Home » Archive for September, 2012

Magaalada Gaarisa oo laba Askari lagu dilay caawa.

Magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyi Bari Kenya, ayaa caawa waxaa lagu dilay laba ka mid ah ciidanka Booliska. Labada Booliska ah, ayaa ku guda jiray howl roondo ah, iyagoona dabley hubeysan ay toogasho ku dileen meel u dhow, waxaana dableyda u suura gashay inay ka baxsadaan goobta, iyagoo weliba horey u sii qaatay qoryihii ay wateen askarta dhimatay. Afhayeen u hadlay Booliska ayaa xaqiijiyey... 

Qarax ka dhacay Kiniisad xaafadda Islii ku taala iyo dad ka careysan oo Masaajid weeraray.

Kiniisad ku taalada xaafadda ay Soomaalidu degto ee Islii, magaalada Nairobi, ayaa  qarax ka dhacay waxa uu geystay Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Qaraxa, ayaa ka dhashay bam nooca gacanta laga tuuro, kaasoo lagu riday Kiniisad ku taala Nairobi, waxaana ku dhintay ilmo yar, ilaa 7 kalena waa ku dhaawacmeen, iyadoona maanta ay aheyd maalin Axad ah oo dadka Kirishtaanka ah ay Kiniisadaha ku cibaadeytaan. Markii... 

Mareykanka oo isbeddelka Kismaayo ka hadlay

Dowladda Mareykanka, ayaa waxay war ka soo saartay dagaalkamagaalada Kismaayo, xarunta gobolka J/hoose. Kaaliyaha xog-hayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka u qaabilsan amuuraha Afrika Johnny Carson, ayaa sheegay in dagaalka Kismaayo, uu u muuqdo mid aad u wiiqay awooddii  ururka Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, basle wuxuu carrabka ku adkeeyey in Al-Shabaab ay Khatar  yihiin weli, dagaalkana... 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ku dhawaaqaya Ra’isul wasaaraha xukuumadda cusub.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sh Maxamuud ayaa  ku dhawaaqaya Ra’isul wasaaraha xukuumadda cusub. Madaxweynaha Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sh. Maxamuud, oo dhawaan  la wareegay hoggaanka dalka, ayaa saacadaha inagu soo aaddan lagu wadaa inuu ku dhawaaqo Ra’isul wasaaraha xukuumadda cusub, taasoo in muddo ah la dhowrayey. Madaxweynaha ayaa... 

Al-Shabaab, oo baneeyey xarimihii maamulka ee magaalada Kismaayp.

Maamulkii iyo dagaalyahannadii xarakada Al-Shabaab, ayaa xalay baneeyey dhamaan xarumihii maamulka ee magaalada Kismaayo. Dadweynaha magaalada Kismaayo, ayaa saaka ku soo toosay iyadoo dhamaan xarumihii maamulka ee magaalada Kismaayo, ay haawanayaan, iyadoona mas’uuliyiintii iyo askartii Al-Shabaab, aan indhaha la saarin, waxaana soo baxaya warar sheegaya in xarumaha qaar ay dadku ku yaaceen,... 

Wararkii ugu dambeeyey ee magaalada Kismaayo.

Magaalada Kismaayo ee xarunta u ah gobolka J/hoose, ayaa caawa  xaaladdeedu tahay mid aad u kacsan. Magaalada, ayaa waxaa ka jira bandow iskiis ah, iyadoona dadku ay guryahooda ku sugan yihiin, isla markaasna u dheg raaricinaya hadba wixii soo yeera, iyadoona magaalada ay kulaalayaan ciidamo huwan ah, oo doonaya inay gacanta ku dhigaan, kuwaasoo ay taageerayaan diyaarado iyo Maraakiib ay leedahay... 

Kismaayo, oo dagaal Cir iyo Bad ah uu ka soconayo.

Magaalada Kismaayo, ee xarunta u ah gobolka J/hoose, ayaa waxaa saaka ka soconaya dagaal Cir iyo Bad ah. Dagaalka, ayaa yimid ka dib markii ciidamo Kenyan iyo Soomaali leh, ay Maraakiib ku soo gaareen xeebta magaalada Kismaayo, ka dibna ay u soo dageen dhulka. Ciidamadan soo gaaray xeebta magaalada Kismaayo, ayaan tiradooda la garaneyn, balse waxay ku yimaadeen ilaa laba Markab oo nooca dagaalka ah,... 

Shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ka dhacay New york.

Magaalada New York waxaa lagu qabtay shir gaar ah oo looga hadlayay Arimaha Soomaaliya, waxaana shirkaas  gudoominayay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon. Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay Madax ay ka mid yihiin, Madaxweynaha ccusub ee dalka Masar, Madaxweynaha Burundi, kuxigeenka Uganda, Xoghaye arrima dibadeedka Mareykanka iyo Britain, Madaxweynaha Soomaaliya oo qalabta leyska arko uga... 

Britain, oo Taageero dhaqaale u balan qaadday Soomaaliya.

Dowladda dalka Britain, ayaa Taageero dhaqaale u balan qaadday dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Britain u qaabilsan amuuraha Afrika Mark Simmonds, ayaa sheegay in dowladdiisu ay si buuxda u taageereyso dowladda Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhajiyey in beesha Caalamku ay u soo jeeddo in Soomaaliya la caawiyo. Wasiirka, oo u warramay voa-da, ka dib markii uu ka qeyb galay shir... 

Ra’isul wasaare Gaas, oo la kulmay Madaxweyne Obama iyo Ban Ki-Moon.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa xarunta QM ee magaalada New York kulamo kula qaatatay madax kala duwan oo ka qayb galaysa kulanka sanad laha ah,  waxaana madaxdaas ka mid ah Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban-ki-Moon, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, Ra’iiusl wasaaraha Australiya Julia Gillard, iyo Wasiirka... 
© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno