Home » English, Maqaallo, Qoraalada Maxamed Nuur, Qormooyinka, Wararka » Al-Shabaab,Towxiidka, Shareecada iyo Muslimiinta.

Al-Shabaab,Towxiidka, Shareecada iyo Muslimiinta.

Horudhac

Towxiidka waa kalmadda furaha u ah Islaamnimada, macnaheeduna waa, in cid xaq lagu caabudo ayan jirin Illaaha weyn  maahee, qeybta kalena waa, in Nabi Muxamad loo qiro inuu yahay rasuulkiisa. qofku marka uu intaas ku dhawaaqana waa qof  Muslim ah oo Illaahay rumeeyey, wixii intaas ka dambeeyana waxaa laga rabaa inuu la yimaado ficiladii kale ee Muslimiinta laga rabay, sida Salaadda, Zakada, “ciddii awoodda” Soonka, iyo Xajka, qofkii intaas la yimaadana waa Muslim dhiiggiisa iyo maalkiisa in la nabad galiyo la doonayo.

Shareecada Islaamka waa qaanuun dhameystiran oo Illaahay ugu talagalay inay aadanuhu weheshadaan inta ay adduunka saaran yihiin, iskuna dhaqaan, isla markaasna ay ku jirto danta aadanaha adduun iyo aakhiroba.

Muslimiintu waa dadka qiray kalmadda Towxiidka, ka dibna ku daray falalkii kale ee Islaamku amray, sida Salaadda iyo Soonka, Zakada iyo Xajka ciddii awoodda, 5 taas tiirna waa kuwa ay ku taagan tahay Islaamnimada.

Al-Shabaab iyo Taageerayaashoodu Kalmadahaasi sidee u isticmaalaan?

1- Towxiidka

Kalmadda Towxiidka ee furaha u ah Islaamnimada, sidaas waa u yaqaanaan, laakiin waxaa jira macnayaal kale oo ay si gaar ah ugu adeegsadaan, taasoo cidda aan ku raacin ay  ku sheegaan cid aan fahmin towxiidka, waaba haddii ayan diinta Islaamka ka saarine, waxaana ka mid ah:

A- jihaadka

Jiritaanka Jihaadka , ma ‘ahan mid ay doodi ka taagan tahay Muslimiinta dhexdooda, balse waxa muranka ugu badan ka jiraa ee Al-Shabaab iyo ururada la aragtida ah lagu diiddan yahay ayaa ah, noociyadda Jihaadka iyo shuruudihiisa.

Haddii aan taas isla fahanno,   Al-Shabaab  iyo inta ku aragtida ah ayaa waxa ay qabaan, ciddii arimahaasi kala doodda ama ku diidda, in ayan Towxiidka fahmin, marka aad maqashid hebel towxiid ma fahmin ama koox hebla, yeyan kaa hoos bixin Towxiidka la fahmayo ma ahan kii caadiga ahaa ee aad taqaanay ee waa, sida ay Towxiidka u fahansan yihiin  oo ah, noociyada Jihaadka aan lagu raacsaneyn ciddii aan ula fahmin sida ay rabaan.

Sheikh Jaamac C/salaam oo ka mid ah culimada hadda la dhacsan fikirka aan ka hadlayo, ayaa bisihii 4-aad ee sanadkii 2010-kii, mar uu ka hadlayey masaajid ku yaala magaalada Muqdisho, waxa uu sheegay in culimada Ictisaam ayan fahmin towxiidka. isaguna uusan horey u fahansaneyn, taas macnaheeda waxaan filayaa inay caddahay waxa uu Towxiidka ka wado.

B-Col iyo Saaxiib

Marka ay halkaan joogto, Al-Shabaab  iyo ururada la halmaala, mar kale ayey isticmaalaan ereyga ah ” Towxiidka lama fahmin” waxay ka wadaan :ciddii aan col la nahay la colow, ciddii aan saaxiib la nahayna la saaxiib, haddii kale towxiidka ma aadan fahmin: macnahan oo dhameystiran qodobka kale ee Muslimiinta baan ugu tagi  doonaa.

2- Shareecada

Shareecada Islaamka ee aan kor ku soo sharraxnay, taasoo muslimiinta laga rabo inay hirgeliyaan, waa mid dhameystiran, mana ahan shareecada Islaamka in lagu koobo waxyaabo dhowr ah.  Soomaalidu waa Muslimiin waa ku dhasheen shareecada, kuna dhaqmaan in badan, waxna waa ka dhiman yihiin u baahan in la dhaqan geliyo.

Shareecada ay Al-Shabaab u dagaalamayaan hirgelinteeda, waa shareeco ay shuruudo laba ah ku xiran yihiin, waxayna kala yihiin labada shardi:

1- In Shareecada loo hirgaliyo sida ay u fahansan yihiin, looguna dhaqmo.

2- In cidda hirgelineysa ay iyagu noqdaan oo cid kale ayan shareecada wax ku maamulin.

In Shareecada loo hirgeliyo sida ay u fahansan yihiin waxaan ka wadaa, dadka Muslimiinta ah waxaa jira aragtiyo u dhexeysa, gaar ahaan furuucda, ama fahanka, sidaas daraadeed waxaa jira madaahib iyo aaraa culimadu kala qabaan kuwii hore iyo kuwa dambe, mas’alo ijtihaadi ah ayaa noocyo kala duwan loo kala arkaa, marka iyagu waxa ay doonayaan in aragtidooda ay noqoto midda lagu saleynayo Shareecada Islaamka, taas xagga u tuur.

Midda kale Al-Shabaab cid kale lama doonayaan inay Shareecada hirgeliso, waxaana  tusaale u ah:

Xarakada Al-Shabaab cid aan iyaga aheyn ma dooneyso inay Shareeco wax ku maamusho, waxaana tusaale u soo qaadan karnaa ururkii Xisbul Islaam ee ay arimaha badan isku raacsanaayeen inay ula dagaalameen meelo badan in ay Shabaab ku soo biiraan oo shareecada cidda wax ku xukumeysa ay noqoto oo kaliya Al-Shabaab, haddii la dhaho midnimaa la raadinayey, sax  Muslimiinta waa laga rabaa inay mid ahaadaane maxaa loola dagaalamay iyagaaba diyaar u ahaa midnimada oo ku baaqayaye? haddii la yiraahdo dagaalkii Kismaayo waxaa lala galay Axmed Madoobe oo hadda Kenya la socda, kii Buurhakaba yaa lala galay, mase C/qaadir Kumaandoos baa asna meel kale ku xirnaa?.

3-Muslimiinta

Bulsho ama qof marka Muslim la dhahayo, waan soo marnay oo kuma laabanayo, inta badanna dadku waa yaqaanaan,  balse halka aan u socda adna aad iga dhowreyso waa qolyaha aan ka hadleyno Muslimiin yey ka wadaan? si aad jawaabta su’aashaas iila wadaagto wax yar u dul qaado qormadan:

Ma maqashay ereyadan?

Muslimiintii baa la baabi’iyey.

Muslimiintii baa la dhibaa

Ahlu Towxiidkii baa baxsan la’

Macnaha waxaa weeye iyagaa isku wada, dabcan iyagu Muslimiinta ayey ka mid yihiin, in muslinimadooda loo dhibana sax maaha, balse meel ay muslimiin iyaga ka badan ku nool yihiin oo dhul islaam ah, wax dhib ahna ay muslimiinta guud ku qabin inay dhahaan Muslimiin baa lagu dhibaa macno kale u garan maayo aan ka aheyn in Muslimiinta ay sheegayaan ay iyaga iska wadaan, gaar ahaan  marka loo dhibo arimaha  ay muslimiinta guud isku diiddanaayeen. waxaaba halkaas laga yaabaa in kali-muslinnimo ay  muuqato, laakiin hadda macnahaas uma jeedo, iyagana walow ay ka muuqato haddana waxay sheegaan inayan sidaas aaminsaneyn, in loo tixgeliyana waa ila wanaagsan tahay.

Al-Shabaab, iyagu shareecadii maaha oo ciddii iyaga la colowda shareecada inay col la tahay kama dhalaneyso. sidoo kale iyaga Muslimiinta oo dhan ma matalaan, meel iyaga lagu doortay oo umadda inay hoggaamiyaan loogu wakiishayna majirto, waa dad muslimiinta ka mid ah, sax iyo qaladna leh, su’aalo badanna waxaa ay ka furan yihiin halka ay umadda ku wadaan, wax yar su’aalahan ila fiiri.

1- Koox muslimiinta ka mid ah ma u babac dhigi kartaa gaalo oo dhan iyo inta badan muslimiinta?

2- Gar miyaa in Soomaalida  lagu tijaabiyo arimo culculus oo ayan ka bixi karin,  inta badan dadkuna  ay fashil u arkaan?

3- Intii 20 sano iyo ka badan ka dib laga shalaayi lahaa falal aan faa’iido badneyn, sow gar maaha in marka la nabad qabo aan lagu dhaqaaqin?

4- Haddii dadka diinta bartay badankoodu diinta xagal-daacinayaan yey yihiin dadka koryeelaya?

5- Haddii dhulkii kale ee Soomaalidu deggeneyd la leeyahay halaga soo Hijroodo dadkii muslimiinta ahaa ee ku noolaana ay doodi ka taagan tahay xukunkooda, yey kooxdani dartood u baaba’ayaan ma cid ay gaalo u arkaan iyo dhul ay waddan gaalo u arkaan bay daraadood u dhamaanayaan?

6- Haddii xiligan la leeyahay inta badan umaddu  maanta Towxiid ma fahmin goorma ayaa dadku towxiidka fahmayaan, dad intiisa badan ayan towxiid fahansaneyna sidee Jihaad looga dhaadhicin karaa?

7- Haddii intii saaxiibada ahaa ay isku haystaan arimahaasi masiiriga ah goorma ayaa bulshadii kale sida aad wax u dooneyso uga gadeysaa, goorma ayaase caalam kale u gudubtaa?

8- Qofkii su’aalahaasi keena ma murtad baa, mase waa mufsid dil mudan?

9-Haddii Nabi Muxamad (SCW) ka bari noqonayey qaar ka mid ah ficiladii ay saaxiibadii sameeyeen, maxaa loo maqli waayey Al-Shabaab oo ka cudur daaranaya wax ay haleeyeen?

10- Akhristaha qormadanow waligaa ma maqashay ficil hebel oo ay Al-Shabaab sameeyeen oo ay cambaareynayaan madaxda xarakadu, mase 5 sano iyo ka badan ururku maba qaldamin weli?

11- Qof mulim ah wax ka sheegiis ma lagu gaaloobaa?

12- Koox muslimiinta ka mid ah wax ka sheegeed malagu gaaloobaa?

13- Muxuu yahay waxa u dhexeeya qof muslim ah iyo koox muslimiinta ka mid ah?

Gunaanad

Towxiidku waa albaabkii laga soo galayey Islaamnimada, cid gaar u leh oo gooni uga sheegan karta dadka kalena majirto, Musliinta oo dhan ayuuna u dhexeeyaa haba kala badiyaane, haddii ay sidaas tahay, sax ma ahan in koox gaar ah si ay u fahansan tahay laga dhigo sidii saxda aheyd ee aan la khilaafi karin.

Shareecada Islaamka waa wax laga rabo qof walba inuu isagu ku dhaqmo, waxaana ka mid ah ku dhaqankeeda, salaadda oo la toosiyo, soonka, zakada iyo Xajka oo la guto ciddii awoodda, dhiiga muslimka oo la dhowro, xanta oo laga tago, muslimiinta oo loo turo, cilmiga oo la barto, waaliddiinta oo baarri loo noqdo, wanaagga oo dadka si xikmad leh loogu sheego xumaanta oo dadka laga reebo, “haddii xumaanta la reebayo ayan ka dhalaneynin xumaan ka badan”, dalka oo si guud ay uga muuqato sharaa’irta Islaamka, masaakiinta oo la caawiyo, dadka waaweyn oo la ixtiraamo, dariska oo xaqooda la ilaaliyo, in lagu dadaalo  intii ciqaab laga baqi lahaa in dadku xumaanta qanaacadooda isaga dhaafaan, ka dib marka lagu wacyi geliyo , ciddii intaas oo dhan wax ku qaadan weyda oo sidii shareecadu tiri garab-marta, lana timaadda wax xad keensanayana sidii shareecadu tiri la mariyo, iyadoo aan xadka loo fulineynin anaa kaa xoog weyn, ee maxkamad iyo cadaalad la marayo, loona fulinayo xadka si weliba waafaqsan wanaagga iyo naseexada ee aan  la coleytan iyo ku xumeyn aan laga wadin. arimahaasi iyo kuwa kale oo badan ayaa ka mid ah Shareecada Islaamka ee wanaagga  badan.

Muslimiintana, waa kuwa  intaas rumeysan kuna dhaqma, cid walba meel ha u joogtee, waxaa ka mid ah: mid naftiisa dulmiyey, mid dhexdhexeysta, iyo mid u hormara kheyraadka, Muslimiintuna ma ahan koox gaar ah.

Haddaba akhristaha mudnaanta lahow, waxaan filayaa inaan isla fahannay macnaha laga wado 3-da erey ee aan jeexjeexnay, anigoo ku kalsoon in dad badan oo qormadan akhrin doona ay ku baraarugsanaayeen aniga hortay.

W/Q:  Maxamed Nuur Shire

mnuur10@gmail.com

64 Responses

  1. xaaji says:

    maasha alaah waa maqaal aad ufiican ooxaqiiqo kahadlaya walaalka kuma talaxtagin nimanka si gar ahna waxbuu ooga qoray si cilmiyeysan oon xagxagasho laheyn iska dheh su,aalaha qoraalka kujiro iyo tobanka ka badan uma maleynayo inay alshabaab ka jawaabi karaan sababtoo ah waa adagyihiin

  2. abuu cali says:

    mujaahidiinta waxaalagusoo qaady weerar badan kuwo ciidan bay kuladagaalayaa kuwo uu kan xun iyo ictisaamka dabadhilifka ka mid yihiin hujuum qoraal bay wadaan iyo gaaloraacyo badan guusha islaamkaa leh mutuu bigeydikum

  3. walaal ale darti says:

    Maashaa allaah afkaaga caano lagu qabay Editorka somalireal.com his excellency Maxamed Nuur Shire waad asiibtay mawduuca waanad ku farayaraysatay si xaq, xaqiiq ah ayaana noogu cadaysay.

    Waxaan kaloo rabaa kalimada ah ASHAHAADO LA DIRIR oo ay u adeegsadaan dadka muslimiinta ah ee kasoo horjeedo ashabaab in ay tahay kalimad TAKFIIRIYAH maxaa yeelay ASHAHAADO LA DIRIR macnaheeda waa gaalo waliba xarbiyiin ah tilmaanta noocaas ah hadaad qof muslim ah u adeegsatid waa takfiirnimo in the highest order.

    Marka anigu shabaab waxaan u bixin lahaa ATAKFIIRIYIIN ASALAFIYIIN meesha xarakadii atakfiir wal hijra ka ahayd ATAKFIIRIYIIN AL IKHWAANIYIIN. mahadsanidin.

  4. axmedyare says:

    to abuu cali.
    saaxiibow maxaa qoraagu kuu dhimay wixii uu ka hadlay maba aadan commenti gareynine cay baa la soo booday ahlu baadilka waxaa lagu yaqaanaa inay cidii dhaliisha caayaan ama dilaan fircoon markii xujada laga helay wuu dhaartay sunadii fircoon baa haysaan adiga iyo kooxdaada ilaahay ha idinsoo hanuuniyo. tan kale aniga waxaa arkaa qoraalka mid macquul ah oo cadeyn wata inuu yahay waxayna ku kala duwan yihiin qoraayaasha ictisaam iyo kuwa al shabaab way kala akhlaaq badan yihiin bal u fiirso sida web kan wax loogu daabaco iyo kuwa al shabaab taageero bal fiiri sidey culumada al shabaab u hadlaan iyo kuwa ictisaam iskuma dhowa war hadaad wax difaaci kartaan si asluubeysan fikirkiina usoo jawaaba

  5. keyse says:

    qoraaga maqaalkan aad buu u mahadsanyahay waanan ka helay sida asluubeysan ee uu waxusoo bandhigay isagoon gabidhacleynin ilaahay kheyr ha siiyo walaalka

  6. cusmaan shiikh says:

    marka hore aad ayaan ula dhacay habka qiimaha badan oo hadana detailedka ah walaalka qoruhu noogu soo gudbiyey maqaalka thanks boss.

    Marka xiga somalireal.com waxaa sharaf ugu filan in qof kasta u madax banaan yahay in uu si xor ah u dhiibto fikirkiisa waana dhaqan wanaagsan oo communitigeena (soomaalida) aan lagu aqoon bal ufiirso websiteyada war xumo tashiilka faafiya sida memo/midnimo/a.nuur iyo kuwa afkaarta reeraha(qabiilada) ku hadla oo farah badan maba ogola in fikirkoodda ma ahane fikir kale la commenti gareeyo, sidaas awgeed ninka caytamay ee abuu cali iyo kuwo kale ee commentiyo (inconvience ah) dhiiban doona ha ka faaiidaystaan offerka somalireal.com laakiin ceeb ayay idinku tahay hadii ogolaansho aad afkaartiina ku cabiratan la idin siiyey in aad aflagaado soo bandhigtaan .

    Fadlan si ixtiraam leh (hadaad rabtid ha ku qancin maqaalka) u dhiibo aragtidaada si loo kala faaidaysto mahadsanid.

  7. bile says:

    walaalihii iga horeeyey baan kuraacsanahay waa qoraal fiican oo amaan mudan laakiin al shabaab dadka dhaliila bay dadka ugu neceb yihiin halkii ay soo dhaweyn lahaayeen maxaa yeelay dhaliishooda dadka kale baa arka ilaahay haka cabsadaan oo xaqa ha usoo laabtaan

  8. wadaad yare says:

    Qoraagu si cilmi ah ayuu qoraalka usoo gudbiyey. Dadka fahmada lehna iney ka faa,iideystaan qoraallada dadka aqoonta leh ugu soo taba rucayaan ayaa laga doonayaa. Balaadada iyo caajisnimada in la iska daayo oo aad wax loo aqriyo ayaa la doonayaa.

    Alqacida waxey dadka aqoontu ku yartahey kusoo jiitaan cadowbaan la dagaaleynaa. Cadowgaasna waxey u badantahey inuu yahey mid iyaga sababtooda ku yimid, laguna bixin karo dariiqo sahlan oon dhibka intaas la egba loo marin. Laakiin kaligood ayey ra,yigooda gaaban ummadda ku qasbayaan iney aragtidooda gaaban qasab ku raacaan. Haddii kale gaal ayaad tahey.

    Jihaad sidiisaba waa dagaal. Dagaalna dani kugu qasabtey baa loo galaaye dagaal jecli looma galo. Waxaana shardi u ah:

    1. Inuu maslaxo xaqiijinayo dhibna celinayo.

    2. In awood loo leeyahey

    Labadaas arrimoodna ummadda indheer garadkeeda(ahlul xalli walcaqdi) ayaa qiimeyn kara.

    Dagaalka gaalada lala galo ayaa fitno noqon kara hadduusan maslaxana xaqiijineyn mafsaddana celineyne uu yahey mid bur bur iyo halaag kaliya uun sabab u noqonaya.

    Dagaalka Alqacida ay jihaadka ku sheegeyso ama gaalo halla gasho ama muslime waa dagaal fitno oon ujeeddo aan bur bur aheyn keeneyn. Waana innaanan xaqiiqdaas ka cabsan oon af buuxa ku sheegnaa.

    Runtii aad baan uga xumaadaa markaan arko harowsiga Shabaabku ku hayaan bulshada, gaar ahaan wadaaddada oo ay ku baqo maalayaan “gaalo ayaan la dagaaleynaa ee ma in gaalka lala dagaallamo ayaad diiddantahey”?

    Culima badan oo Salafiyiin ah kuma dhiiran karaan iney af buuxa ku yiraahdaan dagaalkiinna dhan ayaa fitno ah ujeeddana xaqiijineyne ummadda ka fariista Alle idin qabaye! Laakiin waxey wadaaddadaasi leeyihiin “Innagu ma diidanin in gaal lala dagaallamee muslimka aad laaneysaan unbaan diiddannahey”!

    Gaalka dagaalka nacasnimadaa oo uu kula jiro wuxuu “check calaa bayaad ah” usiinayaa inuu muslimiinta ka aragtida duwan oo xalka siyaasadeed in wax lagu saxo qaba uu laayo.

    Marka dagaalka aan ujeeddada laheyn ama muslim hallala dagaalo ama gaalee waa inaan iska diidno si uusan waddo nalaku laayo noogu furin sida hadda socota.

  9. Asc, qoragu wa nin ruug cadaa ah dhan walnba, ilahay haka abaal mariyo. Dabeeecadaha lagu yaqaan dad hawadooda raca waxa kamid ah “cilmi yari ay dhiiranann ka muuqato! Dhawr sano ka din sidan qiyasayo Al- shabab in laga qariyo danbiyo ay u gaysteen shacabku alhlu tawxiidka ah ee Somaliya. Ilahay kuwaas xaqa hatuso. Ameen

  10. Haadi says:

    To Abuu cali

    baadilka sidiisaba waxaa lagu gartaa xujo cad lama yimaadee cay iyo hanjabaad buu iska soo hor mariyaa Alshabaab inay baadil wado adaa cadaynaya dagaalka wadanka lagu soo qaaday shabaab iyagaa sabab u ah iyagaana soo hogaamiyay wadanka in markale lagumaystana iyagaa ka shaqaynaya inbadan baa arintaa lagala taliyay laakiin way diideen inay dhagaystaan – miyayna markaa iska cadayn inay laftoodu ashahaado la dirir islaami ah yihiin oo qandaraas kusoo qaatay sidii wadanka loo gumaysanlahaa mashruuca ay shariif iyo kooxdiisu kujiraana ay kula jiraan waxaan hayaa cadaymo fara badan oo cadaynaya inay TFG da iyo shabaab wada shaqayn ka dhaxayso taasaana iigu filan inaan idhaahdo alshabaab waxay qayb ka tahay duulaanka wadanka lagu sooqaaday !!!

  11. Haadi says:

    to wadaad yare marar badan baan arkay adoo dhahaya alshabaab waxay isku mab da yihiin sh maxamad ibn cabdi wahaab hadaynaba iyagu ka xukun sahlanayn: wepka shabaabkaan ku arkay jawaabo aan kuusoo dirayna way siidayn waayeen yaryarku
    sheekha markuu dacwada salafiga ah dib usoo celiyay shirkigana la dagaalamay xaqiiqdii
    waxaa ka hoos dilaacay kuwo lamida shabaabka hada jira siday iyaguba uga hoos dilaaceen
    itaxaadkii alqaacidana mujahidintii afghan uga hoos dilaacday ee ay markii dambe laayeen zucamadii jihaadka sida ashahiid cabdala cazaam iyo ragkaloo haldoor ahaa
    dhalinyaradii ikhwaanku waxay ahaayeen koox wahaabiyada ka hoos qaraxday oo takfiir noqotay dad badana iqtiyaal kudishay masaajida iyo meelkastana kulayn jirtay aakhirkiina way iska dabar go’een culiamdii dacwa najdiya si xoogan bay u radiyeen nimankaas waliba waxay kutilmaameen maariqiin inay yihiin ,,,
    sh maxamad ibn cabdi wahab laftiisa waxaa alsoo waydiiyay inuu dadka ku gaaleeyo muwaalaatka gaalada iasagoon kala qaadin jawaab waafi ah buu ka bixiyay isagoo hadalkaa inkiraya oo diidan inuuna si mudlaq ah ugu gaalaysiinin ee uu maro uun dariiqii culimadii salafka ee ka horaysay waa sax dawladi reer sucuud cuthmaaniyiinta way al dagaaleen meelahaasna dhaliilaad baa kajira waayo culimadii dacwa najdiya waxay xooga saarayeen ladagaalnka shirkiga sidii qolyihii shiicada ( akhri kitaabka cunwaan almajdi fii taariikh anajdi ) sidaad usoo guurisayna maha khaladaadse way jiraan ma diidani

  12. xagar says:

    aad baan uladhacay sida maqaalkaan loo xirfadeeyey alaha barakeeyo qoraageena weyn tan kale waxaan si gaar ah uga helay su,aalaha qiimaha badan ee qoraagu soo bandhigay gaar ahaan midan.
    5- Haddii dhulkii kale ee Soomaalidu deggeneyd la leeyahay halaga soo Hijroodo dadkii muslimiinta ahaa ee ku noolaana ay doodi ka taagan tahay xukunkooda, yey kooxdani dartood u baaba’ayaan ma cid ay gaalo u arkaan iyo dhul ay waddan gaalo u arkaan bay daraadood u dhamaanayaan?
    waan ku qoslay runtii sida uu qoraaga ula helay su,aalaha dhamaantood

  13. muqtaar says:

    amaan waxaa ugu filan qoraaga saaxiibadii iga horeey kaliya waxaan leeyahay qoraalada noocaan oo kale sii wad kuwa diidan aragtida qoraagana waxaan leeyahay si cilmi ah usoo bandhiga aragtidiina web kan waxaan ku baranay inuu soo wadgudbiyo tacliiqaadka dadka kala duwan

  14. abuu muscab says:

    Masha allaah waa qoraal cilmiyaysan kuna dhisan daganaasho iyo daraasad

    Lkn alshabab dad hadda wax laga qoro ma istaahilaan
    Imtixaan somalia soo maray bay ahaayen
    alle swt umada waa ka dulqaaday meelaha ay ku hareena
    waxaan alle swt ka baryin in alle swt ka dul qaado

    Lkn waxaa ila haboon waxii hadda ka dambeeya
    halaga fakaro gaalada wadanki somalia soo gashay
    ee ayagu sababta u noqdeen sidii looga saari lahaa insha allaah

  15. mujaahid says:

    markey muslimiinta diciifaan waxaa soo bata munaafiqiinta islaamka wax ka sheegta bal hada eega kan wax soo qoray kuwo tacliiqa ugu camiraya laakiin waxaan idin sheegaa islaamkaa kor noqonaya kufriguna wuu hoos marayaa bi idinli laahi

  16. feysal says:

    walaahi sxb key maxamed nuur heer sare buu qoraalka ka gaaray mid walba midka kale waa ka sii macaan yahay sxb halkaas ka sii soco al shabaab wax fiican dhagahooda ma maqlaan dhaar iyo caay iyo dil baa laga soo taagay

  17. cige says:

    waan umahad celinayaa walaalka maqaalkaan qoraay ilaahay hakaa abaalmariyo shabaab waxaan dhihi lahaa haquusanina weli fursad baad haysataan ee soo laabta su,aalahan dhuuxa waxbaad ku fahmeysaane kuwa meel kale loo wato yeelkood ee kuwa hala rooro runta mooday baan lasii hadlayaa

  18. geedi says:

    it’s very good article so glad to read like this i like realy thanks bro.

  19. horeeye says:

    well done mr nuur aad baad ugu taag taagsatay lakin majiraa mid waxkuqaadanaya!

  20. wadaad yare says:

    Haadi

    Walaal mulaaxadaatkaaga aad ii soo jeedisey waad ku mahadsantahey. Arrintaasna in la isla baaro oon ka niqaashno aad baan u xiiseynayaa una jeclaan lahaa in si jiddiya leh oo sal iyo baar ah loo baaro.

    Mowduucaanse hadda meesha yaalla waa mowduuc sidiisa usoo jiitey aqristayaasha oo heerka tacliiqaadku sii maráyaan waan wada aragnaa. Marka haddaan dooddaas ku dul furno waxaan ka baqayaa inaan maqaalka ujeedkiisi ka weecinno oo Shabaaab meeshaan ku wada duuli laheyn innagii isku soo jeesanno.

    Aniga iyo nin aqoon yahan ah oo Yasir la yiraahdo ayaa si ba,an arrintaas iskula jeex jeexney. Dooddiina waxey ku jirtaa maqaalkii uu qorey Sh. CAbdiRaxmaan Sh.Cumar xafidahullaah.

  21. wadaad yare says:

    Haadi haddaad u diyaar tahey meesha uu ku jiro mowduuca shirka kooxda xiriirka caalamigaa oo Jabuuti kusoo gaba gaboobey aan ku mudaaraseyno ee ina keen!

    Sababtoo ah mowduucaas lama tacliiqin oo cidlo. Laakiin mowduucaan wuu shidanyahey.

    Halkaas ayaan kuugu soo qorayaa ee adna jawaabteeda isii. ok

  22. xasan faarax says:

    waxaa kaloo ka mid ah ereyga ay shabaab isticmaalaan

    islaamka

    oo ayaga ay iska wadaan,

    waana erey kuwa qoraaga uu soo qaatay

    towxiidka
    shareecada
    muslimka

    ka sii daran

    oo waxay leeyihiin

    islaamka ayaa halkaas qabsaday

    islaamka meel heblaayo waa ka soo baxay ama waa laga qabsaday

    islaamka ayaa go,ankaa gaaray

    islaamka ayaa go,aan ka gaari doono

    ayaganaa iska wado islaamka ay sheegayaan

    wa yaab

    waa qormo muhim ah oo cilmi ku salaysan oo aad dadka u anfacayso

    shukran

  23. Awmuse says:

    Waxan maqli jiray dumar iyo caruur xoogoodu wa afka Alshabaab in la habaaro maahe wax kale uma harin Alle ha unaxariste ina sayidki wuxu yiri HAKARAAMO SEEGINA HABAAR LA IGU KARI WAAYE

  24. A/salaam says:

    Asww dhamaan way mahadsanyihiin qoraaga qiimaha badan Iyo aaraada Iyo fikradaha laga bixiyey oo aan kala dhicin khaasatan waxaa aad iisoo suaalaha iyo garyaqaanimada qoraaga wuxuu yiri “intii 20 ka dib waxaan laga shalaayi lahaa soo ma haboona in hada intaan wiilasha nalagaleen oo mood Iyo noolba nala dhaafin inaan ka waantoono waxaan” absolutely waa gar warkaas.midda labaad waxaan kusoo xasustay tacliqa “walaal alle darti” dadka shabaabka sida takfiirnimada ah ay ugu magacdareen ashahaado la dirir sida maamulada puntland Iyo somaliland Iyo PISta puntland sidaan wada ogsoonahay qolyahaas aan soo Tiriyey intabadan dadka muslimiinta ah ee dhulkaas jog isma hayaan Waxa Ay is hayaan waa shabaab hadaba waayaabe see ashahaado la dirir ku noqdoon mise ASHAHAADADA waxaa laga wadaa shabaab laftigiisa!!! waa arinka walaalku sida faahfaahsan u cadiyey.

  25. Abdirahim says:

    Asc wr wb
    runti Qoralkan ma ahan mid wax faido ah leh 0on ka aheyn Islaan nacayb caro iyo is ciil kaambis laga qabo Guulaha dadka dinta ka runshegay. Waxaana wax laga xumado in ciyalki meelaha kubad ciyarka iyo khamarka iyo shanem0yinka dhextagna intay hada soo rucleyan 0oy waxayna cilmi iyo caqli u lahayn wax ka q0ran Hadana ladhaho MashaALLAH Waa Qoral cilmiyeysan!! Fadlan dinta barta waaqicana fahma kadib Hala niqasho. Dad intoda badan wali Democracy iyo dastur aminsan yeysan dinba kahadleyna Ku hadaqin.
    Fadlan yan laqarinin fikirkayga hadi wax yar un ad Ilahay ka baqesan. Dood hala igu radiyo hadadba awodan!

  26. Maxamed Nuur says:

    Abdirahim
    Walaal waxaad tiri qoraalka waxaa ka muuqda islaan naceyb sadarka ugu sareeya faaladaada, marka xagee islaan naceybku kaga jiraa qoraalkeyga? oraahda noocaas ah ee aad igu tuurtay sow khatar maaha? qof Islaam nacay sow ma gaaloobayo? walaal sow ma kala duwana Islaamka iyo dadka ku abtirsada ee Muslimiinta ah? ugu dambeyntii adoo qodob qodob u dul istaagaya meesha qoraalkan ay islaam naceybku kaga jiro soo gudbi.

  27. mataan says:

    qoraaga run buu sheegay

  28. sahro says:

    ilaahay haka ajarsiiyo walaalkeygiyoow waxrun ah aa noo sooqortaye qof kato aragtideeda ey leedahay aniga aad aan usoo dhaweynaa qoraalkan oo kale

  29. Muxamed says:

    To: somalireal. Waad ku amaanan tihiin inaad soo gudbisaan fikradaha lagu naqdinayo qoraaga maadaama aad markii hore qarin jirteen, hadaan soo gudbiyo qodoba aan ku haysto qoraaga al akhi maxamad nuur shire awalan 1.wuxuu yiri ma ahan miday dood ka taagan tahay jiritaanka jihaad? Waxaan leeyahay dood weyn ayaa ka taagan oo shirkii ictisaam ee garawe waxaa lagu fatwooday in somaliya jihaad uusan ka jirin bal waxa ka socda ay fitno tahay. 2. Waxaa tiri waxaa la diidan yahay waa shuruudaha jihaadka! Taa waxaan kaa iri shuruudaha jihaydka cayniga ah waa 5-shardi kuwaasoo kala ah muslim yahay, dakar yahay, baaluq yahay, caafimaad qabo. Bal noo sheeg shardiga kaliya ee la isku haysto.3.in shareecada ay ayaka kaliya hirgaliyaan cid kalena aysan u ogoleyn! Taana waxaan kaa iri xarakada waxaa ka dhex buuxa oo shareecada la fuliya tabliiq, ictisaam,salafiya jadiidiya,islaax iyo suufiya intaba.4.xisbul islaam waxaa la aasaasay markii axmaaro dalka laga saaray feberaayo 2oo9-kii maamul islaami ah oo jiro in maamul kale laga daba keeno shareecada waxay ku xukun tay waa la yaqaan amma axmad madoobe meeshuu taagan maanta ayuu markii horaba ahaa. C.qaadir kumandosna asagaa xarakada soo weeraray markii la iska difaacayna waa laga haray dabeedna waa la midoobay maadaama hal ujeedo la lahaa..5. Alshabaab meel lagu doortay ma jirto inay umada shareecada ku hogaamiyaan! Taa waxaan ka leeyahay haday koox islaamka ka mid ah ay u istaagaan inay ku hogaamiyaan shareecada islaamka wadan awoodna u yeeshaan waxaa ijmaac lagu yahay inay dowlad islaam ah yihiin waajibna tahay in la adeeco. Ilaahay xaqa hana fahamsiiyo. Maxamad nuur shiri walaal waa kuwaas jawaabahaad iga sugaysay alshabaabna waa mujaahidiin wax badan qabtay sida ay gaaladuba qirtay meeshay ka taliyaan inay ka jirto peace and stability, khaladaadna wey leeyihiinoo waa bashar laakiin in wanaagoodana duugo xumaantoodana la faydo ayaan cadaalad ahayn taasaana diidanahay.

  30. waaniye says:

    qoraalka waxaa kujira been abuur badan

    wuxuu yidhi qoraagu cidda aan noociyada jihaadka ay iyagu aaminsanyihiin kuraacin waxay kutilmaamaan cid aan fahmin tawxiidka

    horta anigu shaqsiyan waxaan aaminsanahay jihaadku inuu tawxiidka kamidyahay

    balse ilaa hadda maanan arag cid tidhi qofkii mas alo jihaadka kamid ah nagu khilaafta mayna fahmin tawxiidka

    adiga ayaanan kaasugayaa meesha hadalkaas aad kasoo xigatay

    waxaad tidhi sh jaamac ayaa yidhi mayna fahmin culimadu tawxiidka taas ayaana cadaynaysa

    walaal markuu sheekhu saas lahaa wixii laysku haystay muxuu ahaa?????

    ma jihaad mise maxaa lagu gaaloobaa?????????????

    waxaan wada ognahay arrintii laysku khilaafsanaa waxay ahayd goorma ayuu muwaalaadku gaalnimo noqdaa goorma ayaase qofka cayntiisa lagaalaysiin karaa

    marka inaad wax iska hubiso ayaa fiicnaan lahayd

    waxaad tidhi ookale col iyo saaxiib waxay kawadaan alshabaab cidaan col lanahay lacolow cidaan saaxiib lanahayna lasaaxiib hadii kale tawxiidka maadan fahmin

    horta hadal kaasi waa waxba kama jiraan oo sal iyo raad malahan

    balse alshabaab iyo dadka la mabda´a ahi waxay aaminsanyihiin cidkasta oo muslimiinta iyo diintooda ladagaalansani waa cadaw

    cidda aan taas aqoonsanayna waa cid aan fahmin tawxiidka anigaanaba hadadan saas kule

    oo cidda aan caqiidada alwalaa wal baraa fahmini waa cid dhuntay.

    waxaad tidhi shareecada ay alshabaab rabaan waxaa kuxidhan shuruudo labo ah

    walaal midda hore anigu ilaa hadda maanan arag mana maqal qof yidhi sida aanu anagu diinta ufahano waa inaa loo hirgaliyo

    balse waxaanu aaminsanahay diinta islaamku maahan wax afka laga sheegto ee waa wax lasameeyo wax cusubna maahan ee nabi muxamad scw,saxaabadii iyo taabiciintii ayaa kusoo dhaqmi jiray siday iyagu uugu soo dhaqmi jireen ayaa inagana laynaga rabaa inaynu uugu dhaqano jidkoodii unbaynuna maraynaa ku aan kaas ka ahayna ma ogolaanayno oo waa baadil

    midda aad leedahay cid aan iyaga ka ahayn inay diinta hirgaliso ma ogla

    waxaan kuleeyahay wallaahi waxaan uugu jeclaanlahaa maanta inay faroole, siilaanyo, ina ilay iyo ina geele hirgaliyaan shareecada cidkale oo kawanaagsana iskaba daa

    marka walaal waa wax laga fiicanyahay inaad wax aan jirin dadka kumaaweeliso

    laakiin walaal mid ayaan kugu baraaru jinayaa anagu manihin dad dhaan damangaalaha biyo umaleeya oo intay gaalao nadhahdo diintiina ayaanu difaacaynaa run uugama qaadanayno

    hadalkaagana midmid uuma daba gali karo oo haduu tacliiqo igu dheeraado lama aqrin karo laakiin maqaalkaagu bilow ilaa dhamaad wax sax ahi way ku yaryihiin

  31. waaniye says:

    waxaad tidhi waxay yidhaahdaan muslimiintii ayaa la baabi iyey

    muslimiintii ayaa la dhibaa

    ahlu tawxiidkii ayaa baxsanla´

    horta waxaan uhaystay qofkasta oo muslim ah inuu maanta taas kadharagsanyahay

    oo ismaba lahayn qof muslim ah ayay taasi ka qarsoontahay qof wax qorana iskaba daaye

    waxaan wada ognahay maanta wadamadii muslimiinta gaalo ayaa katalisa oo amarkooda ayaa kasocda hadalna laguma soo celin karo siday doonaan ayayna kayeelaan

    qofkay doonaan way dilaan kaydoonaana waydaayaan wadankii ama qofkii amarkooda u hogaansami waayana way kuduulaan ama dilaan taasi waa xaalada guud ee muslimiinta

    marka muslimiinta oodhani waa ahlu tawxiid waana ladhibaa maanta

    inaad shaki taas kalisana waa damiiryari

    hadaan midda khaaska ah usoo dagto waxaa jirta meelo uu amaan yar oo maamul gaalada hoostagaa kajiro maamulkaasina wucxuu kushaqeeyaa awaamirta gaalada

    qofkii yidhaahda war gaalada iyo gaalnimadoodaba iska xoora oo diinteena suuban kudhaqmana waa ladilaa ama xabsi daa im ayaa lagu xukumaa

    marka hadii layidhaahdo meeshaas ahlu tawxiidka ayaa lagu dhibaa miyayna run
    ahayn???

    ma umalaynayo inaad taasna inkiri.

  32. wadaad yare says:

    Muxamed

    Soomaaliya Jihaad kama jiro waqti xaadirkaan ma waxey ka dhigantahey Jihaad wax la yiraahdo ma jiraan?

    Iyadoo laga duulayo “mafhuumka iyo macnaha jihaadka” oo ah “dafcu darar wa jalbul maslaxah” haddaan u aragno in dagaalka hadda Soomaaliya ka socdaa uusan dhibna hor joogsaneyn bal e uu sii kordhinayo, faa,iidana uusan keenayne faa,iido darro uu keenayo, sidaas darteed ujeedkii jihaadka laga lahaa maadaama uusan xaqiijineyn ee wax lid ku ah keenayo jihaad maahane waa fitno kama dhigna jihaad diidmo.

    In dagaalka Shabaab waddo uu dhib ummadda ka difaacayo dheefna usoo jiidayo iyo iney caksi tahey waa arrin la qiimeyn karee maahan arrin kutubbo in laga aqriyo u baahan.

    Adigu Muxamadow miyaad qabtaa aan ogaannee in jihaadku waajib yahey mar kasta ama dhibku ha siyaado ama ha nuqsaamee. Oo waxaad leedahey looma eegayo inuu maslaxo xaqiijiyo dagaalku iyo inuu mafsado celiyee dagaalka unbaa la rabaa? Haddaad saas qabto si cad haddeerba u sheeg. Haddii kalena sheeg.

    Shuruuda shantaa oo jihaadka ood sheegtey oo shantaa waa “shuruudu sixatil camal” cibaadaatka kalena way la wadaagaane jihaadka kaliya kuma koobna.

    Jihaadku sida Ibnul Qayim kitaabkiisa “Iclaamul muwaqiciin” ku sheegey waxaa weeye “min baabil amri bil macruuf wannahyi canil munkar” waxaana shardi u ah inuu munkarkii ku joogsanayo macruufkiina ku farmayo, munkar kii la reebayey ka weynna uusan ka dhalaneyn ama mid la mid ah.

    Haddaba qiimeynta waxa aad gaartey oo horteenna ka muuqda ayaan ku kala aragti duwannahey haddaad qabto in dagaalka Shabaabku munkarkii suuliyey ama yareeyey.Mise muhim maahan taasiye ha la iska dagaalo munkaru haba siyaadee ayaad qabtaa?

  33. waaniye says:

    hadaan usoo laabto su aalaha aad sooban dhigtay waxaan kuleeyahay walaal horta cidda umada dulliga ladoonaysa waa idinka

    maxaa yeelay marka umada loogu yeedho inay diinta kudhaqmaan waxaad lasooboodaysaan diiinta laguma dhaqmi karo oo gaaladaan raali ka ahayn iyo wax lamid ah

    marka magaalada ayaynu caabudnaa mise allaah???

    marka ladhoho waxani waa gaalnimo ee iskaga dheeraadana waxaad lasooboodaysaan waxani gaalnimo maahan

    waayaabe ma democracy iyo qawaaniinta reer galbeedka ayaad rabtaan inay baaqi sii ahaadaan????

    marka ladhoho gaalada aynu iska dhicinana waxaad tidhaahdaan waxba iskama celin karno oo tabar malihin

    oo goorma ayaynu tabar yeelan doonaa waayaabe????

    xattaa isticdaad ma ogolidin ee inta ay gaaladu inuu ogoshahay oo kaliya ayaad rabtaan inaynu maanta oodhan kucelcelino

    sida salaada, soonka, sakada, xajka iwm

    anbiydii iyo gaaladii loosooodirayna salaad iyo soontoona mayna isku haysanin

    maxaa yeelay hadaad maanta oodhan salaad utaagnaato adiga unbuu dhabarku kuxanuuni ee gaalo waxba uuma dhimaysid sidaa darteed dan kaamalahan

    hadaad maantoodhan soomanaatana adiga unbaa gaajoon dana gaalo kaama lahan

    marka walaal meesha dhibku kataagan yahay waad ogtahaye haka leexleexanin ee kahadal

    waxa maanta laysku haystaayi waa

    1.inuu qaanuunka dawladaha islaamku kitaabka noqdaa

    2.waa inaa khilaafo raashida lasooceliyaa

    3.waa inaa lajihaadaa

    qitaalka ayaan ujeedaa waayahan waxaa batay ta´wiilaadkee

    sadexdaas qodob ayaana aas aas u ah waxa ay gaalo inagala dagaalamayso

    marka walaal kuwaas kahadal maxaad wax aynu isku waafaqsanahay oon khilaafba kataagnayn kaga celcelinaysaan

    mahadsanid

  34. waaniye says:

    wadaad yare

    walaal waamaxay masloxo waase maxay mafsado??????

    ma wax aynu caqligeena ku garan karnaa mise waa wax aynu daliil ku garan karno????

    hadaynu caqligeena ku garan karno maxaa faa iido ah oo kujirta soo diritaanka rususha????

    mise waxaa jirta wax yaabo aynu caqliga ku garan karno iyo wax kale oo aynaan garan karin????

    haday saas tahay waa maxay daliilka kala qaaday waxa aynu garan karno iyo waxa kale????

    waxaynu ognahay asxaabul ukhduud inaa ladhameeyay oo dacwadoodii ay saas kudhamaatay ilaahayna sareeye muuna kuceebinin bal waa lagu amaanay

    marka maxay mudaahano usamayn waayeen si ay dacwadooda usii wataan???

    nabi ibraahib asnaam ayuu burburiyay waxaana taas kadhalatay inaa dab lagu rido

    marka hadaan aragtidaada kaduulno waxay noqonaysaa mafsado

    marka nabi ibraahim scw maslaxada iyo mafsadada muuna aqoonin miyaa????

    waxaynu wada ognahay oo kale reer banii israa iil inaa la amray inay islaayaan oy isgumaadaan sidaasna lagaga toobad aqbalay ayna maslaxo iyo wanaag utahay

    aayad kale ilaahay wuxuu kulahaa hadaanu dhihi lahayn naftiina laayay ama guryihiina kabaxa ,mayna sameeyeen dad yarmooyee

    haday samayn lahayeen ayaan uwanaag badnaan lahayd

    marka walall ilaahay wuxuu masloxo iyo wanaag kutilmaamay inay is gumaadaan

    adiguna mafsado ayaad u aragtaa dhimashada marka maadiga ayaa ilaahay maslaxada kayaqaana???? subxaanalaah ilaahay ayaa kanasahan is barbardhigaas

    midda kale ilaahay markuu jihaadka ina amrayay wuxuu cadeeyay inaynaan inagu garan karin waxa wanaag ah ee kujira balse uu ilaahay og yahay

    ilaahayna muunan odhanin waad raynaysaan oo kaliya balse wuxuu cadeeyay haydaynu rayno iyo hadii layna laayaba inay mujaahidiintu ilaahay agtiisa wanaag iyo ajir kuleeyihiin

    marka walaal anagu jihaadka waxaanu ka aaminsanahay inuu cibaado ilaahay loogu dhawaado yahay oo uuna ahayn wax laga doodi karo

    mahadsanid sxb

  35. Maxamed Nuur says:

    to waaniye iyo maxamed
    waaniye wuxuu yiri waxaan jeclaan lahaa faroole iyo siilaanyo oo shareeca qaata, maxamed wuxuu yiri shabaab waxaa la jooga oo shareeco wax kuxukuma ictisaam salafiyo iyo suufiyo horta taas waxaa looga jawaabayaa hadii ay jiraan waa dad shabaab ku hoos nool oo magacooda iyo rabitaankooda ku shaqeeya, mida waaniye waxaan leeyahay shabaab hadii puntland iyo somaliland ay ku dhawaaqaan inay waxa ka dhiman ee shareecada ah hirgelinayaan lagama yeelaayo marka waaniye hadaad adiga yeeli laheyd shabaab mayeelayaan taas ogow mida kale maxamed shuruudaha aad jihaadka u sheegtay waa lala wadaagaa waa mida uu wadaadyare sheegay ee maxaad ka leedahay dagaalka hada socda oo markii muqdisho duntay kumayaal ku dhinteen boqolaal kun ka qaxeen waxaas oo dhan dhaceen in shabaab dhaheen waan ka insixaabnay oo muwaajaho ma sameyn karno? taas maxaad ka leedahay, maalintii itoobiyaanku xamar ka baxayeen amisom dhowr kun bay aheyd, waxay ku sugnaayeen garoonka diyaaradaha iyo dekedda, hadda muqdisho badankeed waa joogaan, marka dagaalkii muqdisho faa’iido iyo khasaare kee buu soo kordhiyey? haddii taas su’aal laga keeno walaal oo sidan dan inooma aha la dhaho ma diin baa lala coleytamay? mida kale shabaab ma diintiibaa sow dad muslimiinta ka mid ah oo dhaliil leh maaha? haddiise ay culimada ictisaam ee garoowe ku shiray ay dhaheen waxa Soomaaliya ka socda Jihaad maaha, ma waxaa ka dhalanaya inay jiritaanka Jihaadka diideen, maya taas sax ma ahan, waxaa la rabaa in iyaguna ay sababeeyaan cidda waa jihaad lehna waxaa laga rabaa inay caddeeyaan sida uu jihaadka ku yahay iyo maslaxadda uu umadda u soo kordhiyey, iyadoo aan laga durkeynin waaqica, maxaa yeelay aayadaha iyo axaadiista la daliilinayo waxay rabaan in lagu rakibo waaqaca aan ku nool nahay, marka niqaash ayey arintu u baahan tahay iyo wax is tusaaleyn ee istuhun iyo aflagaado dan inooma ahan walaalayaal idinkoo deggen oon xanaaqsaneyn wixii su’aalo ah ha la is weydiiyo si hufanna ha la isaga jawaabo waad mahadsan tihiin.

  36. Muxamed says:

    Allaahu akbar, allaahu akbar allahu akbar. Allah ayaa mahad u sugnaatay noo ogolaaday inaan ku niqaashno somalireal ayadoon ka baqaynin in tacliiqayga la duugo la ii ogol yahay inaan aragtidayda raaxaysto si aan xaqa u cadeeyo intaa ka dib wadaad yare waxaan leeyahay waxaan ishaynaa maxamad nuur shiro oo qoraalkiisii ay caamo fara badan ay sacab beena u tumeen ayaan doonayaa inaan kasoo reebo, tan kale wadaad yare markaad somalimidnimo aad wax ku tacliiqineysid waxaad sugtaa in alshabaabku ka gar leeyihiin ictisaamka ayna hayaan wada saxda ah ee wahaabiyada marka aad joogtid bartana waxaad tonka haysataa alshabaab nin wadaad sheeganaya waa laga fiican yahay inuu sidii xagaayadii kolba jiho ka yimaada waa laga fiican yahay ee soo sheeg hal jiho oo laguugu yimaado hadii kale gartaadu waxay noqon calina gar leh caydiidna gar leh. Tan labaad jaanis isii hada waxaan ku mashquul sanahay inaan meel saaro maxamad nuur shire i sug intaan kuu soo faaruq noqonayo meelna saarayo doodan hada socota. To: al akk maxamad nuur shire waxa somaliya ka socda waa jihaad fardul ceyn ah daliilkuna waa (idaa araadal caduwu an yukhrij bilaadul min bilaadil muslimiin fal jihaadu fardul cayn).scw. Ma dowladaha soo duuley ee ugandha, burundi,kenya iyo ethopia ayaan gaalo ahayn? Mise shacabka soomaaliyeed ee lagu soo duulay ayaan muslim ahayn mise jihaadkaan ahayn dagaal gaal iyo muslim u dhexeeya? 3-aad masalo midkaad diidan tahay iiga soo jawaab. Waxaad tiri haday jiraan dad ictisaam ah oo ku hoos nool wilaayaadka waa dad aan xor ahayn! Taa waxaan kaa iri sh. C.qaadir mumin oo ingiriiska ka hijrooday ma cid baa ku qasabtay inuu wilaadka ku hoos noolaado? Sh. Xasan takarna? Mise ictisaam ma ahayn? Sh. Maxamad xaaji yuusuf oo ka mid ah culimada soomaaliya oogu cilmi badan ooguna cod karsan markuu ka lahaa dalka qadar bilo ka hor jihaad fardul ceyna ayaa dalka ka socda ma cid baa khasbaysay? Walaal ma fiicna mar hadii la doodayo in mawduuca laga baxo dhow iyo tobanka qodob eed ooga hadashay qoraal

  37. waaniye says:

    Maxamed Nuur

    walal waad kumahadsantahay fikirkaaga

    waxaanse kuleeyahay ma qof alshabaab kamid ah ayaad kamaqashay haday siilaayno iyo faroole diinta kudhaqankeeda hirgaliyaan ogolaanmayno???

    mise waxa qalbigooda kujira ayaad ogtahay??

    xattaa hadaad ogtahay ma kuubanaantahay inaad xukun kaqaadato wax aan banaanka usoobixin????

    midda aad leedahay cidda leh waxa somaliya kajiraa waa jihaad waxaa looga baahan yahay cadayn

    walal ilaahay ayaa ina amray inaan gaalada iyo cid kasta oo shareecada ilaahay is hortaagtaba ladagaalano

    maantana wadankeena waxaa jooga gaalo doonaysa inaan diinta lagu dhaqmin

    taas ayaanuna kusababaynaynaa inuu waxa maanta soomaliya kasocdaa yahay jihaad

    lana soco inuu shaygu xaq yahay iyo ina guul lagu gaadho wax isku xidhan maahan

    oo hadaad gaalo isdagaashaan oo lagaa reeyo taas macnaheedo maahan inaad baadil kutaagnayd bal qofka taas uqaataayi waa qof diinta kashakisan

    midda ah masloxo eed kuwaalateena waxaan kaa codsanayaa inaad su aalaha aan wadaad yare waydiiyay kasoo jawaabto

    mahadsanid

  38. Muxamed says:

    Tan kale walaal maxamuud shirow dhowr iyo tobankii qodob ee ku xustay qormadaada dhamaantood masabid ayey ku yihiin xarakada 5-ka mid ah anaa xusay inta kalana waxaa dhamaystiray walaalkay waaniye khayr allaha siiyee. Tan kale walaal dagaalkii muqdisho lagama insixaabin bal xeeshi ayaa la badalay waana lagu faa,iiday oo waad aragtay dayniile waxa gaalo sidii balkiiyoo kale loo jafay sidii jawaanadii oo kalena loo rasteeyey walaal waxaa waajib nagu ah inaan xaqa raacno ka dib markuu cadaado.

  39. Ahmedbashir says:

    Bismilaaah warkaba waa gaabnyahay meesha waxaa leysku heystaa jihaadka majiraa mise? Runtii jihaadka waa jiraa cid Allah ka run badana malahan isagaana cadeeyay maslaxda umaddana isagaa og. tankale, walaalka waxaa qoraalkiiisa ka mid ahaa cida lala saaxibayo iyo cidda lala colloobayo, waa runtiisa alshabaab iska daaye muslimka oo dhan waxey leeyahiin cadow soo jireen ah waana gaalo Allana in badan ayuu noo sheegay dhagrtooda ee maanta ictisaam iyo cid ku fakar ah ka yeeli meyno gaalo halala sxbo waxaan ka taaganahay meesha ay ka istaageen Allah, rasuulkiisa iyo saxaabadii Alaah ayaa noo sheegay iney gaaladu tahay cadowgiisa marka war badan majiree cilmi badana uma baahna maanta gaalada an ladagaalano ama aan la heshiine jihaadka dhinaca halaga soo galo haddi kale gaalada halaga haroo muslimiinta yaanan loo garba duubin. Tankale, walaalka maqaalka wuxuu leeyahay gaalo oo dhan iyo muslimiin oo dhan yaa iska celin kara, meeshaas waxbaa kaa qaldan nin muslim inta gaalo raaco muslimiin lama dagaalama haddi uu sameyana ma yeelanayo sifadii muslimkee waa munaafiq iyo murtad, haddii aan sii raaciyo walaalka towxiidka uu ka sheekeynaaye ayuusan garaneeyninba maxaa yeelay waxaa wanaagsan inuu yaqiinta iska dhiso oo uu aamino in Allah wax dilo waxna nooleeya in Allah musliminta u ballan qaaday nasri iyo sacaado haddii aad u maleyneyso nasriga in magaalo la dhex mushaaxayo ama gaari la wadanaayo ma’ahan ee waa dagaal joogta ah ama shahaado, midda kale wuxuuba ilowsan yahay in Allah yahay midka maamula kownkaan waxaan sida u leeyahay awoodii oo dhan wuxuu siiyay gaalo bilaahi caleyk aaway Allahii abuuray gaalada iyo adduunkaa oo dhan waxaan jeclahay yaanan lagu daalin hadal micna aan laheyn ee meelaha lagu qorqoro ee jihaadka hala soo aado falaadhi gilgiasha kaagama hartee waajibnimada jihaadka somaliya ka socdo ma haresyso cid katoo muslim ah waa ku waajib cudur daarna yaanan laga dhiganin sharuudaa leysku qilaafsanyahay waxba sharuuda leyskuma khilaafsanee ragna waa cabsaday ragna waa badheedhay runta aynu isu sheegno somaliyey waan ognahay rag badanoo culima ah ayaa wareersan hadda dhinac ay maraana garan la’ aad moodo in sir laga haayo haddii ay alshabaab taageeraana sirtooda la faafinaayo waxaan odhan lahaa inta akhrista qoraalkaan fadlan haku daalin inaad afkaaaga ku dabooshid nuurka Alle ee baxaaye horaa gaalo, gaalo raacyo qori u soo qaaten waxbana ay ka badali la’ayahiin adiga qalinkaaga qabow waxba ka tari maayo mujaahidiinte dhinac uga leexo hadii kale daadkaa ku qaadayo raalina iga ahaada waan xanaaqaye.

  40. Maxamed Nuur says:

    Maxamed iyo Waaniye.
    marka hore waxaan ka cudur daaranayaa inaanan dooneynin inaan halkan tacliiq ku daaliyo akhristayaasheyda oo laga yaabo inay mar horeba qoraalkeyga ku daaleen aniga waxbaan qoray dadkuna waa i tacliiqin karaan nin ku qanca iyo ninaan ku qancinba, mida kale waxaan aad uga xumahay in dadkii qoraakeyga taageeray ee ku qancay in Maxamed ka soo qaaday caamo iska sacbineysa, midda kale anigu ma doonayo inaan boobo dowrkii culimada ee aheyd waxaasaa banaan iyo waxaasaan banaaneyn, boos iigama banaano, qoraalkeygana halagu laabto kuma jiro meel aan ku leeyahay waxaasaa banaan iyo waxaasaan banaaneyn, kaliya waxaan ka hadlayaa waaqica aan dhex joogno su’aalo malaga keeni karaa? ciddii su’aalo ka keenta ma diin bay la dirirtay? midda kale ee walaal Maxamed aad tiri dagaalka soomaaliya ka socda waa Jihaad u dhexeeya gaalo iyo muslim, suuradaas sax miyaa? haddii ay tahay wixii hargaha iyo saamaha ka dhacay ma kamid bay ahaayeen jihaadka, mase waxaad ku raacsan tahay xarakada in wixii halkaas ku halaagsamay ay murtadiin ahaayeen? wixii intaas ka dambeeya aqristayaasha ayaan uga baxayaa iyagaana aragtidood xor u ah. aad baad ugu mahadsan tihiin dhamaantiin tacliiqiina, inta ku qanacday qoraalkeyga iyo inta iga soo horjeesatay ee igu diiddan wixii aan kaga hadlay, cidna waxba uma haysto kheyr baan idinku dhaafay. ciddii si gaar ah u dooneysa inay su’aalo ii weydiiso ama iila doodo cinwaankeyga qoraalka dhamaadkiisa yuu ku qoran yahay halkaas ha igala soo xiriirto si halkan aan ugu firaaqeeyo akhristayaasha sharafta badan.

  41. saleebaan says:

    waa salaamaa aqoonyahanada meeshaan kudoodaayo waxaan kaloon salaamaa qoraaga xikmadiisa iyo fahankiisa aniga mujaahidiintaan taageersanahay laakiin hada su’aalo adag aa ihoryaalo qofka inuu habeen camal usocdo lamadoonayo wixii gar ah eelagaahelo waalaguraacaa walaalka garta leh qoraaladaan ookalento caqligay ka shaqeysiinaayaan waa loobaahan yahaaan qabaa dadkana waa xor wixii ay kuqancaan bay raacaayaan

  42. cige says:

    sxb maxamed waanagu xadgudubtay waxaad natiri caamo iska sacbineysa anaga caqli baan leenahay waxna waan kala fahmeynaa marka adiga meel makuugu xareysnin qoraagana meel uguma xareysnin inaa na dhahdid caamadaas ka soo reebayaa waa aflagaado anagana nagu dhacday dadkeena taageeray qoraalka walaalka qoraalka qoray wuu na qanciyey asluub iyo anshax buu wax noogu soo gudbiyey anagana xor baan nahay maxaa noogu caayeysaa aragtideena mase qofkii idinka wixiina diido waa caamo

  43. Jaamac says:

    aad iyo aad baan uladhacsanahay sida walaakeen wax usoo gudbiyey runtii dadka alshabaab almujaahidiin dhaliilo qofka ugu cadaalada badan baan u arkaa hal mar wax cay iyo iyo ka badbadin kuma arkin qoraalkaa waxaan aaminsanahay in lagu qoro biyo dahab kuwa dhaliilayo waxay u egyihiin kuwo ka masareysan dadka qoraaga u markhaati kacayo bil dhalatay sacab lama saarikaro tan ku xigta su,aalihii qoraaga 13 su,aalood waa la yaabay sida xaqiiqada loogu saleeyey walaalkeen ilaahay ajar badan oon lakoobi karin haka siiyo juhdigiisa anagana kuwii wax ku qaato alaha naga dhigo xaqiiqada wabilaahi towfiiq

  44. samatar says:

    ilaahay hanoo badiyo maxamed nuur iyo kuwa la mid ah xaqiiqatan qoraagu darajo sare buu naga mudan yahay shubahaadka uu kajawaabayo ilaahay haka abaalmariyo

  45. wadaad yare says:

    Muxamed

    Madhabka Wahaabigaa Shabaabbaa ku taagan kama dhigna xaqa ayey ku taaganyihiin ujeedkeyguna sidaas maahan haddaad qalad u fahamtey haddaba ogow.

    Taas waa suu,u fahmiga aan kaa saxayey. Tan kalena waan kuu kaadinayaa sidaad codsatey.

  46. yaardi says:

    ceebtood ma ahee waa caadadood inay dadka caayaan kuwa ashabaab taageera maxay cay tahay dadkii bayba dilayaane ma cay baa agtooda wax ka ah fiiri hada ninkan dadka ka duwan aragtidiisa ku sheegayo caamo war ilaahay ka cabsada dadka muslimiinta dhowra damigooda iyo cirdigooda

  47. Muxamed says:

    Asc maxamad nuur shire horta walaal marka hore dadka gafka iga tirsaday waan ka raali galinayaa marka xiga waxaad tahay ninka oogu asluubta wanaagsan dadka radiya xarakatul shabaab almujaahidiin marka 3-aad doodaanoo kale waa laga faa,iidaystaa haday noqon lahay dadka doodaya iyo kuwa dhageysanaya. Waxaan kaa codsanayaa inaadan naga xirin dooda intaad naga qancinaysid qodobada 13-ka ah eed halkaan aad kusoo qortay ee aan kugu haysano aniga iyo walaalka waaniye inta aad garta ku heleysid ama aad ku garaabaysid xaal marina ka bixinaysid. Tan kale dood kale ayaad furtay oo ay ka mid tahay waxa soomaaliya ka socda ma jihaad baa? Haday jihaad tahay wixii ka dhacay hargaha iyo saamaha ma jihaad baa dadkii ku dhintayna ma murtadiinbaa kuligood? Taa waxaa kaa iri waxa somaliya ka socda horaan ooga jawaabay ayadoo adiladeeda wadata mida ka dhacday hargaha iyo saamaha hadaad rumaysan tahay warkii xasan bariise ee ahaa in halkaa ay ku dhamaadeen arday anigu waxaan rumaysnahay in hargaha iyo saamaha ay xarun u ahayd 8-wasaaradood iyo xarun sirdoon uma arko meel iskuul ah ooy ardo wax ku barato iskuulada xamar waa aqaanaa waxaana ka mid ah 15-may, banaadir sare 21-oktobar, sh.xasan barsame iyo kasapalpalaare meelahaa hadii la qarxiyo qalbigayga waa kusoo dhici lahayd aleylehee arday baa la laayey laakiin maxamadow warkii xasan bariise wax waan ku dhisi waayey waxaan kugu waaninayaa walaalow mar labaad xikmadaada iyo aftahanimadaada inaad u adeegsatid inaad xaqa ku difaacdid iyo dadka ehelka u ah waxaan halkan ka salaamayaa walaalka waaniye oo markuu saaxada soo galay kala daadiyey weerarkii xarakada lagu hayey waaniye waxaan ku leeybahay akhuuka filaah yuxibuja filaah.

  48. Ahmedbashir says:

    To dhamaan inta ku fakarka ah qoraaga. Waa iddin salaamay dhamaan kadib waad ku mahadsantihiin sida wanaaga ku jira ee aad waaqica ula socotaan insha’allahu waad fahmi doontaan wax badan laakiin dardaaran dhamaantiin, CIDUU RABBI LA COLOOBAY DABCAN ADIGA LAMA HESHIIN KARTID ee gaalo, gaaloraacyo iyo munaafiqiin Allaa la coloobay ee col la noqo adigana Tankale yaanan laga leexanin su’aasha walaalaha waaniya iyo maxamed ee wadanka waxa ku soo duulay magaala mise Islaam mse somalida wadanka iska leh ayaanan muslimiin aheyn? Waa su’aal u baahan jawaab maskax fiyow lagu cabiray.

  49. waaniye says:

    muxamed

    walaal salaanta qaaliga ah waan kaaqaaday tulamid ahna iga gudoon sidoo kalana sidaad ilaahay dartiis iigu jeceshahay ayaan aniguna kuugu jeclahay ilaahay dartiis

    intaas kadib mamamed nuur waxaan leeyahay walaal midda aad tidhi madoonayo inaan dowrkii culimada boobo ee ahaa waxaasaa banaan iyo waxaasi mabanaana

    walaal dowrkaas aad sheegtay culimadu iskama lahan ee ilaahay ayaa iska le oo waxna baneeya waxna reeba qofkasta oo bartaana dadka kale wuu ucadayn karaa

    tusaale ahaan haduu qof kuyidhaahdo salaadu mawaajibbaa ma waxaad kujawaabaysaa haa oo culimadaa saas yidhi mise allaah ayaa waajib yeelay ayaad kujawaabi???

    haduu qof kudhoho zinadu waa xalaal ma waxaad dhahaysaa anigu arrintas kahadlimaayo oo waa dowrkii culimada mise qofkaas waad ucadayn???

    midda aad leedahay su aal malaga keeni karaa waxa dhacaya waxaan kuleeyahay haa oo fikirkaaga adaa iska le waxna waad istusi kartaa laakiin waa inayna kula gaadhin heer aad ladagaalanto walaalahaa gaaladana aad uhiiliso.

    midda kale ee ah hadii su aal laga keeno malagu gaaloobayaa waa maya hadaadan wax lagu gaaloobo la imanin laakiin hadaad gaalada lasafato hede waa naaqid waanad kugaaloobi.

    ta jihaadka kasocoda soomaaliya eed su aasha kakeentay horta muxamed ayaa kuubayaamiyay oo waxba kaga noqon maayo laakiin waxaan kuwaydiiyay

    adigu jihaad marumaysantahay???

    jihaad noocee ah ayaad rumaysantahay???

    yaa lala jihaadi karaa ayaad rumaysantahay???

    goormaa la hihaadi karaa ayaad rumaysantahay???

    maxaad udaliishanaysaa waxaad rumaysantahay??

    jihaadku macibaadaa mise waa wax awood uun lagu raadiyo???

  50. waaniye says:

    wadaad yare

    waxaan leeyahay horta walaal waxaa ceeb kugu ah inaad markasta aad wax soobandhigto markii su aal lagu waydiiyana aad cararto

    su aalahaan kor kusheegay jawaabo hooda waan kaasugayaa hadaadan kajawaabi karina dhib malahan

    midda aad maalin kasta kucelceliso ee ah wahabiyo magaranayo wax kaagaga dhexlumay wahaabiyada

    waxaan akhriyay waxa idin dhexmaray adiga iyo yasir runtii doodna laguma tilmaami karo waxaas oo labo nin oo isu nacam laynayay unbaad ahaydeen

    inbadana waxaad difaacday waxa suufiyada lagu takfiiriyo adoo wahaabiyada kutilmaamay takfiiriyiin

    hadaba walaal hadda adigu diyaar ma utahay inaynu kawada doodno waxa aanu suufiyada kuhaysano

    adoon kuwareegaysanin shaafici iyo hebel baa qubuur ku tawasulay

    anaga shaqa nootaala maahan hebal baa saas sameeyay ee waxaa na quseeya allaahbaa saas yidhi

    ibnu taymiyah, moxamed cabdi wahaab iyo dadkii ladagaalamayayna intaas unbay isku haysteen

    marka hadaad adigu daliil uhayso inaa ilaahay sokadiisa cid lacaabudi karo keen daliilkaas

    waxba yaanan hadalka kugu dheeraynine hadaad diyaar utahay dood kusaabsan waxa wahaabiyo iyo suufiyo udhexeeya soocadee sxb

    waxaan kaxumahay inaan meel uuna mawduucu kahadlaynin aan uleexiyo dooda waxaana igu qasbaya wadaad yare oo markasta wahaabiyo wahaabiyo uun kuwaashay

    waad mahadsantihiin

  51. Abdirahim says:

    Asc wr wb:
    Mohammed nuur
    walaal waan ka xumahay inan kala so daho jawabta Aad iga sugaysay 0o aheed:Inan sheego mesha qoralkaga islaan neceb ku jiro. Horta marka ugu horeysa Jawaabtu waxay imaneysa marka la is weydiyo Alshabaab ma gaalaa mise wa islaam? Maxay faafinayaan ma Dinta islamka mise Democracy? Dadka kaso horjeed eg uganda brundi ethopia iyo kuwa lasocda ma islaan baa? Maxayse rabaan ma in islamka la isku dhaqo mise in la ciribtiro? Hadaad tirahdo maxamed nuurow Alshabab islan mawadan waxa kaso horjedan gala ma ahan wa baabkale.Laakiin Hadaad aamisantahay inay musliminyihin waxay wadana islam yahay kuwa kaso h0rjedana galo cadow ah, dagaalkuna uu yahay mid xabbad ah iyo mid af iyo qoral ah Qormadaadana aad dadka ku tusineyso ama oga dhigayso dadka
    inay Qolyahan qaldanyihn ama jihad ahayn amaba wax wanaag oy sameyen adan shegayn Yey qormadadu garab istaageysa labada saf? Maxana lagugu tilmami kara ma islam neceb mise islam jeceyl? waa hadaad aminsantahay inay alshabaab islam yihin dintana difacayan waxa ladagalamayan galo democracy in la isku xukumo rabta tahay.

  52. wadaad yare says:

    Waaniye

    Kitaabka Ilaahey aniga iyo adiga kaliya nalooma soo dejine ummatu dacwa oo dadkoo dhan ah iyo ummatul ijaabah oo intii aqbashey ah ayaa loo soo dejiyey. Ummatul ijaabah jidkooda waxaa weeye (sabiilul mu,miniin) kuwa diideyna jidkoodu waa (sabiilul mujrimiin). Labadubana waxey leeyihiin macaalim iyo tilmaamo lagu aqoonsado.

    Qur,aanku wuxuu ka dhaxeeyaa intii raacdey (sabiilul mu,miniin), haddey mas,aladu tahey mas,alo weyn heer kufr iyo iimaan gaarsiisan, ayna dhacdey oo la yaqaanney waqtigii Salafka iyo quruuntii ka danbeysey ee cilmigu muntashirka ahaa, waxaa lagama maarmaan ah in la eego waxey culimadii xilligaas joogtey ka yiraahdeen.

    Haddaadan taas qabine inaan innagu kaligeen Qur,aanka ku dul muranno aad qabto, waxaan ku leeyahey Qur,aan macnihiis aanan xakam u heysan ku kala bixi meynee aan is nabad gelinno.

  53. waaniye says:

    wadaad yare

    walaal ilaahay naguma adoonsanin inaanu kukala baxno aqwaasha culimada ee ilaahay wuxuu nagu waajib yeelay inaynu kitaabka iyo sunada ulaabano marka aynu iskhilaafno

    tafaasiirtii saxaabaduna way taalaa oo fahanka waynu ukaalmaysan karnaa

    laakiin waxaan layaabanahay inaad kitaabka ku qanci waydo ood hadal wadaad ku qanacdo

    waxaan layaabanahay ookale inaad tidhaahdo marka aynu caqiidada kahadlayno aqwaasha culimada ayaynu ulaabanaynaa marka mucaamalada aynu kahadlaynana quraanka ayaynu ulaabanaynaa mana garanayo meel aad waxaas khuraafaadka ah kakeentay

    waxaanan umalaynayaa waxaa taas kuugu wacan kitaabka iyo sunada ayaad hal daliil oo kutaageera kawayday taas ayana kugu qasabtay inaad u orodo aqwaasha culimada

    marka aan saas leeyahay macnaheedu maahan inay culimadu adiga kutaageerayaan laakiin waxaan ogahay inaadan waayaynin wadaad khaldamay ama baadiyoobay ood hadalkiisa sooqaadato

    taas ayaanan uuga cararayaa aqwaasha culimada

    lana soco sida quraanka uu qofba si uugu fahmi karo unbaa aqwaasha culimadana ninba si ufahmi karaaye.

    marka aniga doodayda waxaa gundhig u ah kitaabka iyo sunada hadaadan labadaas kuqanacsanayna hede maxaynu isu sheegiba isku meelba kama hadli karnee

    ,mana diidayo culimadii tafaasiirta kabixiyay nusuusta laakiin inaad mujarad aqwaal kudoodno ayaan diidayaa

    mahadsanid

  54. yasir says:

    ku: wadaad yare iyo waaniye.

    maqaal wanaagsan weeye runtii, tacliiqa wadaad yare ayaan u bogay iyo sida uu u asiibay waana ku mahadsantahay sxb. hase yeeshee waxaan la yaabay tacliiqa walaalka waaniye uu ku soo hagajiyay wadaad yare, isaga oo walaalku naqdinaya maslaxadii uu wadaad yare sida saxda ah u sharaxay ahna qaacida ka mid ah kuwa ugu waawayn diintan islaamka ee usuuliyintu dejiyeen, oo ah dar ul mafsadah wajalbul maslaxah waaniye waxaan la tacajubay kalamada jihaadka uu sida qaldan u isticmaalayo waxaanan jeclaystay in aan waydiiyo suurada alfurqaan, aayadda 52 suubanaha waxaa eebe ku yiri wajaahidhum bihii jihaadan kabiiraa, muxuu yahay jihaadkan wayn? iyadoo aan wada ognahay ayaadkaas in ay ka mid yihiin kuwii maka ku soo degay kuwii ugu horeeyay, muslimiintana dagaal iskaba dhaafe iyagu ay fara ku gabad ahaayeen. ma waxaa laga wadaa burhaanta iyo xujada iyo xaqa ku oog mise wax kale ayaa laga doonayaa suubanaha oo jihaadka ah? mida kale walalka waxaa laga yaabee in uu isku qaldayo qitaal iyo jihaad. qitaal waa dagalka macnaha saxda ah, hase yeeshee jihaad waa ka guda balaaran yahay macnahaas mar walbana dagal lagama wado macnaha quraanka. oo in dadka xujada lagu oogo, qalin iyo dacwo iyo wasiilooyin kalaba ayaa la adeegsanayaa si hanuunka dadka lagu gaarsiiyo. howshana waxay bilaabatay maalinkii nabiga lagu yiri istaag oo dig, wax jiif la yiraahdo meeshan ma yaalo. dadkan wax nooleeya ayaa la rabaa in la gaarsiiyo waana ruuxda islamka. dhul la xoreeyay saaxiib muxuu ku tarayaa hadaadan dadka caqligooda xorayn? in aad iska dhimatid keliya laguuma soo dirin aduunka ee nololna waa lagaa rabaa.

    imaamkii mujadidka ahaa ee salafiga iyo islaax doonka ahaa maxamed cabduh waxa uu yiri.
    “qofka muslimka ah laysa cindahu suldhah ilaa suldhatulxikmah wal mowcidatul xasanah, qofka muslimka oo ugu cilmiga gaaban muslimiintana intaas waa ogyahay,,,,.

    islaamku kuligiis qawaaniin, xuduud, iyo jihaad ma wada aha. qawaaniinta iyo dagaalku keligood wax ma islaaxiyaan mujtamacana ma dhisto, qolyahan dagaalka keliya dhaqanka ka dhigtayna waxaa fiican in ay ogaadan in suubanuhu 13 sano uu dadka barayay dacwadda, qitaalkana sababihii keenay waa iska cad cad yihiin kitaabkeena majiidka ah, oo waxaa weeye cudwaan in la reebo iyo qof walba in uu ku noolaado xoriyad isaga oo u madax banaan diintiis, hadii nabad iyo heshiis la qaatana suubanuhu wuxuu aha qofka ugu horeeya ee fuliya qawaaniinta lagu heshiiyay iyo mucaahadooyinka. fa in janaxuu li silmi fajnax laha, meel kalena fa inistaqaamuu lakum fastaqiimuu lahum` aayadahas waxaa ka cadcad in dagaal keligiis ujeedada iyo maqaasida sharciga ah inayan ahyn, laakiin qofkii fahmi lahaa aaway? qof dan leh unbaa aayadaha qitaalka ku saabsan si qaldan u fasirta. oo raba in uu wax xukumo? hadii aysan arintu sidaasi ahyn, ma aragteen al shabab oo weligood doorasho ama shuuro iclaaminaya illeen xukunka waa la wada leeyahaye? shuuraduna waa qawaacida ugu waawayn ee dowladda islaamka.

    mida kale waxyaalaha daraasaadka islaamka marka la baranayo arday kasta u ogyahay waxaa weeye in lakala saaro al islaam iyo fikrul islaam: iyo al islaam wal xukmul islaam.
    islaamku waa waxyi macsuum ah oo xag Alle ka yimid calaa qalbi muxamed in uu ka mid noqdo digayaasha{mundiriin} minal mundiriin shakina kuma jiro. fikrul islaam, waa shaqada iyo camalka fikriga basharka in uu fahmo islaamkaas aan kor ku xusnay.
    xukum islaami ahna waxaa la yiraahdaa camalkii suldhada basharka ama authority gii fulinayay. labadaas dambe marka cisma ma leh iyagu oo dadku meeshay rabaan ayay la aadi karaan laakiin diin ma ahn fahamkoodu iyo xukumkoodu, waxa keliya oo la dhahayaa waa fahamkaagii markuu wax qaldo, markii xukunkiisu cadaaalad noqon waayana islaamku shqo kuma leh, beri buu ka yahay.

    dadkaan maanta soomaliya isku haysta{shabaabulmujaahidiin iyo salafiyiinta jihaadiga ah xataa alictisaam waa soogalayaan} waxay isku haystaan waxaa la oran karaa waa fikri islaami ah iyo xukum islaami ah sida ay fahmeen oo qaldamay, lagumana sheegi karo dagaalkooda qittaal mashruuc ah, walaa diinteena xaniifka ah w,alaa caqli binuaadam midnah.
    siday doonaan iyagu ha u taqdiisiyeen, ama ha uga dhigeeen khamiiskii cusmaan oo qofkii inkara waxa ay walaaqayaan iyo laynta muslimiinta waxay leeyihiin jihaadkii{ not jihaadki mashruuuca ahaa/bannaanaa ayuu ka horyimid, mujtamaca soomaalidu intooda waa mujtamac caadhifi ah oo tadayun fara badan ku jiro, emotional ah, welina wixii ka dambeeyey burburka dowladnimo, marka gaalo iyo jihaad loo sheego inta badan waa ka jawaabaan si deg deg ah oo dhega furan, sidaas ayana looga faaiidaystay.

    wixii qalad ah min nafsii iyo shaydaan.

  55. waaniye says:

    yasir

    horta waxaad latimid dabeecadii lagu yaqaanay dadka inxiraafa

    maxaayeelay marka wax laysku khilaafsanyahay laga hadlayo ayay aadaan wax laysku waafaqsanyahay

    anigu marna maana diidin masloxo iyo mafsado qaacidada aad sheegtayna waan rumaysnahay oo diintuba labadaas ayay kudhisantahay

    laakiin waxaan mar labaad kuugu celinayaa su aalahaan soo bandhigay waxaan umalaynayaa maadan fahmine

    inaad kajawaabtana waan kaasugayaa

    walaal waamaxay masloxo waase maxay mafsado??????
    ma wax aynu caqligeena ku garan karnaa mise waa wax aynu daliil ku garan karno????
    hadaynu caqligeena ku garan karno maxaa faa iido ah oo kujirta soo diritaanka rususha????
    mise waxaa jirta wax yaabo aynu caqliga ku garan karno iyo wax kale oo aynaan garan karin????
    haday saas tahay waa maxay daliilka kala qaaday waxa aynu garan karno iyo waxa kale????
    waxaynu ognahay asxaabul ukhduud inaa ladhameeyay oo dacwadoodii ay saas kudhamaatay ilaahayna sareeye muuna kuceebinin bal waa lagu amaanay
    marka maxay mudaahano usamayn waayeen si ay dacwadooda usii wataan???
    nabi ibraahib asnaam ayuu burburiyay waxaana taas kadhalatay inaa dab lagu rido
    marka hadaan aragtidaada kaduulno waxay noqonaysaa mafsado
    marka nabi ibraahim scw maslaxada iyo mafsadada muuna aqoonin miyaa????
    waxaynu wada ognahay oo kale reer banii israa iil inaa la amray inay islaayaan oy isgumaadaan sidaasna lagaga toobad aqbalay ayna maslaxo iyo wanaag utahay
    aayad kale ilaahay wuxuu kulahaa hadaanu dhihi lahayn naftiina laayay ama guryihiina kabaxa ,mayna sameeyeen dad yarmooyee
    haday samayn lahayeen ayaan uwanaag badnaan lahayd
    marka walall ilaahay wuxuu masloxo iyo wanaag kutilmaamay inay is gumaadaan
    adiguna mafsado ayaad u aragtaa dhimashada marka maadiga ayaa ilaahay maslaxada kayaqaana???? subxaanalaah ilaahay ayaa kanasahan is barbardhigaas
    midda kale ilaahay markuu jihaadka ina amrayay wuxuu cadeeyay inaynaan inagu garan karin waxa wanaag ah ee kujira balse uu ilaahay og yahay
    ilaahayna muunan odhanin waad raynaysaan oo kaliya balse wuxuu cadeeyay haydaynu rayno iyo hadii layna laayaba inay mujaahidiintu ilaahay agtiisa wanaag iyo ajir kuleeyihiin
    marka walaal anagu jihaadka waxaanu ka aaminsanahay inuu cibaado ilaahay loogu dhawaado yahay oo uuna ahayn wax laga doodi karo
    mahadsanid sxb

  56. waaniye says:

    midda jihaadka waa runtaa oo jihaadku wuu kaguda balaadhan yahay qitaalka laakiin anigu waxa aan ujeedo waan cadeeyay oo qitaalka ayaan kahadlayaa

    nabigana scw markii lalahaa wajaahidhum bihii jihaadan kabiiraa waynu wada fahmi karnaa waxa laga wado oo nabigu markuu makka joogay wuxuu kujiray jihaad kiii uugu waynaa

    oo isagoon hub iyo ciidan midna haysanin ayuu maalin kasta gaaladii quraysheed iyo asnaamtoodii siduu rabo wax uuga sheegi jiray isagana saan ognahay loodhibi jiray nabiguna waatuu lahaa scw jihaadka waxaa uugu fadli badan kalimad xaq ah oo suldaan jaa ir ah agtiisa laga sheego

    maxaa yeelay qofka sheegaya xaqaasi waa qof naftiisa geeri ubandhigay

    laakiin hadaad adigu jihaad uhaysato inaa madaaris ladhiso gaaladana loosacabiyo aday kuutaalaa

    waxaan kaa codsanayaa inaadan waqti inagaga luminin wax aynu isku waafaqsanahay

    ee aad kahadasho waxa saaxada yaala

  57. wadaad yare says:

    Yasir
    Waad ku mahadsantahey walaal tacliiqaaga cilmigaa. Laakiin cilmi aan lagaa qaadaneyn waa sidii caammadu oran jirtey “boqol iyo afar iyo tabankaan aqaannaa kaama aqrisanayaa ka adag”!

    Waxaan u maleynayaa taasi waa midda sababtey in dadka wax garanayaa ka zaahidaan iney goobaha niqaashaatka qeyb ka noqdaan.

    Doodda waaniye mid wax laga faa,iidayo ma ahan waana jadal biizandi ah. Qof meel god ah ku dhacaya haddaad tiraahdo “war meeshaan waad ku dhimaneysaaye iska daa” Ee uu kuugu jawaabo “inaan ku dhimanayo maxaa daliil u ah” ama ku yiraahdo “dhimashadaanba rabaaye maxaad dhimashada iigu diideysaa iyadaaba dantu ku jirtaaye”! Ama uu ku yiraahdo “inaan dhimashada aad iga celineyso dani iigu jirin daliilkeeda keen”!

    Yasirow duulkaan waa duul meel looga baaqayee haka durduurteene aan u deyno.

    Markeyse shubuhaat daliillo u eg keenaan in ummadda laga shaafiyo waa waajib. Laakiin dadku dagaal aysan wax natiijaa ku gaareyn oo ku baaba,ayaan oo kaliya inaan Ilaahey ka rabin ee dagaalku maslaxo xaqiijinteed iyo mafsado celinteed loo jideeyey way ogyihiin.

    Iyagoo dadku fidradooda iyo caqligooda sidaas ku og ayey haddana haddey caammo yihiin markii aayado iyo axaadiith xagga iyo xagga looga keeno weynayaan waxey isku difaacaan. Caalimka iyo qofka wax yaqaannana waajib ayey ku tahey inuu cilmigiisa bulshada ugu gargaaro oo ciyaalka habowsan u oggolaan iney bulshada kaligood la khidaabaan. Taas weeye midda in la hadlo waajibka ka dhigeysa,laakiin dhallin yaradaani iyagu in derbigu soo celiyo maahane dood kuma qancayaan.

  58. Muxamed says:

    Wadaad yare, waxaad tiri jihaadka mafhuumkiisa ama ujeedadiisu waa dafcu darar wa jalbul masaalix! Maya laysa amru thalika jihaadku waa kalimada ilaahay inay kor noqoto(man qaatala latakuunu kalimatulaahi hiyal culyaa fahuwa fii sabiililaahi.scw.) waa tii aayat kalana ahayd(wa qaatiluuhum xataa laa takuunu fitna wa yakuuna diinu kullahu lilaah) fitana waa gaalnimo idan jihaadku ujeedkiisu waa in gaalnimo la suuliyo kilimada allena ay kor noqoto waa towxiidkee idan qaacidadaasi mafsadada iyo masaalixda ma khuseyso towxiid iyo shirki toona waxaana loo dajiyey wixii dunuub ah ee ka hooseeya gaalnimada. Waxaad tiri hadii jihaadka shabaab faa,iido keeni waayey dhibna joojin waayey ujeedana xaqiijin waaye! Taa waxaan ka iri hadaa buhtaanun wa ithmun mubiin, alshabaab waxyaabaha ay xaqiijiyeen halkan laguma soo koobi karo 11-gobol iyo 71-degmo oo bartamaha iyo koofurta somaliya ah ayey kitaabka alle ku xukumeen, nabad iyo kala danbayn kusoo dabaaleen, salaadihii baa la oogay zakawaadkii baa la qaybiyey 60-isbaaro oo u dhexeysay xamar iyo b.xaawo ayaa la qaaday, 120-isbaaro oo u dhexeysay xamr iyo dhooblay ayaa la qaaday oo midii ugu darneyd ay ahayd tii taalay tuulada xaramka taasoo ay ka dhacday inta gabar aabaheed barkin looga dhigo lagu dul kufsado! Ayadoo ku cataabayso alla aabow! Maantana isbaaradaa meeshay taalay calanka towxiidka ayaa ka dul babanaya ayadoo aysanba ciidan joogin hase ahaatee waxaa la yiri harag libaax haad ma fuulo mooryaantu markay arkaan calanka madow waxay dhihi naga wada meeshaan mujaahidiintii baa joogtee! Dhoobley markii la yimaado saldhiga boliska waxaa ku sawiran gacan go,an iyo mindidii goysay oo is ag yaal waxaana ku qoran (qul jaa,al xaq wa zahaqal baadilu). B.xaawo markaad taktid taalada faras magaalada waxaa ku sawiran gacan go,an iyo mindi iyo calankii towxiidka. Intaasoo wanaag ah ooy dadku wada arkaan waxaa jira dad aysan u muuqan oo fasahaad ka shaqeeya islaaxna ogoleyn kuwaasi allah.sw. Ayaa noo sheegay (alladiina yufsidun fil ardi w

  59. Muxamed says:

    Waxaa jira dad fasahaadka ka sheega islaaxuna u muuqan allah.sw. Ayaana noo cadeeyey (walaa tudiicuu amaral musrifiin aladiina yufsiduuna fil ardi walaa yuslixuun.) waana kuwaa isbaaralayda ah iyo qaadicu dariiqyada iyo qabqablayaasha iyo qaaqlayaasha xaaraan ku naaxyada iwm. Wadaad yare waxaan ku leeyahay wasic sadraka wanaaga wilaayaadka yaalo iyo waxa ay qabteen shabaabku mulaca ayaa jiifka ku arka hadaad adigu ookiyaale khaldan ku eegeysid aday kuu taalaa hana aflagaadeen dadka kaa toosan hana ku sheegin habow ee masaa,isha lagaala dooday iyo xujada lagugu oogay la imow waxaad ku difaacdo haku wareego cadaysan ra,yigaaga iyo ra,yi sheekh ee la imow qowl alle iyo qowi rasuul.

  60. wadaad yare says:

    Muxamed

    Waxaad tiri:

    “jihaadku ujeedkiisu waa in gaalnimo la suuliyo kilimada allena ay kor noqoto waa towxiidkee ”

    Haddaad ka waddo gaalada oo dalka soomaaliya laga bixiyo nooma muuqato inaad bixineysaane iney soo buuxiyaan oo soo siyaadaan ayaan ujeednaa.

    Dalka Islaamka ma difaaceysaane waad loogeysaan,cadowgana xuduudda kuma celin kartaane waxaad usoo istidraajeysaan inuu ummadda barteenkeeda soo fariisto. Markaasaad dadka ku dileysaan.

    Waxaad tiri:

    “idan qaacidadaasi mafsadada iyo masaalixda ma khuseyso towxiid iyo shirki toona waxaana loo dajiyey wixii dunuub ah ee ka hooseeya gaalnimada”

    Meeshaas way kaa hoos baxdey ee ka fiirso.

    Maslaxadda “kalimatullaahi” iyo maslaxadda “ahlu kalimatillaahi” makala harayaane waa isku mid. Haddii dadka mu,miniintaa oo kalimadda Ilaahey heysta baaba,aan ma kalimadda Alle kaligeed ayaa hareysa?

    Maslaxadda la xaqiijinayo kalimadda Allena ku kor noqoneyso waa maslaxadda dadka kalimadda Alle aaminsan.

  61. waaniye says:

    wadaad yare

    walaal waxaad sheegatay cilmi anagana waxaad nagu tilmaantay dad aan cilmiga qaadanaynin

    hadaba waxa aynu isku haysanaayi maahan chemistry iyo mathematics ee waa diintii allaah soodajiyay

    arrintu waxay taagan tahay waxan diintu ma ogoshahay mise ma ogola

    qofkasta oo yidhaahda ma ogola ama way ogoshahayna waxaa looga baahan yahay daliil

    hadaba bal daliilka aad keentay een qaadan waynay muxuu yahay mise ra´yigaaga saqiimka ah ayaa cilmi noqday???

    nabigeenu scw wuxuu nagula dardaarmay sunadiisa wuxuuna cadeeyay qolada kaliya ee badbaadaysa inay tahay kuwu kusugnaada jidkii uu maalintuu hadlayay kutaagnaa

    marka hadaan jidkii nabigu maalintaas kutaagnaa aynu raacno kunidhaahno ma cilmi yaraanbaa??

    maanta anagu waxaanu taaganahay nabigu scw dacwada wuu waday wuuna jihaadi jiray yacnii qitaalka inagana taas ayuu nagu adkeeyay qofkasta oo labadaas kala qaadaana waa qof lumay diinteenuna maahan aragti banii aadam ee waa waxyi

  62. wadaad yare says:

    Bal u fiirso Muxamadow

    Dadkii waxey noqdeen oo u kala baxeen:

    1.Wax adinka idin raacey ku qancid ama raghbatan warahbah

    2.Wax cabbursan oo iska aamusan

    3. Wax dalka dhanba idiinkaga qaxey oo daafaha adduunka u dalaabey

    4.Wax colaaddiinna u qalab qaatey oo waddamada deriskaa iyo ciddii kaloo ay kaalmo ka heli karaan u doontey.

    Soomaalidii haddey sidaas tahey oodan diidi karin, caalamkii oo dhanna dagaal ayaad u iclaamiseen.

    Nabadda aad sheegeyso nabad sal leh ineysan aheyn qof kastaa wuu ogyahey,mooryaanta haddaad dadka qabateenna adinkaa noqdey mid ka daran oo dhibkii mooryaantu dadka ku hayeen mid ka daran ayaad ku qabateen.

    Mooryaan mooryaan baddaley maxaan ka faa,iidayaa anigu. Cabsida adinku aad dadka ku heysaan ayaa ka badan midda mooryaantu dadka ku heysey. Ma rabno inaan baqdin iyo cabbursanaan ku noolaanno. Inaan xor ahaanno oo waxaan aamminsannahey si xor ah u sheegi karno ayaan dooneynaa.

    Hadalkaan aan hadda ku qorayo halkaan wax ka yar ayaad dadka u dishaan. Taas ayaan diiddanahey. Inaan addoommo la dulleysto dalkeenna ku ahaanno ayaan diidanahey.

    Adiguna adigoon xujo heysan aad igu qanciso ayaad dooneysaa inaad bastoolad igu xakunto. Taas weeye taan diiddannahey adeer ee ma ka garaabi kartaa?

  63. yasir says:

    ku; wadaad yare iyo waaniye, wadaadyare waad mahadsantahay. waaniye, waan ku salaamayaa saaxiib, comments-ka waa kamamnuuc bullying, hate iyo personal blackmail. aniga ujeedkayga marnaba ma ahn in aan confidence kaaga waxyeelo.

    intaas ka gadaal saaxada the so-called jihaadka soomaaliya, culimada wawayn e soomaalida oo saaxada jooga sida c/qaadir nuur faarax iyo daahir aw cabdi oo laduba dacwada salafiga soomaaliya ka mid ah, midna kuma sheegin waxa soomalliya ka socda jihaad, aniga aragtidayda waxaan dareemaya in ay yihiin jiilkii ku barbaaray S.Y.L. danta dadkaan labaatanka sano dhibaataysnaana garanaya+ cilmigooda waasaca ah, walaa nusakii filaahi cala axad. xataa the late sheekh omar faaruuq isagu xitaa amison sharci ayay ku joogan ayu yiri mana aha dagaal jihaad waxa socda. marka ma culimadaas soomaaliyeed ayaa jihaad soomaaliya waydiinaa waxa uu yahay oo dhegaysanaa mise mohamed almaqdasi iyo abuqatada, iyo suuqgeeyayaasha mashruuca alqaacida ee geeska africa.

    mahadsanid tacliiqaan marna shakhsiyadaada in aan wax ku yeelo ulama jeedo.

  64. Muxamed says:

    Wadaad yare garow iyo inla kala gar qaato uma jeedi garow iyo inaad gar qaadatid xujadaaduna waxay noqotay been abuur iyo propagaanda inaad ka sheegtid xaqiiqda ka jirta wilaayaadka islaamiga ah. Waxaad tiri adaa gaalo u yeeray oo sababay inaad dadka bartankooda keenay kuna laayey dadka! Taa waxaan kaa iri maya gaalo ayadaa igu soo duushay diintaydii iyo dadkaygiiba ayagaana afkooda ka qirtay ka dib markii uu yiri males waxaan ka cabsanayaa in dowlad islaam ah ka dhalato geeska afrika oo na saydareysa inaan ka hortago ayaana somaliya oogu duulay. Waxaad tiri dadka ayaad qaxiseen kuwa idinla joogana waad caburisaan! Taa waxaan ka leeyahay dadka waxaa qaxiyey gaalada soo duusay ee.pm-ka la dhacday kuwa ku nool walaayaadkana cadaalad ayey oogu nool yihiin iyo xornimo tusaale gaaban baabuurta ukala gooshta wilaayaadka waxaa la saaraa saraakiil dhar cad ah oo eega raga koontaroolada joogo bal inay wax u dhimaan rakaabka mana dhacdo oo dadka waa lasoo dhaweeyaa wanaag ayaana lagula dhaqmaa waayeelkoodana waa loo khidmeeyaa taa waxaa markhaati ka ah deeq bixiyayaashii turkiga ee tagay marka waxay dheheen waxna dila ma aanan arag waxna soo dhaweeya ma ogiye waa tii la xiray markay xamar kusoo noqdeen maxaad runta u sheegteen awgeed marka ninyahow waxaagu ma ahan dood dar alle aad ula jeedid ee waa nebeyb iyo karaahiyo aad u qabto khayrka iyo wanaaga soomaaliya ka jira marka laga reebo 4-km ee shariif fadhiyo aniguna ma ihi nin nacayb iyo karaahiyo daweyn kara bal allah.sw ayaa daweyn kara lakiin waqti dambe ku bixin maayo xanuunka ku hayo inaan ka jawaabo waxaan kusoo gunaanadayaa diinta alle lalama diriri karo oo waligeed wey sareyneysaa kuwa diinta alle la dagaalamayana waa kuwa hooseynta badan waana duloobayaan insha allah.

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno