haku talagalo in warkiisu meel fog gaarayo ama yuusan u dhug lahaane.
Haddii...
Al-Shabaab,Towxiidka, Shareecada iyo Muslimiinta.
Horudhac
Towxiidka waa kalmadda furaha u ah Islaamnimada, macnaheeduna waa, in cid xaq lagu caabudo ayan jirin Illaaha weyn maahee, qeybta kalena waa, in Nabi Muxamad loo qiro inuu yahay rasuulkiisa. qofku marka uu intaas ku dhawaaqana waa qof Muslim ah oo Illaahay rumeeyey, wixii intaas ka dambeeyana waxaa laga rabaa inuu la yimaado ficiladii kale ee Muslimiinta laga rabay, sida Salaadda, Zakada,...
Is-fahmi waaye ee aan ukala ergeyno.
Is-fahmi waaye ee aan ukala ergeyno, waa qormo aan ku lafa guri doono sida la isu fahmi waayo iyo sababaha keena is-fahan waaga.
Horu dhac
Dadka Illaahay adduunka keenay waxaa jira waxyaabo ay isku fahmaan oo isu soo jiida, waxaana ka mid ah:
Af ka dhexeeya
Deegaan ka dhexeeya
Dad ay isla garanayaan
Wax ay wada xiiseeyaan
Inahaasi iyo kuwa kale oo aan ka tagayba waxa ay ka qeyb qaataan in bulsho...
Mujaahidiinta Fadhi ku-dirirka.
Mujaahidiinta Fadhi ku-dirirka, waa qormo aan ku qaadaa dhigi doono dhaqannada cusub ee ay soo kordhiyeen qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed.
Barasho wanaagsan
Mujaahidiinta Fadhi ku-dirirka waa qeyb ka mid ah taageerayaasha koox ka mid ah kuwa ku hardamaya waddanka Soomaaliya, waxaana ay sheegtaan inay iyagu afka ka jihaadayaan.
Mujaahidiinta fadhi ku-dirirka waxa ay ka kooban yihiin 3 qeybood...
