Home » Maqaallo, Wararka » Dulleynta Soomaalida iyo Digniinta Shisheeyaha:Goormay Soomaalidu ku Baraarugi Doontaa? Qalinkii: M.D. Afrax

Dulleynta Soomaalida iyo Digniinta Shisheeyaha:Goormay Soomaalidu ku Baraarugi Doontaa? Qalinkii: M.D. Afrax

Duleynta Soomaalida iyo Digniinta Shisheeyaha: Goormay Soomaalidu ku Baraarugi Doontaa? Qalinkii:  M. D. Afrax. Qormadii 1-aad.

“Dowladaha adduunkow, maxaad nugu dilaysaan?
Ma diinteen Islaamkaa, waxaad nugu dilaysaan?
Barwaaqada dalkaan taal miyaad nugu dilaysaan?
Ma degaanka isteraatiiji ayaad nugu dilaysaan?
Ma dadkeenna firfircoon ayaad nugu dilaysaan?”
(Abwaan Soomaaliyeed, Somalitalk.com, 22/12/08)

“Kenya iyo Itoobiya waa inay jarjaraan Soomaaliya ka dibna labadooda midba jeex qaataa. Mid waliba waxay qayb u heli doontaa 300,000 sq
kilomitir oo ay dhulkeeda ku ballaadhsato iyo ilaa shan million oo qof oo raaciye cusub u noqda. Marka labdayada ciidan qabsadaa dhulka
Soomaaliya, ee aanu ku dhawaaqno inuu ka mid yahay dhulkayaga, xulafadayada Reer Galbeedku way nugu taageeri doonaan, iyagoo u arki
doona arrin iska dhammaatay … Jiboutina Sooma fara galin karto qorshaha lagu gunaanadayo aayaha Soomaalida.”

(Daily Nation [Wargeys-qarameedka Keenya], 4/10/ 2008).

Saddex sano ayaa laga joogaa markii la faafiyey hindisaha kor ku qoran. Maantana waxaa i xasuusiyey waxa imminka dhacaya. Mowduuca qoraalkani ku saabsan yahay waa u fiirsi dhacdooyinkan maalmahaan socda – ee u muuqda ku-tallaabsi qorshihii ay saddex sano ka hor daaha ka rogtey Dhaily Nation. Waxaa igu baraarujiyey iftiimin ay isla maalmaahaan qorshahaas iyo arrimaha socdaba ka qoreen indheer-garad ajnabi
ah, kuwaas oo hadalkaygu u badan doono xigashada iyo iftiiminta wixii ay qoreen oo aan jeclaystay inaan la socodsiiyo Soomaalida aan akhrin afka Ingiriiska, ama ku baraarugsanayn waxa agtooda ka dhacaya ee khuseeya aayohooda dambe.

Balse an ku horreeyo sii-yare iftiiminta qaar ka mid ah qodobbadii hindisaha Daily Nation, hindisahaas oo uu ku saxiixnaa qareen (lawyer) Kenyan ah oo lagu magacaabo Donald Kipkorir. Cinwaanku wuxuu ahaa “Kenya iyo Itoobiya waa inay kala jarjaraan Soonmaaliya mid walibana qaybteeda qaadataa”. Waa hadal cad. Faahfaahintii lagu sababeeyey waxaa ka mid ahaa weedhahaan soo socda:
“Soomaaliya ma aha dowlad maanta jirta oo leh xuduud ay ilaashadto. Keliya waa magac weli isaga dhex qoran khariiddada dunida”.

“Kenya iyo Itoobiya maanta ilbiriqsi way uga fududdahay inay saacadday doonaan madaxda soomaalida ka saxiixdaan dalkiinnii annagaa qaadannaye noo ansixiya. Waqti kasta madaxda iyo xeer-dajiyeyaasha Soomaaliya waxay dhooban yihiin Nairobi. Waqtigii aan doonno ayaan isugu keeni karaynaa hotel Nairobi ku yaal. Halkaas ayaan uga saxiixanaynaa sharciga aan dalkooda ku kala qaybsanayno annaga iyo Itoobiya.” “kharashka nooga baxa hawlgalka aan ku qabsanayno dhulka Soomaalida waxaa bixin doonta Soomaaliya. Waxay la mid noqon doontaa sida berigii xulufado qabsadeen Germany kharashkiina ku dallaceen Jarmalka – Soomaaliya waa dhul hodon ah oo ay ka buuxaan batrool, gaas dabiici ah, Yuranyom iyo macaadin kaloo badan, iyo weliba khayraadka badda oo aan xisaab lahayn. Isla marka aan la wareegnaba waxaan ku marti-qaadi doonnaa saaxiibbadayada istratejiga ah inay noo soo saaraan khayraadkaas oo aan ka wada faai’deysanno”.

“Maraykanka iyo Ruushku way farxi doonaan wayna noo abaal-gudi doonaan haddaan Soomaaliya qabsanno oo dalkayaga ku darsanno.”

Qodobbadaas ayaa ka mid ahaa faahfaahintii ay Daily Nation ka bixisay sida ay muhiim u tahay isla markaana u fududdahay inay Keenya iyo Itoobiya xoog ku qabsadaan Soomaaliya ka dibna ku dhawaaqaan inay kala qaybsadeen.

Markii qoraalkaas la faafiyey dad badan oo Soomaali ah ayaa ka dhiidhiyey. Rag baa uga jawaabey qoraallo caraysan. Haseyeeshee waxay noqotay xumbo kacday haddana iska shuuqday, sida nalaku yaqaan haddaan Soomaali nahay. Haddaan qolo kale ahaan lahayn waxaan isku dayi lahayn tallaabooyin looga gaashaanto musiibada soo guuxaysa. Xitaa raggii damqaday ee jawaabay (oo dabcan intayada kale na dhaamey) jawaabtoodu waxay u badnayd wax u eg ‘bootayn’ aan sii qodnayn oo lagula murmayo nin shakhsi ah oo ay u arkayeen inuu iska bootaynayo ama iska hadlayo. Kuwii madaxda ahaa ee sida aad aragtaan sharafta looga qaaday midkoodna lagama maqal eray uu xitaa asagu isku difaacayo, qaran hadalkiis daaye. Iyagoo maalin walba warbaahinta Keenya waxaas ka qorayso ayay weli ka waantoobi la’yihiin inay u yaacaan oo si fool xun u tubnaadaan Nairobi oo marba qaar laga tarxiilayo, qaar lagu xirxirayo, si joogta ah loo bahdilayo, marba go’aan laga saxiixanayo, iyaguna maalin kasta lacag wixii ay haystaan ku shubayaan jeebabka dal aan abaal ugu hayn. Arrintii iyada ahayd dhawr sano ayaa cagta loo yar-dhigay. Waxaa lagu hoosaasinayey shirar marin-habaabis ah. Waxaa la sugayey inta burburka iyo quusta Soomaalidu sii gaarayaan meel ayan is-difaac haweysan Karin. Hadda ayay muuqataa in la gaarey halkii la sugayey.

Gulufka Cusub

Dhawr toddobaad ka hor ayay warbaahinta Keenya waxay dib u bilowday olole cusub, kaas oo gogol-xaadh iyo garabgal u ah hawlgalka militari ee Keenya ku gashay Soomaaliya. Tusaale ahaan jariidadda afka dheer, The East African, tirsigeedii 30 Oktoobar waxaa lagu shaaciyey wax lagu magacaabay Qorshe-weynaha (Grand strategy) ay wataan dowladaha Soomaaliya la dariska ah. Jariidaddu waxay tilmaan cad ka bixinaysaa xogtaas muhiimka ah in ay ka heshay ilo xagga sir-doonka iyo diblomaasiyadda ah. Waxay soo bandhigaysaa qorshe nuxur ahaan beegsanaya isla bar-tilmaameeddii maqaalkii hore ee Daily Nation, bartilmaameeddaas oo ahayd in Soomaaliya la kala jarjaro, ka dibna ay kala qaybsadaan labadaas dowladood. Hayeeshee waxaa halka loogu soo bandhigay hab aan u qaawaneyn sidii maqaalkii hore. Wuxuu isticmaalayaa af ka asluubaysan kana cilmiyaysan, taas oo muujinaysa in dhab ahaan laga soo qaatay ilaha diblomaasiyadda iyo sir-doonka ee wargeysku tilmaamay.

Qorshe-weynahaan oo loo fulinayo hab tallaabo-tallaabo ah, tallaabada koowaad waa in gobollada dhexe iyo kuwa koofureed ee Soomaaliya loo kala jaro saddex qaybood:

qaybta koowaad waa gobollada bartamaha Soomaaliya, waxayna hoos iman doontaa Itoobiya, sida qorshaha ku qoran; qaybta labaad waa dhulka gobollada koofureed intiisa badan waxaana saami u heli doonta Kenya; qaybta saddexaadna waa Muqdisho iyo agagaarkeeda waxaana gacanta ku hayn doona ciidammada UNISOM. Saddexda qolo ee ajnabiga ah mid waliba qaybta ay gacanta ku qabato waxay maamulkeeda u dhiibi doontaa dad Soomaaliyeed oo iyaga daacad u ah. Intaa waxaa la raacinayaa odhaah ay cid waliba iska fahmi karto inay tahay xeelad hoosaasin ah, taas oo ay leeyihiin, saddexda qaybood mustaqbalka fog waxay ka tirsanaan doonaan “dowlad Soomaaliyeed oo federal ah”. Waa xeelad diblomasiyadeed. Meel kale qorshuhu wuxuu leeyahay, saddexdaas qaybood ee dhulka Soomaalida loo kala gooyey waxay noqon doonaan wax lagu magacaabay “buffer zones” ama aagag lagu ilaaliyo ammaanka Kenya iyo Itobiya.

Daah-furka qaybsigii Labaad ee Dhulka Soomaalida

Haddaba , gulufka cusub ee ay Keenya ku gashay Soomaaliya, galintaanka Itoobiya iyana soo gashay gobollada dhexe (AFP, 19 Nov. 2011), ansixinta ururka IGAD ay labaduba ka dhammaysteen inuu u sharciyeeyo soo galidda dhulka Soomaaliya (shirkii Addis 25 Nov. 11), Soo dhaweynta Midowga Afrika asna ugu deeqay inay ku gabbadaan koofiyaddiisa (New York Times 18 November, 2011) iyo duulduulka aan ka maqlayno quwadaha waaweyn, intaas oo dhan isu geyntoodu waxay si cad u muujinaysaa qorshahe-weynihii ay shaaca ka qaadday saxaafadda Kenya, mar hore iyo mar dambeba, in aanu ahayn aftahammo warbaahineed ama male-awaal war-fidiyeen, balse uu yahay qorshe beri hore la go’aansaday, sannado badan loo soo gogolxaadhayey, Soomaalida lagu marin-habaabinayey shirar hoosaasin ah, lagu mintidayey in ayan dib u hana-qaadin dowlad Soomaaliyeed oo caqabad ku noqota qorshahaas, la curyaaminayey markii la unkaba, laga ilaalinayey hoggaan hagaagsan, laga takhallusayey masuulkii laga dareemo karti ama waddaniyad, marba hoos ahaan loo abuurayey laba dhinac oo dagaalka sii wadda. Cidda qorshahaan ka dambaysa ee daaha shishadiisa ka hoggaaminaysaana dabcan way ka weyntahay kana diirad fogtahay Kenya iyo Itobiya (eeg Pmbazuka News, Issue 557, 10 Nov. 2011). Cidda ay yihiin iyo ujeeddooyinka ay u adeegsanayaan labadaan dal, waxaa na fahamsiinaya xeel-dheerayaal ajnabi ah oo weliba reer Galbeed u badan.

Qofkii uu ku adagyahay fahamka qorshahaan kor ku xusan, iyo cawaaqibka uu dhaxalsiin doono aayaha dambe ee ubadka Soomaalida, meel ay joogaanba, waxaa ku filan inuu indho furan ku akhriyo falanqaynta iyo fasiraadda uu ku sameeyey Dr. Michael Weinstein oo ah khabiir caalami ah, barfasoor culuunta siyaasadda ka dhiga jaamacadda Purdue University ee ku taal Chicago, USA. Waa diraasad uu soo saaray 14 Novmber, 2011 (ka eeg Kenya News 24, iyo shabakado Soomaaliyeed oo dib u daabacay, sida Hiiraanonline, Garoowe Online.) Halkudhegga qoraalku waa Kenya’s Political Failure in Sothern Somalia (Fashal-siyaasadeedka Kenya ee Kofurta Soomaaliya). Markase aad u fiirsato nuxurka qoraalka waxaa kuu muuqanaysa cinwaanka ku habboon inuu ahaan lahaa “Qorshaha Qaybsigii Labaad ee Dhulka Soomaalida” (ka dib kii Berlin, 1884 -85). Erayga “partition” (qaybin ama qaybsi) ayaa aad u soo noqnoqonaya oo ah udub-dhexaadka qoraalkani ku saynsaabanyahay. Sidaa awgeed, hadduu qoruhu ahaan lahaa qof ay aragtida hoggaaminaysaa tahay aqbalidla’aanta dambiga laga galayo iyo dulmiga dhawr qarni lala daba socdo ummad aan waxba galabsan, hadday fikraddiisu taas ahaan lahayd ayuu cinwaanka ka dhigi lahaa sida aan kor ku sheegay, haseyeeshee taa baddelkeeda Dr. Weinstein, in kastoo uu yahay caalim tilmaamaya xaqiiqda jirta, haddana ugu dambaynta waa nin ka soo jeeda dhinaca kale, dhinaca ay ahayd in si cad loogu yiraahdo ‘waxa aad samaynaysaan waa godob weyn, ee Ilaahiina ka baqa, ama taariikhda ka baqa!’ . Qofka fiirada dheer ee akhriya sadarrada dhexdooda wuxuu fahmi karaa Dr. Weinsteinhaliilo waaweyn u soo jeedinayo Dowladda Keenya, dulucda dhambaalkiisu inay tahay ‘Keenya ma leh karti ay keligeed guul uga soo hoyso hawgalkaan culus, ee yaan lagu hallayn. Gacan ha lala gaadho inta aaney fashilin qorshahe-weynahaas istraatiijiga ah ee lagaga talagalay aayaha Soomaalida’!.

Dr. Weistein wuxuu qoraalkiisa ku bilaabayaa tuduc (paragraph) war oo dhammi ku idil yahay. Wuxuu u qoranyahay sidaan (tarjumad):

“Hawlgalka militari ee ay Kenya ku gashay Soomaaliya waa calaamad dadka Soomaaliyeed uga digaysa inay ku baraarugaan halka uu ku dambayn doono mustaqbalkooda siyaasadeed: halkaas oo ah qaybin la kala googoyn doono dhulkii ay ka talin jirtey dowladdii Soomaaliyeed xornimada ka dib. Waxaa loo kala googoyn doonaa maamullo yaryar oo itaal daran oo kala hoos taga dowladaha dariska ah ee kala ah Itoobiya iyo Kenya, kuwaas oo u adeegsan doona danohooda gaar ahaaneed, isla markaana dillaal ama wakiil uga noqon doona quwadaha dibadeed ee waaweyn,
Maraykanka, waddammada Yurubta galbeed iyo waliba Shiinaha oo faragalinteedu isa soo tarayso.”

Cutubka ku xiga Michael Weinstein wuxuu ku sii qeexayaa qota-dheerida qorshahaan iyo sida ay aarintani u tahay kala-bayr taariikhi ah (historical cross-roads) raad-reebkiisu socon doono qarniyo badan oo soo socda. Wuxuu u qoranyahay sida soo socota:

“Muddadii ka dambeysey burburkii xukunkii kelitaliye Siyaad Barre 1991, waa markii ugu horreysey oo si buuxda loo gaarey go’aan meel cad lagu gunaanadayo halka uu ku dambayn doono dhismaha siyaasadeed (political organization) ee “Soomaaliya” ka dib markii muddo labaatan sano ah la ag marmarayey oo dib loo dhiganayey go’aankan. Gunaanadka aayaha siyaasadeed ee Soomaaliya wuxuu noqon doonaa mid ay dusha kaga keenaan quwadaha dibadda oo isticmaalaya xeeladdii ahayd ‘ qaybi oo xukun’, taas oo ku iman doonta inay abuuraan maamullo yaryar oo lagu adeegto, kuwaas oo mid waliba ku dhisan yahay qabiilka u badan degaankaas.”

Qorshaha noocaan ah inuu jiro iyo inuu yahay mid ay muddo ka soo shaqaynayeen una soo gogol-xaadhayeen Maraykanka iyo xulafadiisu ciddii aan hore u fahmi kareyn amase uu weli mugdi kaga jirey waxaan filayaa inuu ku filan yahay marag-furkaan cad ee barfasoorka Maraykanka ah iyo qaar kaloo aan arki doonno. Tan labaad ee muhiimka ah, haddii uu qorshahani hore u ahaa mid lagu ilaaliyo khaanadaha sirdoonka, maanta way caddahay in laga soo saaray lana bilaabay fulintiisii, ka dib mrkii la hubiyey in loo bisleeyey xaaladda Soomaaliya. Weli si rasmi ah looma shaacin,
gunaanadkiina laguma tallaabsan, haseyeeshee, sida uu caddaynayo Dr Weistein, waxaa la qaaday tallaabo wixii wax garan karaa fahmi karaan inay tahay tii ku xigtey ee u gogol-xaadheysey tallaabada gunaanadka iyo ku dhawaaqidda in qabri lagu hubsaday qaranimo Soomaaliyeed. Barfasoorku wuxuu intaa sii raacinayaa eraymurtiyeed farta ku fiiqaya halaagga ay tallaabadani Soomaalida dhaxalsiin doonto. Wuxuu leeyahay,

“Way iska caddahay tallaabadani inay noqon doonto mid si kama-dambays ah god ugu ridda isku day kasta oo ay dadka Soomaaliyeed mustaqbalka haweysan lahaayeen inay aayohooda ka taliyaan (self-determination) ama inay yeeshaan awood ay danohooda kaga difaacdaan fagaarayaasha caalamamka…. Taa micneheedu wuxuu yahay dadka Soomaaliyeed inay noqon doonaan kuwo laga dabar gooyey wax tabar iyo taag ah; dib dambe iyaga uma noqon doonto cidda gaaraysa go’aannada khuseeya aayatiinkooda dambe. … Qaybsigan [Soomaalida la qaybsanayo] micnihiisu waa gumeysi hor leh.”

Ummad DIL lagu Xukumay iyaguna Dareemi la’ – Ila Dhuuxa Erayadan

Xog-warranka iyo falanqaynta cilmiyaysan ee Dr. Weinstein waxaa jira erayo mudan in hoosta laga xarriiqo ama si gaar ah loogu fiirsado. Waxaa ka mid ah kuwa soo socda:

A) Digniinta Weinstein:

“It is the first time since the collapse of Siyad barre’s dictatorship in 1991, there is a strong possibility that “Somalia” which has existed in political limbo, with decisions on its political organization on hold and deferred will take a more settled political definition.That settlement will be imposed by external powers using the tactic of divide and rule, to create dependent client states loosely based on dominant clans in Somalia’s regions. …[that] scenario … would spell any possibility that the Somali people could regain their self-determination and be able to defend their own  interests on the international stage … the Somali people would be permanently weakened and they would not make the decisions determining their fate.”.

Tuducan kooban erayadiisa an hoosta ka xarriiqay waxay noo tilmaamayaa shan arrimood oo aad u culus:

1. Kow, In labaatankii sano ee dalkan burburku ka socdey aan laga sii jeedin (sida dadku yiraahdaan) balse lagu soo jeedey (si qarsoodi ah) lagu maqnaa, loo tashanayey, la diiddanaa inay Soomaaliya ku soo noqoto nabad iyo dowladnimo, iyadoo dib loo dhiganayey “on hold” fulinta go’aan SIR ah oo meel la dhigtay, kaas oo fulintiisa lala sugayey “deferred” xilli ku habboon, xilli ay Soomaalidu quusatay, lagana dhammeeyey cid caqabad ku noqon karta go’aankan asaga ah ee ah in lagu dhawaaqo soo afjaridda dowladnimo Soomaaliyeed, in Soomaalida laga xayuubiyo
xaqa aaya-ka-talinta “their self-determination” iyo in la kala qaybsado dhulkooda ‘partition:” Tan micneheedu waa DIL tartiib-tartiib ah (gradual killing) oo lagu xukumay ummad dhan oo ah qaran madax bannaan oo xubin buuxda ka ah Qarammada Midoobey. Waa ku-tumasho bareer ah laba qodob oo ka mid ah qodobbada asaasiga ah ee Axdiga Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadmiga (Universal Declaration of Human Rights), xaqa cid waliba u leedahay go’aaminta aayeheeda iyo nolol sharaf leh. Waa tallaabo ugub ah. Waa halis aan hore loo arag oo ku soo fool yeelatay, Soomaalida uunn ma ahee, idil ahaanba ummadaha xornimada jecel.

2. Arrinta labaad waa yoolka la bar-tilmaameedsaday inuu yahay in dadka Soomaaliyeed laga dhigo maxaysato aan dib dambe awood u yeelan Karin, haweysanna Karin inay ka arrimiyaan aayatiinkoodu waxa uu noqon doono. Taasi waxay ku caddahay erayadaan khabiirku leeyahay: “the Somali people would be permanently weakened and they would NOT make the decisions determining their fate”. Micnhu wuxuu yahay, quwadaha waaweyn oo ay is xulufaysanayaan Keenya iyo Itoobiya ayaa waxay hoos ahaan u go’aansadeen in la DULLEEYO Soomaalida, si dhulkooda hodonka ah loogu tagri-falo sidii la doono. Imminkaba calankii oo weli taagan, labaatankan sano ee u dambeysey cidda ka talinaysey Soomaaliya waxay ahayd huwantaas dulmiga isu gaashaanbuursatey oo ku hoos gabbanaysey koofiyadda Qarammada Midoobedy, ilaa imminka.

3. Arrinta saddexaad, hadalka khabiirku wuxuu daaha ka qaadayaa in fulinta hadafkan loo adeegsanayo xeeshii caanka ahayd ee isticmaarka “devide and rule” (qaybi oo xukun), taas oo Soomaalida lagu kala qaybinayo qabyaaladda la ogaadey inay addoon u yihiin, “loosely based on dominant clans”.

4. Tan afraad wuxuu na tusayaa waxa loo bixiyey “dowlad-goboleedyada” ee beryahaan dambe sida daacuunka u faafaya in ay tahay arrin halkaas ka socota oo qayb ka ah qorshe-weynahaas qaran-burburinta iyo qaybsiga dalka. Xqiiqdaas si cad ayuu u muujinayaa Dr. Weinstein marka uu leeyahay “…external powers using the tactic of divide and rule to create dependent client states, loosely based on dominant clans inhabiting Somalia’s regions”. Tan ka sii daran, waxaa hoos ahaan loo qorshaynayaa maamul-ku-sheegyadaas gumeysteyaashu dhisteen inay noqdaan murashixiinta cusub ee la wareegi doona xilka is-dilka Soomaalida iy joogtaynta dagaalka sokeeye, markii la arkay inay isla sii bas-beelayaan Al Shabaab iyo DKMG ah.

5. Arrinta shanaad, Michael Weinstein wuxuu si aan toos ahayn ugu doodayaa Soomaaliya in ayan imminkaba ahayn dal jira. Taas wuxuu si dadban ugu soo dhigayaa: a) hadalka uu leeyahay “ qaybinta geyigii ay ka talin jirtey dowladdii Soomaaliya…” Wuxuu isticmaalayaa erayga “territories”, halkii uu oran lahaa Soomaaliya. b) way jirtaa mar uu isticmaalayo magaca Somalia, laakiinse wuxuu dhex galinayaa bilo rogan (“Somalia”), taas oo micneheedu yahay “waxa lagu sheego Soomaaliya” ama so-called Somalia. Halkan waxaa la yaab leh, waxaa jira dad Soomaaliyeed oo ajnabiga uga xag-jirsan qodobkan ah qiima-tirka magaca “Soomaaliya” iyo weliba diidmada magaca guud ee “Soomaali”. Dad badan oo bilowgii hore u badnaa dhanka Somaliland, haddase cid walba yeeshay ayaad idaacadaha maalin kasta ka maqlaysaa iyagoo leh “wixii la odhan jirey Soomaaliya” ama, tan ka sii daran “dadka af Soomaaliga ku hadla”, iyagoo afka ka dhawraya inay ku tiraabaan “umadda Soomaaliyeed” ama xitaa “Soomaalida”. Heerkaas ayaa durba la gaarsiiyey! Soddon iyo afartan sano ka dib maxaad filaysaa!

B) Jees-jeeskii Kipkorir iyo “madaxda Soomaaliya” ee u marag-furtay:

“For Kenya and Ethiopia, having the Somali legislature to endorse the annexation will be cakewalk. At any given time, most, if not all, Somali legislators are in Nairobi. We will have them convene in one of our hotels and to pass the appropriate statutes dividing their country”.

Saddex sano ka hor ayay ahayd markii uu Kipkorir sidaa qaawan Soomaalida ugu jeesjeesay, madaxdeedana u bahdilay. Dadka Soomaaliyeed berigaas way ka damqadeen. Qaar badan ayaa Kipkorir si kulul ugu jawaabeey, sidaan hore u sheegay.

Waxay is lahaayeen waxa uu ku hadlayaa waa af-la-gaaddo aan dhab noqon karin. Nasiib-darro, manta ah, “meel-ku-gaarka” aad maqlaysaan meesha loogu tala galay in “lagu gaaro”, ma aha (sida dadka loo sheego) dhisme dowlad dhab ah oo dastuuri ah oo ay yeelato Soomaaliya. Meesha dhabta ah ee la doonayo in lagu “gaadho” waa waqtiga si rasmi ah loogu tallaabsan doono go’aanka kama-d ayaan indhahayaga ku aragnaa wixii ninkaasi saddex sano ka hor shaagay oo hortayada ka dhacaya: madaxdii ugu sarreysey Dowladda KMG oo si is daba-joog ah inta marba lagu amro inay iska soo xaadiriyaan Nairobi ama A ddis Ababa lagaga saxiixanayo in lala wareego dalkii ay masuulka ka ahaayeen!! Kolkaa, yaa maanta eray ku celin kara Mr. Kipkorir? Waa wax laga xanuunsado, la-yaabse ma leh.Nimanka Muqdishu midba mar looga yeeranayo cidda saxiixa ku amraysaa waa ciddii markoodii horeba meesha dhigatay, tanina waa ujeeddadii loo dhigtay ee daraaddeed looga takhallusay masuuliintii lagu tuhmay inay ka dhega adaygi karaan waxa kuwani saxiixayaan. Asalkaba waxaan lagu magacaabo TFG ama Dowladda ku- meel-gaarka Soomaalida: xilligaas ayaa loo baahan doonaa cid shaabbad la aqoonsanyahay haysata oo magaca Soomaaliya looga saxiixdo go’aanka lagu aasayo qaranimada Soomaalida. Inta taa ka horraysana waxaa laga leeyahay laba ujeeddo oo kale: kow, in Soomaalida lagu sii maaweeliyo; laba, dhulka Soomaaliyeed iyo khayraadkiisa la kala boobayo in in-yar-in-yar hoos-hoos iyo kor-korba looga saxiixdo, berritona saxiixaas lala soo baxo. Waa intaas uun muraadka laga leeyahay DKMG.

Waa sababta muddada dheer loogu hayo xaalad aan nolol iyo geeri midna ahayn. Waa sababta loo leeyahay waa la citiraafsanyaha aqoonsanyahay, haddana hoosta looga curyaaminayo. Waa sababta loo siinayo san-dareerto nafta ku sii haysa loona oggolayn taakulayn iyo gergaar run ah oo ay ku yeelato awood dowlad dhab ah oo dalka hanata. Maalinta laga saxiixdo warqadda ugu dambaysa ayaa sandareertada laga goosan doonaa si ay u qudhbaxdo, sidii qof sakaraad ah oo laga goostay faleebbihii ama lifemachine-kii nafta ku hayey. Maalintaasi aad ayay u soo dhawaatey! Sidaa awgeed, madaxda DKMG waxaan leenahay, kolley waad dhimanaysaane, ma sii joogi doontaane iska ilaaliya inaad ku dhimataan sharaf-darro iyo khiyaano qaran oo inta noloshiinna ka hadhay idinku noqota cambaar aan go’in! Ku dhaqma murtida Soomaaliyeed: “haddaad dhimanayso  dhareerka waa la iska duwaa.”

C) Hoosaasinta UN: Dr. Michael Weinstein dabayaaqada warbixintiisa wuxuu qorayaa falanqayn ka marag-kacaysa hadalka kor ku sheeggan.
Wuxuu leeyahay: “ As it looks ever less probable that the U.N.-managed “transition” of Somalia to a permanent constitutional state will succeed, the alternative remains partition, balkanization,cantonization. Kenya’s operation in Somalia might have been the beginning of thepartition process had it not been for Nairobi’s political incompetence”.

Khabiirku wuxuu qeexayaa, anna aan la qabaa, waxa lagu magacaabo “transition” ama kala-guur, ama u-gudbid dhisme dowlad joogtaysan oo xeer ku dhisan, inay tahay wax ayan ka dhabayn doonin haya’dda Qarammada Midoobey ee arrinta maamulaysa. Marka taasi fashal ku dhammaato, muddo sannad ka yar dhexdeed, waxa lagu beddeli doono ayuu Weinstein tilmaamayaa inay noqon doonaan in si rasmi ah loogu tallaabsan
doono go’aankii qaybsiga dhulka “partition”, “balkanization”, “cantonisation”. Way iska caddahay inay taas gogol-xaadh u tahay tallaabadan cusub ee la-yaabka leh, gulufkan military ee huwanta ah iyo ansixinta magaca IGAD iyo AU lagu sharciyeeyey inay dhulka Soomaaliya qabsadaan ciidammada Keenya iyo Itoobia – waa kan khabiirku ku tilmaamaya hawlgalka Keenya “the beginning of the partition process “ (bilowgii geeddisocodka qaybsiga dhulka). Wuxuu raacinayaa sida keliya ee uu hawlgalkani sidaa ku noqon waayi karaa inay noqon karto uun karti-darro siyaasadeed oo ka timaadda xagga Keenya. (Xilliga warbixintan la qorayey wuxuu ahaa waqti aan weli la shaacin soo galitaanka Itoobiya).

Halkan waxaa muhiim ah inay dadka Soomaaliyeed iyo dadyowga Keenya iyo Itoobiya intuba fahmaan tallaabadani inay tahay mid liddi ku ah, Soomaalida keliya ma ahee,
xitaa danaha dhabta ah ee dadka Keenya iyo Itoobiya. Waxay u soo jiidaysa dhibaato hor leh. Waxay ka jeedinaysaa kana curyaaminaysaa wax badan oo tan uga muhiimsan oo uu ka mid yahay geeddi-socdkii bilwga ahaa ee dimoqraaddiyaynta bulshada Keenya. Dadyowgan walaalaha ah ee ku wada nool gayigan Geeska Afrika midkoodna dan uma aha in lagu mashquuliyo colaad joogta ah oo marba kii wax isbidaa kan kale u xoog sheegto. Dantooda dhabta ah waxay ku jirtaa nabad iyo iskaashi walaalnimo oo u dhigma kan ay yeesheen dalalka Yurub, ka dib markay ka koreen qarniyo badan oo ay is dili jireen. Cidda isku kaaya dilaysa, tallaabadan cusubna ka dambaysaa waa quwadaha waaweyn ee gumeysi-doonka ah, kuwaas oo dagaalkan cusub u adeegsanaya danohooda gaarka ah.

D) La-dagaallanka Ashabaab: xaq baaddil loogu gabbanayo: arrin kale oo soo raacaysa arrimaha kore, duullaanka cusub ee Keenya iyo Itoobiya marmarsiinyaha loogu soo gabbaday wuxuu ahaa “waxaan la dagaallamaynaa Ashabaab oo halis ku ah amniga labadan dal”. Keenya taas waxaa u dheer dadka gobollada koofure oo la isku dayayo in lagu sasabo ama lagu seexiyo “aammusa dhulkiina ayaa la idiin barwaaqayn doonaaye!” Waa muran-ma-doonto inuu dal kastaa xaq u leeyahay difaaca amnigiisa. Muran-ma-doonto kalena waa Ashabaab inay yihiin aafo dhibaato culus ku haysa guud ahaan Geeska Afrika gaar ahaanna Soomaaliya. Dadka Soomaaliyeed oo ay soo kartay dhibaatada shar-wadeenkan, way jeclaan lahaayeen inay mar uun arkaan Ashabaab oo laga xoreeyey dhulka ay xoogga ku haystaan. Haseyeeshee run ma tahay ujeeddada gulufkani inay tahay in dadka Soomaaliyeed laga xoreeyo Ashabaab? Miyay run ahaan doonayaa in Ashabaab laga takhalluso? Jawaabtu waa maya, ma doonayaan iyaga iyo xulufadooduba, sababtuna aad ayay u fududdahay.

Xarakada Ashabaab waxay qayb ka tahay qorshe-weynaha kor ku tilmaaman ee qarantirka Soomaalida iyo dulleynta dadka Soomaaliyeed. Waxay kaga jirtaa dhinacyo aad muhiim u ah oo ay cid kastoo kale kaga firfircoon yihiin, ugana fara dhuudhuuban yihiin, maadaama ay Soomaalida ku qaldi karaan oo ku beerlaxawsan karaan caaddifadda diinta iyo tan qabiilka. Ashabaab waxaa loogu talagalay, oo Carab nacab ah iyo cafaariiddan kaleba u soo direen, inay fuliyaan shan hawlgal oo isku-dhaf ah (five combined missions), kuwaas oo si toos ah ugu wada adeegaya qorshe-weynaha qarantirka iyo dulleynta Soomaalida, iyo laba ujeeddo oo iyana si dadban ugu adeegaya isla qorshahaas. Shanta tooska ah:

1. Is-hortaagga nabad iyo dowladnimo ka xasisha Soomaaliya;
2. Xididda-siibka astaanta qaranimo (calanka laga bilaabo) iyo haybta ummadnimo (national identity), sida afka, dhaqanka, taariikhda, dhaxalka ummadda iwm;
3. Sumaynta maskaxda da’da soo koraysa iyo ka-habaabinta inay yeehsaan wacyi qaranimo;
4. Dilka iyo dabargoynta intii dalka ku harsanayd waxgarad iyo aqoonley xilkas ah;
5. Fool-xumaynta magaca Soomaalida iyo nebcaysiinta ummadaha kale – cadowbadin.

Qodobkan u dambeeya waxaa Ashabaab la wadaaga ama la fuliya burcad-badeedda oo qudhooda hoos ahaan loo dhiirri-galiyo.

Labadan qolaba waxaa hoos ahaan loogu kobciyaa si looga dhigto sabab loogu soo gabbado qabsashada dhulka Soomaalida, bad iyo berriba.

Maxay ku dhacday in Ashabaab dagaalkan huwanta shisheeye lagu soo qaado xilli ay wiiqmeen ee sii dhimanayeen, waqti ciiddu soo tuftay, dadka Soomaaliyeed karheen, carruurtoodii kala bexeen, meel cidla’ ah dhigeen, ay ku dhex noolaan kari waayeen, wixii ajnabi ahaa lafohooda la baxsadeen, dhexdooda iska horyimaadeen oo kala daateen, ay muuqatey inaan waqti u harsanayn? Iyagoo sidaa u sii burburaya ayaa waxaa soo nooleeyey weerarkii ajnabigu ku soo qaaday. Markaas ayay heleen taageero iyo gurmad xooog leh oo hub, dhaqaale iyo ciidan shisheeye intaba leh, waana sidii la filayey ee lagu talagalay. Dowladahan ajnabigu hadday daacad ka ahaan lahaayeen la-dagaallanka Ashabaab waxay u soo mari lahaayeen waddadii saxdea ahayd ee la wada fahmi karey, taas oo ah in la awoodeeyo ciidanka Dowladda Soomaaliyeed. Wixii ka harsanaa ciidammada Ashabaab waxaa muddo gaaban dalka uga nadiifin karey ciidammada DGMG oo kaashanaya kuwii AMISON ee hore u joogey.

Hayeeshee arrintu waa “oohin orgiga ka weyn”! Waxa loo socdaa ma aha Ashabaab, balse waa bilowgii fulinta qorshe-weynaha qaybsiga dhulka Soomaalida, sidii uu qeexay Dr. Weinstein, horena ay daaha uga rogtey saxaafadda Keenya. Ashabaab iyo DKMG labadaba waa la sii hayn doonaa inta la diyaarinayo laba dhinac oo cusub oo lagu wareejiyo qoriga dabka dagaalka Sokeeye. Waa taas xaqiiqdu.

Maxay ku Dambayn doontaa Durriyadda Soomaalidu?

Haddaba su’aasha weyn ee na hor imanaysa, muxuu ku dambayn doonaa aayatiinka dambe ee dadka maanta loo yaqaan “Soomaali”? Dhawr su’aalood oo soo raaci kara:
Ka sokow inta kor ku qeexan, maxaa kale oo caddaynaya inuu dhab ahaan jiro qorsheweynahan “grand strategy” lagu talagay in la burburiyo qaranimada Soomaalida, dhulkayagana lala wareego? Waa maxay sababaha keenay in Soomaalida si gaar ah loola beegsado shirqoolkan cadowtinimo? Waxa ku dhacay Soomaalida iyo waxa ka daran ee ku soo socda Yaa ka masuul ah, ma Soomaali baa ka masuul ah, mise quwado shisheeye oo ka awood weyn, mise labadaba? Hadday jawaabtu tahay labadaba, waa maxay qaybta mid waliba ku leeyahay? Waa maxay cilladaha Soomaalidu leedahay iyo qaladaadka ay gashay ee sababay ama sahlay burburkan aan cid kale ku dhicin? Daba-qabad ma leeyihiin? Dawo ma yeelan karaan? Ma jiraan wax la qaban karo si loo badbaadiyo wixii weli harsan?

Su’aalahaas jawaabtooda waxaan ku falanqayn doonnaa qormada labaad ee gunaanadka ah.

La soco.

M. D. Afrax
Email: Inadaahir2004@hotmail.com

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno