Home » English, Qoraalada Maxamed Nuur, Qormooyinka, Wararka » Mujaahidiinta Fadhi ku-dirirka.

Mujaahidiinta Fadhi ku-dirirka.

Mujaahidiinta Fadhi ku-dirirka, waa qormo aan ku qaadaa dhigi doono  dhaqannada cusub ee ay  soo kordhiyeen qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed.

Barasho wanaagsan

Mujaahidiinta Fadhi ku-dirirka waa qeyb ka mid ah taageerayaasha koox ka mid ah kuwa ku hardamaya waddanka Soomaaliya, waxaana ay sheegtaan inay iyagu afka ka jihaadayaan.

Mujaahidiinta fadhi ku-dirirka waxa ay ka kooban yihiin 3 qeybood oo kala ah:

1-Kuwa afka ka hadla

2-Kuwa wax qora

3-Kuwa murma

Haddii aan ku hormaro kuwa afka ka hadla: waa kuwa ay suuragalka u tahay inay dadka si guud  ula hadlaan, haddii ay ahaan laheyd inay Masaajid kala hadlaan, iyo inay warbaahinta qeybaheeda kala duwan isticmaalaan.

Qoladan koowaad iyagu waxa  dhib badan ka haysataa sidii ay aragtidooda dadka u laqsiin lahaayeen, iyadoona marka ay ka hadlayaan meelaha ay fariintooda ka gudbinayaan uu ka muuqado ciil badan oo ay u qabaan bulshada qeybaheeda kala duwan.

Kooxda labaad waa kuwa wax qora, qoladan iyo kuwii ka horeeyeyba ma badna, waxayna geed dheer iyo mid gaaban u fuulaan sidii ay qoraal ugu difaaci lahaayeen waxa ay aaminsan yihiin, iyagoo  dacaayado badan ku fura qolyaha fikradaha ay qabaan diiddan.

Kooxda kale waa qolyo iyagu ayan suuragal u aheyn inay si guud dadka ula hadlaan, ama  inay wax qoraan, balse iyagu waxa ay aaminsan yihiin waxa ay ku gutaan muran. waxa ay tagaan meelaha bulshadu isugu timaaddo, waxaana ay ku doodaan wixii ay ka soo maqleen ama ka soo aqriyeen qoyalaha  ay isku taageerada yihiin.

Majaahidiinya fadhi ku-dirika waxa ay aad u neceb yihiin marka la weydiiyo hal su’aal waana middan:

” Haddii  waxa aad sheegeysaan idinka dhab yihiin maxaad idinku u jihaadi weydeen?:  taasi waa su’aasha ay ugu neceb yihiin in la weydiiyo, qofka arintaas soo hadal qaadana waa midka ay ifka ugu neceb yihiin, iyagoo u isticmaala erey marka ay caroodaan ay dhahaan, dib ayuu inooga imaan doonaaye.

Sababta ay su’aashaas u neceb yihiin waa, inay iyagu dhahaan Jihaadka socdaa waa mid qof walba laga rabo oo sida salaadda oo  kale qof walba Waajib ku ah. dadka kale qaarkood waxay ku xukumaan inay waajibkaas ka fariisteen, balse marka  iyaga la weydiiyo waxa ay uga fariisteen waajibka ay sheegayaan waxa ay la dibiraan caro.

Qaar ka mid ah Mujaahidiinta fadhi ku-dirirka ayaa waxa ay dhahaan “Sheikh hebel waa faasiq, maxaa yeelay Sheikhul Islaam Ibnu Teymiyah ayaa sheegay inuu faasiq yahay Sheikhii  Jihaadka ka fariista” haddii lagu dhaho adigu ma faasiq baad tahay? “wuxuu ku leeyahay shaqsiyadda qofka lama faragashto” isaguna cidda uu xukumayo waa qof iyo bulsho gaar ah. bal adigu fahan.

Mujaahidiinta fadhi ku-dirirka ereyada ay isticmaalaan waxaa ka mid ah:

Murdad

Munaafiq

Khabiith

Faasiq

Munxarif  iyo kuwa kale.

Ereyadaas waxay u isticmaalaan dadka ay diiddan yihiin qeybahooda kala duwan, sida ay ereyadu u kala culus yihiinna waxay ugu dhahaan sida ay u kala neceb yihiin dadka ay u isticmaalayaan, waxaa xusid mudan in ereyga “Murtad” ay isticmaalaan marka ay aad u xanaaqaan.

Waxaa dhici karta in ereryadu sida ay u kala culus yihiin ayan u kala xulanin, iyadoo xiliyada qaarna sida afkooda ay ugu soo kala hormaraan ay u dhahaan, mana kala jecla haddii uu kugu dhaho wax uusan kaa aaminsaneyn maaddaama uu aad  kuugu careysan yahay.

Taageerayaashan waxa ay qaataan mowqifba midka uu ka adag yahay, haddii laba mas’alo oo labuduba la qaadan karo ay isu qabtaan waxa ay xushaan midda ay is leeyihiin dadka ayaad ku dhibi kartaan oo waa ay ku culus tahay, waxaa xusid mudan in Taageerayaasha iyo qolayaha ay taageersan yihiin ay mowqif ahaan u fog yihiin Taageerayaasha, waxaana la arkaa inay qabaan wax ayan qabin qolyaha ay taageersan yihiin.

Dad badan waxaa fogeeya oo neceyb ku beera taageerayaasha,” Mujaahidiinta fadhi ku-dirirka”  waxaana marmar ay dusha saartaan wax ayan qabin  qolyaha ay taageersan yihiin, ama diiddan yihiin, taasoo qolyaha ay taageersan yihiin ka fogeysa dad badan oo beer jileec markii hore u hayey.

Qaar ka mid ah tilmaamaha ay leeyihiin Mujaahidiinta fadhi ku-dirirka:

Xanaaq badan

Been abuur

Degdeg

Aflagaaddo iyo kuwa kale oo badan.

La yaab malahan in mid ka mid ah Mujaahidiinta fadhi ku-dirirku uu cidda uu neceb yahay ku xukumo in dhiigiisu banaan yahay, iyadoo waxa qofka Muslimka ah dhiigiisa lagu baneynayo ayan dhaafsiineyn in badan ciil laga qaaday, hadallo qofkaasi jeediyey, ama  qoraalo qofkaasi qoray iyo wax la mid ah, taasoo ay dhici karto in sida ay u fahmeen ” Mujaahidiinta fadhi ku-dirirku” ayan wax u jirin.

Fiiro gaar ah: qolyaha aan tooshka ku ifinayo waa qaar ka mid ah taageerayaasha xarakada Al-Shabaab, ee kama hadlayo xarakada Al-Shabaab. sidoo kale dadka aan ka hadlayo waa kuwa leh dhammaan tilmaamaha aan soo sheegay ee kuma jiraan ciddii aan tilmaahaasi laheyn.

Qormadii ku saabsaneyd Mujaahidiinta fadhi ku-dirirka intaan ayaan ku soo afmeerayaa.

W/Q:  Maxamed Nuur Shir

mnuur10@gmail.com

 

9 Responses

  1. maxamed says:

    ina nuur shire waxaan ku dhihi lahaa cadhadaada ku dhimo intaad sheegta ee aha murdada munaafaq faasiq iyo inta kalaba iskabaadh adigu marka hore

  2. khayr qabe says:

    walaahi dadka uu sheegayo walaalku waxaa mooddaa in ay i hor taaganyihiin waxaa kaloo jirta oo ay dhahaan “hebel waa jaajuus” ama “PIS” ama “Shiikh hebel/koox hebla waa xaasid” ama “cumalaa” ama “daba dhilif” iyo waliba wax la dhoho “takfiir jamaaci ah” oo macnaheedu u yahay “koox hebla ama group hebal waa gaalo laakin afraada kooxda ma dhihi karno waa gaalo” intaas oo erey bixin iyo kuwa walaalku kor ku qoreyba waxaa loo adeegsadaa intabadan dadka culimada iyo ahlu diinka isugu jira waana arin xagga eebe iyo rasuulkiisaba aan xujo looga hayn oo been abuur ah.

  3. cali says:

    waa maqaal qiimo leh ilaahay haku barakeeyo maxamed nuur dhab weeye waxa aad ka hadashay markii runta loo sheego way xanaaqaan taasna lkudarso

  4. awmuse says:

    asc dhamaan ummada muslimka ah
    walaalayaal waxa dhib ah oo somaali oo dhan kala kexeeyay waa aniga saxan.
    oo waxaa mooda qof walba inuusan arag ceebtiisa halka ay umuuqato ceebta walaalkis
    waxa kawada walaalka qoraaga ah qole kaliya ayuu ceebtooda sheegay soo lagama yaabo kuwa kasoo horjeeda inay lamid yihiin ama kadaranyihiin

  5. wadaad yare says:

    Qoraagu wuxuu yiri:

    “Majaahidiinya fadhi ku-dirika waxa ay aad u neceb yihiin marka la weydiiyo hal su’aal waana middan:

    ” Haddii waxa aad sheegeysaan idinka dhab yihiin maxaad idinku u jihaadi weydeen?: taasi waa su’aasha ay ugu neceb yihiin in la weydiiyo, qofka arintaas soo hadal qaadana waa midka ay ifka ugu neceb yihiin, iyagoo u isticmaala erey marka ay caroodaan ay dhahaan, dib ayuu inooga imaan doonaaye”!

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    kkkkkkkkkkkkkkkk

    War nimanyahow waa gol jilic la idin tusaye halkaas ka qabta nimanka.

  6. burhaan says:

    waxaan fialyaa qoraagu waxa uu aad ugu kuurgalay dad faarabadan oo aan maqaaxiya kafariisan waynahay una qaba in ay ayagu dadka ugu saxanyihiin ????? ?????? ??????

  7. Nin Qeyyrkii Loo xiiroow ''Adna Soo Qoyso'' says:

    Qoraalkaan waxaan ka dheehday haddaan Aqriste ahay , ama xitaa Qoraaga intaan Qoraaladiisii hore ka aqriyay inuu Jaceeco gaara isaga ruuxiisa duggaal ka dhigto , marka adiga Ruuxaaga soo taad Mujaahidiinta Fadhi ku dirirka ku jirtid , ileen qoraaladaada webkaan ma dhaafaan , webkaana afkaartiisa waa Dayax Nayla qaade ??

  8. Student says:

    Mahamed,
    Qolyahaas aad fadhi ku dirika ku sheegtay, waxay qabtaan shaqo badan sida Websites, paltalk, cajalada, wacyi galinta, iyo ladagaalanka afka ahe kuwa ka soo horjeeda, marka ha dhayalsanin!

    Marka xaalkoodu waa ku dagaalama “Faman jaahadahum bilisaanihii”
    .
    Laakiin aa ku su’aalee, Saw culimada Sheikh Umal ka mid yahay nama aysan barin, in gaalada dhulka Islaamka haysta la iska dhiciyo oo fardu cayn yahay?
    Mise way ka noqdeen qawlkaas, waxaan dhagaystay Sheikh Umal oo leh hadii taako dhul islaam ah la qabsado, waa in la dagaalamaa!

  9. macalimuu says:

    walaahi w shey aad u cajiib badan waxaa ina soo food saaray dhibaata hore leh oo ay adagtahay inaan la qabsano waqti badana inaka qaadan doonta intaanoo ereyaa waa kuwa aan cidna raali gelin in qof somali ah qataana adagtahay runtaa . waa mahadsanyahay walaalka qoraalka isku duba ridey.

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno