Home » English, Qoraalada Maxamed Nuur, Qormooyinka, Wararka » Is-fahmi waaye ee aan ukala ergeyno.

Is-fahmi waaye ee aan ukala ergeyno.

Is-fahmi waaye ee aan ukala ergeyno, waa qormo aan ku lafa guri doono sida la isu fahmi waayo iyo sababaha keena is-fahan waaga.

Horu dhac

Dadka Illaahay adduunka keenay waxaa jira waxyaabo ay isku fahmaan oo isu soo jiida, waxaana ka mid ah:

Af  ka dhexeeya

Deegaan ka dhexeeya

Dad ay isla garanayaan

Wax ay wada xiiseeyaan

Inahaasi iyo kuwa kale oo aan ka tagayba waxa ay ka qeyb qaataan in bulsho is-fahanto, haddii dhanka kale loo rogona dadkii ayan intaas ka dhexeynin isma soo jiitaan.

Hadaba akhriste si aad iila wadaagto aragtideyda ku saleysan sida ayan dadku isu fahmin iyo sababaha keena is-fahan waaga, waxaad iila degetaa qoraalka qeybtiisa hoose, si aan qodob qodob isugu dul-taago amuurtan. Ina keen.

Sababaha aan la isu fahmin

1- Aragti qaldan oo la kala qabo

Aad bay u adag tahay in aad is-fahantaan qof ama bulsho aad wax kale kala aaminsan tihiin, weliba waa marka aad qalad kala aaminsan tihiin, mar walbana waxaa soo boodaya oo banaanka imaanaya aragtidii aad kala qabteen, xitaa haddii midkiinba kan kale isku dayo inuu wax ka dhaadhiciyo.

2- Is-dhageysi la’aan

Dadku waxay isku fahmaan in wax la iska dhaadhiciyo, waxaana arintaasi ay ku suuragali kartaa, in la is maqlo marka hore, qof walbana kan kale dhageystaa oo dhuuxaa waxa uu sheegayo. haddaba is-dhageysi la’aanta waxaa sababa:

A- In iyadoo qofku kula hadlayo aad ku mashquushid arin kale.

B- In marka qofku kula hadlayo aad ku mashquulsan tahay diyaarinta wixii aad dhihi laheyd marka uu warkiisa dhameysto.

C- In aadan dooneyn inuu ku galo warka qofka kula hadlaya.

D- In qofka kula hadlaya uu yahay qof aan ujeedada uu leeyahay kaa raaridi karin, haddaad doontaan isku afba ku hadlee.

3- Isla-qumanaan

Isla qumanaata ayaa ah mushkilad aad u daran oo bulshada burburisa, iyadoo calaamado badan ay lahaan karto isla qumanaantu.

Haddii midkiin isla quman yahay  mid kale ma fahmo, maxaa yeelay sida ay isaga la tahay isaguna waa saxan yahay qofka kalena waa qaldan yahay.

4- Kaftan

Kaftanku waa wax jira, bulshadana qaarba heer ha u joogee ma ay necba, walow uusan wanaagsaneyn kaftanka xadgudba ku saleysan, haddana waxaa lagu masaalaa inuu yahay hadalka milixdiisa “dhadhankiisa” iyadoo ay inahaasi oo dhan jiraan ayaa haddana akhriste xiliyada qaar uusan munaasab aheyn.

Marka arin dhab ah oo xasaasi ah laga warramayo, sax ma ahan in madashaasi kaftan yimaado, sidoo kale waxay sababtaa in la is fahmi waayo haddii dadka qaarna kaftamayo, qaar kalena ay meeshii ugu dambeysay ka taagan tahay.

Kaftanku wuxuu leeyahay xili, iyo weliba cid lala kaftamo, dadka qaarkood waxayba u arkaan cayaar iyo wax waayeel uusan ku hambaasi karin, sidaas haddii xaajadu tahay, sow dowgu maahan  ineynu kala naqaano ciddeyno la kaftameyno iyo xiliga aanu kaftameyno?.

5- Kala duwanaasho xaga afka ah

Inkasta oo Soomaalida ku wadahadasho hal luuqad, haddana isku si’ uguma hadasho, waa marka aynu ka hadleyno luuqadda Soomaaliga ee la qoro, walow ay jiraan Soomaali afaf u gaar ah ku wada hadla, sida afka reer Baraawe, kan Jiidaha, midka Garraha iyo kuwa kale oo siyaabo u gaar ah ay ugu wada hadlaan qaar ka mid ah qabiilada Soomaaliyeed, haddana luuqadda Soomaaliga ah ee la isla garanayo ayaa deegaanba si’ ugu hadlaa, meelaha qaar ereyo ceeb ka ah ayaa deegaano kale si caadi ah looga isticmaalaa, iyadoon la dareemin wax xasaasiyad ah.

6- Warka oo laga bilaabo meesha ugu dambeysa

Akhritow dadku kala aftahansane, qaarbaa hadalka ka bilaaba meel loogu tagi lahaa marka in door ah la hadlayo. waa dadka inta badan sida hadalka u kala horeeyo aan u kala xulanin ee isku dhex yaaciya, arintaasina waxay keeni kartaa in dhageystahaagu uu ku fahmi waayo.

7- Hadalka oo mar walba laga fiiriyo dhinaca qaloocan.

Dabeecadaha dadka waa ay kala duwan yihiin, dadka qaar ayaa mar walba arimaha ka eega dhinaca qaloocan, xitaa haddii arinta ay u badan tahay dhinaca saxda ah, waxaana tilmaaha dadkaas ay leeyihiin ka mid ah:

A- Shaki. waa qof mar walba ka shakisan in la khiyaamayo, ama la durayo ama si’ aan saxsaneyn wax loogu sheegayo.

B- Daldalool raadin. qoladan waa kuwa mar walba hadalka ka raadiya daldaloolada, waxayna ka istaagaan barbarka xumaanta, kaamiradooduna ma qabato wax aan xumaan aheyn.

8- Qoraal qaldamay

Akhristow, qofka oo toos loola hadlo waa ay ka fiican tahay iyadoo telefon lagula hadlo, waxaase ka sii liidata iyadoo qoraal lagula xiriiro, waa haddii si taxader leh aan qoraalka loo qorin, hal xaraf oo qaldamay ama si aan lagu talagalin looga tagay, ayaa wax badan wax u dhimi kara in la is-fahmo.

Laba sheeko oo amuurtan la xiriirta ila wadaag adoo mahadsan.

Qisada hore, waxaa jiray laba nin oo xaasiibo ah oo Soomaali ah, midkood ayaa waxa ay sheeko ka dhexeysay gabar ay magaalo ku wada noolaayeen, markii dambe ayey gabadhii isku dhaceen oo kala hareen, ninkii kale ee ay saaxiibada ahaayeen ayaa gabadhii xiriir la bilaabay, way is-fahmeen, waxayna ku heshiiyeen guur, waana  is-guursadeen. labadii nin ayaa magaaladii ay ku wada noolaayeen kawada tagay. midkood wuxuu aaday Yurub, waa kii gabadha guursaday, kii kalena wuxuu tagay mid ka mid ah dalalka afrika. haddii muddo lakala maqnaa ayaa maalintii dambe waxaa la isku arkay khadka facebook, waa labadii nin ee saaxiibada ahaa. waa la isa salaamay, oo la is-wareystay, waxa lagu xiriirayo waa facebook, is-wereysi ka dib, ayaa kii gabadha guursaday ee Yurub ku maqnaa  wuxuu saaxiibkii u sheegay inuu doonayo inuu lacag u soo diro, sxbkii afrika joogay ayaa u sheegay in wax dhib ah ayan haysanin,  iskana daayo wixii uu u soo diri lahaa, ninkii lacagta soo diri lahaa, ayaa yiri ” wax iga naxayba adaa jira” ninkii sidaas lagu yiri ayaa u qaatay in laga wado” waxaad ka naxday guurkeyga” is-fahan waa aad u daran ayaa dhexmaxay.

Akhristoow haddii labadaasi saaxiibada ahaa ay toos u wada hadli lahaayeen, sidaas xaalku manoqdeen, maxaa yeelay waxaa mid walba u muuqan lahaa dareenka midka kale, wixii qalad loo fahmana waa la iska qancin lahaa, balse mushkiladdu waxay dhacday markii qaar ka mid ah xafraha la isu qorayey ay qaldameen, iyadoo horeyna dareen loo kala qabay.

Sheekada labaad

Nin boqor ah ayaa waxa uu warqad u qoray nin meel madax uga ahaa, fariinta warqaddu xambaarsaneyd waxay aheyd, in la badbaadiyo nin xiran oo malaha markii hore dil ku xukunnaa, warqaddii ayaa waxa uu boqorku u dhiibay nin kale, kiina sidii uu usii waday ayuu wuxuu farta ka saaray ninkii ay ku socotay. kii ay warqaddu ku socotay waa uu furay, ka dibna akhriyey, waxayna u qorneyd sidan:

Don’t save him, macnaha wuxuu noqday ” ha badbaadin isaga” laakiin boqorka ujeeddadiisu sidaas ma aheyn ee waxay aheyd sidan:

Don’t, save him, macnuhu wuxuu ahaa: ha dilin, ee badbaadi ninka, isbedelka waxaa keenay boqorku wuxuu ka tagay calaamadda ku jirta jumlada dambe ee ah: don’t, save him. haddaba waxaa ninkaas naftiisa loo gooyey waa hal calaamad oo laga tagay, sidaas daraadeed adoo xafraha ay kuu saxan yihiin ayaa waxaa la arkaa inay waxbadan qaribaan shuruucda qoraalka oo macnaha qoraalka ku keeni kara isbedel aan lagu xisaabtameyn. sheekadaasna halkaas iiga reeb.

9-Da’da

Waxyaabaha is-fahan waaga dhaliya ayaa waxaa ka mid ah kala duwanaashaha xagga da’da, weliba waa marka aad loo kala weyn yahay, maxaa yeelay isku si’ uma wada sheekeysan karaan dadka qaar marka uu u dhexeeyo farqi dhinaca da’da ah, waxaana ka mid ah waxyaabaha arintan sahla:

A- In qofka yar uu ku fududaado kan weyn, taasoo qofka weyn ku keenta inuu u qaadan waayo fudeydka lagula kacay ee aan loola kasin ee khibrad yaraantu keentay.

B- In qofka weyn uu jecel yahay in la ixtiraamo, qofka yarna aan mar walba laga heli karin.

10- Kala duwanaashaha waqtiga

Kala duwanaashaha dhinaca waqtiga waa ka mid ah siyaabaha dadka qaarkiis isu fahmi-waayaan, waxaana jirta in qaar ka mid ah bulshada ay ku xisaabtamaan waqtigooda oo kaliya, dadka kale ee ka duwanna firaaqadooda iyo mashquulkooda dan iyo heelo kama lahan.

Tusaale

Qof ayaad balansaneydeen, waxaad isku ogeydeen inaad kulantaan 9:30 barqanimo, qofkii arinkaas aad isku ogeydeen ayaa ku soo wacay 8:00 da subaxnimo, wuxuu doonayaa inuu soo hormariyo balantiinii, hadda ayuu firaaqo haystaa, mana oga adiga inaad hadda kulmi kaartaan, iyadoona qof walba waqtigiisu u qoondeysan yahay, xili gaar ahna aadba balansaneydeen. markii uu ku soo wacay ayuu wuxuu ku yiri ” xagee joogtaa” meel hebla ayaan joogaa ayaad ugu jawaabtay” wuxuu ku yiri “hadda ma isu imaanaa” adna waxaad ugu jawaabtay inaadan hadda firaaqo laheyn, uuna sugo xiligii aad balansaneydeen, isagana wuxuu ku celceliyey inay fiican tahay in balantiinii la soo hormariyo si uu danihiisa u qabsado, laakiin wuxuusan meesha soo dhiganin in hadda adiga aan lagu heli karin, sidaasna ay u dhacday in waqti go’an aad la balansaneyd, welina aan la gaarin xiligii aad kulmi laheydeen.

Waan arkay aniga dad sidaas isu fahmi-waayey, walow halkan ay ka muuqato daneystanimo, taasna ay tahay arin kaloo aan habooneyn, haddana kala duwanaashaha xiliga iyo sida fursadaha loo kala haysto ayaan isku mid aheyn, taasoo sababtay in la is fahmi waayo.

Tasaale kale

Qof ayaad dan ka soo yeelatay, mana jirin balan idin dhexeysay oo aad ugu socotay, waxaad u timid isagoo howshiisa ku guda jira, wuxuu kuu sheegay in mar kale aad kulantaan, haddana uusan firaaqo haynin, waxay ila tahay aniga ” qoraha qormadan” in lagaa gar joogo, haddii aad arinkaas ugu carootana aad ku qaldan tahay, maxaa yeelay sax ma ahan inaad waqtigaaga kaliya ku xisaabtantid ee dadka kalena tix-gelin ayey u baahan yihiin.

11- Hadalka oo aan laga fiirsan

Hadalka oo aan laga fiirsan ayaa ka mid ah siyaabaha dadka qaarkii ay isu fahmi-waayaan, waxaana arintaan loo kala qaadi karaa laba qodob oo kala ah:

A- In laga fiirsado kalmadaha lagu wada hadlayo.

B- In loo kala fiirsado dadka lala hadlayo.

Qeybta dambe waxaan ula jeedaa, in dadka aan isku si’ loola hadlin. Tusaale ahaan, waalidka si’ ayaa loola hadlaa, macalinka, ardayga, saaxiibka iyo dadka kale ee aad is-taqaanaan qofba si’ ayaad ula hadashaa, anna sidoo kale weeye. marka waxaan filayaa in arimahaasi aan isla ogolnahay. haddii ay sidaasi tahay, waxay is-fahan la’aantu ka dhalataa in hadal aan laga fiirsanin oo dadka qaar qalad u fahmi karaan lagu wada hadlo, ama dadka qaar loola hadlo si’ ka duwan sidii ay aheyd in loola hadlo, tusaalayaashii aan soo xusnay ayaana inagaga filan.

Gunaanad

Akhristaha mudnaanta lahow, waxay ila tahay in is-fahan la’aanta ay meesha ka bixi karto haddii niyaddu wanaagsan tahay, isla markaasna uu jiro dulqaad ka dhexeeya bulshada, marar badanna labadaas arimood ayaa ila fiican in tixgelin gaar ah la siiyo haba kharaaraadeene.

W/Q: Maxamed Nuur Shire

mnuur10@gmail.com

10 Responses

  1. cabdi says:

    aad baan u salamaya sxb key qoraaga weyn noqday runahaantii waa maqaal fiican oo wax soo kordhinaaya kuwa noocaan ah na waa muhiim jidan waxna dadka taraayo

  2. wadaad yare says:

    Waa maqaal fiican oo faaqidaad ku sameynaya asbaabaha is faham waaga keena. Sida dadku isku fahmi waayo ayaa qoraallada iyo “nusuustana” loogu kala aragti duwanaadaa.

    Dad badan oo waxaad arkeysaa indhuhu guduuteen caro darteed oo leh “naskaaba” sidaas oranayee maa la raaco maxaa dhibka keenaya?

    Dadkaas “nassiyiinta” ah qofkii “naska” fahamkiisa ku khilaafa, waxey u qaadanayaan inuu yahey qof si ula kac ah diinta u khilaafaya oo “ahlul ahwaa” ah.

    Nassiyiinta zamankaan waxaa calankooda sida tayaarka Salafigaa oo hadda u kala baxey saddex garab:

    1. Salafiya Jihaadiya. Waa ragga qaraxyada iyo qaarajinta ku caan baxey ood wada taqaannaan oo Alqacida ugu caansantahey

    2. Salafiya Siyaasiya. Waa qolada Ictisaamka Somaliya, Xizbul Ummah ee Kuweyt iyo Xizbunnuur Al Salafi oo hadda Masar ka noqdey xisbiga labaad iyo rag kaloo badan.

    3.Salafiya Jadiidah ama “Madkhaliya ama Jaamiyah”. Kooxdaan danbe waxey ku xabeebsadeen in lagu magacaabo oo kaliya “Salafiya” oo kaligood magacaas loo daayo! Taas waxey la mid tahey in koox ka mid ah Suufiyada ama Shiicada ay tiraahdo kaligeen “Shiico” hanaloogu yeero. Waa damac sakhiif ah oo qofka munsifkaa oo baaxithkaa aan u cuntameyn iskaba daa qofka tayaarkaas isagaa ka midka ahe.

    Salafiyiintaas saddexdaa waxaa ka dhaxeeya hal marjaciyad oo ah saddexda Sheekh ee kala ah:

    1. Sh. Ibnu Teymiyah

    2. Sh. Ibnul Qayim

    3. Sh. Muxamed Cabdul Wahaab

    Raggaas saddexdaa iyo kutubtoodi iyo aragtidoodi sidey diinta u fahmeen ayaa marjaciyad u ah Salafiyada saddexda qolaba.

    Laakiin waxey isku khilaafeen saddexdooduba sida loo fahmayo saddexda Sheekh manhajkoodi oo loogu dabbaqayo waaqica siyaasigaa iyo kan bulsho oo maanta taagan.

    Khilaafka iyo kala fogaanshaha saddexdaas Salafiyo ka dhaxeeyo kama sokeeyo khilaafka kala dhaxeeya qeybaha kale ee beytka Islaamigaa.

    Sidaas darteed waxaad arkeysaa in “naskii” fahamkiisi ay mar kale ku kala tageen dadkii ” nassiyiinta” ahaa.

    Ujeedkeygu ma ahan naceyb iyo shiddo inaan abuuro ee waa inaan dhaliyo xiwaar cilmi ah oo ka gudubsan “maxfuudaatka” koox kastaaba dhegta ugu sheegto xerteeda.

    Dabeedna isku cammirid iyo isku jiibin maahane aan wax kale oo niqaash ah la siineyn fursad.

    Markaasna waxaa soo baxaya dad si kastoo ay u wada hadlaan aan is fahmi karin. Sababtoo ah qolo kastaa way prograameysantahey.

  3. suufi says:

    to wadaad yare
    saaxiiboow maqaalka waxa uu xambaarsan yahay iyo waxa aad ka hadleyso waa kala duwan yihiin waxaa fiican in qoraaga ujeedadiisa aadan ka marin habaabinin maqaalka wuxuu ka hadlayaa cilmiga bulshada ee kama hadlayo nusuus iyo kooxo salafiyo ah raali iga ahow ma jecli inaan dadka ridiyo laakiin anaa maqaalka macaansanaya ayaad meel kale u dhigtay

  4. xaaji says:

    aniga suufi baan ku raacsanahay wadaad yare wax asaga ka dhexguuxaya buu maqaalkan wanaagsan ku fasiray qoraaga wuu kumahadsanyahay qaabka fiican uu ukala dhidgigay jahwareerka kala haysta dadka

  5. wadaad yare says:

    Suufi iyo Xaaji

    Waad ku mahadsantihiin dhaliisha aad ii soo jeediseen, waana wax fiican in arrinta dhinacyo badan laga rog rogo.

    Waa run “waxa aniga iga guuxaya” ayaan ka hadley, laakiin waxa iga guuxaya oon ka hadley waxaan weli is leeyahey waxey xiriir toos ah la leeyihiin mowduuca uu ka hadley qoraagu.

    Saaxada islaamka is faham waa maka jiraa mise kama jiro?

    Saaxada soomaaliya khilaaf maka jiraa mise kama jiro?

    Is faham waagaas ma si guud oo nadari ah ayaan uga hadalnaa? Mise waaqiceenna aan la noolnahey ayaan ku xirnaa oon fikradda guud oo qoraagu ka hadley ugu xirnaa.

  6. xaqaani says:

    wadaad yare waa runtiis sida maanta waxa kajira saaxada somaliya ma cilmi busho kaliyaa mise waxaad leedihin isfahan daro kamajirto dhinacyada kale.
    sida siyaasada,fiqiga diinta,dabaqaadka sharciga iyo waxii lamid ah.

  7. yasir says:

    wadaad yare waad mahadsantahay, sida aad u soo bandhigtay mowduuca qoraagu ka hadlayo, waa runtaa si dadban ayuu ula jeedaa qoraagu dadka islaamiyiinta ah welina kooxdaan aad ku tilmaantay nasiyiinta ama xarfiyiin ama thaahirayah judud. si kastaba ha ahaatee qoraalku kuma socda dadwaynaha caadiga ah ee soomaaliyeed khilaafkooda oo isagu u badan dhinaca qabyalada la siyaasadeeyay.

  8. yasir says:

    khilaafyada noocaan ah ee wadaadka qoraalka sameeyay uu ka hadlayo inta badan waxaa sameeya dabaqada hoosaysa eee bulsho ama dadka rural ka ku nool ama semi-nomadic,
    dadkaas oo aan helin fursad waxbarasho ama dhex gal bulsho magaalo wayn degan.
    khilaafka noocaan ah inta badan laguma arko magaalooyinka waawayn. laakiin tuulo yar ama magaalo inta badan dadku is wada yaqaan waa dhacdaa in sidaas loo fakaro inagoo ka eegayna waxyaalaha ay ka mid yihiin shaqo la`aanta, fursadaha ganacsi oo kooban iyo dadka qaarkiis oo ku jiri karto pride iyo male egotism.

    isku soo duuboo xanuunadaan waxa daweeye waxaa ka mid ah dadka oo la tababaro khaasatan dadka shqooyinka u haya dadwaynaha ama dacwo ha ahaato ama xafiis, team work/isla shaqayn iyo ilaalinta sharciga shirkada/company procedures.

  9. Abdihakim says:

    KKKKKKK. Waxyaabaha is-faham waaga keena waxaa ka mid ah:

    1: In dooda la diimeeyo iyadoon wax diin ah laga hadleyn.
    2: Qofka kula shekeysanaya mar hore wax xun lagaaga sheegey isla markaasna wuuba kaasii aaminsanaa Sheydhaan dhagawaaweyn.
    3: Dadka qaar oo aan ogoleyn iney aqbalaan hadii loo sheego wax aysan horey u maqal ama u ogeyn, iyago isaga dhagan waxay kala yimaadeen deegaanadoodi oo kaliya.
    4:Dadka fadhiyada ama meelaha lugu shekeysto ku cusub oo raba iney xoog kuso caan baxaan lana aqoonsado, iyago dhoolatus ku sameeya gaarayaasha.
    5: Labo qof oo isku cusub oo is-maandhaafa oo isla markiiba dusha iska mara.

  10. danjire says:

    runtii aad ayaan mahad ballaarn ugu celinayaa qoraha wax badan oo aan oran lahaa ayuu yiri waxaana ka helay sida uu hadalka u helay una soo bandhigay sidii ay isag la ahayd isagoon marnaba hadalku ka dhumin, wx sidoo kale i deeqay sida uu qoraalka sheekooyinka u dhex galiyay oo xiise u yeeshay in la akhriyana gundhig u noqotay.

    waxaan orn lahaa mudane maxamed nuur halkaas ka wad allaahna ha kula garab galo

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno