Home » Archive for January, 2012
Col. Cabdi Qeybdiid oo ka badbaaday qarax lagu khaarijin lahaa Koonfurta Gaalkacyo.
Col. Cabdi Qeybdiid ayaa waxa uu maanta ka badbaaday qarax lagu khaarijin lahaa Koonfurta Gaalkacyo.
Wararka naga soo gaaraya xaafadda Wadajir ee koonfurta Gaalkacyo, ayaa xaqiijinaya in nin naftiisa soo biimeeyey oo waxyaabaha qarxa isku soo rakibay uu ku qarxay banaanka hore ee guriga Col Qebdiid ka deggen yahay koonfurta magaalada, ka dib markii ay ka hortageen rag ilaalo ka hayey guriga.
Khasaaraha...
Shabaab Matahay Xukuumad Sharciya Oo Matasha Shacabka Soomaaliyeed? QAYBTII 3 AAD
Waxaa dhaqan u ah cid walba oo xukunka marooqsata taladana aan dadka wax kasiin, xiriir wanaagsanna aan lalahayn bulashada ay maamulaan in ay ula dhaqmaan shacabka sidii addoomo ay leeyihiin oo kale, waxa ay fududaystaan fikirkooda iyo talo soojeedintooda, waxa ay iska dhigaan in ay yihiin ayagu cidda kaliya oo wax garanaysa bal ufiirso Shabaab iyo shacabka Soomaaliya.
Halkan ku dhufo si aad u aqrisato...
Waa la isku wada maqan yahay.
Dadka Soomaaliyeed dhiiggooda waa qubanayaa, kuwa waa qaxayaan, kuwana waxay u durbaan tumanayaan sidii ay isku leyn lahaayeen.
Gobalada Soomaalidu degto intooda badan waxaa ka socda is aaneysi qabiil oo meelaha qaarna isu rogay dagaallo dhiig badan ku daadanayo, Soomaali badanna hadda ayey mindiyaha isu afeysanayaan.
Gobalada qaar xiisadaha qabiilka ee ka jira waxay u egyihiin markii dagaalada qabiilku...
Ciidamada Itoobiya ee degmada Luuq yimid oo dhaqdhaqaaq Militeri ka wada deegaanka.
Ciidamada Itoobiya ee degmada Luuq yimid ayaa waxa dhaqdhaqaaq Militeri ka wadaan deegaanka.
Ciidamada Itoobiya oo ku hubeysan qalab militer oo aad u culus oo ay Taangiyo ka mid yihiin, ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wada degmada Luuq iyo agagaarkeeda, iyagoo difaacyo adag ka sameystay hareeraha degmada.
Ciidamada Itoobiya oo aan lagu aqoonin afhayeen u hadla, ayaa la filayaa inay duulaan ku yihiin...
Britain iyo Puntand oo ka wada hadlay xaaladda dalka.
Wasiirka iskaashiga caalamiga ah ee dalka Britain Andrew Mitchell, iyo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland C/samad Cali Shire ayaa waxa ay ka wada hadleen xaaladda dalka.
Andrew Mitchell oo hoggaaminayey wafdi ka socda dowladda Britain, oo maanta soo gaaray magaalada Garowe, ayaa waxaa aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland C/samad Cali shire ahna ku simaha Madaxweynaha.
Kulanka...
Culimada Soomaaliyeed oo markii saddexaad digniin diraya.
Culimada Soomaaliyeed ayaa markii saddexaad waxa ay dirayaan digniin, iyadoo digniintani ay ka culus tahay kuwii ka horeeyey.
Markii Muqdisho ay qabsadeen Maxkamadihii Islaamiga ahaa, ayaa dal iyo dibad waxaa isaga yimid Culimo Soomaaliyeed, kuwaasoo hadafkoodu ahaa in guusha la gaaray iyo nabadgalyada soo noqotay lagu fara adeygo, isla markaasna laga waantoobo dagaal kale oo dhexmara Soomaalida, waxayna...
Qaramada midoobay oo sheegtay in ay la shaqeyneyso odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed.
Qaramada midoobay ayaa waxa ay sheegtay in ay la shaqeyneyso odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed.
Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya Augustine Mahiga, ayaa sheegay in ay xoogga saarayaan sidii ay ula shaqeyn lahaayeen odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, isagoona intaas ku daray in odayaashu ay muhiim yihiin.
Augustine Mahiga, oo warfidiyeenada kula hadlayey Adis ababa, ayaa sheegay...
Culimada ku nool S/lland oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka iyo colaada ka aloosan degmada Buuhoodle(Dhageyso)
Culimo,udiinka ku nool magaalooyinka waaweyn ee Somalilland ay ku baaqeen in si deg deg ah loo joojiyo colaada ka aloosan degaanka Buuhoodle iyagoo culimadu ay tilmaameen in ay xaaraan tahay in dad Islaam ah ay dagaalamaan laguna mutaysanayo naar kuna baaqay in lagú fogaado , Shiikh Cabdullaahi Baasha oo ka mid culimada ku nool magaalada Burco ayaa oo khu´dbo jimcihii ka jediyey masjidka weyn ee...
Alshabaab intii la is watey maxaa wax loogu sheegi waayey?. Qeybta koowaad
Qoraalkaan waxaa laga diray xarunta maamulka Jamaacada Ictisaam ee magaalada Muqdisho habeen sabti ah oo saacaddu ahayd 10:30 PM, taariikhduna ahayd 04 March 2006, taariikhdaas oo ahayd 13 beri ka dib markuu qarxay dagaalkii Muqdisho ee maxkamadaha iyo isbahaysiga, qoraalkuna wuxuu xambaarsanyahay warbixin iyo soo jeedin ku socota maamulada jamaacada ee dalka iyo dibadaba.
FG: Waxaa jirey qoraal maamulka...
Degmada Baargaal oo lagu qabtay ragii xildhibaan Bile dilay.
Waxaa la qabtay gacan ku-dhiiglayaashii laba maalin ka hor Baargaal ku dilay Marxuum Bile Maxamuud Yuusuf oo ahaa xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Puntland.
Waxgaradka ka soo jeeda deegaanka oo uu ka mid yahay Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin, ayaa kulan ay Boosaaso ku yeesheen ka xaqiijiyey qabashada gacan ku-dhiiglayaasha.
Beeldaaje Ismaaciil ayaa sheegay in shacabka degmada Baargaal ay isku...
