Home » Wararka
Xubnaha Al-Shabaab oo ay ka dhex bilaabatay inay isku yiraahdaan “Murtad”
Xubnaha xarakada Al-Shabaab, ayaa waxaa ka dhex bilaabatay inay isku yiraahdaan ereyga “Murtad”.
Ilo xogogaal ah, ayaa sheegaya in garabyada ay u qeyvsameen xubanaha hoggaamiyaha xarakada Al-Shabaab, ay hadda isu adeegsadaan ereryga aadka u culus ee ” Murtad”, kaasoo macno ahaan ku qotoma qof diinta Islaamka ka baxay.
“Kooxda la safan Abuu Zubeyr markay ka hadlayaan...
Mooshinkii ka dhanka ahaa xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’isul wasaare Saacid oo sii xoogeysanaya.(Daawo)
Mooshinkii ka dhanka ahaa xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’isul wasaare Saacid ayaa sii xoogeysanaya.
In badan oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka, ayaa xiligan wada qorshe ay ku ridayaan xukuumadda uu madaxda ka yahay Ra’isul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon, iyadoona tan iyo intii la dhisay dowladda federaalka ee KMG kiina laga baxay aan la maqlin wax khilaaf ah.
Xildhibaanada ka biyo diidan...
Madaxweynaha federaalka Soomaaliya oo si adag uga hadlay arrinta Jubbooyinka iyo Somaliland (Daawo)
Madaxweynaha federaalka Soomaaliya, ayaa maanta si adag uga hadlay arrinta Jubbooyinka iyo Somaliland.
Madaxweynaha oo maanta ka hadlayey munaasabad lagu furayey xarun waxbarasho oo dowladda Turkoga hirgelisay, ayaa sheegay in uu ka digayo colaad ka dhacda gobolaha Jubbbooyinka, wuxuuna carrabka ku adkeeyey in doorashadii dhawaan ka dhacday ay aheyd mid ayan u dhammeyn dadka deegaanka, sida uu hadalka...
Wafdi ka socda IGAD oo saaka gaaray magaalada Kismaayo
Waxaa saaka soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose gudigii xaqiiqa raadinta IGAD waxaana uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxweynaha Juba Land Sheekh Ahmed Madoobe.
Gudiga xaqiiqo raadinta ee Ururka IGAD ayaa laba maalmood waxaa ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho iyaga oo kulamo la qaatay Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxmuud iyo Raisulwasaare Saacid .
Wafdiga Ururka IGAD...
Kaluumeysatada gobolka Bari oo ka cabaneysa Maraakiibta Shisheeyaha.
Kaluumeysatada gobolka Bari ayaa waxa ay sheegeen inay dhibaato xoog leh ku qabaan Maraakiibta shisheeye ee ku sugan xeebaha gobolka.
Qaar ka mid ah kaluumeysatada gobolka Bari, ayaa waxay sheegeen in ay dhibaato xoog leh ku qabaan Maraakiibta shisheeye ee ku sugan xeebaha gobolka, iyagoo ku nuux nuuxsaday in qaar ka mid ah Kaluumeysatada ay dil iyo xarigaba u geystaan ciidamada shisheeye ee ku...
AMISOM oo sheegtay inay dowladda federaalka Soomaaliya uga dambeyneyso arrimaha Jubbooyinka.
AMISOM, ayaa sheegtay inay dowladda federaalka Soomaaliya uga dambeyneyso arrimaha Jubbooyinka.
Afhayeenka ciidanka AMISOM, Col. Cali Aadan, ayaa sheegay in ciidanka AMISOM, ay ku dadaalayaan sidii ay u caawin lahaayeen dowladda federaalka Soomaaliya, isagoona intaas ku daray inay dowladda uga dambeeyaan siyaasadda ay ka leedahay gobolada Jubbooyinka.
Afhayeenka oo wareysi gaar ah siinayey idaacadda...
Ra’isul wasaare Saacid oo maanta Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socday IGAD. (Warsaxaafadeed)
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, saraakiil sare oo ka tirsan xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay wafti ka socda urur goboleedka IGAD oo labadii maalmood ee ugu danbeeyey booqasho ku joogay magaalada Muqdisho.
Waftigaan imaatinkiisa Soomaaliya waxa lagu go’aamiyey shirkii...
Xubnaha Al-Shabaab ee ka soo horjeeda hoggaamiyahooda oo qeyladii ka dhammaatay iyo hoggaanka Al-Qaaccida oo war laga la’yahay.
Xubnaha Al-Shabaab ee ka soo horjeeda hoggaamiyahooda, ayaa qeyladii ka dhammaatay, iyadoo hoggaanka Al-Qaaccida war laga la’yahay.
Xubno ay ka mid yihiin, Sh. Xasan Daahir Aweys, Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, Fu’aad Maxamed Khalaf, Ibraahim Afgaan iyo Abuu Mansuur Amriki, ayaa dhawaanahan waxa ay hoggaamiyaha Al-Shabaab ku eedeynayeen arrimahan hoos ku taxan:-
1-Inuu marooqsaday taladii...
Sh. Xasan Daahir Aweys oo shaaca ka qaaday inuu jiro dagaal dhex maray xarakada Al-Shabaab. (Dhageyso)
Sh. Xasan Daahir Aweys. ayaa shaaca ka qaaday inuu jiro dagaal dhex maray xarakada Al-Shabaab.
Sh. Xasan Daahir Aweys, oo wareysi gaar ah caawa siiyey tv ga Somalichannel, ayaa sheegay inuu soo saaray warsaxaafadeed uu ku diiddan yahay qaab dhaqanka hoggaanka sare ee xarakada Al-Shabaab, wuxuuna qiray inuu jiro dhiig badan oo xaaraam ah oo xarakadu daadineyso, kaasoo uu sheegay inaan leysku raacsaneyn.
Shacabka...
Urur siyaasadeedka Midnimo oo baaq ka soo saaray xaaladda Puntland.
Urur siyaasadeedka Midnimo, ayaa waxa uu baaq ka soo saaray xaaladda Puntland.
Baaq uu ku saxiixan yahay guddoomiyaha Xisbiga Midnimo, ayaa waxaa soo saaray ururka, iyadoo warsaxaafadeedka looga hadlay xaaladda ay hadda mareyso Puntland, wuxuuna warku u dhignaa sidan:-
Halkan ku dhufo
Read More »
