Home » Archive for August, 2012

Sh Shible oo ka hadlay been abuurkii laga ka faafisay Sheekh Shariif CabdiNuur.[Dhagayso]

Sheekh Maxamuud Shible oo ka mid culimada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi ayaa waxaa maanta uu khudbadii Jimce uga hadlay Fatwo la sheegay in uu leeyahay Sheekh Shariif Cabdinuur alaha caafiyee oo lagu faafiyey mareegta Somalimemo.net , codkaas oo loo tiiriyey Sheekh Shariif Cabdinuur ayaa waxaa beeniyey wiilkiisa Maxamed Sheekh Shariif Cabdinuur Xassan waxaan uu baaq... 

Waqtiga Doorashada Madaxweynaha oo la shaaciyey.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha, ayaa maanta shaaca ka qaaday waqtiga ay dhaceyso  Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya. Kulan ay maanta Muqdisho ku yeesheen xubnaha guddiga Doorashada Madaxweynaha, ayaa waxay ku iclaamiyeen in 10 ka bisha September ee berri bilaabaneysa ay dhici doonto Doorashada lawada sugayo ee Madaxweynaha dalka Soomaaliya. Guddiga Doorashada, ayaa sheegay in 3 ilaa 6 da bisha September,... 

Culimadoo loo hoggaansamo iyo dhalinyarada xamaasadeysan oo aan la raacin: Sh Umal baa ka hadlay.

Sh. Maxamed Cabdi Umal, ayaa waxa uu maanta ka hadlay in Culimada laga amar qaato halkii dhalinyaro xamaasadeysan la raaci lahaa. Sh. Umal oo khudbadiisa Jimcaha uga hadlay, inay waajib tahay in Culimada la adeeco, ayaa sheegay  in xiliga adag ee hadda lagu jiro laga shalaalayayo haddii dhalinyaro xamaasadeysan la daba galo, wuxuuna carrabka ku adkeeyey in loo bahan yahay talaabo kasta oo la qaadayo... 

Maxamed Sh. Shariif C/Nuur Shariif Xasan oo beeniyay hadal ay aabihii Sh. Shariif C/Nuur ka faafisay Somalimemo

Makkah:-Shabakadda wararka Somalireal.com/Halgan.net ayaa waxaa caawa la soo xiriiray Maxamed Sheekh Shariif Cabdi Nuur oo ah wiil uu dhalay Sh. Shariif Cabdi Nuur ilaahay ha caafiyeen kaas oo Mareegta Somalimemo.net ka faafisay in Sheekh Shariif Cabdi Nuur uu fatwo bixiyey bishii Ramadaan ee la soo dhaafay. Maxamed Sheekh Shariif Cabdi Nuur ayaa waxaa uu na soo gaarsiiyey baaq qoraal ah iyo Cod uu... 

Qabqablayaashii dagaalka oo weli Baarlamaanka loo diiddan yahay.

Qabqablayaashii dagaalka ee Soomaaliya, ayaa weli loo diiddan yahay inay ka mid noqdaan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Xubno u badan hoggaamiyaashii kooxaha Soomaaliya, oo horey loo celiyey xildhibaannimadooda, isla markaasna ay soo fasaxday Maxkamadda sare, ayaa weli la ogolaanin inay ka mid noqdaan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, iyadoona guddoonka cusub ee Baarlamaanka... 

Xildhibaanada Soomaaliya oo maanta xushay Guddiga doorashada Madaxweynaha.

Xildhibaanada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay yeesheen ku soo xushay xubno ka kooban 15 qof oo qaban qaabin doona doorshada Madaxweynaha ee la wada sugayo. Kulankii Xildhibaanada ee maanta, oo uu shir guddoominayey guddoomiye Prof  Maxamed Sh Cismaan Jawaari, ayaa waxaa soo xaadiray xubno ka badan 200 gaaraya, waxaana furay guddoomiyaha, isagoona ka dalbaday xildhibaanada inay iska soo... 

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulmaya.

Xildhinaabada Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ku kulmaya magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Kulanka maanta ee Xildhibaanada baarlamaanka, ayaa waxaa lagu go’aaminayaa waqtiga ay dhaceyso doorashada lawada sugayo ee Madaxweynaha dalka, waxaana sidoo kale lagu wadaa in lagu soo magacaabo guddi doorasho,iyadoona beesha caalamka ay baarlamaanka ka codsatay in la soo dedejiyo waqtiga ay dhaceyso... 

J/hoose oo marti galinaya dagaalada ugu badan ee dalka ka socda.

Gobolka J/hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya, ayaa waxa uu marti galinayaa dagaalka ugu badan ee dalka ka socda. Maalmihii la soo dhaafay ayaa  dagaalo aad kulul waxay ka soconayeen inta u dhexeysa magaalooyinka Kismaayo, xarunta gobolka J/hoose, iyo Afmadow, waxayna dagaaladu u dhexeeyeen, ciidamo huwan ah oo Soomaali iyo Kenyaan isugu jira iyo Al-Shabaab. Ciidamada Kenya, iyo kuwa ay xulufada yihiin... 

Wafdi ka socda beesha Caalamka oo la kulmay guddoomiyaha Baarlamaanka.

Wafdi ka socda beesha Caalamka ayaa maanta Muqdisho kula kulmay guddoomiyaha Baarlamaanka. Wafdigan oo ka kala socday midowga Yurub iyo Mareykanka, ayaa maanta la kulmay guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, labadiisa kuxigeen, guddoomiyaasha guddiga Farsadama, iyo guddigii doorashada guddoonka baarlamaanka oo uu hoggaaminayey guddoomiyihii kumeel gaarka... 

Guddoonka cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la soo dhaweeyey.

Doorashada Guddoonka  Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la soo dhaweeyey. Dadka Soomaaliyeed ayaa intooda badan waxay soo dhaweeyeen doorashada guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoona ilaa shalay  aad looga hadal hayey doorashadii guddoomiyaha iyo kuxigeenadiisa  Baarlamaanka cusub ee Federaalka Soomaaliya ee shalay ilaa xalay ka dhaceysay xarunta shirarka ee Dugsiga Tababarka... 
© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno