Home » Tahriibta » Socdaalkii Geerida Soomaaliya ilaa Yurub (11) W/Q. Maxamad Idiris Axmad

Socdaalkii Geerida Soomaaliya ilaa Yurub (11) W/Q. Maxamad Idiris Axmad

((Maaha Riwaayad beena ee waa sheeka dhaba oo dhacday. Qofka ay qisadu ku socoto waa mid ka mida kumanyaal Soomaaliya oo qaarna meelahaas ku dhinteen qaarna ilaahay sabata bixiyey.Waxyaabaha aad ku arki doonto waxaan usoo gudbiyey sida dadkii ay ku dhacday uga warameen..Waxaan ku leeyahay oo keliya waa inaan usoo gudbiyo qaab quruxsan intaan awoodo, laakiin asalkeeda aanan waxba ku kordhin.Waxaan rajaynayaa iney noqoto wax lagu cibra qaato.Laysna weydiiyo: Yaa Masuul ka ah dadkaasu iney dalkoodi ka bara kacaan, oo dariiqa geerida door bidaan?))

Tahriibka Suuriya ilaa Turkiya – Griigga

Annagoo weli ku dhex jirna Socdaalka Geerida Soomaaliya ilaa yurub, wajiyadiisa kala duwan ee aan sheekadii dheerayd ku damaystireyno, waxaan la kulmay nin dhalin yara ah, oo isagoo soo maray dhinaca kale ee Tahriibka ugu weyn, waa dhanka Suuriya – Turkiga – Griigga. Tahriibka dhinacaan waxaa u badan dadka kasoo baxa xagga khaliijka, Sucuudiga ama Imaaraadka ama Qadar iyo Kuwait. Laakiin waxaa ugu badan dhanka Sucuudiga, halkaasoo ay joogaan Mukhalisiin ama Dullaaliin, nimanka carabtaa la shaqaysta, oo dadka kasoo daad gureeya Jidda ilaa Dimishiq kadibna waxaa la wareega Mukhalisiin kale oo lala heshiiyo sideey kuu geyn lahaayeen Turkiya Istanbuul, ama Izmiir toos laguu geeyo oo ah meesha looga gudbo dhanka Griigga, laakiin sida badan waxaa laga soo dhacaa Istanbuul oo lagala heshiiyo dadka kuu gudbinaya dhanka Griigga.

Saaxiibkeen wuxuu safarta kasoo bilaabay magaalada Jidda. waxaa dadka lagu soo saaraa iqaamooyin dad kale iyo baasabooradood. Kadibna muharibku markuu keeno Suuriya ayuu baasabooradii oo bixid ku taallo la noqdaa, kadibna dad cusub ayuu Soomaaliya kaga soo geliyaa, oo sidaas ayaa baasaboorkii gelid hadana loogu dhuftaa. Kuwa iqaamada iyo Baasaboorka lehna waxbaa loo tuuraa. Sidaas ayaa kumanaan qof lagu daad guraynayaa sii wad iyo soo wad, waa hawsha ay dadka Soomaalidu koobka adduunka ku qaateen, haddii baddeda la galena buugaag sheekooyinkooda laga qori karo.

Suuriya – Turkiga

Dimishiq markaan imi waxaa lala xiriirayaa Mukhalisiinta tahriibka, dhanka Suuriya waa suuriyiin, dhanka Turkigana waa Turki..Laakiin ogow dadka dega magaalooyinka xuduuda Turkiga iyo Suuriya labada Luqaba si fiican ayey ugu hadlaan, waana carab iyo Turki isku jirta. Sida magaalooyinka Maardiin, Adana, iyo Iskandaroon. Wexeyna hadda xuduud ahaan raacsanyihiin dhanka Turkiga.

Beeraha – Iskandaroon! Iyo Dumar Soconwaayey!

Magaalada Iskandaroon ayaa habeenimo nala kasoo gudbiyey, waxaana lala balansanyahay fajarka ka hor meel beer ah oo dhanka Turkiga ah inaan kula kulanno qoladii noo qaadi lahayd xagga Istanbuul. Taasoo u baahan in la socdo masaafa dheer oo askarta la garab marayo, nin dal yaqaana ayaa idin wada. Ilaa 8 qof ayaan ahayn 2 dumara ayaa nala socdey, dhamaantaya waa inaanu ninkaa daba socono. Meesha uu cagta dhigana aanaan ka leexan waayo beero ayaanu dhex mareynaa. Dhibaato wexey ka dhacday dumarkii nala socdey oo ahaa kuwa mudda dheer iska fadhiyey sucuudiga, oo socon kari waayey, oo markii xoogaa la socdaba fariisanaya.. Ninkii na hoggaaminayey waa nagu xanaaqey, wuxuu bilaabay xitaa inuu yiraahdo lugahaan ka garaacayaa qofkaan socon..Laakiin meeshii ayey habsadeen Islaamihii. Wexey noqotay in laga tago.. Waayo ninkaan wuxuu rabaa inta habeenimadaa inuu gudbo, oo meeshii lagu ballamay tago. Wuxuu yiri halkaan fariista, wuuna ka tegey, cabbaar ka dib, ayuu wuxuu u keenay 2 Faras, Dumarkii ayuu saaray, sidaas ayaanu meeshii lagu ballamay ku gaarney inkastoo aan daahnay oo waagii noo beryey, qoladii kale oo aad u caraysan ayaa ku qaylisay, kadibna 2 gaari ayey markiiba nagu aruursheen, wey nala carareen guri ayey na geeyeen, markaan waxaanu ku jirnaa gudaha Turkiya, wax nala hadlaaya, ma leh, haddaan qofku wax rabshad ah gelin. Tigidho Basaska Istanbuul u socda ayaa naloo soo gooyey, oo nala saaray. Sidaas ayaanu ku nimi Istanbuul.

Turkiya –  Jaziiradda Griigga

Nimanka ka shaqeeya tahriibka ee dadka gudbiya waa Turki xiriir fiican la leh askarta xuduuda dhinaca Turkiga, ama horaba askar u ahaan jirey. Wexey kaga fiican yahay dhinaca Liibaya laba arrimood. Waa midda koowaade iyaga ayaa doonta yar kugu kaxaynaya ilaa ay ku geeyaan daanta kale, waana rag yaqaan hawsha ey qabanayaan. Midda labaadna masaafada u dhexeysa berriga turkiga iyo jaziiradda Griigga ee ugu dhow waa mid aad u yar oo doonto 20 daqiiqo ka badan maba qaadaneyso, madaxa ayeyba isku hayaan, waana isu muuqdaan.

Maalintii bixitaanka ahayd ayaa waxaa nala keenay magaalada Izmiir ee Turkiga, habeenimadii ayaa meel xeeb ah doon yar nalaga saaray, Nin xariifa ayuu ahaa ninka na wadey oo inuu askari ahaan jirey aan u malaynayo, waayo askarta Griigga xeebta Jaziiradda ayeey gaaf meerayaan, tooshash waaweynna wey ku ifinayaan badda, marka wuu u gooyey oo gudub ayuu u baxay kadibna waa soo noqday, si zig zaag ah ayuu u socdey ilaa uu xeebta Jaziiradda usoo duso, kadibna wuu nagu daadiyey, wuxuuna yiri waad Joogtaan Griigga, maca salaama, meeshiisi ayuu markiiba ku noqday..

Khibrad Xumo.. iyo Is dhiibid..

Jaziiraddu waa mid dalxiiska loo yimaado, dad kaloo badan ma deggana. Maalin walbana doon kuwa dalxiiska ah ama labo ayaa ka baxda.. Haddad dadkaa iska dhex gasho oo aan wax tilmaan gaara lagugu arag, ama aad isu ekaysiiso sahal ayaad u gudbi kartaa. Laakiin anaga Soomaalida waxaa naga dhaadhacsanayd inaad askarta isu dhiibto inaad qaxooti tahay..

Dabadeedna subixiiba laamiga weyn ayaanu marnay anagoo askari aanu isu dhiibno raadineyna..Wax yar ka dib ayaanu askari hellay!! Sow yaab maaha adigu inaad askarigii raadineyso si laguu qabto..Waa fikradda aanu haysaney.. Askarigii waxaanu ku niri, dad qaxootiya oo meeshan lagu soo tuuray ayaanu nahay.. Wuu na kexeeyey, saldhiga Booliska ayuu na geeyey, iyaguna markiiba, xabsiga ayey noo taxaabeen, halkaasoo 4 bilood oo xariga aanu kusoo liqnay markii maxkamad nala geeyey.. Farahana waa nalaga qaaday..

Waxaa naga fiicnaa qolyaha ciraaqiyiinta iyo carabta kale oo xeeladda yaqaaney..Markey jaziiradda soo galaan, dharkey bedeshaan, waa is qurxiyaan, dalxiis oo kale ayey iska dhigaan, si fudud ayey tigidh doonta ah u goostaan ilaa Athens, kadibna halkaas ayey dayuurad ka raacaan ilaa yurubta kale oo Sweden ama Norway ama Holland si sahlan isaga dhiibaan iyagoon faro iyo waxba Griig lagaga qaadin.

Xabsiga ka dib ayaa naloo soo gudbiyey Athens, halkaas ayaan kasoo gudbey anoo faruhu meel walba iga yaalaan, oo meelna aan waraaqa ka heli Karin.

Romania-Hungary

Saaxiibkan xagga bariga Yurub soo maray isagu wuxuu ku yimi dhulkaas ardaynimo, ka bacdina waa soo jeexay, xuduuda Ukraine iyo Romania iyo Hungary in saddex goor lagu qabtay, aakhirkiina uu soo moosay laakiin waxba aanu ka dheefin haddana uu doonayo inuu Soomaaliya dib ugu noqdo, uuna ka qoomamayey salfudaydki uu kusoo kicitimay.

Cuba iyo Colombia!!

Waxaa wada iyaduna tahriibka Soomaalidu maro ah Cuba iyo Colombia iyo dalalka Latin America iyo Mexico oo loo marayo Dalka Maraykanka. Nin fiican oo aan South Africa kula kulmay ayaan safaradii dambe waayey, markaan warsadayna waxaa laygu yiri: Ninkii dukaankii iyo wuxuu hayeyba waa xaraashtey, wuxuuna u jeexay Latin America si uu halkaas Maraykanka uga galo, hase ahaatee, meelahaas dhexe ayuu ku go’doomay, ama lagu xiray..

Maalin kalena anigoo Diyaaradda kasoo raacay Nairobi ayaa agtayda waxaa soo fariistay nin dhalinyara ah, wuxuu I tusay tigidhadiisa wuxuuna I warsaday diyaaradda transitka siduu ugu bedelanayo markii garoonka Dubai la gaaro. Waxaan arkay inuu wato tigidh ah: Nairobi-Dubai-Mosko-Havana!! Waxaan iri oo Cuba ayaad u socotaa adeer? Wuxuu yiri haa.. Haye..oo ma halkaasaa hadda line ka furmay? Haa adeer waa line cusub oo beryahaan furmay dad bandanna weli ma marin, wuxuu ku tegayaa Havana Business, hoteel ayaa loo qabtay, xoogaa yar ilaa 2000 Doolarna jeebkuu ku wataa..Tigidhku waa noqod..Fiisihii Cuba waa ugu dheggan yahay! Waxaan iri side kusoo baxday? Wuxuu yiri: Fiisaha waa ilaa 2000$ , Tigidhkuna waa in leeg, Jeebkana Jicsin in la mida, xaggaasna waa kharash kale marka maraykan loo gudbayo oo Kuubaanka u tahriibaya Miami ayaa la dhex gelayaa.. Waa lacag 8000 ilaa 10000 $. Waxaan ku iri: oo Adeer Suuqa Xaafadda Islii ee Nairobi dukaan cajaaib leh ayaad lacagtaas kaga furan lahayd, dhibkanna waad ka bad baadi lahayd maxaa dhacay? Wuxuu yiri: Adeer dhalinyaradu dhoofkaas ayey wada rabaan.. Waxaan ku iri: Laakiin sow ma ogid dhibaatooyin badan iney kaa horreeyaan, sow ma maqal mira guntiga ku jira, kuwa geed saaran looma daadsho. Wuxuu yiri: Annagana waa soo tijaabineynaa!!

SOCDAALKII GEERIDA IYO QAAR KA MIDA DAREENKA DADKII AKHRIYEY

Intaa haddaan ku dhaafo sheekooyinka gaagaaban ee Tahriibka waxaan jeclahay inaan wax yar halkan ku soo gudbiyo qaar ka mida fariimaha isoo gaarey oo dadku dareenkooda ku sheegay.

Nin warqad iiga soo qoray dalka Sweden wuxuu yiri: SHAEIK MAALMAHAN WAXAN LA SOCDAY SHEEKADA YARKA KU DHACDAY EE TAHRIIBKA UU KALA KULMAY,ANNA MID TAAS YARA DHAANTA AAA IGU DHACDAY LKN WAN KA WAQTI BADAN NAHAY  YARKAAS.WAXAY IGU QAADATAY INAN YURUB IMAADO LABO SANO IYO SADDEX BIL  DHIBAATO BADANA WAAN LA KULMAY  HANA U QAADAN INAN MEEL FADHIYEY INTAAS EE WAA MAR AAN XABSI KASOO BAXO IYO MAR AAN GALO ALMUHIIM 2 SANO IYO 3 BIL KADIB AAN IMID YURUBTI AAN DHIBKAA USOO GALAYNA WALI DHIBKII WAXBA ISKAMA BADALIN INUU SIYAADO MAAHANE. waxan safarkayga bilaabay april-9-2008 waxaana ka bilaabay wadan kamid ah wadamada africa waxan isu soo maray illa 4 dal marka halkan aan jogo lagu daro waa 5 dal,waxa igu yaab badnaa inan xabsiyo ku jiray hal sano iyo bar kuna dhibtoday waxa kale igu dhib badnaa in lay qalo anigoo ku jiro xabisga cid i ogina aysan jirin qalitaankayga familkaygu ma ogeyn saalada aa lay saaray kadib marki lay qalana soco ayaa layiri gal qolka aad ku jirtay, layna diiday inaan xiriir haba yaraatee la sameeyo familkayga inkbadan 6 bilood, ti kale ee igu yaabka badnayd waa anoo badda ku jiray 2 maalin doon dulsaarna marki danbe allah iga badbaadiyey. lkn sababteed ciidamada badda ay laahayen oo na badbaadiyeen, WLH HA U QAADAN INAY TAHAY SHEEKO KHIYAALI AH OO AAN SAMAYNAYO LKN WAA QISO XANUUN BADAN OO IGU DHACDAY,

CIWAANKAYGA WA MIDKA AAN HADA MASSEGE KA KAAGA SOO DIRAYO WAXAN RABAA  SHEEKADAYDA IN DHALINTU KU TUSAALE QAADATO))

Nin walaalaha Jooga dalka Qadar wuxuu soo qoray:

((Inaay qisadan runtahay oo aan loo baahnayn baaritaan badan waa wax jira. Shalay oo udanbaysay oo aan akhrinayay qaybtii 6aad ayaa waxaa ii soo galay nin aan saaxibo nahay oo walaalkiis bada libya iyo yurub u dhaxaysa lagu aasay- lagu tuuray maydkiisa. Waxan ku iri, qisadii walaalka inta aanu bada lagu aasin ma akhrinaysa? Inta ilma kusoo istaagtay ayuu igu yiri: madoonaya inaan dib uxasuusta qisadaas!))

Dr Abdullahi oo Professor ka ah Jaamacad Malaysia ku taal wuxuu dareenkiisa usoo gudbiyey sidan: ((Walaal barasho wanaagsan, Magacaygana  waa C/llahi Cali Maxamed kana shaqeeya Malaysia, Jaamacada la yiraahdo Nottingham Malaysia Campus.  Allah ajar ha kaa siiyo waxaan aqriyaa sheekadaa aad sida quruxda badan u soo bandhigtay oo ah  Socdaalkii Geerida Soomaaliya ilaa Yurub . Ra’yi ahaan waxaan is dhihi lahaay in aad u diyaariso oo aad daabacada, dadkana loo qaybiyo, waa calool xumo, habeen dhowayd intaanan jiifan ayaan aqriyay waana jiifan waayay oo waa calool xumo sida aan u baa’banay. Mideeda kale qoraalki sii wad, waxaad ka mid tahay qaar fara ku tiris oo an aqriyo qoraaladooda, luqadi Soomaliga ay weli ku danbayso.Walaalkaa Dr. Abdullahi Ali Mohamed -School of Civil Engineering – University of Nottingham Malaysia Campus – Jalan Broga – Malaysia))

Maxamed Haaruun wuxuu kasoo qoray Sheffield, UK wuxuuna yiri: ((Waxan ka mid ahay gudiga masjidka Al-taqwah ee Sheffield, UK oo aad marar sii horaysay noogu timid. Waxan akhriyay sheeko aad ka qortay dadkaas Soomaaliyeed ee dhulkaas ku rafaadsan, gaar ahaan kuwooda soo mara meeshan aad u bixisay Socodka geerida, Somalia ilaa Europe. Sheekh Maxamedoow inagu hadaan Soomaali nahay wixii dhacayaa oo dhami way iska dhacaan uun ee cidina waxba kama qorto, sidaas darteed ayaanay ku halaabaan qisooyin iyo waayo tiro badan oo dad badani ka faaiidaysan lahaa. Aad baan kaaga mahad celinayaa wakhtiga aad galisay qisadaas qoristeeda aadka u qurxoon eed soo ban dhigtay.))

Waxaan kusoo Gabagabeynayaa tacliiqaadka dareenka Khadar Cilmi oo isagu ka mida dadka Tahriibka wuxuuna iiga soo qoray Griigga wuxuuna yiri: ((Salaanta Islaamka ah kadib, Sheekh Mohamed Idris, Sheekheygiyow adeerow waxaan kamid ahay dhalinyarada tahriibka ah ilaa hadda, kuna sugan Dalka Greece caasimaddiisa Athens muddo 9bilood ah ayaan joogaa, waxaan haayaa sawiro caddeyn ah min Kenya, Syria, Turkey illlaa Greece.

Dhibaatooyin waxaan soo marnay talo iyo tusaale inbadan ayaan ka hayyaa, maadaama aad tahay qoraa kuxeel dheer tafaasiisha waxaan jeclaan lahaa inaan kuusoo diyaariyo xoogaay qormooyin intaan soo maray ah, wadatana Sawiro, adne aad tifaftirno insha allaah wixii kaaga suuga gala.)).

Intaasuna waa qayb ka mida dadka meela kala duwan dareenkooda iiga soo gudbiyey iyo talooyinkooda Ilaahay Ajar iyo Xasanaad haka siiyo, Waxaan ka cudur daaranayaa inta kale oo aanan soo gudbin oo aan meeshan lagu wada koobi Karin, laakiin tusaale aan u keenay, waxaan leeyahay dhamaan Jazakumullaahu khayran, Qiiradiina iyo dareenkiina Islaannimo, iyo Soomalinimo.

Gunaanad: Cibrooyin & Casharo waaweyn

Waxaan filayaa qisadan iyo kumanyaalka qiso ee la mida waxaa cibro iyo cashara noogu sugan lama koobi karo, waxaase muhiima in casharada iyo cibrooyinka lagu intifaaco, dhab ahaanna waxaana ku waana qaata dadka aqoonta leh, iimaanku uurka uga buuxo, caqliguna u caafimaad qabo.

Waxaa cibrooyinkaa ka mida, dalka iyo degganaantiisu qiimaha ay leedahay, sidaa darteed ayaa Rabbi Subxaanahu watacaalaa marar badan Qur’aanka adoomaha ugu mana sheegtaa (Nabad gelyada iyo nolosha wada socda oo dad dhulkooda ku haystaan)..

Waxaa ka mida cibrooyinka qofka dalkiisa iyo dadkiisa meel u dhaanta inaanu helayn, qurbuhuna xanuun badan yahay, sidaa darteed ayaaba shareecadu qofka dhul qurbaa jooga xukuno gaara siisay.. Dawladnimadu iney shey muhiima oo maslaxad guud ummaddoo dhan u ah ay tahay, sidaa darteedna marka la haystana lagu fara adaygo oo aan si fudud laysaga dumin, markii la waayana sida ugu fudud ee ugu dhaqsi badan loo unko, oo loo baxnaaniyo, taasoo maslaxadda qof walbaa ay ku jirto…

Waxaa ka mida cibrooyinka damaca aan daraasada ku dhisnayni dhibaatada uu leeyahay, oo qofku aanu isu miisaamayn waxa uu haysto iyo waxa ka maqan oo uu raadinayo, iyo wadaduu ku raadinayo..

Waxaa ka mida Qanaacadu iney tahay hibo Ilaahay baxsho oo aan la heli Karin, Sida xadiisku tilmaamay, taasoo ah qofku inuu ku qanco wixii Ilaahay qayb u siiyey dad iyo duunyo, hadduu wax kororsi doonana sharciga iyo caqliga aanu dhaafin.

Waxaa ka mida casharada dadka isku haya Soomaaliya taladeeda ee ku diriraya mid walbaana isla qumman yahay iney qaybta ugu weyn dembiga dadkaan qaxaya ee baaba’aya qaadayaan, waayo wexey sabab u yihiin dalkoodu inuu inuu degi waayo, dadkiisuna ku sugnaan waayo.

Ilaahay waxaan ka baryeynaa inuu Ummadda Muslimkaa guud ahaan, Gaar ahaanna Ummadda Soomaaliyeed dhibka ka qaado, Intooda Akhyaartaana Ilaahay talada ugu dhiibo, Ardaashana Ilaahay dhinac ka mariyo.

###

Dhammaad.


Tags:

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno