Home » Archive for September, 2011

Ugu yaraan 8 askari oo NATO ciidankeeda ka mid ah oo Afgaanistaan lagu dilay

Ugu yaraan 8 askari oo ka tirsan ciidamada Isbeheysiga NATO ayaa waxaa  lagu dilay  waddanka Afgaanistaan. Ciidamada NATO laga dilay ayaa 3 ka mid ah waxa ay dhinteen maalintii Arbacada aheyd ee la soo dhaafay, ka gadaal markii miino ay kula kacday koonfurta waddanka Afgaanistaan. Sidoo kale 3 askarii oo kale ayaa lagu dilay bariga Afgaanistaan, waxaana jirta in min hal askari siyaabo kala duwan... 

Dagaal maanta ka dhacay degmada Dhoobley.

Dagaal xooggan oo u dhexeeyey ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta  ka dhacay degmada Dhoobleey ee ku taala xuduudda Kenya. Dagaalka ayaa bilowday ka gadaal markii ciidanka xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay weerar ku qaadeen degmada Dhoobley, halkaasoo ay kula dagaalameen ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa uu hoggaamiyo Sheikh Axmed Madoobe oo iskaashi uu ka... 

Ciidamada ammaanka Siiriya oo sii wada leyntii ay ku hayeen shacabka ka soo horjeeda.

Ciidamada ammaanka ee waddanka Siiriya ayaa  waxa ay dileen ilaa 27  qof , kuwaasoo dalkaas ka wada cabasho ay ku diiddan yihiin  nidaamka dalkaas. Ciidanka Siiriya ayaa rasaas oodda uga qaaday   dadweyne badan meelo kalaa duwan oo waddanka ah, waxaana dadkaas intooda badan lagu dilay bartamaha wadanka. Dadka ayaa la dilay ayaa waxaa ka mid ah askar ka soo horjeesatay sida uu wax ku wado Madaxweynaha... 

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii.(Casharkii XII-aad)

Sida aanu soo xusney guutooyinkii u adeegayay xooggii gumeystaha, waxaa lagu soo ururshey degmada Eyl. Dabadeed waxay guda-galeen howl-galladii weerarka ahaa oo ay kaga hor-tegayeen dagaalyahaniintii axraarta ahayd. Ciidamadii Talyaanigu watay iyaga oo laba af ah ayaa waxay u hayaameen dhanka waqooyi. Ciidan waxay qaadeen dhulka xeebta ku dhereran ee degmada Eyl kaga began waqooyiga, degaankana dhanka... 

Baarlamaanka Switzerland oo mamnuucay in Indhashareerka lagu qaato goobaha leysugu yimaado.

Baarlamaanka dalka Switzerland  oo Dumarka Muslimiinta ka mamnuucay in Indhashareerka ay ku qaataan goobaha ay bulshadu ku kulanto. Fadhi ay  yeesheen golah Baarlamaanka  ee waddanka Switzerland, ayaa lagu mamnuucay in dumarka Muslimiinta ay Indhashareerka ku qaataan goobaha ay bulshadu ku kulanto. Qaanuunkan lagu mamnuucay Indhashareerka gabdhaha Muslimiinta ah ay qaataan, ayaa lagu sheegay mid... 

Duleedka Magaalada B/xaawo oo saaka lagu dagaalamay.

Duleedka Magaalada B/xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxaa saaka uu dagaal ku dhex maray ciidamada xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo ciidamada dowladda KMG ah. Dagaalka ayaa waxa uu yimid ka gadaal markii ciidamo ka tirsan xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay jidyooyo ku sameeyeen ciidamo dowladda KMG ah oo ku socday degmooyinka kale ee gobolka qaarkood. Ilaa hadda tiro rasmi ah lagama hayo dhimasho iyo dhaawacba,... 

Culimadeenaay Waad na Caawiseene Camalka sii wada. (qeybta 3-aad)

Culimadeenaay Waad na Caawiseene Camalka sii wada: waa qormo qaadaa dhigeysa heerka ay gaarsiisan tahay Dacwada Culimada Soomaaliyeed ugu yeerayeen dadkooda. Mahad oo dhan ilaahay ayey u sugnaatay, nabad galyo iyo naxariisna ha ahaato nabigeena dushiisa (SCW). Qeybihii hore ee labada ahaa waxaan ku soo qaadaa dhignay isbedeladii ay Culimadeena ku soo kordhiyeen bulshadooda, intii ay ku guda jireen... 

Shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya oo maanta ka furmaya Denmark

Shir looga hadlayo arimaha Soomaalida ayaa waxaa uu maanta ka furmayaa magaalada Copenhegen ee caasimadda waddanka Denmark, waxaana shirka ka qeyb galaya wufuud Soomaali ah. Shirkan ayaa  waxaa qabanaya kooxda xiriirka caalamiga ah ee arimaha Soomaaliya, waxaana lagu casuumay wafdi  dowladda KMG ah, oo uu hoggaaminayo ra’isul wasaare C/wali Maxamed Cali,  Maamulada Somaliland, Puntland iyo... 

Dhakhaatiirtii Turkiga ee maalmahan Gaalkacyo joogay oo maanta soo gaaray magaalada Boosaaso +Sawiro

Wafdigii Dhakhaatiirta ahaa ee dhawaanahan ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ayaa maanta  soo gaaray magaalada Boosaaso xarunta gobolka Bari. Dhakhaatiirta ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ku soo dhaweeyey mas’uuliyiin isugu jira maamulka gobolka, kan degmada Boosaaso iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Dhakhaatiirta Turkiga u dhalatay ayaa waxa ay magaalada Boosaaso adeegyo caafimaad... 

Dowladda Puntland iyo beesha Leelkase oo soo dhaweeyey go’aamadii ay soo saareen Isimada.

Dowladda Puntland iyo beesha Leelkase ayaa si’ isku mid ah u soo dhaweeyey go’aamadii ay soo saareen Isimadii ku howlanaa xal u helidda dagaalkii dhawaan Gaalkacyo ka dhacay. Kulan lagu soo afmeerayey dhibaatadii dhawaan ka dhacday magaalada Gaalkacyo, laguna qabtay guriga Islaan Bashiir Islaan Cabdulle ee magaalada Gaalkacyo, ayaa wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan waxa uu ku... 
© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno