Home » Archive for November, 2011

Sarkaalkii lala damacsanaa qaraxii saaka Muqdisho ka dhacay oo hadlay.

Abaanduulaha ciidanka dowladda KMG Soomaaliya, Gen. C/kariim Yuusuf Dhagabadan ayaa waxa uu ka hadlay qarax lagu dili lahaa oo saaka ka dhacay taliska ciidanka dowladda KMG ah ee magaalada Muqdisho. Gen. Dhagabadan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in saaka isagoo u socda shaqadiisa uu nin naftiisa hurayey uu isku soo aaddiyey halkii uu kaga sugnaa taaliska ciidanka... 

Taliska ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo saaka la qarxiyey.

Weerar loo adeegsaday isqarxin ayaa saaka lala beegsaday talaiska ciidanka dowladda KMG Soomaaliya  ee Vila Baydhabo. Qaraxa oo ahaa mid laga maqlayey degmooyinka ku dhow Vila Baydhabo ayaan ilaa iyo hadda faahfaahin buuxda laga haynin sida uu u dhacay, waxaana jira warar soo baxaya oo sheegaya in qaraxa uu fuliyey qof naftiisa huray. Xarunta Vila Baydhabo ayaa waxa laga hagaa howlgallada ciidamada... 

Colaaddii xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo oo la soo afjaray.

Waxaa xalay la soo gabagabeeyey colaaddii bishii September ka dhacday xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo. Xaflad lagu soo afmeerayey colaaddaas oo xalay lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe, ayaa looga dhawaaqay in la dhameeyey colaaddaas ay ka dhasheen khasaaraha dhimashada, dhaawaca iyo burburka hantiyeed ba lahaa. Xafladda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madax ay ka mid yihiin... 

Dagaal xalay ka dhacay degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Dagaal  u dhexeeyey ciidamada dowladda KMG ah, kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo ciidamada xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa waxa uu xalay ka dhacay degmada Heliwaa  ee magaalada Muqdisho. Dagaalka  xalay  ayaa bilowday  ka gadaal markii Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisimada  ay ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM kaga sugan yihiin halkaas. Ilaa iyo haatan dhowr qof oo labada... 

Qaramada midoobay oo walaac ka muujisay ammaanka xeryaha qoxootiga ee Dhadhaab.

Qaramada midoobay  ayaa waxa ay sheegtay  in ammaan darrida  ku soo badaneysa  xeryaha  qaxootiga ee Dhadhaab ay saamayn ku yeelanayso howlihii ay shaqaalaheeda ka wadeen halkaas. Warbixin ka soo baxday xafiiska isku duba ridka gargaarka bina aadaninimada u qaabilsan QM  ayaa walaac  ka muujisay falalkii ammaanka lidka ku ahaa ee dhawaan ka dhacay xaryaha qaxootiga ee Dhadhaab. Sidoo kale Warbixinta... 

Kenya oo golaha ammaanka ka dacweysay xukuumadda Ereteria.

Dowladda  Kenya ayaa golaha amaanka ee Qaramada midoobay u gudbisay dacwad ka dhan ah xukuumadda  Ereteria. Ergeyga waddanka Kenya u fadhiya QM  Mashaariya Kamaaw ayaa golaha ammaanka dacwad ka dhan ah xukuumadda Ereteria, taasoo dowladda Kenya ay ku codsaneyso in baaritaan lagu sameeyo xiriirka u dhexeeya Ereteria iyo Al-Shabaab, sida dowladda Kenya ku doodeyso. Wakiilka Kenya u fadhiya QM ayaa... 

Xarakada Al-Shabaab oo hay’ado ay ka mid tahay UNHCR ka mamnuucday dhulka ay ka taliso.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheeca ka qaadday inay jiraan hay’ado aan loo ogoleyn inay ka howlgalaan dhulka ay xarakadu maamusho. War saxaafadda loogu talagalay oo maanta ay soo saartay xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa waxa ay shaqadii ay hayeen kaga joojisay hay’ado toban ka badan, kuwaasoo ay ku eedeysay inay warar aan xaqiiqo aheyn ka faafiso dhulka ay maamusho xarakada, waxaana hay’adaha... 

Bileyska dalka Kenya oo howlgallo ka wada magaalooyinka Gaarisa iyo Mandheera.

Ciidamada Booliska waddanka Kenya ayaa magaalooyinka Gaarisa iyo Madheera waxa ay ka howlgallo balaaran. Ciidanka Booliska ayaa magaalooyinka ay Soomaalidu deggen yihiin ee Gaarisa iyo mandheera  waxa ay ka wadaan howlgallo, iyadoona dad badan ay ka cabanayaan sida ciidanka bileysku u dhaqmayaan. Labadan magaalo ayaa waxaa dhawaanahan ka dhacay qaraxyo isxigxigay, waxaana arinkaasi uu sababay in ciidanka... 

Qaraxyo xalay iyo saaka ka kala dhacay Muqdisho oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Qaraxyo xalay iyo saaka ka kala dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay  geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Qaraxa hore ayaa waxa uu xalay fiidkii ka dhacay isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxu uu ka dhashay miino, sida la sheegay, iyadoo ay dhaawacyo ka soo gaareen ilaa 6 qof oo u badnaa caruur bukaan ah. Lama garanayo ilaa iyo hadda sababta qaraxa iyo cidda ka dambeysa,... 

Xarakada Al-Shabaab oo Hanjabaad u dirtay Itoobiya.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa waxa ay dowladda Itoobiya uga digtay in ciidankeeda ay ku sii hayso waddanka Soomaaliya. Xarakada Al-Shabaab oo qoraal ka soo saartay soo galitaanka ciidanka Itoobiya ee dalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in khasaare badan ay dhabarka u saari doonaan ciidamada Itoobiya. Qoraalka Al-Shabaab ayaa lagu caddeeyey in  soo galitaanka ciidanka Itoobiya uusan ka  duwaneyn ... 
© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno