Home » Tahriibta » Socdaalkii Geerida Soomaaliya ilaa Yurub (10) W/Q. Maxamad Idiris Axmad

Socdaalkii Geerida Soomaaliya ilaa Yurub (10) W/Q. Maxamad Idiris Axmad

((Maaha Riwaayad beena ee waa sheeka dhaba oo dhacday. Qofka ay qisadu ku socoto waa mid ka mida kumanyaal Soomaaliya oo qaarna meelahaas ku dhinteen qaarna ilaahay sabata bixiyey.Waxyaabaha aad ku arki doonto waxaan usoo gudbiyey sida dadkii ay ku dhacday uga warameen..Waxaan ku leeyahay oo keliya waa inaan usoo gudbiyo qaab quruxsan intaan awoodo, laakiin asalkeeda aanan waxba ku kordhin.Waxaan rajaynayaa iney noqoto wax lagu cibra qaato.Laysna weydiiyo: Yaa Masuul ka ah dadkaasu iney dalkoodi ka bara kacaan, oo dariiqa geerida door bidaan?))

Xerada Qaxootiga (Kaampka) Talyaaniga 26 July

Xerada nala keenay wexey u egtahay meel Iskuul ahaan jirtey, waa guri weyn oo dabaqya ah, dadkii naga horreeyey waxaan maqlay meel kale oo gurya yar yar leh ayaa la geyn jirey, kadibna halkan ayaa loo soo bedeley. Waxaa xerada jooga dad ilaa 300 qof ah, Soomaali iyo Eritriyaan ayaana u badan inkastoo Afrikan kale ay joogaan. Si kastaba dhibaatooyinka, ama takoorka xeradu ha ahaato, laakiin dadka qaxootigaa badankood wexey dareemayaan, ugu yaraan, iney biya ay cabbaan iyo cunto iyo meel ay jiiftaan haystaan. Iney dhibaatooyin badan oo wadada ay ku soo mareen xaalkoodu hadda ka fiican yahay. Laakiin wadankooda noloshey ku jireen, haddii cajalka dib loo celin lahaa, maka fiicantahay? Bani aadamku ma jiif iyo cunto keliya baa? Arrinkaas weeye kan qofka fekerkiisa ku soo dhacaya, markuu meeshan uu joogo qiimayn saaro, welina hawsha fari kama qodna.

Isla markiiba waxaa nala ka qaaday faraha, sawiro, iyo waraysi kooban, kadibna waxaa nala geeyey, jiifka iyo cuntada. Ayaamihii ka dambeyyeyna waxaanu mareyney waraysi iyo maxkamad, qofba in ayey ku qaadataa, inta la siinayo waraaqaha aqoonsiga ama ogolaanshaha joogidda qaxooti. Anigu waxaan xeradaan ku jirey 4 bilood, 26 July ilaa iyo 24 November. Waraaqaha aqoonsigana waxaa maxkamaddu ii xukuntay oo lay siiyey 17 November, taasoo ii suurta gelineysa inaan magaalada si caadiya u geli karo, ama meel kale u safri karo.

Sheekada Faraha (Finger Prints)

24 November ayaan u duulay dalka Switzerland oo markaa dadka intiisa badani aadayey, maxaa yeelay, markaas ayuu ku biiray Bahda Dawladaha Yurub ee ka midaysan xagga Fiisooyinka ee loo yaqaan (Schengen) waxaana dadku quudaraynayeen iney agtiisa waraaqaha iqaamadda ka keli karaan, maadaama faraha aanu la wadaagin Talyaaniga, Laakiin Nasiib darro Dadka intooda badan wey ku hungoobeen, dadna waa la siiyey, oo mar marka qaarkood iyagoo qofka farihiisa haya ayey siiyaan aqoonsi cusub, sida bandanna markiiba farahaagu markey soo boodaan ayaa lagu garanayaa waana laguu diidayaa.

Dadku badanaaba Talyaaniga kuma hakadaan, wexey u dalandoolaan wadamada kale ee Yurub, haba ugu badnaato Holland oo ay (Xerya badan) kaga jiraan Qaxootiga tahriibku, iyo Scandinavia siiba (Sweden) iyo (Norway).

Sheekada faruhu waa midda ugu badan ee ay hadalhayaan dadka Tahriibka Yurub kusoo galay. Labada meelood ee ugu badan ee dadka Tahriibku kasoo galaan waa (Talyaaniga) iyo (Griiga). Dadka dhinaca Liibiya badda kasoo gudba waxaa u dhow talyaaniga oo ay kasoo dhacaan wixii nolol kusoo gaaraa. Dadka dhinaca Suuriya iyo Turkiga soo maraa wexey kasoo dhacaan Griigga oo Turkiga dhinaca ku haysa. Labada wadanba maadaama ay Bahda Yurub ka mid yihiin, dadka faraha ayaa markiiba la qaadaa, dabadeedna meel kasta oo yurubta kale ah Waraaqa kama heli karo, farihiisa ayaa meel walba yaal, wuxuu jaanis u helayaa haddiiba loo ogolaado Joogitaanka, Talyaani iyo Griig, oo labada midna aan wax laga cunin. Sidaa darteed ayaad arkeysaa Soomaali badan oo Yurubta daadsan oo leh: Faraa layga helay, waan dhibbanahay, wax joogitaan ah iyo shaqo toonna kuma haysto wadanka aan joogo, xera qaxooti ayaan ku jiraa.

FARAHA KUWA ISKA GUBAY!

Had iyo jeerba waxaa la sheegaa dadka Soomaalidaa in maskaxdoodu ku dheerayso dhanka wax is daba marinta. Naftoodana ay tahluka u geliyaan, ama wax badan oo indha adayg ah ku kacaan, taasoo u baahan buug gaara in laga qoro, wexey hindiseen wax yaaba ay kaga fakan karaan faraha, waxaana ka mida sida la sheegay in faraha ay dabka geliyaan, ama feera ku gubaan, ama waxyaaba kale u adeegsadaan si loo bedelo faraha laftooda oo marka laga qaado ay ugu ekaan waayaan kuwii horay looga qaaday.

SOCDAALKII GEERIDA – SIDEE LOO ARKAY?

Qoraaladan Socdaalka Geerida Soomaali ilaa yurub, dad badan ayuu hurguma kusoo kiciyey. Waxaan filayaa iney tahay Mushkilo joogta guri kasta oo Soomaaliyeed haddii la baaro. Sheekadan intaan qorayey iyo ka horba waxaan la kulmay dad badan oo ku firiqsan wadamada Yurub, kuwaasoo qaarkood si kooban iigu dulmaray dhibaatooyinka ay kala soo kulmeen Tahriibka iyo sida aaney u arag (Jannadii) loogu gacan haatinayey! Dad kalena wexey fariimo ay ii soo qoraan ku muujiyeen dareenkooda ku aadan Socdaalkii Geerida, labadaa iyo wixii kaloo aan ka hayo Socdaalka Geerida guud ahaan, waxaan jeclahay inaan qisadan gabagabadeeda ku xuso.

Oslo – Norway

Norway wexey ka mid tahay meelaha ay dadka tahriibka soo gala niyadda ku hayaan, haddii ay fursad helaanna usoo gudbaan. Waxaa ku yaalla xeryo ay ku jiraan Soomaali badan oo sugaya xukunka waraaqaha joogitaanka dalka. Dadkaa Soomaaliyeed ee dhibaataysan siyaaba kala duwan ayey marar badan iila soo xiriiraan, hanoqoto fool ka fool marka aan booqashooyinka dacwadeed ku tago dalalka Yurub, ama ha noqoto xagga fariimaha internetka iyo taleefanka. Waxaan ka xusi karaa: Maalin maalmaha ka mida, anoo Salaadda Cishe tujiyey Masjidka Tawfiiq ee Soomaalida eek u yaal Caasimadda Norway Oslo, markaan salaadda ka salaama naqsannay waxaa ii yimi nin dhalin yara ah, oo isoo hor fariistay, waxaa ka muuqata diif badan oo weli aan ka dhecin siduu safarta dheer u soo galay, Wuxuu igu yiri (( Sheekhow Ilaahay dartiis ayaan idiin jeclahay adiga iyo wadaadada dadka wacdiya Sida Sh. Mustafe iyo Sh Umal, iyo qeyrkood. Waxaan ka mid ahay dhalinyarada Tahriibka Soo gashay, dhibaatooyin badan oo aanan soo koobi Karin ayaan lasoo kulmay. Waxaan soo maray Soomaaliya, Jibuuti, Eriteriya, Suudaan, Liibiya, Talyaaniga, haddana waxaan imi Norway, waxaanan ku jiraa xero qaxooti, welina waraaqo layma siin, Ilaahayna ii barya inuu ummuuraha ii fududeeyo, dhalintana uga diga dhibkaan soo marnay oo kale..))

Holland – Amsterdam, Tilbrug

Dalka Holland wuxuu ka mid yahay meelaha ugu badan ee qaxootiga tahriibku soo galaan raja ka jirta inuu waraaqaha joogitaanka bixiyo awgeed. Magaalada Amsterdam ee ah iridka ugu weyn ee Netherland laga soo galo, gaar ahaan garoonkiisa Caalamigaa ee Schipol, waxaa meel garoonka u dhow ku yaal Xafiiska Jaaliyadda Soomaalida ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan: SOMVAO oo u taagan Jaaliyadda Soomaalida ee Amsterdam. Dhawr jeer ayaan Booqday Xafiiska Jaaliyadda Muxaadarooyinna ka jeediyey, masuuliintana la kulmay. Waxaa gacanta ku haya hadda Dhalinyaro Soomaaliyeed oo dalka Netherland deggan, oo dadaal aad u fiican wada, xagga adeegga Bulshada Soomaaliyeed eek u dhaqan Amsterdam ama guud ahaan Netherland. Beryahan Dambana wexey dadaal ugu jirtaa Bulshada Netherland guud ahaan in Masjid weyn iyo Markas Islaamiya laga taago Magaalada Amsterdam, dadaalkuna meel fiican ayuu u marayaa intaan ka warhayo.

Wexey ii sheegeen Dhalinta Soomaaliyeed ee Jaaliyadda joogta, sanadkii hore markaan tegey Amsterdam, maalinta ugu yar waxaa soo mara: 10 ilaa 20 qof oo Soomaaliya oo qaxootiya oo Amsterdam kasoo dega, toosna u yimaada, xarunta Jaaliyadda, waayo waa cinwaanka keliya ee lasoo siiyo, markey kasoo kacayaan Talyaaniga ama Griiga, ama meel kasta oo ay soo maraan, waxaa jira qaar soo mara wadamada bariga yurub, sida Romania iyo Ukraine. Dadkaasuna marka ay noo yimaadaan, waa inaanu meelaha ay u socdaan wadanka gaarsiino, trainka u goyno, u tarjumno, wixii kaalma ah u fidino. Ilaahay ajar haka siiyo wexey hayaan nimankaasu shaqa aad u weyn.

Sidoo kale shirweyne lagu qabtay Magaalada Tilbrug oo ay soo abaabuleen ducaadda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Netherland, dadka ugu badan ee kasoo qayb galay waxaa ka mid ahaa dadkaas xeryaha qaxootiga ku jira. Qaar ayaa wexey ii sheegeen, dabarkooda in cad hiliba laga goostay iyagoo badda saaran muddo dadkiina gaajo darteed is cunay!!Cunid hilibka bani aadamka oo dhaba oo aan sheeka ahayn!!Waxaan is leeyahay dhalinyarada Suxufiyiinta ah ama wax qora, kama qarinaayo, haddii ay himmad u hayaan, sheekooyin dhaba oo xaqiiqa ah, oo aad u fara badan, ayuu ka heli karaa, qofkii taga xeryahaas qaxootiga, oo waraysta dadka dhibaatooyinka tahriibka soo maray, oo mid walba qisadiisu kan kale ka darantahay, halkaasna buugaag aad u fara badan ayaa kasoo bixi karta oo dhaxal taariikheed u noqon kartaa facyaasha Soomaaliyeed ee soo socda, ama Soomaaliya haddeey maalin degto oo caga dhigato, sida aan Ilaahay ka rajayneyno, wexeyna ka mid tahay ayaamihii Qur’aanku inna faray in la xasuusto cibro iyo waano darteed.

London, UK

Wadanka Ingiriiska waxaa jooga Jaaliyad Soomaaliyeed oo aad u ballaaran, in badan oo ka midana waa dadka tahriibka soo maray. Nin dhalinyarada Soomaaliyeed ka mida ayaa igu yiri, markaan bilaabay qisadaan inaan qoro: Hadaba anigana I dhegeyso, sheekhow..Waxaan kasoo Bilaabay Soomaaliya..Nairobi Kenya anoo fiican ayaan tahriib galay ilaa South Afrika..South Afrika anoo iska fiican oo shaqaysta, Hillaaca yurub ayaa indhaha iga maray, Tahriib ayaan isku soo qaaday, Angola, Zimbabwe, Zambia, Congo, Malawi, Niger, Mali, Algeria, Libya, Talyaani, Ingiriis, Intaas aan soo maray dhawr iyo toban kun oo doolar waa iiga baxday, xabsi ayaan intaasoo jeer galay, xanuun iyo rafaad badan ayaan la kulmay, marar badan ayaa reerkayago iga quusteen, una haysteen inaan meelahaas meel ka mida ku dhintay, macaanka aad aragto iyo xanuunka I asiibay wuxuu iga soo raacay safartaas dheerayd iyo rafaadkeedi. Doonta markii aanu soo fuulnay qof walbaa wuxuu haystaa mindi dheer oo uu isku difaaco, waxaa dhici kartaa cariiriga keliya qof inuu badda kugu tuuro. Haddana rafaadkaas ka dib Ingiriiska markaan soo gaarey 7 sano ayaan waraaqa la’aan ahaa oo waxba qabsan kari waayey meelna u dhaqaaqi waayey. Hadda markaan masjidka arrimihiisa ka shaqeeyey ayaa Ilaahay ii fududeeyey..

Gabar ayaa tahriibka ku foolatay?..Yaa ka dhalinaya!!

Nin kale oo isna na ag joogey, ayaa yiri, annaga waxaa noogu darrayd, annagoo doonta tahriibka saaran badweynta dhexdeeda, ayaa gabar uur lahaydi foolatay, wexeyna noqotay inaan annagu ka dhalino, si kastoo aanu wax u farsamayno, maadaama aan dumar kaloo wax yaqaanna joogin, dhakhtarna la hayn.. Waxaa laga yaabaa dadka qaar iney is weydiiyaan: oo gabadha 9 bilood joogta doonta tahriibka maxaa ku kalifey? Laakiin dabeecadda fekerka Soomaalida marka loo eego waa arrin caadiya, wax ka daran ayeynu ku keceynaa, kuwa iyada soo barakiciyey iyagoo berri amaan jooga kuwaas caqligoodu ama damiirkoodu iyaga xaggee jiraa? Sidaasoo ay tahay, waxaan aamin sanahay innagoo dabeecadahaas aadka u dhib badan qaarkood leh, ayeynu haddana leenahay kuwa aad u fiican oo aan la heli Karin. Balse mararka qaarkood, geesinimada, indha adayga iyo Badawnimadu waa sifooyin wax badani innogu suurtagaleen markii dhanka wanaagsan loo adeegsado, laakiin markii geesinimada iyo dhiiranaantu is dhex galaan, indha adayga iyo xishood la’aantuna isku qasmaan, Badawnimada asalka ahna aan ilbaxnima la marin, bilaayo iyo musiiboo dhan ayaa dheceysa waana mida inna haysata.. Waana masalo u baahan qoraal gaara in lagu falanqeeyo. Soomaaligu asal ahaan waa geesi, mana aqbalo wax karaamadiisa wax yeela, ciilna cadaab ayaa laga xigsadaa ayaa suugaantiisu dhigeysaa, laakiin waxyaaba aan lagu dhiiran ayuu geesinimo u maleeyaa oo ku ceeboobaa. Soomaaligu indha adayg ayaad moodaa inuu u dhashay, isagoo alif iyo ba’ midna aan aqoon ayuu rabaa, Magaalada uu shalay soo galay inuu wada iibsado. Waa han iyo hammi fiican, laakiin meel aan indha adaygaas aqbali Karin markey gasho, wexey noqotaa xishood darro, daliil haddaad u baahantahayna Siyaasadda Soomaalida bal in yar eeg!!

Switzerland

Sheekadan markaan bilaabay ayaa nin maalin iisoo galay isna yiri, oo anigana sheekadayda maad qortid..Anoo nabad u aal, oo shaqa fiican haysta, biilkayga hela ayaa saxan saxada dhoofka Yurub sanka iga soo martay ilaa ay maskaxda I fariisatay. Maalintii dambe ayaan reerkii oo dhan gabagabeeyey. Khartuum ayaan loori kasoo saaray. Dhanka Saxaaraha maanan marin ee waxaan maray xagga Chad.. Ilmo iyo Xaasna waan wadaa. 7 beri kadib waxaan isa sii taagey Njamina.. Ilmihii ayaa meesha iiga xanuunsaday, safartii iyo dhibkeedii.. Daawo iyo waxbaan u raadshey ayaamo ayaan joogey ilaa ilmuhu ii roonaadey, 2 dumara oo ila socdaana ii nasteen. Kadibna gaari kale ayaan ku boodney, ilaa iyo Niger..Kadibna Nimanka Afka duubta ee (Dawaariqda) la yiraahdo, ee Saxaaraa Al Kubraa Mara, ayaanu la heshiiney, koox ayaa nala ku soo qaaday, Waxaa la marayaa Saxaaraha weyn, kadibna Algeria ayaa dhinaca Liibiya xiga laga geliyaa.

Meeshii markii la tegey, waa nalaku daadshey, waxaa la yiri waa la lugeynayaa, dadka waxaa loogu sheegay, masaafo 20 km laakiin sidaa dhabtaa wexey ahayd 120 km!! Nimankii tahriibka wadey ayaa iga naxay oo kuwii ay nagu wareejiyeen ku yiri: War ninkaan Dumarka iyo Ilmaha wata meel cidlaa yaan looga tegin..Haddaad sidaa yeeshaan kala biximeyno.. Saxaarihii markii lugta loogu jeexay, waa lakala lumay, waana la kala tegey, labadii dumarka ahaa dhinac ayey iiga lumen, anigii iyo ilmihii yaraa ee aan dusha ku sideyna dhinac ayaanu u lunnay..Iyadoo lakala quustay, iyaa dad igu soo noqdeen, oo ilaahay mar kale isu kaaya keenay.

Xuduuda Liibiya.. Amaanta Macalimiin Soomaaliyeed

Magaalada Xuduuda Liibiya markii aanu soo gaarney waxaanu helnay niman Soomaaliya oo aad u wanaagsan oo macalimiin meesha ka ah. Aad ayey noo soo dhoweyeen, guryey na geeyeen, ka dibna diyaarad ayey noo soo gooyeen iyagu kharashkeeda bixiyeen ilaa Darabulis na keentay.

Nimankaa macalimiintaa ee Soomaaliyeed khayr allaha siiyee, dhawr qof oo tahriibka dhinacaas Algeria kasoo galay ayaan ka maqlay, soo dhoweyntooda iyo marti soorkooda, iyo xitaa iney waraaqihii u soo sameeyaan ay wadada kusoo mari lahayeen….. waa socotaa…

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno