Home » Suugaan » Gabay:Guda Ammuurtayda; abwaan Qamaan Bulxan

Gabay:Guda Ammuurtayda; abwaan Qamaan Bulxan

Gabayagan waxaa tiriyey Qamaan, waxuuna u diray reer sheekh cabdille oo u sii dhiibay Aw cumar isagoo maqlay in Afadiisi Barni sheekh cabdille laga furayo oo nin kale loo meherinayo,gabaygani sidaad buu ku yimid waxuu yidhi Qamaan sidan
Aw Cumar gaddoontaye haddaad naga guddaan caawa
Rabbi ha idin geeyee haddaad gama’mulayn weydo
Ood gaanbisaan socoto way galan galcootaaye
Guluf iyo lugooyiyo col wayn galalaftii weerar
God abeeso Good iyo Mas iyo goosatada hoose
Waddada goonyaheeda, jid iyo gawrac iyo jiitin
Galow iyo shinbiro gii’ leh iyo guul dariyo qoofal
Gulaal dhagax iyo geed-nugaal lugtiyo gacandhi sii jeedda
Wiyil gaatin gool iyo libaax gucummo aar yeeshay
Gantaaleed good iyo rasaas kugu galeelyeysa
Gebgab iyo cabsi iyo wixii gubaya jiidhkaaga
Gunti Nabbi Alla ha kaa gelsho iyo golaha Yaasiine

 

Gaabiyo haddaad nabad tagtaan Gorarka aw Nuuxa
Ismaaciilka gaanka ah haddaad war u gamuunyeyso
Giddigii Aw Warfaa iyo Bah-Sacad amase Guuleedka
Sheekhii Islaamkuba gartee aan gacanta saaraynay
Gaadhsiiya gabaygaan idhi igu gar weeyaane

 

Maansadu ged bay leedahee ma aan guracadeeyay
Galsho lama qodee ceel miyaan gorof ka miideeyay
Geddii Weerar iyo Raage sow uma gadaal xoorin
Gobo kalana waa eray yaroon idin garwaaqsiiyay

 

Nabsi lama gurtee seediyaal guda ummuurtayda
Gadaafiyo xaq lama soo duwdee guud-caddaha miidha
Bacdigeed halkaad goosataan soo gadaal celiya
Rag hadduu gob yahay oos isgayo guurna kala waayo
Labaa gacallo raagtiyo lahaan gogol aan laabmaynin
Labana waa geshi iyo ceeb waxay kala gasbaysaaye

 

U guddiya oo midkay idinla tahay soo gadaal celiya
Anniguna halkii ila gudboon gees aan ula shawro
Maansadu ged bay leedahee ma aan guracadeeyay
Galsho lama qodee ceel miyaan gorof ka miideeyay
Geddii Weerar iyo Raage sow uma gadaal xoorin.

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno