Home » Archive for November, 2012

Isbaarooyinkii yaalay magaalada Muqdisho oo la qaaday.

Magaalada Muqdisho, ayaa ciidanku waxay qaadeen Isbaarooyinkii lacagaha sharci darrada ah dadka looga qaadi jiray. Ciidanka Nabad sugidda dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa degmooyinka magaalada Muqdisho ka qaaday Isbaarooyinkii yaalay, kuwaasoo lagu qaadi jiray lacago sharci darro ah. Isbaarooyinka magaalada Muqdisho, yaalay ayaa lagu qiyaasay ilaa 60, kuwaasoo dadka iyo gaadiidkuba ay dhibaato... 

Madaxweyne C/raxmaan Faroole oo maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Boosaaso.(Sawiro)

Madaxweynaha dowllada Puntlland Dr Cabdiraxmaan Faroole iyo wafdi uu horkacyo ayaa maanta waxaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Boosaaso xarunta ganacsiga Puntland. Madaxweynaha iyo wafdigiisa, ayaa waxaa banaanka magaalada uga hortagay qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoona hareeraha wadada laamiga ah ay safnaayeen dad badan oo sawiro iyo jal kudhegyo ku muujinayey soo dhaweynta Madaxweynaha. Ciidamo... 

Sababaha Takfiirka cusub uga khatar badan yihiin kuwii hore.

Sida aan qormooyin horey kusoo qaadanay waxaa xiliyadii dambe Soomaalida lagu dhex arkayey afkaar khariban oo lagu dhexfaafinayo. Fikradaha bulshada lagu dhexfaafinayo ayaa waxaa ka mid ah: Fikirka Takfiirka, kaasoo markan dambe loo soo xiray dhar quruxsan oo dad badan ay ku dagmi karaan, iyadoona marka la baratansiiyo Takfiirkii hore ee Soomaalidu wada taqaanay iyo kan dhawaan inagu soo biiray uu... 

Koontoroolka Boosaaso oo ciidanku aad u adkeeyeen dadka soo dhaafaya.

Kontoroolka laga soo galo magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ,  ayaa si aad ah loo adkeeyaa. Kontoroolada magaalada, ayaa dadka iyo gaadiidkaba lagu sameynayaa baaritaano dheeraad ah, iyadoona boorsooyinka iyo alaabada ku dhexjira ee dadku wataanba si adag loo fatashayo. Dadka la socda gaadiidka soo galaya Boosaaso,  ayaa baaritaan adag  la mariyaa, iyadoo  su’aalo badan la weydiinayo,... 

Bileyska Gaarisa oo qabtay dad ay uga shakisan yihiin dilalka loo geysto asakarta dalka Kenya.

Bileyska magaalada Gaarisa, ayaa waxay s oo qabteen  dad ay uga shakisan yihiin dilalka loo geysto asakarta dalka Kenya. Howlgallo ay magaalada Gaarisa ka sameeyeen ciidanka ammaanka ayey ku soo qabqabteen ilaa 10 qof, kuwaasoo ay sheegeen inay ku lug leeyihiin dilalka askarta loogu geysto magaalada Gaarisa. Saraakiisha ciidanka ammaanka, ayaa qaarkood waxay sheegeen inay hubaan in ragani ka tirsan... 

Musharrax Gablax oo Gaalkacyo lagu soo dhaweeyey. (SAWIRO)

Boqolaal  Ruux oo isaga kala yimid Degaanadda Puntland iyo Gobalka Mudug ayaa shalay  Magaaladda Gaalkacyo ku soo dhoweeyay C/raxmaan Maxamed ”Gablax” oo ah Musharax u taagan Kursi-ga ama Xilka Madaxtinimo ee Dowladda Puntland. Dadkaan oo isugu jiray qeybaha kala duwan ee bulshada, iyo siyaasiyiin reer Puntland ah  ayaa Musharaha ku soo dhoweeyay Garoon-ka Diyaaradaha ee C/llaahi Yusuf... 

Kenya oo adkeyneysa xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

Ciidamada ilaalada xuduudaha dalka Kenya ayaa waxa ay  saldhigyo cusub ka furteen xuduudda Kenya iyo Soomaaliya. Ciidamada Militeriga dalka Kenya, ayaa waxaa ay fariisimo cusub ay ka dhigteen aagag ku yaalla degmada Mandheera ee xuduudda ku taala, waxaana ujeeddadooda lagu sheegay inay ka hortagaan haddii Mandheera ay dagaallo ku soo fidaan. Afhayeenka ciidanka Militeriga Cyrus Oguna, ayaa sheegay... 

Maamul u-Sameynta Jubaland: DF iyo JL yaa gar leh?

Maalmahan waxaa aloosnaa khilaaf la sheegay inuu u dhexeeyo madaxda dawladda federaalka (DF) ah ee cusub iyo guddiga ku hawlan dhismaha dawlad goboleedka Jubaland (JL). In kastoo khilaafkan aan si rasmi ah loo shaacinin, haddana waxaa muuqata in uu jiro khilaaf ka dhexeeya labada dhinac. Islamarkaasna waxaa muuqata inaan wax xal ah laga gaadhin khilaafkaas. Khilaaf wuu dhici karaa, waana wasiilo u... 

Hay’adda Human Rights Watch oo xukuumadda Kenya ugu baaqday in ay baaritaan ku sameyso dhibaatadii ciidanku ka geysteen Gaarisa.

Hay’adda Human Rights Watch ayaa waxa ay  xukuumadda Kenya ugu baaqday in ay baarto xadgudubyadii ka dhacay magaalada Gaarisa. Human Rights Watch ayaa sheegtay in ciidamada dakja Kenya, ay magaalada Gaarisa ka geysteen tacadiyo isugu jira, taagasho, kufsi iyo dhibaatooyin kale, ka dib markii ciidanku ka caroodeen askar laga dilay, waxaana Human Rights ku baaqday in Kenya looga baahan yahay in ciidankeeda... 

Ciidamada AMISOM oo magaalada B/weyne u furay wadooyin xirnaa

Ciidamada Jabuuti ee ka tirsan kuwa AMISOM, ayaa magaalada B/weyne xarunta gobolka Hiiraan, waxay u fureen wadooyin horey u xirnaa. Ciidamada Jabuuti ee dhawaan fariisamaha ka sameystay gudaha magaalada B/weyne, ka dib markii ay ka baxeen ciidamadii Itoobiya, ayaa bilaabay inay furaan wadooyin muhiim ahaa, kuwaasoo ay xireen ciidamada Itoobiya, dadkuna ay dhib ku qabeen xirnaashiyahooda. Wadooyinka... 
© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno