Home » Qoraalada Maxamed Nuur, Qormooyinka, Wararka » Guuldarreystayaashu yeyan na gabagabeyn. W/Q: Maxamed Nuur Shire.

Guuldarreystayaashu yeyan na gabagabeyn. W/Q: Maxamed Nuur Shire.

Waxay aheyd goor hore oo aroortii ah, xliga geeska africa, waxaa ii soo dhacay Taleefoon, markii aan eegay shaashadda waxaa ii soo baxay magaca mid ka mid ah saaxiibadey, balse walaalku xiligaas oo kale waligiis ima soo wicin. waxaan dareemay in wax siyaada ah ay jiraan, markii aan ka qabtay telka ayaa waxaan codkiisa ka gartay inay musiibo dhacday, isla markiiba wuxuu ii sheegay warkii naxdinta lahaa ee dilkii Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan Allaha hoygiisa Janatul Firdowga ka dhigee.

Saaxiibka Teelka iigu sheegay warka laga argagaxo ee dilka Sheikha, wuxuu ka mid ahaa ardadii jaamacadda bariga africa, isaga si gaar ah ayuu aqoon ugu lahaa Sheikha la dilay, cid walba oo walaal Burhaan maalintaas aragtana waa ay dareemi kartay in dhacdo xanuun badan ay la soo daristay.

Qormadeydan gaaban kuma talagalin inaan uga sheekeeyo qiimaha uu lahaa Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan, sidoo kale ma doonayo inaan akhritaheyga sharafta badan uga warramo sidii aan u dareemay geeridiisa, balse waxaan doonayaa inaan soo gudbiyo in  guuldarreystayaashii Sheikha dilay ay doonayaan inay na gabagabeeyaan oo kuwa kale oo aan ka naxno naga dilaan.

Waxaa aniga iyo adiga qormadan akhrinayoow aan wada ognahay inayan liibaaneyn cid ku caasiday waalikeed, cid ku caasiday culimadeedii, iyo cid intay waxaasoo dhan soo dhaaftay xabado shafka kala dhacday dadkii umaddan ugu qiimaha badnaa.

Haddaba ma guuldarreystayaashu ma halkaas bay ku egtahay hagardaamadoodii? mase waxay doonayaan inay dhiig kale oo xormo leh ay ku qubaan dhulka maalinta qiyaame ka marag kici doona wixii dushiisa lagu sameeyey? jawaabta su’aalahaasi labada ah waxay ila tahay inay kala noqonayaan:

1- In guuldarreystayaashii Sheikha dilay ayan halkaasi ku ekeyn hagar daamadoodii.

2- In guuldarreystayaashu ay u sii harraad qabaan inay cabaad dhiigga hal doorro kale oo aan ka wada naxno.

Sababta aan sidaas u leeyahay waxay tahay, in mabda’ii uu xambaarsa Sheikha la dilay ay la qabaan Culimo kale, diyaarna u yihiin inay Illaahay ku raali geliyaan inta ay Illaahay kala kulmayaan, iyo in guuldarreystayaashu uusan hal qof u tilmaaneyn ee ay doonayaan cid walba uu la timaadda ama sii wadda wixii loo dilay alle u naxariisaygii Axmed Xaaji ahaa.

Haddaba haddii arinku aan isla garano inuu sidaas yahay waxaan arkaa inay nala gudboon tahay:

1- In la baadi goobi gacan ku-dhiigyalaashii dilay Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan, halkaasna aan looga harin.

2- In baaritaan dhab ah lagu sameeyo halka ay ka imaaneyso mushkiladda taagan ee sababtay dilka Sheikha.

3- In wixii khaldan ama ciddii khaldan la acddeeyo khaladkeeda cidna aan looga gabanin.

4- In Culimada iyo dadka indhaha u ah bulshada loo sameeyo dad ilaaliya, si ayan noo buqno goynin guuldarreystayaashu.

5- In bulshadu isku duubnaato yar iyo weyn, rag iyo dumar, loona arko in dadka oo dhan ay muhiim u yihiin dadka iyo dalka.

6 Ugu dambeyntii in la helo dad geesiyaal ah oo runta sheega, haddii ay hadal ahaan laheyd, haddii ay qoraal ahaan laheyd, haddii ay gacan noqon laheyd iyo haddii ay ahaan laheyd in la helo xogta guuldarreystayaasha iyo hagar-daamooyinka ay umadda la damacsan yihiin.

Guuldarreystayaashu yeyan na gabagabeyn.

W/Q: Maxamed Nuur Shire

boqor@hotmail.com

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno