Home » Archive for July, 2012

Fanaan Caan ahaa oo galabta Muqdisho lagu dilay.

Maadeeyihii caanka ahaa ee Cabdi Jeylaani (Marshaale) ayaa galabta Maqribkii lagu dilay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho. Dabley hubeysan, ayaa gabal dhicii galabta waxay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ku toogteen Marxuum Cabdi Jeylaani oo ku magac dheeraa Mardhaale, si weyna loogu yaqaanay Maadeynta. Marxuum Marshaale, ayaa u geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray xabadihii ay la dhaceen... 

Puntland oo ka hadashay dilkii xalay ka dhacay Gaalkacyo, iyo dadkii la laayey oo maanta la aasay.

Puntland ayaa  ka hadashay dilkii xalay ka dhacay Gaalkacyo, iydadoo dadkii xalay la laayey  maanta la aasay. Wasiirka diinta iyo cadaaladda Puntland, C/Kaliif Xaaji  Ajaayo, ayaa maanta sheegay inay cambaareynayaan dilkii foosha xumaa ee xalay Gaalkacyo loogu geystay Nabadoon Col. C/laahi Farey iyo Cismaan Maxamed Xasan oo walaalo ahaa. Wasiirka, ayaa sheegay in dadka waxgaradka leynaya ay dantooda... 

Xukuumadda KMG ah oo iska fogeysay in ciidamo Britain ah ay Soomaaliya ku sugan yihiin.

Xukuumadda KMG ah ayaa waxa ay  iska fogeysay in ciidamo British ah ay Soomaaliya ku sugan yihiin. Ra’isul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka gaashaandhigga xukuumadda KMG ah, Xuseen Carab Ciise, ayaa gaashaanka u daruuray warka sheegaya in ciidamo Britain ah ay ku sugan yihiin gobolka Sh/hoose. Wasiirka gaashaandhigga, ayaa sheegay in saraakiil tababarayaal ah oo Britain ka socda ay joogaan,... 

Qoraaladii loogu been abuurtay Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan,iyo kuwii dilkiisa lagu ishaarayay intii aan la dilin. (Aqriso qoraaladaas oo aan sabab jirta darteed u soo celinay)

Allaha Naxariistii Jano haka waraabiyee, Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan, ayaa ka hor intii aan la dilin laga sameeyey qoraalo loogu  been-abuuranayey. Sida dad badani la socdaan 5-tii bishii 12-aad 2011-kii, ayaa Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan lagu dilay magaalada Boosaaso xarunta gobolka Bari, sida mar dambe soo baxdayna dadkii dilkaas soo abaabulay qeyb ka mid ah ayaa gacanta lagu soo dhigay. Haddaba intii... 

Waxgaradka reer Gaalkacyo, oo geeri sugayaal noqday.

Waxaa magaalada Gaalkaco caadi ka noqday dilal joogto ah, kuwaas oo lala beegsanayo; cuqaasha, isimada, culimada, siyaasiyiinta, ganacsatada, saraakiisa sar-sare iyo cid alle ciddii lagu tuhmo in ay ummadda wax u tari karto. Dadka ku nool magaalada Gaalkacyo gaar ahaanna waxgaradka ayaa ahaa mayti socota, iyadoo dhorkii sano ee la soo dhaafay waxgarad badan lagu laayey magaalada. Dadka la laayo ayaan... 

Dastuurka oo Berri la ansixinayo.

Shirka lagu ansixinayo qabyo-qoraalka Dastuurka Soomaaliya, ayaa maalinta berri ah lasoo afmeerayaa. Wasiirka Dastuurka xukuumadda KMG Soomaaliya, C/raxmaan Xoosh Jibriil, ayaa shaaca ka qaaday in heer gabagabo ah uu marayo shirka ansixinta Dastuurka, wuxuuna intaas ku daray in ergadu ay shaqo wanaagsan qabteen intii uu shirku socday. Wasiirka, ayaa sheegay in guddiyada loo qeybiyey ergada ay dooddooda... 

Magaalada Gaalkacyo oo caawa lagu dilay Col. C/laahi Farey iyo Walaalkiis.

Magaalada Gaalkacyo, ayaa waxaa caawa Makhribkii lagu dilay Col. C/laahi Farey iyo Walaalkiis. Allaha u Naxariistee, waxaa caawa Makhribkii magaalada Gaalkacyo lagu dilay Col. C//laahi Maxamed Xasan ( C/laahi Farey ) iyo Cismaan Maxamed Xasan oo walaalo ahaa, kuwaasoo ay toogteen dabley hubeysan. Dableydii dilkaas foosha xun geysatay ayaa ka baxsatay goobta oo ah xaafadda Israac ee magaalada Gaalkacyo,... 

Madaxweyne Shariif oo maanta tagay degmada Afgooye.

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sh. Axmed, ayaa maanta tagay magaalada Afgooye. Madaxweyne Shariif ayaa waxa safarkiisa ku wehliyey wasiiro ka tirsan xukuumadda, saraakiil ciidan iyo xildhibaano, waxaana ammaanka wafdiga sugayey ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo ku qalabeysan gaadiid dagaal oo farabadan. Sh. Shariif Sh. Axmed, ayaa markii uu tagay degmada Afgooye, waxa uu kulan la... 

Ururka Islaamiga ah ee Al-Islaax oo uu soo kala dhex galay Khilaaf xoog leh. (Warbixin)

Ururka Islaamiga ah ee Al-Islaax, ayaa waxaa soo kala dhex-galay khilaaf xoog leh. Ururka Al-Islaax oo ka mid ah ururada Islaamiga ah ee ka jira gayiga Soomaaliyeed, ayaa dhawaanahan waxaa soo baxayey khilaaf u dhexeeya xubnihiisa sare. Al-Islaax, ayaa markii hore  ku kala jabay soo bixitaankii Maxkamadihii Islaamiga ahaa, sanaddii 2006-dii, waxaana ay u qeybsameen koox ka mid noqotay Maxkamadihii... 

Hoggaanka Muslimiinta dalka Kenya oo ka digaya in la sharciyeeyo biilka la dagaalanka argagixisada.

Hogaanka Muslimiinta dalka Kenya ayaa  ka digaya in la sharciyeeyo biilka la dagaalanka argagixisada. Golaha sare ee Muslimiinta dalka Kenya, loona soo gaabiyo SUPKEM, ayaa ka digaya in baarlamaanka Kenya uu ansixiyo biilka la horkeenay ee la dagaalanka argagixisada. Guddoomiyaha golaha sare ee Muslimiinta Kenya, Sh. Cabdul Qafuur Al-Busaidy, ayaa sheegay in Muslimiinta dalka Kenya, ay dhibaato balaaran... 
© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno