Home » Qoraalada Dr. Saadiq Enow, Qormooyinka, Wararka » SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii (Casharkii XIX-aad)

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii (Casharkii XIX-aad)

Weerarkii ka bilowdey geeska Afrika oo Talyaanigu uu ku qaadey Itoobiya, iyo kii ka bilowdey bariga-fog ee Jabaanku uu ku qaadey Shiinaha, jamciyaddii caalamiga ahayd (League of Nations) waa ay ka aamustey. Sababtu waxay ahayd dowladaha hor-boodayay jamciyadda (Ingiriis, Faransiis iyo Mareekan) oo aanan xilligaas qorsheysan in ay ka qeyb-qaataan dagaal dunida ka hura. Ingiriiska iyo Faransiiska waxaa gacanta ugu jiray inta badan ummadihii la gumeysanayay ee ku dhaqnaa qaaradaha Afrika iyo Aasiya. Mareekanka ayaa isna xilligaas ku howlanaa, dowladaha ka dhisan Latiin Ameerika sidii uu siyaasaddooda ugu sidki lahaa middiisa. Aamusnaanta ay saddexdaas dowladood kaga jawaabeen dhul-boobkii Talyaaniga iyo Jabaan, waxay hunguriga u furtay in Jarmalkiina uu dhankiisa damac galo oo uu weeraro dowladihii la deriska ahaa. Gaar ahaan dowladihii xorta ahaa ee xuduudda la lahaa. Saddex dal ayuu markaas isha ku qabtay, si boobka hore uu ugu qaado. Iyagu waxay kala yihiin Austria, Czechoslovakia, iyo Poland.

Jarmalka ayaa xilligaas wuxuu ku guuleystay in uu soo ceshado heybaddii uu ku lahaa dowladaha Yurub dhexdooda. Wuxuu dhistay ciidan adag oo tiro iyo tayo leh. Wuxuu deg-deg ku soo saaray qalab dagaal oo xilligaas casri ahaa. Wuxuu markaas bilaabay in uu ku tallaabsado sidii uu u dhul-boobi lahaa dowladaha la deriska. Dalka Austria oo dhanka koonfureed ay xuduud ka leeyihiin ayaa dadka ku dhaqan 98 % waxay yihiin dad Jarmal ah. Xisbigii Naasiga ahaa ee Jarmalka u talinayay, intuusan duulaanka qaadin, wuxuu bilaabey dhaqdhaqaaq ay ku magacaabeen (Heim ins Reich) oo macnaheedu yahay ku soo laabo Imbraadooriyadda (Jarmalka). Waxay ku doonayeen in ay ku mideeyaan dadka asalkoodu yahay Jarmalka ee ku dhaqan dowladaha ay deriska yihiin. Waxaa aragtidaas la qaatay dad-wayne badan oo u dhashay dalka Austria. Xisbi aragtidiisu bidix tahay ee dalkaas ka dhisnaa (Austrian National Socialism) ayaa si xooggan ugu ololeynayay aragtida mideynta Jarmal-Wayne (Pan German).

Arintaasi waxay khilaaf ka dhex aloostay labada dowladood ee deriska ah Austria iyo Jarmalka. Kulamadii ay khilaafka ku hagaajinayeen kiisii ugu danbeeyey wuxuu dhacay markay taariikhdu ahayd 12/ 2- 1938-kii, kaas oo ay isku arkeen labada hoggaamiye (Adolf Hitler iyo Kurt Alois von Schuschnigg). Kulankaasi wuxuu ka dhacay magaalo la yiraahdo Berchtesgaden, oo ku dhex taal buuraha xuduudda ah ee u dhexeeya labada dal. Nasiib-darro kulankii ma noqon mid lagu gaaro xasiloonidii darteed loo qabtay. Hoggaamiyihii Jarmalka wuxuu goobtii la yimid arimo uu u yeerinayo hoggaamiyaha Austria. Waxaa kamid ahaa in uu ka shaqeeyo in wasiirka nabad-sugidda uu ka dhigo ninka magaciisa la yiraahdo Arthur Seyss-Inquart, kaas oo ahaa nin u caadifadeysan aragtida Naasiga. Waxaa kaloo uu Hitler dalbaday ninka la yiraahdo Dr. Hans Frischböck in loo magacaabo wasiirka maaliyadda si loo mideeyo hannaanka dhaqaale ee labada dal iyo in xabsiga laga sii daayo saraakiil loo xiray aragtida Naasiga ah. Hoggaamiyaha Austria ayaa wuxuu arimahaas ku beddeshey in Hitler uu si cad u sheego in uu xaq-dhowrayo heshiis ay labada dal dhigteen 11/ 6- 1936-kii, kaas oo tilmaamayay in Jarmalka uu xushmeeyo madax-bannaanida dalka Austria. (Christopher Hibbert. Benito Mussolini – A Biography. The Reprint Society. 1962. p. 115. London – UK).

Hoggaamiyihii dalka Austria Kurt Alois von Schuschnigg, waa uu fuliyay ballantii uu qaaday oo is-beddelkii uu Hitler doonayay ayuu ka sameeyey dowladdii uu odeyga ka ahaa. Misana si uu u badbaadiyo madax-bannaanida dalkiisa, ayuu wuxuu ku dhawaaqay in afti la qaado oo dad-waynuhu ay doortaan hannaankii ay rabaan iyo ciddii u maamuli lahayd. Aftidaas oo lagu dhawaaqay kulankii Hitler hortiis, ayaa qabashadeedii waxay ahayd 13/ 3- 1938-ka. Da’da ugu yar oo aftida ka qey-qaadaneysa wuxuu ku sheegey 24 sano jir. Sababtu waxay ahayd, da’yartu waxay ahaayeen kuwo isbeddel doonayay. Isbeddelka qura oo fagaaraha ka muuqda wuxuu ahaa dhaqdhaqaaqii Naasiga ahaa oo Hitler uu odeyga ka ahaa.

Hoggaamiyhii Jarmalka kuma uusan qancin arintaas. Markii uu heshiiska dhacay ayaamo kadib,Hitler wuxuu ku khudbeeyey in dowladda Jarmalka ayan u dulqaadaneyn 10-ka melyan ee Jarmalka ah ee lagu cadaadinayo xuduudda Jarmalka bannaankeeda. Hadalkaas wuxuu u muuqday mid ku wajahan labada dal ee ah Austria iyo dalkii la oran jiray Checho-slovakia. Isla-markaas hadalku wuxuu ahaa dhambaal muujiyay, xukuumadda Naasiga ah in ayan wax xushmad ah u hayn heshiiskii ay la dhigatay Austria.

Hoggaamiyihii Jarmalka wuxuu Aftidii ku magacaabay tallaabo xeeladeysi ah oo dowladda Austria kula kacayso dadka Jarmalka ah ee ku hoos nool maamulka Austria. Sidaa darteed wuxuu caddeeyey in uusan aqoonsaneyn wixii natiijo ah oo ka soo baxa aftidaas. Waxaa xigay wasiirkii war-faafinta ee Jarmalka in uu baahiyay hadal been ah. Isagu wuxuu sheegey, Austria in ay ka bilowdeen rabshado xooggan oo gilgiley xasilloonidii dalka. Dad-waynuhuna ay u wacdeen dowladda Jarmalka in ay badbaadiso nadaamka iyo kala-danbeynta. 11/ 3- 1938-kii, Hitler wuxuu digniin u direy hoggaamiyihii Austria, isaga oo ku amray in uu talada dalka si buuxda ugu wareejiyo xisbiga qowmiga ah ee la yiraahdo Austrian National Socialists. Haddii uusan sidaas yeelin wuxuu sheegey in uu xoog kula wareegayo talada dalka. Kurt Alois von Schuschnigg, markii ay u caddaatay in Jarmalku ay ka go’an tahay la wareegga dalkiisa, isla-markaas xoogaggii kale ee Yurub (Ingiriis iyo Faransiis) ayan diyaar u ahayn in ay ka difaacaan, wuxuu guddoonsaday in uu is-casilo. Galabnimadii ay taariikhdu ahayd 11/ 3- 1938-kii ayuu idaacaddii dalka kaga dhawaaqay in uu xilkii dhigey. Habeenimadaas markay saacaddu ahayd 1-dii, ciidamadii Jarmalka waxay ka soo tallaabeen xuduuddii u dhexeysey labada dal.

Ciidamadii Jarmalka ee galay Austria waxaa lagu soo dhoweeyey ubax iyo salaantii ahayd gacan-taagga (Hitler solutes). Sidaa darteed ayaa Jarmalka waxay dagaalkaan ku magacaabeen (War of Flowers). Bil gudaheed ayaa Hitler uu booqasho ku yimid Austria. Socdaalkaas oo uu ku magacaabay socodkii Guusha, wuxuu ku soo gaaray magaalo-madaxdii dalka Vienna 2/ 4- 1938-kii. Dad gaaraya 200.000 ayuu kula fadlay fagaaraha Geesiyada (Square of Hroes), si ay uga dhegeystaan bayaankiisii uu ku caddeeyey Austira in ay kamid tahay Imbraadooriyadda Jarmalka. Hadalkii khudbaddiisa waxaa kamid ahaa:

“ Qaar kamid ah wargeesyada shisheeyaha waxay sheegeen, in aan Austria xoog ku qabsanay. Taasina ay ka danbeysey kadib markii aanu si bahalnimo ah ula dhaqanay. Waxaan arintaas ka leeyahay, xataa haddii ay dhintaan ka hari maayaan in ay been sheegaan. Masiirka halgankeyga siyaasiga ah, anigu waxaan ku guuleystey jacayl badan oo ay ii qaadeen dadkayga. Markii aan ka soo tallaabay xuduuddii hore ee (ee labada dal u dhexeysey), waxaan halkaas kula kulmay qul-qul jacayl butaacaya oo aanan horey u arag. Annaga oo qooqaayaal ah ma aanu iman, waxaanse nimid annaga oo ah kuwo dadka xoreeyey “. (Video: Hitler proclaims Austria’s inclusion in the Reich – 2 MB).

Si ayan Austria ugu muuqan dal uu xoog ku qabsadey, hoggaamiyihii Naasiga, wuxuu ku dhawaaqay in dad-waynaha ay afti bixiyaan, taas oo ay codkooda ku muujinayaan in ay doonayaan midnimada Jarmalka. Aftidaas oo la qabtay 10/ 4- 1938-kii, natiijadii ka soo baxday waxay ahayd 99,73 % in ay u codeeyeen midnimada Jarmalka. Dabadeed waxaa dalkii lagu magacaabay gobolka Ostmark. Wuxuu noqdey gobol kamid ah gobollada Jarmalka. Waxaa xigay dhismo gole degaan oo maamula gobolka, kaas oo odey looga dhigay Seyss-Inquart. Waxaa arintaas dhinac socdey cadaadis siyaasadeed oo ciidamada Jarmalka ay ka bilaabeen degaanka. Markii ay ciidamada Jarmalka soo galeen Austria, muddo dhowr cisho ah ayaa waxay xabsiyada u taxaabeen dad gaaraya 70,000 oo qof. Waxaa bilaabatay in dad badan ay dalka ka qaxaan iyaga oo ka cabsi-qaba ciqaabta ciidamada Naasiga. Sidaas ayaa Jarmalkii ay ku qaateen Ausria.

Dowladihii Yurub, kuwoodii ugu xoogga waynaa (Ingiriis, Faransiis iyo Talyaani), midkoodna kama hor iman damacii Jarmalka oo waa ay ka aamuseen. Waxaa iyadana ka aamustay dhacdadaas Jamciyaddii Quruumaha (League of Nations). Jarmalkii intaas kuma ayan qancin oo waxay bilaabeen marmarsiinyo ay ku qabsadaan dowlad kale oo iyana ay xuduud wadaagaan. Taasina waxay ahayd dowladdii la oran jiray Czecho-slovakia, taas oo degaamadeeda  waqooyi ay ku dhaqan yihiin dad Jarmal ah. Si ay qiil ugu yeelaan mashruucooda dhul-boobka ah, Jarmalku waxay degaanadoodii ka bilaabeen bannaan-baxyo xooggan oo ay hor-kacayaan kooxihii waday dhaqdhaqaaqii ahaa (Heim ins Reich). 30/ 5- 1938-kii, Hitler wuxuu faray saraakiishiisii in ay diyaariyaan weerarkii ay ku qabsan lahaayeen Czechoslovakia. Laakiin isagu wuxuu fahamsanaa ahmiyadda ay leedahay dicaayad uu ka hor-mariyo weerarka. Sidaas darteed degaanka lagu magacaabo (Sudentenland) oo dagaalkii I-aad kadib lagu daray Czechoslovakia, ayuu codsadey in afti laga qaado. Waxaa halkaas ku dhaqan dad asalkoodu Jarmal yahay. 17/ 9- 1938-kii Hitler wuxuu dhisay koox matasha nadaam gooni u-goosad ah eek u wajahan degaanka waqooyi ee Czecho-slovakia. Wuxuu ku magacaabay Ciidanka Jarmalka ee gobolka Sudenten ee Xorta ah (Sudeten Deutschen Frei Korps). Waxaa odey u noqdey nin gobolkaas u dhashay oo la yiraahdo Konrad Henlein.

Markay arintaasi dhacday ayaa dowladdii Czecho-slovakia, waxay heshiis ciidan la dhigatay waddamada Faransa iyo Midowga Soofyeeti. Heshiisku wuxuu qeexayay, haddii Jarmalku ku duulo dalka Czecho-slovakia, in labadaas dowladood ay waddankaas ka difaacayaan gardarada Jarmalka. Faransiisku ma uusan dooneyn in uu Jarmalka la galo dagaal uusan Ingiriisku kula jirin. Ingiriiskuna ma uusan dooneyn in uu Jarmalka dagaal la galo. Si haddaba Yurub looga badbaadiyo mixnaddaas, ayaa ra’iisul-wasaarihii Ingiriiska Neville Chamberlain waxaa u muuqatay in damaca Jarmalka ay ku qaboojiyaan gobolka Sudentenland ee waqooyiga Czecho-slovakia. Sidaa darteed isagu wuxuu ku dhawaaqay in wada-hadal ay isugu yimaadaan dowladaha waawayn ee Yurubta galbeed. Markay taariikhdu ahayd 30/ 9- 1938kii, ayaa magaalada Munich waxaa ku kulmey hoggaamiyihii Naasiga (Adilf Hitler), ra’iisul-wasaarihii Ingiriiska (Neville Chamberlain), ra’iisul-wasaarihii Faransiiska (Édouard Daladier) iyo hoggaamiyihii Talyaaniga (Benito Mussolini). Wada-hadalkii wuxuu ku dhamaaday in Jarmalka loo xalaaleeyo dalkii uu qabsadey ee ahaa Austria iyo in loo oggolaado degaanada uu ku sheeganaayo Czecho-slovakia. Heshiiskaas ka dhacay  magaalada Munich, ayaa lagu magacaabaa Munich Agreement.

Bishii janaweri 1939-kii waxaa bur-buray wada-hadal nabadeed ee u dhexeeyey Jarmal iyo Poland. Jarmalku wuxuu markaas guddoonsadey in uu xoog ku qabsado dalkaas. Laakiin si uu tallaabadaas u qaado, wuxuu ku khasbanaa in uu ku hor-maro dalka Czecho-slovakia.  13/ 3- 1939-kii waxaa magaalada Berliin lagu casumey Hozef Tiso, oo ahaa hoggaamiyaha xisbiga Slovak People’s Partyoo gacan saar ay lahaayeen Jarmalka. Isagu wuxuu ahaa nin matalayay qowmiyadda Slovak ee kamid ah labada qowmiyadood ee uga waawayn dalka. Kadib markii la ogaysiiyay in ciidamada Jarmalka ay ku duulayaan Czecho-slovakia, waxaa laga codsadey in uu ku dhawaaqo in degaanka ay ku dhaqan yihiin dadka Slovakian-ka ah ay ka go’een dalka intiisa kale. Hozef Tiso markii uu ku dhawaaqay gooni-isutaagga gobollada Slovakian-ka, ayaa Hitler wuxuu magaalada Berlin ugu yeerey ninka la yiraahdo Emil Hácha oo ahaa madax-waynihii Czecho-slovakia. Habeenimadii ay taariikhdu ahayd 15/ 3- 1939-kii waxaa kulmay madax-wayne Emil Hácha iyo hoggaamiyihii Jarmalka Adolf Hitler. Madaxdii Jarmalka waxay fadhigii ku handadeen Emil Hácha. Waxay u sheegeen, in ay cirka ka weerarayaan magaalo-madaxdiisa. Si haddaba uu u badbaadiyo dadkiisa, in uu oggolaado in uu kala diro xubnaha barlamaanka, islamarkaana uu oggolaado in dalkiisa uu maxmiyad ahaan u hoos yimaado Jarmalka. Emil Hácha, waa uu oggolaadey codsigii Jarmalka. Subaxnimadii markuu waagu baryay ciidamdii Jarmalka waxay ka tallaabeen xuduuddii Czecho-slovakia. Waxay halkaas kula wareegeen taladii dalkaas, madax-waynihiina wuxuu noqdey nin ay Jarmalku hagaan. 16/ 3- 1939-kii Hitler wuxuu booqday magaalo-madaxdii Czecho-slovakia, halkaas oo qalcaddii Baraag (Prague Castle) uu kaga dhawaaqay in Czecho-slovakia ay noqotay laba gobo loo maxmiyad u ah  Jarmalka. Magaca uu u bixiyayna wuxuu ahaa Protectorate of Bohemia and Moravia.

Dowladihii Yurub sidii ay qabsashadii Austria uga aamuseen ayay qabsashadii Czecho-slovakia–na uga aamuseen. Dowlad walba waxaa wal-wal ku haayay in ay isku dhacaan Jarmalka oo xilligaas ah dowlad car-car qabtay. Sidaa darteed ayaa heshiisyo nabadeed oo ah inaan leysku soo duulin waxay si gaar ah ula dhigteen Jarmalka. Dowladahaas ku hor-maray heshiiska nabadeed waxaa kamid ah Midowga Soofyeeti. Labada wasiir-dibadeed ee labada dal (Joachim von Ribbentrop iyoVyacheslav Molotov), markay taariikhdu ahayd 23/ 8- 1939-kii waxay magaalada Moosko ku saxiixdeen heshiis nabadeed oo ah in labada dal ayan isku soo duulin. Islamarkaas uusan midkood u hiilin dal dagaal kula jira midka kale. Qaar kamid ah arimihii ay ku heshiiyeen oo qarsoodi ahaa ayaa waxay ku magacaabeen (German-Soviet Treaty of Rriendship, Cooperation and Demarcation). Qodobka sirta u ahaa wuxuu ahaa, iyaga oo ku heshiiyay in ay qeybsadaan degaanka bariga iyo waqooyiga ee qaaradda Yurub. Is-markaas ay dib u habeeyaan hannaankii siyaasadeed iyo xudduudihii degaanadaas.

Markii heshiisku dhacay, toddobaad kadib (1/ 9- 1939-kii), ciidamadii Jarmalka waxay galeen galbeedka dalka Poland. Bishii ugu horeyseyba waxay halkaas ka geysteen xasuuq aad u ba’an. Ciidankoodii cirka oo ka qeyb-qaatay xasuuqan ayaa waxay gubeen 30 degmo iyo tuulo, dadkoodiina ay ka dhigeen wax ay laayaan iyo wax ay qaxiyeen. Hoggaamiyihii dalka MS Joseph Stalin oo ka dhur-sugayay sida ay Jarmalku ka yeelaan qodobadii heshiiska, ayaa isna dhankiisa ka soo amray ciidamadiisii. Gobolladii bari ee Poland ayay iyaguna qabsadeen. Si uu u ilaashadu xuduuddiisa galbeed ayaa marka taariikhdu ahayd waxay boob ku qaateen bariga Poland markay taariikhdu ahayd 17/ 9- 1939-kii. Waxaa kaloo ugu xigey in uu weerar ku qabsado waddamada leysku yiraahdo Paltic States (Estonia, Latvia iyo Lithuania) iyo degaano kamid ah dalka Finland.

Shanta qaaradood waxa ka ridey qeyladiyo buuqa

Qunbuladahiyo sawaariikhda iyo qaraxa naabaalka

Waxa qamarka guud iyo hawada qalabka loo saarey

Waa quud nin heystiyo nin raba inuu ka qaataaye

Ama qaab gumeysigu bartiyo   waa ququbo riixe   (Dhoodaan)

Qore: Dr. Saadiq Enow

saadiq.enow@gmail.com

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno