Home » Tahriibta » Socdaalkii Geerida Soomaaliya ilaa Yurub (9) W/Q. Maxamad Idiris Axmad

Socdaalkii Geerida Soomaaliya ilaa Yurub (9) W/Q. Maxamad Idiris Axmad

((Maaha Riwaayad beena ee waa sheeka dhaba oo dhacday. Qofka ay qisadu ku socoto waa mid ka mida kumanyaal Soomaaliya oo qaarna meelahaas ku dhinteen qaarna ilaahay sabata bixiyey.Waxyaabaha aad ku arki doonto waxaan usoo gudbiyey sida dadkii ay ku dhacday uga warameen..Waxaan ku leeyahay oo keliya waa inaan usoo gudbiyo qaab quruxsan intaan awoodo, laakiin asalkeeda aanan waxba ku kordhin.Waxaan rajaynayaa iney noqoto wax lagu cibra qaato.Laysna weydiiyo: Yaa Masuul ka ah dadkaasu iney dalkoodi ka bara kacaan, oo dariiqa geerida door bidaan?))

16 July – Banqaazi

Ilaahay Subxaanahu watacaalaa wuu naga soo bad baadiyey ninkii (bahalka) Liibiyaanka (Cali Baaba) ahaa ee Kornaylka lagu sheegay, markaad eegto dadkaan Soomaalida ka ganacsanaya xisaabaatkana isku dar darto waad yaabeysaa. Masalan Khartuum markaan kasoo tegeyney qofkii waxaa laga qaaday $800 in Libya la geynayo. 39 x 800 = US $ 31,200. Masalan ninkan Mujrimka ah markuu na gadanayey: 36 x 400 = US $ 14,400. Qoladii Kafra naga soo Qaaday ee ninkan noo keentay: 36 x 300 = US $ 10,800. Intaa waxaa dheer wadada Askartii Suudaanta, Jabhadii Daarfuur, iyo Dareewaladii Muharibiinta ahaa, waxaasoo dhan (Mooryaan) isku xiran khartuum ilaa Kafra ilaa Banqazi ilaa Daraabulis ayaa Kumanyaal Soomaaliya lagu daabulayey sanadihii u dambeeysey.

Maanta oo bishu 16 July tahay ayaan soo gaarey Banqaazi, kadibna baabuur kale ayaan kasii raacay, warqad yar ayaa lagaaga soo samaynayaa Banqazi oo aad ku gudubto.

17 July Darabulis

Maanta oo bishu 17 July tahayna ugu dambayntii waxaan soo gaarey Daraabulis wax kasta oo la soo maraba. Dadka qaar ayaan meeshaan soo gaarin. Socdaalkuna weli waa dheeryahay oo safartii doonyaha iyo badda ayaa laysu diyaarinayaa hada ka dib.

Daraabulis badanaaba waxaa laga soo dhacaa meel la oran jirey (Safaarada Soomaalida). Waxaad ugu imaneysaa subixii haddaad kusoo jarmaado kumanyaal Soomaaliya oo meesha dhooban oo wadada tahriibka badda loogaga gudbayo dhinaca Yurub qal qaalsanaya. Waraaqa safaaradda laga dhamaysto, lacaga lagu soo xawishu, mukhalisiinta oo qof walbaa meeshaas kala heshiiyo, iyaguna kuwa Liibiyaanka oo wax tahriibinaya u gudbinaya.

Daraabulis (?ar?bulus) ama ?????? waa magaca carabiga ee Tripoli
Fogaanta ay mareen tahriibayaasha sheekadu ku saabsan tahay
ka soo bilow Khartuum iyo Daraabulis waa qiyaastii 3,500 km

Qofba hawshu si ayey ugu dhamaataa, dadka qaar ayaa bila jooga, qaarna ayaamo, qaarna bila ka badan oo sanado ayey ku qaadataa. Kharashkii haddaad haysato mudado wey soo yaraan kartaa. Aniga wexey igu qaadatay hal asbuuc. Waxaan Daraabulis joogey 17 July ilaa 25 July. Habeenkii 25ka ayaanu kasoo baxnay.

Bada side loo soo Maraa!

Dadku wexey u baxaan koox koox. 30 ama 40 ama 50 kadibna waxaa loo fiirinayaa doonta ay qaadan karaan. Doonta iyaga ayaa kaxaysanaya. Nimanka wax tahriibiya ee Liibiyaanku wexey soo diyaarinayaan Doontii oo kuwan caagga adag ah (Fibre glass) ama kuwa aaryada lagu buufiyo, oo matoor yar gadaal lagaga rakibo, shidaalkii oo jirigaama ku jira, xoogaa raashin fudud iyo biyo. 2 ama saddex ka mida kooxda ayaa tababar mararka qaarkood lagu siiyaa maalin ka hor sideey doontan yar u wadi lahaayeen.

Doon ay saaran yihiin tahriibayaal oo ka tegey Soomaaliya, Sawirka AFP 2002

Waxaa kaloo lasiiyaa buusalada jihada tusineysa (Compass) ama GPS. Kadibna habeen bartamihiisa ayaa meel xeebta ah la keenaa, waa lagu guraa, macasalaama, waa idinkaas, idinka iyo badda weeye ilaa talyaaniga gaartaan. Halkaas weeyey meelaha ugu badan ee iyadana lagu dhamaaday. Waayo dadkaan waa koox laysu keenay oo wax walbaale ah. Aqoonna aan u lahayn shaqadaan badda. Doonyahaan yar yar maaha kuwa loogu tala galay dal ilaa dal iney isaga gudbaan, ama safar sidaasa u adkaysan kara, waa tahluko. Dadka la saarayo waa xad dhaaf, doon yar oo 4 ama  5 qof loogu talagalay in lagu kalluumaysto, ama maraakiibta lagaga soo dego ilaa xeebta oo saxiimada yar yar ah, ayaa 30 ama 40 qof lagu aruurinayaa taasina shaki kuma jiro iney la degeyso, ilaahay oo ku badbaadsha mooyaane. Waana sida dhacda maalin walba iney badda kula degto.

Dhibka kale waa xoogaada yar oo raashinka iyo biyaha ama shidaalka wexey ku soo qiyaasayaan maalin keliya iney ku gudbaan. Laakiin waxaa dheceysa in jihadu ka wareerto, ama mawjado ku kacaan, ama matoorku xumaado, oo badda la saarnaado asbuuc ama 2 asbuuc ama 3 ama bil ama kaba badan, oo markaa dadku is cunaan, qaar iyagoo nool hilibkooda la cuno, ama caruur hadey la socoto la qasho, ama qof sii jeeda qof ka dambayaa ilkaha gashado oo cad ka ruqsado!! Maaha wax khayaali ah, waa wax dhaca oo dadka tahriibey qaarkood sheegeen.

2003: SOOMAALIDA KU GEERIYOODEY BADDA U DHEXAYSA LIIBIYA IYO TALYAANIGA

2002: SOOMAALI TAHRIIB AH OO KU GEERIYOODEEN SAXARAHA U DHAXEEYA LIIBIYA IYO SUUDAN

2001: SOOMAALIDA KU GEERIYOODEY BADDA CAS EE U DHEXAYSA SOOMAALIYA IYO YEMEN

Sawirka: Oct 24, 2003: Qaar kamid ah meydka marxuumiin Soomaaliyeed oo
ku geeriyoodey badda u dhexeysa Liibiya iyo Talyaaniga

Aniga kooxdii aan ku heshiiney inaan is raacno waxaan ahayn 27 qof. Waa inaad iska dhex heshaan dad mar uun bad arkay ama ku dabaashay si ay iyagu naakhuudayaalka doonta u noqdaan. Waxaanu iska dhex helnay wiilal yiri: Dekedda Dabiicigaa ee Ceel Macaan (Muqdisha Agteeda) ayaan saxiimadahan oo kale mar mar alaabta maraakiibta kaga soo dejin jirney, ma wadin laakiin waan arki jirey iyagoo la wado. Waayahay, niman fiican ayaad tihiine, idinkaaba doonta inoo wadaya. 3daas qof iyaga lacag lagama qaadin. 23 qofna waxaanu bixinay qofkiiba $900. Hal qofna $800 ayuu baxshey, boqolkii uu waayey waa loo dhaafay. Nimankaa Muharibiintaa wexey kooxdayada ka qaateen: US $ 21,500.

Marka aad aragto ilaa 2000 qof wax ku dhow ama ka badan oo maalin walba dhooban meesha safaaradda lagu magacaabo, waxaad garan kartaa shaqada meesha muharibiinta uga furantay iyo (business) ka ka socda inta uu la egyahay.

25 July ayaanu doonta soo fuulnay!

Habeenimadii 25 July ayaa saq dhexe waxaa nalaku soo ururshey meel xeeb ah oo magaalada ka durugsan. Geeda xeebta u dhow hoostooda ayaanu nimi oo sidii xero ama (Camp) dadka lagu tarxiilo ah. Doontii ayaanu meesha kasoo jiidney ilaa badda agteeda la keenay. Alaabtii iyo jicsinkii yaraa ayaa lagu guray. Doontu waa mid yar, matoorkiina gadaal ayuu ka lushaa. Kadibna badda ayaa la dhigay. Sideed qof dhinac ayey fariisteen. Dhinaca kalena 8. Saddexda wadeysana gadaal. Intii kale iyo alaabtiina dhexda ayaa la dhigay.

Doontu dadka waa ku cariiri. Jirigaamadii biyaha iyo shidaalka ayaa dhex yaal. Sidaas ayaa nalagu sagootiyey, waxaana la yiri caawa inta ka hartay iyo berri ayaad soconeysaan, berri galab ama habeen dambe waad joogtaan xeebta Talyaaniga.

Dadka tahriibka gelaya mar mar waxaad is leedahay xisku waa ka maqan yahay, ama Yurubta usoo hillaaceysa iyo lacagaha laga soo dirayo ayaa wax walba illowsiineysa. Qofka bani aadamkaa haddii uu dareemayo – haba noqdo dareen been ah – dhibkan in raaxo ka dambayso wax walba oo dhiba wuu u dul qaadanayaa. Sidaa darteed ayaa dadka iimaanku qalbigooda buuxshey ay dhibaatooyinka adduunka ugu dulqaataan, ama si kasta oo iimaankooda loogu dhibo ama loogu cadaabo ay u adkaystaan, sababtoo ah waxaa uurkooda kasoo butaacaya il furan oo iimaanku kasoo burqanayo.

Dadka tahriibku mexey ugu adkaystaan dhibkan iyo cadaabkan?

Dhibaatooyinkaan tahriibka dadku markaan u fiirsaday wexey uurka gashteen oo cabbeen raaxo ayaa kaaga dambaysa. Raaxadaas ay iyagu ku qanceen waa inaad heleyso: nolol qabow, shaqa fiican, lacag caydh la yidhaahdo oo si bilaasha kugu soo geleysa, guri iyo cunto marka aad ugu yartahay lagu siiyo, lacag aad shaqaysato ama dadkii kaa dambeeyey usoo dirto, daara qurux badan iyo jardiinooyin cagaaran, baabuur iyo tareenno iyo diyaarado iyo doonyo dalxiis. Intaba waxaa kasii muhiimsan baasaboor aad adduunka meeshaad doonto aad ku mareyso. Miyaadan arag hebel iyo hebel, shalay ayuu naga tegey, maantana Sweden ayuu kasoo hadlay! Hebelna Norway oo ah adduunka wadanka ugu nolol sarreeya ayuu taleefan kasoo diray. Sidaa darteed dhib malehe iska adkayso waa ayaamo.

Sidaa darteed dadka tahriibka ku jira waxaa ka mida dad dukaama haystey oo nolol fiican ku noolaa oo waxaba soo xaraashay! Waxaa ka mida rag shaqooyin fiican oo biilkooda ay ka helaan kasoo tegey. Nin ka mida ayaa wuxuu ii sheegay, isagoo Suudaan jooga, shaqa fiican haysta, biilka reerkiisa iyo ka badanba ka hela, xaas iyo guri leh, iska qabow, la yaqaan oo dad marti geliya, ayuu wuxuu arkaa maalin walba dadkii wadadan ku dhaafay oo kala soo hadla Ingiriis, Norway, Sweden, Switzerland iwm.

Hal habeen ayuu shaqadii iyo adduunkii iyo noloshii u ku jirey ee qaboobayd lugta ku dhuftay, shaqadii waa ka tegey isagoo la leeyahay war hebelow jog xagee u socotaa lacagtaa laguu kordhinayaa, xaaskiisi ayuu gacanta soo qabsaday, wiil yar oo u dhashay markaasna tuurtuu saartay, gabadh qaraabaa oo la joogteyna wexey tiri xagee la iiga tegayaa haddii yurub la aadayo, iyana waa raacday, halkaas ayuu isaga iyo 2 haweena iyo ilma yar, socdaalka geerida ugu soo jeexeen, Suudaan, Chad, Niger, Saxaaraha weyn ee Niger iyo Algeria u dhexeeya, Algeria, Liibiyana wuxuu kasoo galay dhanka waqooyi galbeed, kadibna badda, kadibna talyaaniga. Wuxuu ii sheegay iney ku dhowaadeen iney ku halaagsamaan Saxaaraha weyn, laakiin ilaahay bad baadiyey. Waxaan ku idhi: intaad soo martay haddaad ogaan lahayd in la marayo, masoo jeexi lahayd? Wuxuu yiri: wallaahi hadaan si wanaagsan u ogaan lahaa waxa la marayo inaanan maalin ku fekereen, laakiin qof walbaa isagoo indha la’ oo baasaboorka guduudan ee yurub usoo hillaacayo ayuu badda iyo saxaaraha isku soo tuuraa.

Doon yar iyo Badweyn..

Badweyntii iyo sixiimadayadii yarad ayey noqotay. Mawjada gurxamaya ayaa kolalka qaarkood doonta yar kor u tuuraya heer ay ku sigato ineyma rogmato waxa saran oo dhammina badda galaan. Marna baddu waa xawaal oo waxaad moodeysaa gogol xariira oo la fidiyey! Ilaahay sancadiisu cajaaib badanaa.

Habeenkii markaanu soconey iyo subaxdii intii hore ayaa jihadu naga luntay, badweyn ayaan joognaa berrina meelna noogama muuqdo.

MARKAB ILAAHAY NOO BIXIYEY!

Annagoo badweynta ku meeraysaneyna, jiha aan aadnana garan la’ buusaladiina naga fariisatay, ayaa ilaahay markab weyn oo socda noo bixiyey. Meel dheer ayuu naga maray, waayo hadduu noo soo dhowaado badda siduu u kala jeexayo ayaaba dhinac noo rideysa. Kadibna wey noo istaageen, waxaanu ku niri: Soomaali tahriiba oo lunsan ayaanu nahay.Ninka Kaptankaa ee markabka watey nin naxariisi ka muuqato ayuu ahaa. Wuxuu yiri: aniga idin ma dabi karo oo waa lay qabsanayaa, laakiin isoo raaca, waxaa inoogu dhow dekedda maalda oo aan u socdo. Idinku dekedda masoo geleysaan, badweynta ayaad joogeysaan, saacado ayaan joogayaa, kadibna waxaan idinku toosinayaa wadada Talyaaniga. Raashin iyo biyo iyo cabitaanna wuu na siiyey.

Markabkii ayaanu daba galnay, cabbaar markaan soconey ayaa waxaa meel fog ka muuqday berrigii maalda. Wuxuu yiri halkaan jooga, wuuna hormaray, duhuradii mar ay tahay ayuu nagu soo noqday, wuxuu yiri isoo raaca, waa daba galnay casaradii mar ay tahay, ayaa waxaa noo soo bidhaamay berri kale. Wuxuu nagu yiri: Berrigaas fog ma u jeedaan, waa xeebtii talyaaniga, waa idinkaas, yaan laygu kiin arkin, badda ayuuna xoog u jeexay.

Dabeecada iyo naxariistu waa hiba ilaahay dadka u kala qaybshey. Maraakiibta wexey u badan yihiin kuwa aan dan ka yeelan ama u joojin dadkaan tahriibaya, ama biyaha ku gediya, amase doonta yarba badda ku dejiya, laakiin qaar naxariis leh ayaa jira sida ninkaan anaga ilaahay noo bixiyey, sidaas darteed aanan badda dhexdeeda ku baabi’in, ooh al maalin keliya ay nagu qaadato inaan soo gaarno xeebta Talyaaniga oo qasadka safartu ahayd, anagoo nabad qabna.

Waa 26 July iyo Xeebtii Yurub (Talyaaniga) oo Muuqata

Wax yar markaan soconey waxaan ku soo dhowaaney xeebihii Talyaaniga xoogaa ka dibna waxaa na dul heehaabayey dayuuradaha qumaatiga u kaca ee (Helicopter)ka loo yaqaan, kadibna waxaa noo yibi markab yar oo kuwa askarta xeebaha ee Talyaaniga, halkaasoo nala kasoo guray doontii yarayd, berriga ayaa nala keenay, gaari shabaqle ah ayaa nalaku aruurshey, kadibna waxaa naloo soo gudbiyey xerada qaxootiga badda soo jeexay lagu aruursho.

Ugu dambayn waxaanu soo gaarney Yurub, Socdaal dheer oo qaatay 2 bilood iyo 6 cisho ka dib, marka laga soo bilaabo maalintii aanu kasoo dhaqaaqnay Khartuum. Dadkii aanu wada soconeyna, qaarna waan kasoo sheekeeyey oo qabriyadoodu wexey noqdeen Saxaaraha Liibiya, qaarna waa la waayey, qaar waxaanu ku kala harnay intoodii badnayd Daraabulis, Liibiya, oo dadka qofba si wax u qorshaysto ama u qal qaalsado. Socdaalkii geerida Soomaaliya ilaa Yurub intiisi ugu muhiimsanayd ee anigu aan lasoo kulmay halkaas ayey ku dhamaatay.. Inta ka dambaysa waa yurub wixii aan kala kulmay iyo hawlaha cusub ee bilawday, inaan iyadana wax ka iraahdo. Dabadeedna wixii cibrooyin iyo duruus ah, ama tacliiqaadka dadka kale ee soo tahriibey, ama akhristayaasha Soomaaliyeed ee dareenkooda ka muujiyey Qisadan ayaa Qoraagu soo koobi doonaa inshallaahu tacaalaa… waa socotaa…

One Response

  1. Saciid nuur says:

    Waan ka xumahay in dad badan oo masaakin ah ku dhamaaden badda,balse damaca iyo rajada aduunka waa wax jiro oo dadkaan qalad masaarayo,balse waa in shacabka fikiro oo dalkooda ay wax ka qabsadaan sidii wadanka hodan u noqon lahaa waa inaanan fiirin hantida gaalada,aan anaga hanti iyo ganacsi weyn ka abuurano wadankeena,markaas waxaad arkeysaa gaalada reer yurub kuwooda faqriga ah inay usoo tahriiban wadanka somaliya,salamu calekum.

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno