Abwaan Jaamac dayuurad baa markii Abaartii dhacday dabo-Dheer 1975 baa xaaskiisi ku eedaysay dhibaatada reerka soo gaadhay oo haarantay , markaas isna waa garaysan waayey waxa marwadiisu ugu cadhaysan tahay kolkaas buu gabaygan tirshay oo kaga waramayo waxyaalaha aduunka ka dhacay inay ku eedaynayso siday ugu eedaysay Abaarta markaas taagan waxuu yidhi Abwaanku ........................................................................................... Naahooy codkaad xalay lahayd waa cilmila aanne Cara edeg wax wada taabtay baa ka calmilaysaaye Caleen doogle lama haysto iyo caano dhamidoode Nin walibaCiyaalkuu dhaluu la carwa saadaaye. Cashadaad qadaabaad i odhan cawro waa isaga?e Cinda laahi wax nooga yimid ha igu caafiyini. Ma anaa cirkaan di?ilaahaa curashada udiidey Ma anaa dhulka cawska jaray coodka lagu foofsho Ma anaa ariga caatada ka dhigay caano laga waayey Cadan iyo Berbera ma anaa celiyey beecooda Ma anaa Cadaan iyo madoow wada colaysiiyey. Calaqaadka ma anaa ujaray dunidan ciirciirtay Ma anaa ciriiriga ka dhigay ceeshka iyo soorta. Ma anaa ceelashii wada qafilay ciriqa baasiinka Ma anaa kufriga caasiga ah kaga cabaadsiiyey Carab iyo yuhuud ma anigaa ciidamada laayey Cali Yusuf ma anigaa qabtiyo caadilkii boqorka Caad iyo namruud ma anigaa cayrshay labadiiba Ma anaa dharkeenii cadaa calal guduud dhaafshay Cadrad gabadh ah ma anaa ganbada caado uga yeelay Ma anaa dowladeenii casilay caadi noqon wayday Cududa iyo ma anaa Siyaad ciidanka u dhiibay Caynaanka hay ma anigaa caalamka maqashiiyey Ma anaa cidiinii iyo tolkaa kaa casaba gooyey Cuno ma anigaa kaa qadshay oo ceego kugu dhuujey Caqli naaqus ma anigaa ka dhigay adiga iyo canykaaga Cusribaa dhacaye sow yusriga kama cad dhawrayno.
Home » Suugaan » Gabaygii: Jaamac Dayuurad

