Home » Archive for October, 2011

Xildhibaan Yuusuf Xasan oo balan qaad amni u sameeyey Soomaalida ku dhaqan Islii Nairobi.

Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ka mid ah xubnaha Soomaalida uga jira baarlamaanka dalka Kenya ayaa  balan qaad amni u sameeyey Soomaalida ku dhaqan Islii Nairobi. Xildhibaan Yuusuf Xasan oo dhawaan loo doortay  xildhibaanka xaafadda Kamakunji ee magaalada Nairobi, ayaa sheegay inuu u taagan yahay sidii uu u difaaci lahaa xuquuqda ay Soomaalidu ku leedahay dalka Kenya, wuxuuna sheegay inta uu xilka hayo... 

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo maanta kala saxiixday heshiis ka kooban 11 qodob.

Kulan maanta Nairobi ku dhexmaray ra’isul wasaaarayaasha dowladda KMG Soomaaliya C/wali Maxamed Cali iyo Kenya Raila Odinga ayaa waxaa lagu gaaray heshiis ka kooban 11 qodob, una dhignaa sidan: 1. Howlgallada ciidamada Kenya ee Gudaha Soomaaliya waxa uu u jeedkiisu yahay ka hortagga hanjabaadaha kooxda Al-shabaab, ee ah in ay qal qalgelineyso  amniga iyo dhaqaalaha dalkaasi, iyadoo dowladda... 

Ciidamo Itoobiyaan ah oo hor leh soo ku soo qulqulaya gobolka Hiiraan.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo  hor leh  ayaa waxa ay soo gaareen deegaanada ku xeeran isgoyska  kalabeyrka ee bartamaha dalka Soomaaliya. Ciidamadankan ayaa ka yimid dhinaca Feer Feer, waxaana ay ku soo biireen ciidamo kale oo horey uga joogay bartamaha dalka Soomaaliya, waxaana la socda  maleeshiyaad Soomaali ah oo taradoodu ayan badneyn. Dadka deegaanka iyo kuwa ku safra wadadaas ayaa waxaa la soo... 

Ra’isul wasaaraha xukuumadda KMG ah oo maanta la kulmaya dhiggiisan dalka Kenya.

Ras’isul wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya Prof. C/wali Maxamed Cali ayaa waxa uu maanta magaalada Nairobi kula kulmayaa dhiggiisa dalka Kenya Raila Odinga. Ra’isul wasaare Gaas oo shalay galinkii dambe soo gaaray magaalada Nairobi, ayaa waxa uu kala hadli doonaa Mas’uuliyiinta waddanka Kenya xiriirka labada dal, iyo arimaha ka cusub gobolka. Prof. Gaas ayaa sheegay in kulanka uu... 

Shacabka Soomaaliyeed ee Kenya ku dhaqan oo cambaareeyey weerarkii diyaaradaha Kenya ay shalay ku qaadeen magaalada Jilib.

Shacabka Soomaaliyeed ee Kenya ku dhaqan ayaa waxa ay  cambaareeyeen weerarkii diyaaradaha Kenya ay shalay ku qaadeen magaalada Jilib. Soomaalida ku nool dalka Kenya ayaa wax laga murugooda ku tilmaamay weerarkii shalay galab diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya ay ku qaadeen magaalada Jilib, halkaasoo ay dad badan oo shacab ah ay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay. ” Aad baan uga xumahay in... 

Magaalada Gaalkacyo oo caawa dad lagu laayey.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta u ah gobolka Mudug ayaa waxaa caawa lagu dilay laba qof oo rayid ah. Labada qof ee la dilay ayaa waxaa labadaba lagu dilay xaafadda Garsoor, waxaana midkood uu ahaa nin ka tirsanaa hay’adda cili baarista ee PDRC, waxaana lagu magacaabi jiray C/qaadir Yaasiin Xaaji Jaamad. Marxuumka kale ayaa waxaa lagu dilay nawaaxiga xero Dayax ee xaafadda Garsoor, waxaana marxuumkan... 

Duqeyntii diyaaradaha ee galabta loo geystay Jilib oo khasaare badan uu shacabka ka soo gaaray.

Duqeyntii diyaaradaha ee galabta loo geystay degmada  Jilib ayaa waxaa ka dhashay  khasaare badan oo  shacabka  soo gaaray. Laba diyaaradood ayaa galabta waxa ay duqeyn ka geysteen degmada Jilib ee gobolka J/dhexe, waxaana duqeymahaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaaray dad rayid ah. Diyaaradaha oo labo ayaa dhowr gantaal ku dhuftay xero qoxooti oo dad barakacayaal ah... 

Dowladda Rwanda oo taageertay galitaanka ciidanka Kenya ee Soomaaliya.

Dowladda Rwanda ayaa waxa ay  taageertay ciidamada dalka Kenya ee ka talaabay xuduudda Soomaaliya iyo howlgallada ay hakaas ka wadaan. Madaxweynaha waddanka Rwanda Paul Kagame  ayaa waxa uu soo dhaweeyey talaabada ciidamada Kenya gudaha ugu galeen Soomaaliya, iyo dagaallada ay kula jiraan Al-Shabaab. ” Rwanda waxa ay diyaar u tahay oo dooneysaa inay ka jawaabto codsi walba oo uga yimaada dowladda... 

Waxgaradka gobolada Bari iyo Karkaar oo ku howlan nabadeyn.

Waxgaradka gobolada Bari  iyo Karkaar ayaa waxa ay indhawaale ku howlanaayeen sidii ay u dhameyn lahaayeen xurgufo u dhexeeya qaar ka mid ah beelaha walaalaha ah ee wada deggen. Waxgaradka oo gacan ka helaya dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxa ay wadaan shirar gooni gooni ah iyo kuwa ay isku soo horfariisanayaan beelaha ay dhibaatadu kala gaartay ee walaalaha ah. Beelaha Cali Saleebaan... 

Ugu yaraan 13 askari oo ka tirsan ciidamada Isbeheysiga NATO oo shalay lagu dilay waddanka Afgaanistaan.

Ugu yaraan 13 askari oo ka tirsan ciidamada Isbeheysiga NATO ayaa waxaa shalay  lagu dilay  waddanka Afgaanistaan. Ciidamada NATO laga dilay ayaa dhamaantood waxa ay u dhasheen waddanka Mareykanka. Afhayeen u hadlay xarakada Daalibaan ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan, wuxuuna sheegay afhayeenku in ay weerarkaas ku dileen 16 askari oo Ajnabi ah, waa sida uu afhayeenka Daalibaan warka u... 
© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno