Home » Qoraalada Maxamed Nuur, Qormooyinka » SOOMAALIDU: MOOGAYAAL AAN LA MOOGEYN.

SOOMAALIDU: MOOGAYAAL AAN LA MOOGEYN.

Soomaalidu moogayaal aan la moogeyn waa qormo faahfaahineysa xaaladda ay ku sugan yihiin dadka Soomaaliyeed ee la daalaa dhacaya Colaadaha daba dheeraaday ee dalkooda ka jira.

Mahad oo dhan ilaahay ayey u sugnaatay, nabad galyo iyo naxariisna ha ‘ahaato nabigeena dushiisa (SCW).

Soomaalidu waa dad illaahay ku maneystay nimcooyin badan oo ayan fursad u helin umadaha kale ee illaahay ku beeray adduunka aan ka degennahay geeska afrikada bari, waana dad wadaaga Diin, Dhaqan, Af iyo Sinjiyad, mana jirto umad ama dal ay ku kulantay inta aan soo sheegay oo aan Soomaali aheyn.

Dhulka ay degen yihiin waa dhul dihin oo Barwaaqo farabadan uu Eebe dul dhigay, waxay Soomaalidu leedahay xeebta ugu dheer qaaradda afrika, taasoo ay ka buuxaan noocyada kala duwan ee Kaluunka adduunka loogu jecel yahay, dhinaca barriga, waa dhul dalaga beeraha ku fiican, isla markaasna ay dul joogaan ugaar farabadan oo aan adduunka laga helin, xaga cimilada waa meelaha aduunka ugu hawada fiican, majiro qabow daran oo dadka dhiba, mana jiro kuleyl xad dhaaf ah oo aan lagu noolaan karin.

Dad ahaan Soomaalidu barwaaqada ay haystaan waa ay ka badan tahay, mana ahan dad badan oo ayan ku filneyn barwaaqada  illaahay ku galadeystay, mana jiraan sababo la taaban karo oo ay u wadaagi  kari waayaan galadda Illaahay siiyey.

In badan oo ka mid ah dadka ku hadla luuqadda aan qalinka u qaatay inaan qormadan ku soo gudbiyo, lamaba socdaan waxa loo quuri la’yahay ee illaahay ku maneystay, waxayna maanka ku wada hayaan inay ka haajiraan dhulka Illaahay ka dajiyey dunidan dhibka badan ee leysku ibtileynayo, waxaana hubaal ah in dad badan ay aqbali lahaayeen hdadii la soo jeedin lahaa in malaayiin doolar nalaga siisto dhulka aan ku tarannay fac ka fac ee aan mudnnahay inaan Illaahay in badan uga mahad celino.

Waxyaabaha Soomaalidu ay moogtahay oo aan maankoodaba kujirin waxaa ka mid ah, inuu illaahay dajiyey dhulka aan la tirin karin waxa illaahay dul dhigay ee ayan fursadda u helin dadyow kale oo si wanaagsan uga faa’iideysan lahaa.

Waxaa ka mid ah waxyaabaha maanka Soomaalida hareer maray, in ay yihiin dad yar oo Illaahay u dhameystiray dhamaan tilmaamaha midnimada iyo wada noolaanshaha, mana jirto hal sabab oo la taaban karo oo keeni karta inay dalkooda ka jecleystaan dhulal kale oo laga wada dhergsan yahay duruufaha ku haysta Soomaalida nolosha u doonatay.

Waxa ugu badan ee Soomaalidu qarankeedii u dumisay waxa ay ahaayeen qabyaalad ay qalalaasaheeda huriyeen daneystayaal Awrka ku kacsaday duruufo yaryar oo bari hore ka jiray dhulka miyiga ah, taasoo markii hore miyir beelisay inta badan dadkii Soomaaliyeed, markii dambe oo darbiga madaxa lagu soo dhuftayna garan waayey meel ay ka soo laabtaan.

Soomaalida in badan oo ka mid ah waxa ay iloobeen ama maankooda ka baxay hanaankii dowladnimo, in ka sii badanna maba soo gaarin waxa ay tahay dowladnimo, iyadoo bulshadeena in  badan oo ka mid ah ay indhaha kala qaadeen, ama ay magaalooyinka ku soo biireen iyadoo tuulaba tuulada ku xigta ay col la tahay, isla markaasna dadku ay ku sheekeysanayaan dulmi ay ka tirsanayaan dadka degen tuulada dariska la ‘ah, waxaana soo baxay bulsho dhan oo cadaawad ay odayaal hore beereen u wada dibirsan.

Waxaan dhaayaha Alle isiiyey saaray wiil dhalinyaro ah oo ka sheekeynaya dhul ka mid ah deegaanada Soomaalida, wuxuu wiilkaasi ku dhashay kuna barbaaray deegaankii reerkiisu degenaayeen, waligiis ma arkin hal qof oo ka mid ah dadka uu cadaawadda u hayo, wuxuuna ka aaminsanaa in xitaa muuqaal kale ay leeyihiin, wuxuu sheegay wiilkaas inuu doonayey inuu mar uun dhaayaha saaro dadka in badan looga sheekeeyey, wuxuu  maray deegaano ay ka degen yihiin Soomaaliya, isagoo maanka ku haysta sawir nooc kale ‘ah, markii uu waayey dadka uu sawirka kale ka haystay ayuu wuxuu mid ka mid ah dadkii ay wada socdeen weydiiyey halka ay joogaan dadkii uu doonayey inuu arko, waxaa loo sheegay in dadka uu arkayey dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ay yihiin kuwii looga sheekeyn jiray, wuxuu yiri ” oo dadku waa anagoo kalee!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!”.

Bulsho ay ku jiraan dad sidaas u fekeraya waa caddahay sida ayan wax badan u kala ogeyn, hadaba haddii ay Soomaali badan sidaas tahay, ama ay ka agdhow yihiin, sidee uunka inagu xeeran u ‘arkaan inay uga faa’iideystaan fursadda dahabiga ah ee soo martay, maadaama dadkii dhulkan ilaahay qeybta u siiyey in badan ay waddanka ka baxeen inta haatan ku harsanna ayan caga badan ku taagneyn.

Labada waddan ee Soomaaliya la leh xuduudda ugu dheer, “Itoobiya iyo Kenya”isla markaasna gumeystihii reer yurub uu ku daray dhul badan oo ay Soomaalidu lahayd, taasoo ismaandhaafka ka dhashay uu saldhig u yahay xasilooni la’aanta ku dul habsatay Soomaaliya, ayna qeybtooda ku leeyihiin labadaas dowladood, waxaa hunguri uga jiraa Jamhuuriyaddii Soomaaliya.

Itoobiya waxa ay ciidankeeda oo kumayaal gaaraya u soo dirtay Soomaaliya, waxay maanka ku hayeen in mar uun calanka Itoobiya ka dulbabado xeebta dheer ee Soomaaliya, iyadoo sidii ay ciidanka Itoobiya ugu yaaceen badda la wada ogaa, waxaana arinkaas dhicitaankiisa ku taamayey dhamaan talisyadii soo maray Itoobiya,waana ay muuqatay in hunguriga Itoobiyaanku uu ka shisheeyey wixii Mas’uuliyiintooda warbaahinta ka sheegayeen.

Kenya oo iyaduna xuduud dheer la leh Soomaaliya, waxa ay hadda soo hunguriyeysay qeyb ka mid ah badda Soomaaliya, waxaana jiray heshiis lagu sheegay is fahan oo Nairobi ku dhexmaray Kenya iyo dowladda KMG ah ee Soomaaliya, waxaana heshiiskaas ka horyimid inta badan bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan, walow Mas’uuliyiinta dowlada KMG ah ay ku doodeen in arinka la buun buuniyey sidaasina ayan wax u jirin.

Tusaale.

Laba sano  ayaa laga joogaa markii aqoonyahan Kenyan ah uu wargeyska Nation ku qoray in dhulka Soomaaliya loo kala qeybinayo Kenya iyo Itoobiya, isagoo sheegay in wixii gobolka Hiiraan ka xiga dhinaca Koonfurta Kenya la siiyo, gobolada waqooyiga ka xigana la siiyo Itoobiya, arintaasoo dad badan ay u ‘arkeen inay ahayd wax uusan mala awaalin aqoonyahankaas ee uu ka tarjumayey qorshe jira.

Badda dheer ee Soomaaliya, waxaa hadda hoganaya Maraakiib badan oo dowlado kale laga leeyahay, kuwaasoo weli ku soo qulqulaya xeebaha Soomaaliya, magaca ay ku socdaan waa la dagaalanka burcad badeedda, balse waxaa jira qorshayaal banaanka yaala oo muujinaya in arinku sidaas ka duwan yahay, waxaana arimahaas shaaca ka qaaday siyaasiyiin xiriir dhow la leh wadamada reer galbeedka qaarkood, iyadoo arinku u muuqdo baroorta Orgiga ka weyn.

Waxaa intaa sii dheer in Muqdisho oo caasimadda waddanka ah ay ku sugan yihiin ciidamo magaca ay wataan uu yahay Nabad ilaalin, balse qeybta ugu badan ku leh leynta iyo barakicinta shacabka ku dhaqan magaalada, iyadoo Muqdisho laga dayrinayo inay dib u noqon karto magaaladii ay ahaan jirtay bari hore, marka loo eego sida loo duminayo, loona barakicinayo dadklii ku dhaqnaa.

Waxaa jira xiriir dhow oo ka dhexeeya ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan, iyo ciidamada shisheeye ee hoganaya xeebaha waddanka Soomaaliya, ma waxa ay doonayaan  marka AMISOM dadka qixiso inay u soo dagaan barriga? u malee.

Arintu waxa ay noqotay ka dar oo dibi dhal, markii wadaadada oo dad badani ay isku haleynayeen wax badanna soo qabtay ay qaar ka mid ah la yimaadeen hindise maanka ku haya dhul ka baxsan midka ay ku magacaaban tahay Soomaalida, iyagoo afka qeylo ku shubtay oo yiri ” waxaan qabsaneynaa dhulal ka baxsan Soomaaliya” dadku waxbay maanka ku wada hayaan, balse ma sheegtaan wax hadda ay muuqato inaan la gaari karin.

Arintan  ayaa waxaa sababi kara laba midkood,  midda koowaad waxa ay tahay in wadaadadan ay ka tan badisay carada ay ka qaadeen sida wax u socdaan, ka dibna aan miiska hortiisa soo dhiganin waxa ka dhalan kara hadalkooda, iyo sida uu fursad ugu abuuri karo dowlado badan oo hunguri uu ka hayo dhulkan beylahda ah ee dadkiisiina ay daadsan yihiin dunida dacaladeeda, mida labadaadna waa in fahankooda diineed uu tusay in ay banaanka u soo saaraan waxa maankooda ku jira, haddii dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo dhan la waayana ay iyagu guteen waajibkooda diineed, tan labaad ayaana laga yaabaa inay xoog badan tahay, waa haddii aan malaha u wanaajinee.

Waxaa xusid mudan in wadaadadan ayan ahayn Soomaali soocan, ayna ka mid yihiin dad aan Soomaali ahayn cidda cududa u ‘ah iyo cidda talada ku lehba, waxaana arimahaas oo dhan ay cuskinayaan Daliilo diini ah, iyo inayan dhulka kala lahayn dadka Muslimiinta ah, waxaase hubaal ah in mar walba oo talada ay wax ku yeeshaan dad aan Soomaali ahayn ay arintu sii murgeyso, hadiiba taladu ka soo fushana warkeedba daa.

Gunaanad

Marka leysku soo xooriyo, sida Soomaalidu u fakareyso iyo sida ay waddankii Ilaahay dajiyey u moogyihiin khatarta ku soo fooleh, iyo weliba sida dadyoyga kale ee uu damucu kaga jiro uga faa’iideysanayaan fursadaha ay abuurayaan Soomaalida, waxaa cadaan ah oo banaanka taala in Soomaalidu ay yihiin MOOGAYAAL AAN LA MOOGEYN.

W/Q: Maxamed Nuur Shire

boqor3@hotmail.com

 


Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno