Home » Archive for May, 2012

Magaalada Istanbul oo uu maanta ka furmay shir looga hadlayo amuuraha Soomaaliya.

Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa waxaa maanta ka bilowday shir caalami ah oo looga hadlayo amuuraha waddanka Soomaaliya. Shirkan, ayaa waxaa ka qeybgalaya Mas’uuliyiinta ugu sareysa dowladda KMG Soomaaliya, Madaxda Puntland iyo Galmudug, mas’uuliyiin ka socda Somaliland, iyo wafdi ka socda Ahlu Suna. Sidoo shirka, ayaa waxaa ka qeyb galaya wakiilo ka kala socda 54 waddanka oo beesha... 

Al-Shabaab oo Afmadow ka baxay iyo ciidamada huwanta ah oo qabsaday.

Ciidamada Kenya, kuwa Raaskambooni iyo kuwa dowladda KMG ah ayaa qabsaday  degmada Afmadow. Ciidamada  huwanta ah ee Kenya,  kuwa Dowlada KMG ah iyo kuwa Raaskambooni,  ayaa ku sugan duhurnimadii maanta galay  degmada Afmadow ee gobolka J/hoose, , ka gadaal markii ay Al-Shabaab ka baxeen. Wararku waxaa ay sheegayaan in ay ciidamada u ruqaansaday Afmadow ay ku hubaysan yihiin hubka cul culus oo... 

IS-FITAAXA ADDUUNKA. W/Q: SAADIQ ENOW.

Sida la ogsoon yahay caalamka nagu hareereysan wuxuu ka kooban yahay xiddigo (planets) isu raacsan hab-caa’iladeed, cirjiidyo (galaxies) ay ku urusan yihiin milyaaraad qoysas oo xiddigo ah iyo bannaa dhexahooda yaal (inter-galactic & inter planets spaces). Abuuraleydaas na dul-heehaabaya markii leysu-geeyo waxay lee-yihiin muuqaal buufin oo kale ah, kaas oo dhibco yar-yar oo fara-badan (xiddigihii)... 

Puntland iyo Galmudug oo ka qeyb galaya shirka Istanbul.

Puntland iyo Galmudug ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen inay ka qeyb galayaan shirka ka dhacaya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Maxamed Faroole, u waramayey bbc-da ayaa sheegay, in ay wada hadleen safiirka Turkiga u fadhiya Adis ababa iyo wakiilo ka socday wasaaradda arimaha dibadda ee Turkiga, taasna ay wax ka bedeshay mowqifkii ay markii hore qaateen. Madaxweynaha... 

Mid ka mid ah qodobada heshiiska shirkii Adis ababa oo waqtigii uu dhaqan gali lahaa la dhaafay.

Mid ka mid ah heshiiska shirkii Adis ababa ayaa waqtigii uu dhaqan gali lahaa la dhaafay. Bishan gudeheeda ayey aheyd markii Saxiixayaashii Road Map ka, ay Adis ababa ku shireen, kuna heshiiyeen qodobo qeexaya sida looga gudbayo waqtiga kala guurka ah ee inta yar ay ka harsan tahay, waxaana qodobada heshiiska ugu horeeyey: 1- In  26-ka  bishan May,  la soo magacaabo guddiga xalinta khilaafaadka... 

Xukuumadda KMG Soomaaliya oo sheegtay inay dadaal ugu jirto sidii shirka Istanbul looga wada qeyb gali lahaa.

Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay inay dadaal ugu jirto sidii shirka Istanbul looga wada qeyb gali lahaa. Ra’isul wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya, Prof. C/wali Maxamed Cali, ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ku dadaaleyso sidii dhamaan dhinacyada Soomaalida uga wada qeyb gali lahaayeen shirka ka dhacaya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Ra’isul wasaare C/wali Maxamed Cali, oo... 

Qarax ay ka dhasheen khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo saaka ka dhacay Gaalkacyo.

Qarax ay ka dhasheen khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa  saaka ka dhacay magaalada Gaalkacyo. Qaraxan ayaa waxa uu ka dhashay miino dhulka ku aasneyd, taasoo ay ciidanka ammaanku doonayeen inay ka saaraan xaafadda Garsoor, waxaana miinadaas qaraxeeda ku qurbaxay 3 ka mid ah ciidankii isku dayayey inay Miinada meesha ka saaraan, halka dhaawac 6 qof gaaraya uu qaraxaasi geystay. Qof kale oo loo... 

Madaxweyne Shariif oo maanta gaaray Afgooye markii uu soo laabtayna dhexda loo galay.

Madaxweyne Shariif Sh. Axmed ayaa waxa uu  maanta gaaray Afgooye markii uu soo laabtayna dhexda loo galay. Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya, Shariif Sh. Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxa uu maanta gaaray magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelada hoose, isagoona soo kormeeray xarumaha dowladda ee Afgooye. Madaxweynaha ayaa markii hore waxa uu ku sii hakaday deegaanka Ceelasha biyaha, wuxuuna... 

Laba qof oo Soomaali ah oo dalka Denmark loogu xiray tuhun la xiriira argagixisinimo.

Laba qof oo Soomaali ah ayaa  dalka Denmark loogu xiray tuhun la xiriira argagixisinimo. Labada ee la xiray  qof oo ah laba wiil oo walaalo ah, ayaa bileyska dalka Denmark ay Isniintii soo xireen, iyadoona sida saraakiisha ammaanku sheegeen, lala xiriirinayo inay damacsanaayeen inay ammaanka wax yeelaan. Wiilashan Soomaalida ah ee wada dhashay, ayaa  boolisku da’dooda ku kala sheegeen 18 sano... 

Ma ogtahay in qaaradda Yusub ay jirto Soomaali ku rafaadsan?

Dadka Soomaaliyeed ee muddada 20 ka sano ka badan la daalaa dhacayey dhibaatada ay sababeen dagaalada wajiyada badan, ayaa meelaha ay ku dacdareysan yihiin waxaa ka mid ah qaaradda Yurub. Dad badan ayaa laga yaabaa inay la yaabaan Yurub oo ah halka dad badan ay maanka ku hayaan sida loogu rafaadsan yahay, balse Yurub iyo meelo kalaba dhibaatadu Soomaali badan ugama harin. Dalalka ay Soomaalidu ku dhibaateysan... 
© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno