Home » Archive for August, 2011

Ra’isul wasaaraha xukuumadda KMG ah oo weli kulamo uga soconayaan magaalada Garoowe.

Ra’isul wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya Prof. C/wali Maxamed Cali ayaa waxa magaalada Garoowe uga socda kulamo uu la leeyahay mas’uuliyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Prof. C/wali oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Garoowe ee xarunta u ah Puntand, ayaa waxaa uu kulamo la lahaa Madaxda dowladda Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Ra’siul... 

Dhaq dhaqaaqyo xoogan oo loogu diyaar garoobayo Ciidul Fidriga oo ka soconaya Suuqyada Magalaada Muqdisho.

Dhaq dhaqaaqo  ganacsi oo aad u xoogan islamarkaana loogu diyaar garoobayo Ciidul Fidriga ayaa waxa ay ka soconayaa Suuqyada ugu waaweyn Magalaada Muqdisho. Xilli ay fuuda nagusoo hayso Munaasabada Ciidul Fidriga, ayaa diyaar garow kii ugu xooganaa oo loogu diyaargaroobayo Ciidul Fidriga waxa ay ka soconayaa Suuuqayada ugu waaweyn Magaalada Muqdisho. Goobaha ay sida aadka ah diyaar garowgu uu uga... 

Duufaano Xoog leh oo Maraykanka ku dhuftay

Sida ay sheegtay jariirad ka soo baxda gobolka ay dabaylaha xun ku dhften; ilaa iyo hadda waxaa ku dhintay masiibadaan ballaaran laba ruux oo midna geed ku soo dhacay midna naxdin wadnuhu la istaagay. Sida ay sheegeen masuuliin sarsare oo ka tirsan bobolka, waxaa guryohoodii isaga cararay, 90% dadkii ku noolaa Atlantic city  oo ku taallay xeebta lagu raaxaysto, iyada oo sidoo kalena ay isaga bexeen... 

Dowladda Puntland oo ciidamo dheeraad ah u soo dirtay Gaalkacyo.

Ciidamo  badan oo ay hoggaaminayaan taliyaasha Bileyska Puntland ayaa waxa  soo gaareen magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug. Taliye kuxigeenka ciidanka Bileyska Puntland,  oo horkacaya ciidamo badan oo ka mid ah Booliska Puntland ayaa waxa ay shalay galinkii dambe soo gaareen magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug. Ciidanka iyo saraakiisha ugu sareysa bileyka Puntland, ayaa waxa ay wateen... 

Ra’isul wasaaraha xukuumadda KMG ah oo Garoowe kula shiray Madaxweynaha Puntland.

Ra’isul wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya Prof. C/wali Maxamed Cali ayaa magaalada Garoowe waxa uu kula kulmay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole. Ra’isul wasaare Gaas oo sha;ay tagay magaalada Garoowe xarunta dowladda Puntland, ayaa isla xalay kulan la qaatay Madaxweyne Faroole, waxaana kulanka labada dhinac uu ku qotomay xiriirka u dhexeeya dowladda KMG Soomaaliya, iyo... 

Xaaladda ammaan ee Gaalkacyo oo waji cusub gashay.

Waxaa magaalada Gaalkaco caadi ka noqday dilal joogto ah, kuwaas oo lala beegsanayo; cuqaasha, isimada, culimada, siyaasiyiinta, ganacsatada, saraakiisa sarsare iyo cid alle ciddii lagu tuhmo in ay ummadda wax u tari karto. Dadka ku nool magaalada Gaalkacyo gaar ahaanna waxgaradka ayaa ahaa mayti socota, iyada oo marka qofku magaalada u boxo uusan kalsooni weyn ku qabin inuu nabad ugu laaban doono... 

Siirada Rasuulka (SCW) Casharka 4-aad: DHALASHADII & BARBAARINTII RASUULKA SCW

Wuxuu Rasuulka SCW dhashay sannadkii Caamul-fiil, maalin Isniin ah oo bisha Rabbiicul-awal ahayd laba iyo toban, 53 sano hijrada ka hor. Markuu dhashay waxay hooyadiis u cid dirtay awaawgiis Cabdimudhalib oo ay ugu bishaareyneysey dhalashada Nabiga SCW, Cabdimudhalib waa uu bishaareystey wuxuuna tegey kacbada oo uu Alle ku baryey wuuna ku shukriyey, Rasuulka SCW wuxuu u dooray magaca Maxammed oo ahaa... 

Siirada Rasuulka (SCW) Casharka 3-aad: QODIDDII SAMSAMKA IYO NADARKII ABDI MUDHALIB

Maalin ayaa Cabdimudhalib oo hurda manaam loogu yimid lana amray inuu faago ceelka samsamka oo muddo hore duugmay, meel uu ahaana aan la garanayn. Manaamkii ayuu ku weydiiyey meeshuu ceelku ahaa waana loo sheegay. Goortuu hurdadii ka kacay ayuu meeshii tegey isaga oo uu la socdo wiilkiisii Xaarith oo uu markaas carruur ka qabay wuuna qoday. Markii ceelkii la helay ayaa qureysh kula doodday oo tiri:... 

Siirada Rasuulka (SCW) Casharka 2-aad: Dulaankii Abraha ku soo qaaday Kacbada.

Abraha oo ahaa nin xabashi ah oo yaman wakiil uga ahaa boqorkii xabashida ayaa markuu arkay sida carabbi kacbada ugu xajineyso waxaa galay maseyr markaasuu magaalada Sanca ka dhisay kaniisad aad u weyn isagoo raba inuu carab ka jeediyo xajkii ay kacbada u xajin jireen. Arrintii ayaa waxaa maqlay nin reer bani kinaana ah markaasuu kaniisaddii tegey oo qibladeedii wasakheeyey. Abraha markuu arrintaa... 

Siirada Rasuulka (SCW) Casharka 1-aad Nasabkii Rasuulka.

Sida la wada ogsoon yahay nasabka Rasuulka SCW ama abtirisiinyihiisu wuxuu galaa nabiyullaahi Ismaaciil oo uu dhalay nabi Ibraahim. Abtirsiinyada nabiga SCW waxay u qaybsantaa saddex qaybood: Qaybta u hooreysa marka nabiga SCW laga soo bilaabo waxay ku eg tahay ilaa Cadnaa, waana qayb culimada islaamka oo dhan ay isku waafaqsan tahay isla markaasna la hubo sixadeeda; Qaybta labaad oo iyaduna ka bilaabato... 
© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno