Home » Maqaallo
Al-shabaab oo culumada Soomaaliyeed u markhaati furay. W/Q: Sh. Axmed C/samad
Fatwada ay rag ka mida hoggaanka Al-shabaab ka soo saareen isku-dayga dilka Abuu Mansuur Al-amriiki qodobo muhiim ah ayay taabatay, waana qodobo dhamaan culumadu horay uga hadleen, fatwadaana ay uga marag furtay. Qodobadaas wixii ay ka dheheen waxaa ka mid ah:
1. “Culumada waxaa Ilaahay ballan kaga qaaday in ay cilmiga caddeeyaan oo aysan qarin, kuwa qariyana wuu ceebeeyey”. Waa hadalkii ay...
Al-shabaab aad bay u mahadsanyihiin! Axmed C/samad
Qayb ka mid ah hoggaanka xarakada Al-shabaab ayaa waxay sameeyeen wax loogu mahadnaqo.
Waxay caddeeyeen xaq badan oo Xarakada dhexdeeda ku lunsanaa, waxayna ka digeen dulmi iyo baadil badan oo xarakadu caadaysatay, horayna aan la isaga reebi jirin.
Waxyaabaha muhiimka ah ee raggaas hoggaamiyeyaasha ah ay mudanyihiin in looga mahadceliyo waxaa ka mid ah markhaatiga ay u fureen culumadii muddada...
Muhiimada Shirka London iyo waxyaaba uu xanbaarasan yahay!! W/Q: Wariye Najah Mohamed Ali
Ayadoo 23-kii bishii Febraayo ee sanadkii aynu soo dhaafnay ee 2012, lagu qabtay Magaalada London ee xarunta dalka Britain shir looga hadlaayay arrimaha Somalia, ayaa maanto oo taarikhdu ay tahay 7-da bisha Maajo sanadka 2013 waxaa lagu wadaa in shir kale oo looga hadlaayo arrimaha Somalia uu ka furmo isla magaalada London.
Shirkaan ayaa waxaa lagu casuumay iney ka qeyb galaan in ka badan 50,...
Ina samweyne iyo beertii xoolaha. W/Q: C/risaaq Ismaaciil Xaashi (Cirro)1-aad
Ina sanweyne, wuxuu lahaa saddexda meesi ee la dhaqdo; geel, ari iyo lo’. Intaas waxaa u weheshay
dameero iyo fardo.
Haddaba xoolihii uu lahaa ina sanweyne ayaa colloobay, waxayna isu qoomeen meesimeesi. Ka dibna
waxay u cawdeen odaygii ina sanweyne ahaa nasiib darrose wuu kala saari waayay. Markii ay waqti
dheer ku soo laalaabanayeen ayaa meesi walba dhiniciisa u go’aansaday in uu samaysto...
Kadib aqal-galkeenii hal Bil, haday ahaan lahayd laba bilood !!
Waxuu ka sheekeynayaa saaxibkeenaan dhacdo qabsatay . . Wuxuuna yiri:
“ Waxaan u soo galay lana kulmay habeenkaan kadib aqal-galkeen hal Bil, Allah!
Haday ahaan lahayd laba bilood !!.
Waxaan ku iri: “ Isdaji, seed ku dooratay,, mase taqaanay ayada ka hor intaadan
guursan ??” . .
Waxuu igu yiri: “ waxba kama anan aqoonin, balse walaalahay baa amaanayey . .
Waxay kasoo jeeday Magaalo nagafog,...
Saaxiibkaan yeeshaba Maxaa Seymo Lagu Reeb Ka DHigay?! W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan.
Norway iyo annaga maxaa ina kala haysta, reerayowga aan deriska nahay yaa u sheega macaanka aad innagu aragteen qaraar/xaraar la mid ahna waan leenahay, waa run waan dhuudhuubannahay, laakiin laynagama xoog badna, waa run waa nolol jecelnahay laakiin ma garan waayin in geeridu marar ka sharaf badantahay nolosha! Waan madownahay laakiin midib kale annagoon caayeeyn hadana keenaan ka jecelnahay!
Ha la...
Dabaqadda Aragga. W/Q Cabdullaahi Janno
“War kaas aniga laxna kuma aamineen,” ayuu lahaa Oday fadhiyay maqaaxi laga shaaheeyo, “tolku way ku qasaareen. Cadowgiisa ma yaqaanno. ”
Waxaa isla markaasna soo galay nin Saalax la yiraahdo.
“Waa doqonkaan oo kale,” ayuu yiri Odaygii, “kanna cadowgiisa ma yaqaanno.”
“Adeer hee? Maxaad galabta igu maagtay?” ayuu la soo booday Saalax oo qoslaya.
“Aabbahaa dhanna kama aadan raacin,”...
Maxay ku nuugtaa, maxayse ka nuugtaa..W/Q Sh .Abdirisaaq Sugulle Maxamed
Mahad oo dhan Allah ayay u sugnaatay, Nabadgelyo iyo naxariisna suubanaheenii Muxamed korkiisa ha ahaato.Intaa dabadeed.. Cinwaanka kalimadan gaaban waxaa ay salka ku haysaa, sida soomaalidu tiraahdo : dhurwaa baa intuu hashiina candhada goostay, nirigtiina afka tiray, ayuu intuu isu gaagixiyay markii ay nirigtu aaday dhinicii hasha uu yiri : maxay ka nuugtaa, maxayse ku nuugtaa.
Arinkani wuxuu qalbigayga...
Iko matata – dhib ayaa jirta – W/Q: Burhaan Axmed Maxamed.
Qof walaba oo Muslim ah marka uu maqlo Erayga Mujaahid waxa ku soo dhaca
Qalbigiisa tilmaamaha wanaagsan ee uu leeyahay Qof walba oo Mujaahid ah
tilmaamahaas waxaa kamid ah
• In uu yahay hadafka Mujaahidku u qaatay Qorega hirgalinta ama ku
dhaqanka shareecada Islaamka sidaas darteed ay waajib ku tahay in uu
kabilaabo naftiisa, hadii aysan ku sifoobin Mujaahiduuntu tilmaantan ah ku
dhaqanka shareecada,...
Digtoor Bashiir Dadkaa u Baahane Dooxiddiisu Dow Maaha. W/Q: Maxamed Nuur Shire.
Digtoor Bashiir Dadkaa u Baahane Dooxiddiisu Dow Maaha, waa qormo aan kaga faalloon doono sida Digtoorku muhiimka ugu yahay dadkiisa.
Digtoor Bashiir waa kuma?
Digtoor Bashiir Axmed Salaad, sanadkii 1957 dii, ayuu wuxuu ku dhashay deegaanka Magaalada Gaalkacyo, waxaana Sheekhu markii uu dabka ka leexday waalidkiis ku dareen dugsi lagu barto qur’aanka Kariimka ah, dugsigaas ayuuna qur’aanka...
