Home » Archive for June, 2012

Fikradihii Takfiirka oo si’ aad ah u gadmaya. (FAALO QEYBTII 2-AAD)

Fikradihii kooxda Takfiirka ayaa si xowli ah uga dhex gadmaya dad badan oo Soomaaliyeed. Soomaalidu waxay taqaanaa koox Takfiir la yiraahdo, isla markaasna waxyaabo lagu garto leh, waxaana ka mid ah: 1-Inay dadka kale ee iyaga ka soo hara ay gaalo u yaqaanaan. 2- Inayan cunin Xoolaha  ay dadka kale gowraceen. 3- Inay waxba kama jiraan ka soo qaadaan nikaaxa isu haya ragga iyo dumarka ay gaalada u... 

Kooxaha caanka ah ee kubadda Cagta oo ay ku soo badanayaan Cayaaryahannada Muslimiinta ah.

Cayaaryahanada kubadda Cagta ee Muslimiinta ah ayaa waxay xiliyadan dambe ku soo badanayaan qaaradda Yurub. Kooxaha caanka ah ee qaaradda Yurub, ayaa waxaa ku jira Cayaaryahanno Muslimiin ah, kuwaasoo Islaamnimadooda ay muuqato, iyadoona qaar kale oo Cayaartoyda ka mid ah ayan weli banaanka u soo bixin Muslimnimadooda. Kooxaha, Barcelona, Arsenal, Mancherter City, Bayern Munich, iyo AC Milan, ayaa... 

Ciidamada AMISOM oo xalay Muqdisho lagu qarxiyey.

Ciidamada AMISOM ayaa waxaa xalay qarax lagula beegsaday agagaarka SOS, ee magaalada Muqdisho. Ciidamada AMISOM ee qaraxa lala beegsaday ayaa ku socday Kolonyo, waxayna ku sii jeedeen saldhig ay ku leeyihiin xerada Maslax ee duleedka waqooyi kaga taala magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa waxaa loo adeegsaday Miinooyinka dhulka lagu aaso, kuwaasoo meelaha fog-fog laga hago, iyadoona meelo badan oo ka mid... 

Bahal Magaalo! W/Q: C/qaadir cabdi diiriye ( xaaji koos)

Faysal oo magaalo ku weynaadey ayaa markuu 17 sano jirey u caano doontay miyiga oo uu degenaa adeerkii Jaamac. Wuxuu galay nolol ku cusub oo xitaa saacadihii iyo magacyadii maalmaha ayaa ka lumay ilaa uu garan waayey inta maalmood ee uga dhiman fasaxii iskuulka. Maalmo badan oo adag ayaa soo maray Faysal, maalintii ugu darnayd waxay ahayd markii maqrib xoolihii la tiriyey oo laga waayey orgi yaraa... 

Ajaaniib caddaan ah oo maanta lagu afduubtay xerada qoxootiga ee Ifo.

Kooxo Hubaysan ayaa maanta shaqaale caddaan ah u afduub ugu  geystay xerada Ifo ee ku taalada deegaanka Dhadhaab ee gobolka waqooyi bari Kenya. Kooxaha hubeysan, ayaa ugu horeyn dilay darwalkii gaariga ku waday shaqaalaha la afduubtay, waxayna sidoo kale dhaawaceen qof kale, iyadoona ay u suuragashay inay afduubtaan 4 qof oo ajaanib ah. Dadka la afduubtay ayaa dhalashooda lagu kala sheegay, Norway,... 

Madaxweynaha Masar oo maanta shacabka uga khudbeyn doona fagaaraha xorriyadda.

Madaxweynaha dhawaan la doortay ee dalka Masar, Maxamed Mursi, ayaa maanta shacabka ugu khudbeynaya fagaaraha xorriyadda. Madaxweyne Mursi, ayaa ku tukanaya Masaajidka Jaamacadda Azhar, ka dibna wuxuu u jiheysanayaa fagaaraha xorriyadda, halkaasoo uu kula hadlayo boqolaal kun oo qof oo halkaas ku sugan. Maxamed Mursi, ayaa lagu wadaa inuu shacabka u sheego, sida uu ugu baahan yahay, isla markaasna... 

Nadwadii ka socotay magaalada Qardho oo xalay gashay Habeenkii 3aad(Warbixin)

Nadwo Cimiyeedkii sanadlaha ahayd ee lagu qaban jiray xiligan oo kale Magaaladda Qardho ayaa sanadkan gashay sanadkii 9-aad oo xidhiidh ah waxaana sanadkan Nadwo Cilmiyeedka ciwaan looga dhigay Aayada Quraanka ah ee macnaheedu yahay  (yaa kawanaagsan hadal ahaan, qof  dadka ugu yeeray Illaahay, oo ficil wanaagsan sameeyey, oo yiri, waxaan ka mid ahay Muslimiinta). Waxaana sanad walbaa Nadwada lagu... 

Dastuurka cusub oo maanta Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed loo soo bandhigay.

Nuqulkii ugu dambeeyey ee Dastuurka cusub ayaa waxaa maanta la hor-geeyey   Odayaasha dhaqanka  Soomaaliyeed. Qabyo-qoraalka Dastuurka cusub, oo in dhawaaleba dhinacyada Soomaalida isku haysteen oo qolono mar ka biyo diideysay, ayaa ugu dambeyn maanta  waxaa loo qeybiyey  Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed. Soo bandhigidda Dastuurka oo lagu waday inay horey u dhacdo, ayaa dib loo dhigay, waxaana arinkaas... 

Madaxweyne Shariif, oo beesha Caalamka ka codsaday inay fuliyaan balan-qaadkoodii.

Madaxweyne Shariif, ayaa waxa uu  beesha Caalamka ka codsaday inay fuliyaan balan-qaadkoodii. Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya, Shariif Sh. Axmed, ayaa beesha Caalamka waxa uu ka codsaday inay soo dedejiyaan balan-qaadkii dhaqaale ee ay horey u magac-dhabeen. Madaxweyne Shariif oo shalay ka hadlayey shir looga hadlayo arimaha Burcad Badeedka oo Dubai, maanta lagu soo gabagabeynayo, ayaa sheegay... 

Magaalada Kismaayo, oo ay u hanqal taagayaan ciidamada huwanta ah.

Magaalada Kismaayo, xarunta gobolka J/hoose ayaa waxaa  u hanqal taagaya ciidamada huwanta ah. Ciidamada AMISOM, kuwa Kenya ee dhawaan ku biiray, ciidanka Itoobiya, iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya ee ay xulufada yihiin, ayaa isu diyaarinaya duulaan balaaran oo ay ku qabsadaan magaalada dekedda ah ee Kismaayo. Wasiirka gaashaandhigga Kenya, Yuusuf Maxamed Xaaji, ayaa sheegay inay doonayaan inay meesha... 
© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno