Home » Archive for December, 2011
Al-Shabaab oo sheegay in qaab dagaal ay B/weyne uga baxeen iyo xaaladda magaalada oo weli kacsan.
Xarakada Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegtay in qaab dagaal ay B/weyne uga baxday, iyadoo xaaladda magaalada ay weli kacsan tahay.
Afhayeenka xarakada Al-Shabaab u qaabilsan dhinaca ciidanka Sheikh C/casiis Abuu Muscab oo warbaahinta ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in dagaal ay ku soo qaadeen magaalada B/weyne ciidamo Itoobiyaan ah oo gaaraya dhowr kun, oo watay gaadiid dagaal oo badan.
Afhayeenka...
Shabaab Ma Tahay Xukuumad Sharciya Oo Matasha Shacab Ka Soomaaliyeed?
Inta aanan kajawaabin iswaydiintaas waxaa haboon in aan dib ufiirino dowladii nabi muxamed uu kadhisay madiina markii uu yimid iyo tiirarkii ay kutaagnayd iyo khulafadii kadanbaysay si aad go’aan uga qaadato shabaab in ay tahay xukuumad sharci ah.
Halkaan Ka Aqriso Qoraalka oo Dhameystiran
Read More »
Qeybo ka mid ahMagaalada B/weyne oo ka baxday gacanta Al-Shabaab.
Qeybo ka mid ah Magaalada B/weyne ee xarunta u ah gobolka Hiiraan ayaa saaka ka baxday gacanta ururka Al-Shabaab.
Saaka aroornimadii ayaa ciidamo Itoobiyaan ah oo kaabaya kuwa maamulka Dooxada Shabeele, waxay ay weerar ku soo qaadeen fariisimo ciidamada Al-Shabaab kaga sugnaayeen duleedka magaalada B/weyne, waxaana halkaas ka qarxay dagaal socday dhowr saacadood, iyadoon weli la shaacinin inta uu le’ag...
Waa waqtigii kala baxa W/Q: Abdirazak Sugulle Mohamed
Allaah ayaa mahad ballaaran iska leh, isaga ayaanan dambi dhaaf weydiisanaynaa. Nabadgelyo iyo naxariisna nabigeenii suubanaa korkiisa ha ahaato. Intaa dabadeed waxaan aad u taageersanahay bayaanka ay beeshu ka soo saartay dilkii Allaha u naxariistee DR Sh. Axmed Xaaji C/raxmaan. Kaasoo aan is leeyahay waa mid soo baxay waqtigii ku munaasabsanaa si wacan oo degana loga baaran degay, iyadoo qodoba ku...
Baaq beesha Leelkase ka soo saartay dilkii Dr. Axmed Xaaji?
Salaaddii casar ka dib ayaa lagu qabtay guriga ugaaska beesha Leelkase ee magaalada Galdogob kulan ballaaran oo ay ka soo qaybgaleen Isimada, cuqaasha, aqoonyahanka, culuma’udiinka, ganacsatada, dumarka, dhallinyarada iyo warbaahinta. Waxaana ugu horrayn goobta laga akhriyey bayaan ka kooban sagaal qodob oo beeshu ku soo bandhigtay natiijadii baaritaankii ay ka samaysay dilkii loo gaystay Dr....
Dowladda Puntland iyo Culimada oo sheegay in la hayo dadkii dilay Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan
Dowladda Puntland iyo culimada ayaa isku raacay in gacanta lagu hayo dadkii ka dambeeyey dilkii allaha u naxariistee Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan.
Wasiirka amniga Puntland Col.Khaliif Ciise Mudan oo warbaahinta Boosaaso la hadlayey ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan dadkii ka dambeeyey dilkii Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan Illaahay Janooyikiisa haka waraabiyee.
Col.Khaliif Ciise Mudan, ayaa sheegay ilaa...
Qaar ka mid ah xawaaladaha Soomaalida ee dalka Mareykanka oo shaqadii joojiyey.
Qaar ka mid ah xawaaladaha Soomaalida ee dalka Mareykanka ayaa waxa ay joojiyeen shaqadii lacag dirista.
Xawaaladaha shaqada joojiyey ayaa mas’uuliyiintooda waxa ay shaaca ka qaadeen in sidaasi u yeeleen ka dib markii ay waayeen Bangi ay la shaqeeyaan, gaar ahaan gobolka Minnesota oo ay Soomaalidu ku badan tahay.
Amuurtan ayaa waxa ay soo shaac baxday ka dib markii bangiga ugu weyn ee ay lacaga...
Ciidamada ammaanka ee Kenya oo dad macalimiin u badan ku qabqabtay xeryaha qoxootiga.
Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa waxa ay dad macalimiin u badan ku qabqabteen xeryaha qoxootiga.
Ciidanka ammaanka oo 3 dii maalmood ee la soo dhaafay howlgallo xiriir ah ka waday xeryaha qoxootiga ee Dhadhaab, ayaa qabqabtay dad macalimiin u badan, iyadoo xaaladda cabisda ee ka jirta xeryaha ay sii siyaadeyso.
Ilaa 10 qof oo intooda badan ay macalimiin yihiin ayaa 3 maalmood oo ay shalay ugu...
Socdaalkii Geerida Soomaaliya ilaa Yurub (3) | W/Q. Muxamad Idris Axmad
Qormadan oo 11 qeybood ka kooban ayaan horey ugu soo gudbinay dadweynaha ay ka hadleyso ee Soomaaliyeed, sababo jira awgood ayaan mar labaad dib ugu soo celinay, waxaana Sheikha qoraalkiisa u dhignaa sidan:
((Maaha Riwaayad beena ee waa sheeka dhaba oo dhacday. Qofka ay qisadu ku socoto waa mid ka mida kumanyaal Soomaaliya oo qaarna meelahaas ku dhinteen qaarna ilaahay sabata bixiyey.Waxyaabaha aad...
Dagaal xalay ka dhacay degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.
Dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda KMG ah, kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo ciidamada xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa waxa uu xalay ka dhacay degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.
Dagaalka xalay ayaa bilowday ka gadaal markii Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisimada ay ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM kaga sugan yihiin halkaas.
Lama garanayo khasaaraha kala gaaray...
