Home » Tahriibta » Socdaalkii Geerida Soomaaliya ilaa Yurub (7) W/Q: Maxamed Idiris

Socdaalkii Geerida Soomaaliya ilaa Yurub (7) W/Q: Maxamed Idiris

((Maaha Riwaayad beena ee waa sheeka dhaba oo dhacday. Qofka ay qisadu ku socoto waa mid ka mida kumanyaal Soomaaliya oo qaarna meelahaas ku dhinteen qaarna ilaahay sabata bixiyey.Waxyaabaha aad ku arki doonto waxaan usoo gudbiyey sida dadkii ay ku dhacday uga warameen..Waxaan ku leeyahay oo keliya waa inaan usoo gudbiyo qaab quruxsan intaan awoodo, laakiin asalkeeda aanan waxba ku kordhin.Waxaan rajaynayaa iney noqoto wax lagu cibra qaato.Laysna weydiiyo: Yaa Masuul ka ah dadkaasu iney dalkoodi ka bara kacaan, oo dariiqa geerida door bidaan?))

30 June maalintii nafta laga quustay!

Waxaa waagu noogu beryey sidaan sheegay buurtii yarayd ee dareewalkii tahriibku nooga tegey, anagoo is dhex naal,  meyd iyo nool, bahalkuna xalay meydkii qaar ka gigay, dadka waxa noolina aaney hurda ledin, taaha iyo alalaadka ka baxaya inta naïf ku jirtana uunka joogaa maqlayey..

Annagoo shan ah oo intii dhaqaaqi kartey ah ayaanu qaboonadii meeshii kasoo dhaqaaqney waxaanuna u ruqaansanay xagga buurtii noo muuqatey oo meel fog ka bidhaameysa. Waxaanu ku qanacnay ninkii inuu meeshan cidladaa nooga tegey, intii marka uurku buki lahaa, adinku ha buko, meeshii nololi nala gaarto.

Waxaanu socono oo qorraxdii soo kululaataba waxaanu barqa dheer soo gaadhney buurtii ninku nagu lahaa magaaladu wey ka dambeysaa, laakiin markaanu dhakadeeda istaagney wax aan saxaarihii ahayni indhaha masoo celin!! Wax magaalo iyo deegaan u eg toona carriga kama dhowa kamana muuqdo. Halkaas ayaa rajadii yarayd oo nagu jirteyna ku go’day!

Maxaa tala ah! Iyo kala bax!

Shantayadii wada soconey waa qaybsanay, saddex wexey yiraahdeen: Annagu horay ayaan usii soconeynaa intii ay nala gaadho.. Anigu waxaan iri: Meeshii aynu dadka kaga nimi ayaan dib ugu noqonayaa, iyadaa nalaku ogaa..Waxaa naftu iigu sheekayneysey: Amaa ninkii dareewalka ahaa, ama gaarigii aad ka timaadeen, meeshii iyo dadkii kusoo noqdaa..Sidaa darteed waxaan ku adkaystay inaan noqdo, wiilkii kalena aniguu igu soo raacay. Sidaas ayaanu kusoo kala tagnay.

Fuusta meel ka bidhaantay!

Haddaan aniga iyo wiilkii ila socday, oo quraarad ku sita xoogaa (kaadiya) ilaahay haydin ka magan geliyee, qadar nus saac ah soo soconey, waxaa meel fog nooga muuqday Fuusto! Waxaanu is niri, amaa biyo ama wax nolol ahi meeshaas ka dhowyihiin, dabadeedna xageedii ayaanu u jihaysaney. Qoraxdu waa kulayl, anagana nolol badani naguma jirto oo naf la caari ayaanu nahay, laakiin rajada ayaanu xoogaa ku soconaa.. Cabbaar ka dib ayaanu soo gaadhney fuustadii, Subxaanallaah! Mise waa fuusta salka ka go’an, oo madhan, malaha muharibiintu ay meesha u dhigeen iney wadooyinka qaar calaamad ugu noqoto!

Halkaas markaanu mareyno naftii waa ka quusanay. Kulaylkii iyo gaajadii iyo harraadkiina meel xun ayuu naga gaadhey.

Iska tag oo taleefankan iga qor..Halkaan ku dhimanayaaye!

Sidaa waxaa igu yiri inankii ila socdey, oo meeshii fuustada agteeda ahayd ku dhacay, awalna aad u liitey oo iga darnaa! Wuxuu yiri: Walaalow halkan ayaan iskaga dhimanayaaye, taleefankan iga qor, oo hadaad noolato, Ilaahayna meel nabad kugu geeyo, dadkayagii u sheeg! Waa mararkii iigu naxdin badnayd, ninkii aan wada soconey, oo meeshan geeridiisu iney noqoto ku cataabaya, anna aanan waxba qaban Karin, hadalna xitaa ku dari Karin.

Saxaaraha marka lamarayo, dhibaataduna halkaa gaarto ruux ruux kale wax u tari karaa ma jiro. Bani aadamka daciif nimadiisa iyo taag daridiisa ayaad arkeysaa. Waxaan ku idhi: Walaal miyir aan wax ku qoro maba hayee, Ilaahay wuxuu qadaro ayaa dhacaya, waanan ka dhaqaaqay anigoo is leh bal adna iska soco ilaa meeshey kula gaarto.

Jaah wareer!

Markaas aanu fuustada agteeda taagnayn oo raja beelnay waxaa naga luntay jihadii, meeshu waa saxaara nag ah oo calaamadna aan lahayn, waa qorrax kulayl cad ceedu indhaha kaa rideyso, waa gaajo iyo harraad aragtidii saamaysay! Waxaan garan weyney meeshii aan kaga nimi nimankii saddexda ahaa, iyo meeshii aan u soconey oo baabuurku nagaga tegey dadkuna joogey, jihada ay naga jiraan.

Salaadii Sagootiga!

Cabbaar haddaan socdey jihana garan waayey waxaan yaqiinsaday in anigana saacadaydii lasoo gaarey oo meeshan ay naftu igaga bexeyso. Sidaa darteed ayaan waxaan go’aansaday meeshayda aan taagnahay inaan 2 rakcadood ku tukado, Ilaahay baryo, naftu haddeey halkaas iiga baxdo. Qibladu jiha ay iga jirto ma garanayo, laakiin meeshaan u maleeyey ayaan u tukadey. 2 rakcadood oo aan is leeyahay waa kuwii kuugu dambeeyey oo macaan ayaan tukadey, Ilaahayna waan baryey dhexdooda iyo sujuudda.

Mucjiso!

Wuxuu Ilaahay badbaadinayo sabab iyo sabab la’aanba wuu ku badbaadiyaa. Markaan salaama naqsaday, oo salaama naqsiga sidaa uga soo jeestey waxaan hortayda si toosa indhaha ugu dhuftay caagad biya ah oo kuwa nus litarka ah oo afkeedu xaggayga qummaati ugu soo aadanyahay.! Waan rumaysanwaayey indhahayga.. wexey ii jirtaa masaafa 5 ilaa 7 mitir ah.. Waxaa hal mar igu soo degey farxad iyo nashaad aan caadi ahayn. Waan istaagey, caagaddii xageeda ayaan u dhaqaaqay, mise waa caagad biya ah o onus litar ah oo xiran..Waa cusubtahay lamaba taaban.. caagad ayar oo faaruqa ayaan watey, nus ayaan ku shubay oo cabbey, nuskii kale ayaan wiilkii ii dhowaa ee aan goor dhoweyd kasoo tegey kula soo noqday oo biyihii isagana xoogaa siiyey, intii kalena waan soo qaadnay aniga iyo isaga si aan dadkii kale wixii naf ku jirto ula gaarno..

Dhimashdii oo sii badatay!

Cabbaar ayaa jihadu naga wareersanayd laakiin Ilaahay fadligiis markii dambe wey noo toostay oo goor duhurkii xoogaa la dhaafay ayaanu soo gaarney meeshii dadku daadsanaa ee buurta yar hoosteeda ahayd. Biyihii yaraa ayaanu gabadhii nala joogtey oo keligeed ahayd iyo raga intii ugu liidatey afka ugu qoyney..Saaka markii aanu ka tagnay meesha waxaa yiiley 2 meyd ah sidaan horay u sheegay. Hadda markaanu soo noqonay waxaanu ugu nimi 4 kale oo meyd ah oo dhalinyara Soomaaliyeed ah. Sidaa darteed geeridu ilaa hadda Soomaalida waa 9 qof oo gaajo iyo harraad u dhimatay.. Halka eritriyaankana dad badan oo aanan tiradooda garanayn ay ka dhinteen.

Ferejkii Ilaahay oo furmay!

Gaarigii shalay naga tegey sidaanu u malaynay ma noqon, oo cidla noogama cararin. Biyihii Jirigaanka ku haray ayuu gaarigii kale ula cararay, halkaasoo ay telephoneka Thurayada ah kula hadleen muharibiintii waaweynaa ee magaalada (Kafra) ee liibiya, wexeyna u sheegeen in dadkii dhamaanayo, oo gurmad deg dega lala soo gaaro. Halkaas ayaa 4 gaari oo biyo iyo cunto iyo gargaar badan wada ay kasoo direen. Wexey isugu yimaadeen subaxnimadiiba meeshii gaarigii kale, dadkii halkaas joogey wixii noolaa markey soo qaadeen, ayey anaga gaarigayagii oo biyo iyo cunto ka buuxa noo soo celiyeen.

Iyadoo Rajada dadku sii gureyso, ayaa abbaaraha 3 galabnimo gaarigii oo biyihii iyo cuntadii wadaa nasoo galay. Dadkii ayaa biyihii ku qamaamay, ilaa ay ganaca iney gooyso ku sigteen. Markaas ayuu dareewalku fikrad keenay.

Biyihii oo dadka lagu rusheeyey!!

Dadkii oo dhan ayuu wuxuu amray iney dhulka caloosha u seexdaan, iyagoo is dhinac jiifa. Ka dibna tuubadii uu dadka ku garaaci jirey, ayuu biyaha geliyey, wuxuuna ku dul furay dadkii oo jiifa sidii beer la waraabinayo oo kale! Arrinkaasu wuxuu dhaliyey in dadkii qaboobaan, oo nololi kusoo noqoto. (tuubadii dadka lagu garaaci jireyna manta waxbey tartay). Biyuhu wax walba noloshooda iney yihiin sidii Qur,aanku sheegayna wey caddaatay. Dareewalku markuu dadkii biyihii ku shubay shhahina u kariyey ayaa xoogaa naftu kusoo noqotay, laakiin dadka qaar ayaan biyaha si caadiya u cabbi Karin oo lagu siinayaa dhalada caruurta caanaha lagu siiyo, qaarna weli waa suuxsan yihiin, qaarna ma hadli karaan, waa dad u baahan baxnaana waqti dheer.

Intaa kadib ayaanu gaariga dadkii ku gurnay anagoo dadka liita qof qof u qaadeyna qaadeyna, meydkiina meeshii ayaanu uga tagnay oo ma aasi Karin, waxaanu haleelnay gawaaridii kale oo aanu meel isugu nimi, waa saddex gaari oo kale, qoladaasu meydkoodi wey soo qaateen oo halkan aanu isugu nimi ayaa lagu aasay. Nimanka gurmadka soo sameeyey ee muharibiinta waxaad moodaa iney kuwan dareewaladaa ee na wada ka jaga sareeyaan.  Markii ay hawshii ogaadeena wey tageen waxaa haray labadayadii gaari iyo mid kale oo ay nooga tageen.

Saddexdii gaari mid waxaa la saaray dadka xiskii wareeray oo la qaqabanayo oo wax waashay oo kale ah iyo dad cel celiya si aaney gaariga isaga tuurin. Midna waxaa la saaray dadkii sakaraadka ahaa, iyo dad haya, kii kalena dadkii xoogaa roonaa. Ilaagalabnimadii ayaa

meeshaas la joogey, waxaana laga soo dhaqaaqay 5 galabnimo. Habeenkaas oo dhan waan soo soconey.

GABADHII NALA SOCOTEY OO DHIMATAY! 1 JULY..

Habeenkaas intaan soconey waxaa dhimatay gabadhii nala socotey. Waa gabadh reer waqooyi ahayd. Waa gabadhii aanu wadada dheer iyada iyo sideed kaloo dumara isla soo marnay wadada dheer ee saxaaraha laga soo bilaabo khartuum. Dadku markey waqti dheer safar soo wada galaan qisooyin badan ayaa dhex mara. Waa gabadhii habeenkii yaabka lahaa ee jabhada Daarfuur na heshay, ee ninka jabhadkaa gabdhahayaga damacu ka galay, diidey iney ag fadhiisato nin aan maxram u ahayn, markaanu ku badbaadineyney in gabar walba la qabo. Aniga iyo dareewalkii (adam) ee aan u baxshay (kooda ugu naxariis badan) ayaa gabadhii aasnay aroortii, wadada meel dhineceeda ah ayaanu ku aasnay, ilaahay ha u naxariisto.

Wexey ahayd arrin naxdin leh.. Waa gabadh Soomaaliyeed oo keligeed socota, maxramna la socon, oo tahriibeysa, yurubna u jeeda, dadkeedi iyo dalkeedi kasoo tagtey, laakiin geeridu wexey ku sugeysey saxaaraha Liibiya! Cidina ma oga meesha mawdku ku qabanayo, iyo berry wexey kasban doonto.

(KHALID) LAGA SOO TEG!

Labadii gaari ee nala socotey mid ayaa jabay, dadkii ayaa kii kale laysugu geeyey, anaguna waan ka horrayney, wiil Soomaali ah oo (Khalid) la oran jirey ayaa meeshii gaarigu ku jabay looga soo tegey, mar dambana warkiisa ma maqal, intaanu Liibiya joogney oo dhan waa la la’aa.

1 July (Kafra) duleedkeeda!

Saacaddu markey ahayd 11 subaxnimo ayaa gaarigii annaga na wadey soo galay magaalada kafra ee xadka Liibiya ku taal, si toosana nalooma soo geline, meel duleedka magaalada ah, oo beera ah, ayaa nala ku shubay, labadii gaari oo kalena casarkii ayey nasoo gaareen anagoo degney, halkaas ayaa dadkii daawooyin iyo faleebooyin iyo baxnaano lacagtooda ah lagu bilaabay.. Waxaanu nahay dad sidii xoolihii oo kale loo wado, oo meeshii la rabo lagu xeraynayo, ma dhaqaaqi karno, meel ma naqaan, waa beqeynaa, halkii ayaa nala dejiyey, oo la leeyahay, halkan ayaad joogeysaan ayaamo, inta Bani Qazi iyo Daraabulus laydiin qaadayo. Waxaanu isugu sheekayneyney markii loo fiirsho waxaanu soo marnay in hawshayadu soo dhamaatay, laakiin wax badan ayaa soo baxay…. waa socotaa…

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno