Home » Archive for December, 2012

Isimada iyo Nabadoonada Qardho oo bayaan soo saaray.

Kulan ay isuguyimadeen Isimada,Nabadoonada,Maamulka Degmada Kan gobolka,Taliyaha Booliska Puntland,Taliye kuxigeynka Booliska,Wasiiru dowlaha Madaxtooyada  dhanka Sharciyada iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Qardho,waxaa shirkaani looga hadlay arimo badan oo xasasi ah, waxaana diirada lagu saaray in si wadajir ah looga shaqeeyo amaanka Degmada iyo kan gobolka,in ciidamada... 

Sh. Maxamuud Shible oo ku baaqay in la gargaaro dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Masaajidka Hidaaya ee magaalada Nairobi

Sh. Maxamuud Shible, ayaa  ku baaqay in la gargaaro dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Masaajidka Hidaaya ee magaalada Nairobi. Sheekha oo maanta ka hadlayey masaajidka Abuu Bakar Sidiiq, ayaa sheegay in dadkii ku dhaawacmay qaraxii bishan horraanteeda ka dhacay Masaajidka Hidaaya ay u baahan yihiin taakuleyn dhaqaale, isagoona ka warbixiyey xaaladda iyo tidara dhaawacyada ay ogyihiin. Ilaa 35 ayuu Sheekhu... 

Degmada Garacad ee gobolka Mudug oo ay ka sii dabar-go’aya kooxihii burcad badeedda ahaa ee degenaan jiray.

Degmada Garacad ee gobolka Mudug ayaa waxa ka sii dabar-go’aya  kooxihii burcad badeedda ahaa ee degenaan jiray. Ciidamada Badda ee Puntland  oo kaashanaya  bulshada gobolka Mudug, ayaa waxa  suura gashay in xeebta degmada Garacad laga ay ka sii dhamaanaya  kooxihii Burcad badeedda ahaa ee halkaas, ku sugnaa muddada. Hawlgallo balaaran oo ciidanka badda ee Puntland ay kula dagaalameen dhowr... 

Guddoomiya Jaamacadda Bariga Afrika oo ka warbixiyey horumarka ay hiigsaneyso Jaamacadda (Maqal iyo Muqaal)

Guddoomiya Jaamacadda Bariga Afrika Prof  Cabdirisaaq Hiirad, ayaa  ka warbixiyey horumarka ay hiigsaneyso Jaamacadda. Guddoomiyaha, ayaa dhawaan taleefishinka Somalichanel siiyey wareysi xiiso badan, kaasoo uu uga hadlayey heerka aqooneed ee Jaamacadda Bariga Afrika ee xarunteedu tahay magaalada Boosaaso. Hoos ka daawo warbixinta Prof  Cabdirisaaq Hiirad.            Read More »

Nadwo Cilmiyeed lagu qabtay South Afrika oo ay culumada Muxaadarooyin ka jeedsheen

Nadwo Cilmiyeed ka socota dalka South Afrika  ayaa culumo socdaal dacwo ku gaaray dalka South Afrika waxay ka jeediyeen muxaadarooyin kala duwan waxaana Nadwada ay culumada u jeediyeen jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka South Afrika Culumada ayaa muxaadarooyinkooda waxay ka kala jeediyeen Masjid Al shaafici magaalada Johannes burg 24/12/2012 ilaa 27/12/2012.Masjid Assunnah, Xaafadda Bellville... 

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Libiya oo shaaca ka qaaday magacyada Soomaalidii ku dhimatay gaari lagu tahriibinayey.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Libiya, ayaa  shaaca ka qaaday magacyada Soomaalidii ku dhimatay gaari lagu tahriibinayey. Safiirka ayaa sheegay in gaari lagu tahriibinayey dad Soomaali u badan ay Shamiito saareyd gaari xamaaul oo lagu tahriibinayay ay ku soo duntay  gudaha dalka Libiya. Dadka dhintay ayaa 10 ka mid ah ay ahaayeen rag, halka 6da kale ay ahaayeen dumar Soomaaliya ah, waxaana jirta... 

Khatarta guur la’aanta W/Q: Sh. Axmed Cabdisamad

Guurku wuxuu ka mid yahay nicmooyinka waaweyn ee Ilaahay adoomadiisa ku galladaystay, ka tagistiisuna waxay qofka iyo bulshadaba ku leedahay saamayn xun. Khataraha ugu waaweyn oo ka dhasha ka dheeraanshaha guurka waxaa ka mida: 1. Ka dheeraanshaha guurku wuxuu sababaa jirrooyin nafsi ah, sida: waali, islahadal, walwal iwm. Waxaa dhici karta in jirradaas isu badasho mid xubnaha ah oo daweynteedu adagtahay.... 

Ciidamada ammaanka Kenya oo Soomaalida xaafadda Islii ula dhaqmaya sidii Waraabe xoolo xero ugu jiraan. (Warbixintii ugu dambeysay)

Ciidamada ammaanka Kenya, ayaa dadka  Soomaalida xaafadda Islii ku nool ula dhaqmaya sidii Waraabe xoolo xero ugu jiraan. Ciidamo kala duwan oo isugu jira, kuwa Booliska, ciidan gaar u tababaran oo JSU lagu magacaabo, kuwa sirdoonka ee dhar cadka ah, kuwo kale oo lagu magacaabo AB, ayaa lagu soo fasaxay xaafadda Islii ee Soomaalidu ku badan tahay, ujeeddada loo keenay waa inay ammaanka sugaan, waxna... 

Warbixin ku saabsan Kulan diimeedkii kadhacay Boston, MA Dec 21-23-2012 (Daawo)

Magaalada Boston ee Gobalka Massachusetts (USA) ayaa waxa lagu soo gabogabeeyey kulan diimeed aad u heersareeyey oo ay kasoo qayb galeen dadwaynaha ku dhaqan gobalkan iyo qaar kamid ah gobalada kale ee Maraykanka. Kulanka diimeedkaan oo  qabsoomayJimce ilaa Axad waafaqsan December 21-23, 2012 ayaa waxaa kasoo qayb galay Mashaa’ikh kala duwan oo ka kala yimid gobalo kaladun wuxuuna Mu’tamarkan... 

Qoxootiga xeryaha Dhadhaab oo ay soo food saartay nolol iyo amni xumo siyaada ah

Qoxootiga xeryaha Dhadhaab  ayaa waxaa waxaa soo food saartay nolol iyo amni xumo siyaada ah. Xeryaha 3-da ah ee Xagardheere, Ifo iyo Dhagaxley ee lagu sheego kuwa ugu qoxootiga badan caalamka, ayaa in dhawaaleba waxaa ka jirtay dhibaato dhinacyo badan. Xeryaha oo ay ka shaqeynayeen hay’ado gargaar, mas’uulna ay ka tahay hay’adda qoxootiga caalamka u qaabilsan ee UNHCR, ayaa in badan oo ka mid... 
© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno