Home » Archive for January, 2013

Wafdigii culumada ahaa oo booqday degmada Xarfo iyo deegaanka Bacaadweyn (Sawiro)

Waxaa soo gaaray magaalada xarfo wafdigii culumada ahaa ee  uu hogaaminayey Sh. Axmed C/samad 24-01-13, halkaana waxaaa ku soo dhaweeyey gudoomiyaha degmada C/laahi Faarax Bayle, Sh. C/qaadir Cumar Awdheere iyo Sh. Axmed Maxamed Guuleed. Ka dib culumadu waxay booqdeen dugsiga Daarul Qur’ aan oo ay dhigtaan 370 arday, waxaana ardayda kalimad wacdi iyo dhiirrigalin ah u soo jeediyey Sheekh Xabiib... 

Madaxweynaha Puntland oo shaaca ka qaaday inayan ku qanacsaneyn qaabka dowladda Federaalka wax u waddo.

Madaxweynaha Puntland, ayaa waxa uu  shaaca ka qaaday inayan ku qanacsaneyn qaabka dowladda Federaalka wax u waddo. Madaxweyne C/raxmaan Maxamed Faroole, oo shalay ka hadlayey furitaanka shirweynaha ururka Horseed, ayaa waxa uu sheegay in ayan raali ka ahayn sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya u dhaqmeyso, gaar ahaan marka ay timaaddo maamul u sameynta gobolada dalka. Dr. C/raxmaan Faroole, ayaa... 

Waddanka Uk oo sanadkii la soo dhaafay ay ku muslimeen dad 5,000 gaaraya.

Ilaa 5,000 oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay waxay soo galeen diinta Islaamka waddanka UK. Sida uu sii daayey taleefishinka BBC, ilaa 5,000 oo qof ayaa sanadkii tagay ee 2012ka ku muslimtay waddanka UK, iyadoona diinta Islaamka ay si weyn ugu dhex faafeyso UK iyo guud ahaan qaaradda Yurub. Dadka diinta Islaamka soo galay ayaa ku dhawaad 3,000 waxay ahaayeen dad caddaan ah, waxayna u badnaayeen haween,... 

Culumo Socdaal dacwadeed ku tagay degmada Burtinle

Galabnimadii 22/01/13 ayay culumadu soo gaareen magaalada Buurtinle, waxaana soo dhaweeyey Shiikh. C/risaaq Warsame Guure, ka dibna waxay booqasho ku soo mareen Mac-hadka diiniga ah ee Alhidaaya oo leh heer dugsi sare iyo dugsi dhexe, Maamulaha Mac-hadka Shiikh. C/fataax C/laahi Daahir (Muqdishaawi) ayaa wafdiga soo dhaweeyey, wuxuuna siiyey warbixin, ka dibna waxay kormeereen qayb ka mid ah ardayda... 

Magaalada Garoowe oo ay ka soconayaan abaabulo xafiisyo ay uga furanayaan ururada siyaasadda.

Magaalada Garoowe, ee caasimadda u ah Puntland, ayaa waxaa  ka soconaya abaabulo xafiisyo ay uga furanayaan ururada siyaasadda. Ururada siyaasadda ee Puntland, kuwaasoo ka soo gudbay wajigii hore ee isdiiwaan gelinta, ayaa hadda u diyaar garoobaya sidii ay xafiisyo uga furan lahaayeen gobolada, iyadoona magaalada caasimadda ah ee Garoowe, lagu arkayo xubnaha ururada iyo taageerayaashooda oo is abaabulaya. Urur... 

Xarakada Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay

Xarakada Al-Shabaab, ayaa waxa ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay ilinka Madaxtooyada. War qoraal ah oo ka soo baxay warfaafinta xarakada Al-Shabaab, ayaa lagu sheegay in weerarkii isqarxinta ahaa ee shalay subax ka dhacay ilinka Madaxtooyada ay ku dhinteen 7 qof, kuwaasoo ay sheegeen inay ka mid ahaayeen kuwo ay si gaar ah u ugaarsan jireen, waa sida... 

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dalalka ku jira urur goboleedka IGAD oo isku fahmi waayey shirkii ka dhacay Adis ababa (Xog)

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dalalka ku jira urur goboleedka IGAD, ayaa  isku fahmi waayey shirkii ka dhacay Adis ababa Sida aanu xogta ku heleyno, waxaa magaalada Adis ababa ka dhacay shir ay gaar u yeesheen wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka bariga afrika, waxaana shirkaas si gaar ah looga hadlayey arrimaha Soomaaliya iyo ismaandhaafka u dhexeeya koofurta iyo waqooyiga Suudaan. Wasiirka... 

WFP oo Gargaar gaarsiisay Kismaayo.

Barnaamijka Cuntada Adduunka ee marka magaca loo soo gaabiyo la yiraahdo WFP ayaa gargaar gaarsiisay magaalada Kismaayo. War qoraal ah oo ay soo saartay ha’adda WFP, ayey ku sheegtay inay magaalada Kismaayo ee xarunta u ah gobolka J/hoose, ay ka bilowday cuno qeybin, kaddib markii ay hay’addu ogaatay in Kismaayo ay ku sugan yihiin kumayaal gargaar u baahan. Wakiilka hay’adda WFP u... 

Waddan aan Waddaniyiin laheyn waa Guri aan gabbaad laheyn.

Waddan aan Waddaniyiin laheyn waa Guri aan gabbaad laheyn: waa qormo aan ku qaadaa dhigi doono sida ay waddaniyiintu ugu yar yihiin dadka ku hadla luuqaddan aan qalinka u qaatay inaan amuurtan ku lafa guro. Dadka Soomaaliyeed intooda badan waa reer guuraa asal ahaan, sida la wada ogyahayna dadka reer guuraaga ah majirto  meel ay si gaar ah u leeyihiin, qofka miyiga ka war qaba ayaa garanayee, reer... 

Qof naftiisa miino ku soo xiray oo saaka ku qarxay afaafka hore ee Madaxtooyada Soomaaliya.(Daawo sawirada)

Qof naftiisa miino ku soo xiray, ayaa waxa  saaka ku qarxay afaafka hore ee Madaxtooyada Soomaaliya. Ninka naftiisa soo biimeeyey ayaa sida la rumeysan yahay waxa uu doonayey inuu gudaha u galo Madaxtooyada, markii taasi u suura gali weydayna waxa uu isku qarxiyey ilinka laga galo, halkaasoo uu isana ku dhintay, mid ka mid ah askartii albaabka joogtayna ku dilay. Waxaa soo baxaya warar sheegaya in... 
© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno