Home » Qoraalada Dr. Saadiq Enow, Qormooyinka, Wararka » WAA-WAREYDA WADNAHA. W/Q: Dr. Saadiq Enow.

WAA-WAREYDA WADNAHA. W/Q: Dr. Saadiq Enow.

Wadnahu waa xubin hilib ka sameysan (Myogenic Organ) oo aynu ku wadano laabta dhankeeda bidix. Wuxuu kamid yahay xubnaha saldhigga u ah nolosha jirka. Muddo qarniyo badan ah ayuu aadmigu si gaar ah ugu howlanaa kororsiga ogaallada ku hareereysan xubintan. Wixii ka horeeyey qarnigii 20-aad, tallaabooyinka uu aadamigu u qaaday dhanka garashada asraarta wadnaha, waxay ahayd mid kooban. Aqoonta Cardio-Anatomy iyo Cardio-Physiology ayaa lagu soo ururshey ogaallada laga dhaxlay tijaabooyinkii lagu daba-galay wadnaha ee waayahaas. Waxaa weheliyay in xog badan laga ogaaday qaabka uu wax-qabadkiisu isu beddelo marka ay xanuunada kala duwan ku dhacaan. Sidaa darteed, wadnuhu ma dhaafsiisneyn in uu u muuqdey saddex dabaqadood oo hilib is dul-saaran ah (pre-cardiummyo-cardium, iyo endo-cardium). Waxaa kaloo wadnuhu uu leeyahay afar qowladood (four chambers) oo gudaha ka dhisan, kuwaas oo laba dabaq ah. Waxaa weheliya albaabo (valves) u dhexeeya dabaqa sare iyo dabaqa hoose. Waxaa fura oo xira qul-qulka dhiigga isaga-gudbaya labada dabaq.

Howsha mikaanikada ah ee wadnuhu uu qabto waa is-garaaca murqihiisa, taas oo uu ku hago dhiig-riixa iyo socodaalka dhiigga jirka ku wareega. Wadnuhu wuxuu bilaabaa in uu is-garaaco, goor ilmaha ku abuurmay caloosha hooyada ay jiraan 22 maalmood oo qura. Tan iyo inta uu qofku nool-yahay garaaca waa wadayaa, isaga oo aanan marna hakad geleyn. Qiyaas ahaan maalintii waxay murqihiisa is-garaacaan 115,000 oo jeer, sanadkiina 42 melyan oo jeer. Saddex belyan oo jeer ayuu is-garaacaa wadnaha qofka soddon jirka ah. Garaacaas waxaa ku dhiig-riixma 12 litir oo dhiig ah maalintii, 30-kii sano waxaa ku baxa 300 melyan oo litir oo dhiig ah. Awoodda riixeysa dhiiga intaas le’eg waxaa lagu qiyaasay in ay qaadi karto culeys tobaneeye tan oo ay gaarsiin karto meel sare oo dhulka u jirta 16 km. Sidaas ayuu wadnuhu wuxuu ku noqday matoor xagga Eebe (kor ahaaye) looga hibeeyey awood iyo karti. Waa makiinad shaqeysa ee dunida laga helo midda ugu hagaagsan, uguna shaqa badan. Shaqadiisa waxay gaartaa illaa 100 sano oo aanan hakad lahayn. Waxaa intaas weheliya oo wadnaha loo aqoonsan yahay in uu xarun u yahay mashaacirta qofka ee kala duwan, taas oo ay ugu wayn yihiin jacaylka iyo geesinimada.

Bilowgii qarnigii 20-aad, waxaa hor u-mar laga gaarey daaweynta xanuunada ku dhaca wadnaha. Gaar ahaan kuwa la xiriira qalliinka wadnaha Cardic Segury. Nuskii danbe ee qarnigaas waxaa la heley aragtida ah in xubnaha aadamiga leysku tallaalo (Organ Transplantation). Wadnuhu wuxuu kamid noqdey xubnahaas nasiibka u heley in isku-tallaalkooda ay ka qeyb-qaataan badbaadada aadamiga. Qalliinka  wadnaha la beddelo, kiisii ugu horeeyey waxaa lagu guuleystay markay taariikhdu ahayd 3/ 12- 1967-kii. Qalliinkaas ayaa wuxuu ka dhacay isbitaalka Groote Schuur Hospital ee ku yaal magaalo-madaxda dalka Koonfur Afrika (Cape Town). Wadne uu lahaa wiil daa’diisu tahay 24 sano jir oo shil baabuur ku dhintay, ayaa waxaa lagu rakibay nin la yiraahdo Louis Washkansky, kaas oo xilligaas ahaa 54 sano jir. (Heart Transplant Keeps Man Alive in South Africa”. The New York Times: p. Front Page. 1967-12-04)

Louis Washkansky, inkasta oo 18 maalmood oo keliya uu noolaa, misana howshii uu oggolaadey in tijaabadeeda koowaad uu qaato waxay noqotay mid badbaadisay nolosha dad badan. Waxaa bilaabatay in takhaatiirtu ay xiiso u qaadaan tijaabooyinka qalliinka caynkan ah. Muddo gaaban ayay qaadatay in si wanaagsan loogu guuleysto beddelka xubinta wadnaha. Dadaalkii lagu tallaabsaday ayaa wuxuu dhaliyay in la helo faham cusub, kaas oo aqoon camali ah u kordhiyay aadamiga. Dadkii badnaa ee wadnaha loo beddeley iyo hor u-mar laga gaaray garashada ayniga unugyada wadnaha ayaa waxaa laga heley aragti ka yaabisay oo ay la amakaageen takhaatiirtii ku howlaneed arimahan. Aragtidaas ayaa waxay ahayd in wadnuhu uu yahay agab keydiya xogta iyo wararka, dabadeedna ay ka yimaadaan fikrado ku saleysan xogahaas ku keydsan.

Takhaatiirtii ugu horeysey oo dareemey arintan waxay ahaayeen kuwo u kuur-galay is-beddelka ku dhaca qofkan ku caafimaaday wadnaha uusan lahayn. Amakaagu maahayn mid ku eg takhaatiirta, bal kuwii wadnaha loo beddeley qudhoodu waxaa la yaab ku noqdey arimo ku soo korodhay noloshooda, kadib markii ay rahmadeen wadne ayan ku dhalan. Qof walba oo kamid ah  wuxuu noqdey mid u muuqda qof laba dhaqan leh. Haweeneyda la yiraahdo Sylvia Claire Berman waxay ahayd qofkii ugu horeeyey oo mar qura lagu rakibo wadne iyo kelyo ay dad kale leeyihiin. 29/ 5- 1988-kii ayaa xubnaha loo beddeley. Wadnaha loo rahmay waxaa lahaa wiil 18 jir ah, kaas oo ku dhintay shil. Iyadu markii wadnaha loo beddeley, waxay dareentay in uu is-beddel ku yimid nolosheedii. Gaar ahaan xaggii mawaaqifta, dhaqanka iyo dhadhanka raashinka. Sida ay sheegtey waxay isugu muuqatay in ay qof lab ah tahay in-kabadan inta ay isugu muuqato qof dheddig ah.

“ Garaacii wadnaha cusub ee aan maqlay waxay igu ahayd arin la yaab leh. Socdaal dheer oo bilow ah ayaan markaas galay. Laba cisho dabadeed markii lagu guuleystay qalliinka, waxaa ii yimid war-fidiyeeno. Waxay i weydiiyeen, arintan mucjisada ah dabadeed maxaa kale oo nolosha aan dalbanayaaa. Waxaan ugu jawaabay: Waxaan aad ugu gubanayaa baahi aan u qabo inaan helo koob khamri ah. Ma aanan ahayn qof khamriga cabi jiray. Dhaawac ayay ii geysatay jawaabteydaas deg-degta ah. Taasi waxay ahayd dhacdadii ugu horeysey ee aan la kulmay. Si tartiib ah ayay arimuhu isu beddeleen illaa aan ku qancay inaan ahay qof uu qof kale ku guda jiro. Wixii ugu horeeyey ee dhaca waxay ahayd inaan kala jecleysto raashinka. Ma aanan ahayn qof jeclaa bocorta cagaaran Laakiin hadda aad ayaan u doonayaa in ay ku jirto raashinka aan qaadanayo. Markii ugu horeysey oo ay ii ogolaadeen inaan hilib cuno, waxaan is arkay aniga oo jooga meel digaagga karkarsan lagu iibsho. Waa arin aanan horey u sameyn jirin. Waxaa kaloo aan arkay qoraalkeyga in uu ka socdo bidix oo uu u socdo midig, halkii uu markii hore uu ka socdey midig oo uu u socdey bidix “.(http://www.youtube.com/watch?v=aOsSs1PjMBg).

Sida caadadu tahay, qofka rahmada xubinta wadnaha, looma sheego qofkii hore ee lahaa xubinta uu qaatay. Sylvia Claire Berman, waxaa keliya oo ay xan ku heshay in wadnaha ay qaadatay uu lahaa nin ku dhintay shil mooto. Dhowr bilood dabadeed markii ay isbitaalka ka baxday, habeen ayay ku riyootay iyada oo la joogta nin dhalinyaro ah, kaas oo magaciisu ahaa Dim Lamirand. Waxay la soo kacday dareen ah in ninkaasi uu ahaa ninka hibada u lahaa wadnaha ay rahmatay. Sylvia Claire waxay markiiba la xiriirtey qolyihii wadnaha siiyay, iyada oo raadineysa magaca uu lahaa ninka leh  wadnaha ay wadato. Waxaa loo sheegey in magaciisu ahaa Dim Lamirand. Waxaa kaloo ay raadisay eheladii ninkaas. Markayka wareysatay muuqaalkii uu lahaa, wuxuu noqday mid la muuqaal ah ninkii ay ku riyootay.

Ninka la yiraahdo Jim Clark ayaa isna kamid ah dadka wadnaha rahmaday. Isaga oo ka waramaya taariikh-nololeedkiisii ayuu wuxuu sheegey, isaga oo 15 jir ah in uu ka tegey waxbarashadii. Wuxuu shaqo ka bilaabay god dhuxusha laga qodo. Dabadeed wuxuu noqdey darawel baabuurta waawayn kaxeeya. Isagu ma uusan helin waxbarasho wanaagsan. Sidaa darteed isagu ma noqon nin xiiso u haya akhriska iyo dhigaalka. Laakiin markii la qalay lix bilood dabadeed, subax ayuu inta qalin iyo waraaq qaatay wuxuu u fariistey in uu wax qoro. Saddex gabey ayuu fadhigii ugu horeeyey ku qorey.

 Waan qorey oo qorey oo qorey, wax kale ma aanan dooneyn. Sida aad og tihiin, anigu ma garan meesha ay iiga timid arintan. Nolosheyda howl ceynkan oo kale ah ma aanan qaban “.(http://www.youtube.com/watch?v=aOsSs1PjMBg).

Xaaskiisii oo ka warbixineysa waxay tiri:

“ Intaanan wadnaha loo beddelin ma uusan lahayn wax hal abuur ah, isla-markaas hadallada caadifadda ma uusan xiiseyn jirin “.

(http://www.youtube.com/watch?v=aOsSs1PjMBg).

Takhaatiirtii qalliinka wadnaha, arimaha ay la yaabeen waxaa kamid ah, qof markiisii hore rabshadaha nebcaa, markii wadnaha loo beddeley isagii ayaa rabshoole noqdey. Qof dhaqdhaqaaq yaraa, markii wadnaha loo beddeley wuxuu jecleystay in uu buuraha fuulo oo badaha hirarka waawayn leh uu ku dabaasho. Waxaa la wariyaa qof loo geliyay wadne qof la dilay. Markaas ayuu biliiskii gacan ka siiyay sidii loo heli lahaa kii wax dilay. Arimaha caynkaas ah waxay soo af-jareen in takhaatiirtu ay wadnaha u arkaan cad hilib ah oo shaqadeedu tahay dhiig-xooris keliya. Waxaa halkaas ka bilaabatay tijaabooyin hor leh iyo dadaal leysku howlayo in la ogaado asraarta ku qarsoon xubinta wadnaha. Tijaabooyinka la qaaday waxaa kamid ah, dad ayaa shucuurtooda waxaa la gaarsiiyay xaalado kala duwan. Tusaale-dhig, xaalado wanaagsan oo kala duwan iyo xaalado xumaan ah oo kala duwan, jaceyl iyo nacayb, wal-wal iyo xasillooni, xaalad nabad iyo xaalad cabsi. Xaalad walba waxaa lagu xiriirshay agabka ah (Ultrasound). Dabadeed mowjadaha dhigaalka shaashadda waxaa laga akhriyay isbeddelka ku dhacaya maskaxdooda iyo midka ku dhacaya wadnahooda.

Xaaladahaas kala duwan waxay sababeen in dhigaalka laga akhristo is-beddelka wadnaha ku imanaya in uu yahay mid kana wayn kana hor-dhacaya is-beddelka ku dhacaya maskaxda. Waxaa arintaas loo daliishaday in maskaxdu ayan keli ku ahayn keydinta iyo tafsiirka ogaallada keydka ku ah jirkeena. Bal in wadnuhu uu yahay xubin la wadaagta maskaxad ogaallada, weliba ka keyd wayn. Waxaa kaloo tijaabadan laga fahmay, ogaallada jirka gaaraya in ay ku hor-marayaan wadnaha intayan gaarin maskaxda. Isla-markaas wadnuhu uu jawaab ka bixinayo, ka-hor inteyan maskaxdu jawaabin. U kuur-galka xoogga wayn ee falaadkii culimada iyo ugaarsashada asraarta wadnaha, waxaa kaloo lagu ogaaday, unugyada dareen-sidayaasha ah ee wadnaha ku yaal in ay ka awood badan yihiin kuwa dhiggooda ah ee maskaxda ku yaal. Unugyada dareenka ee wadnaha iyo kuwa maskaxda si joogto ah ayay ogaallada isu dhaafsadaan. Fahamka xiriirka ka dhexeeya tamarta wadnaha iyo midda maskaxda ayaa waxay noqotay arin xoojisa aragtidan. Isla-markaas fahamkan ayaa waxaa ka dhashay su’aasha ah, ma jirtaa xubin jirkeena ah oo aanan maskaxda ahayn, taas oo fulisa fekerka iyo go’aamadiisa ?.

Dr. J. Andrew Armour, waa takhtar aqoontiisu tahay neurocardiolog, sanadkii 2008 wuxuu soo bandhigay aragti uu ku magacaabay Functional Heart Brain (maskaxdii wadnaha ee shaqeeneysey). Ninkan ayaa baaritaan badan oo uu sameeyey wuxuu natiijadiisii ku sheegey in wadnuhu uu leeyahay unugyo dareen-sidayaal ah, kuwaas oo leh tayo wanaagsan, isla-markaana si qallafsan u shaqeeya. Sidaa darteed unugyadaas waxaa lagu magacaabi karaa in ay yihiin maskax gibin ah. Isaga oo arintaas ka hadlaya wuxuu sheegey:

“ Maskaxda wadnaha waa shabakad qallafsan oo ka kooban ayniyo badan oo ah unugyada dareenka (neurons), agabka dareen-gudbiyaha (neuro-transmitters), brootiino iyo unugyada kaalmada oo lamid ah kuwa agabka maskaxda.” (http://madurasinghe.blogspot.com/2008/06/neurocardiology-brain-in-heart.html).

Isaga oo sharax ka bixinaya unugyada dareenka ee wadnaha, Dr. J.A. Armour wuxuu qorey:

“ Hannaanka dareenka ee wadnaha wuxuu ka kooban yahay 40.000 oo unug, kuwaas oo lagu magacaabo (sensory neurites). Iyagu waxay caddeeyaan hormooniska dhiigga la socda, kiimikada dareenka dhalisa, xasaasiyadda wadnaha iyo qiimeynta cadaadiska dhiig-wareegga ” .(http://madurasinghe.blogspot.com/2008/06/neurocardiology-brain-in-heart.html).

Isla-qoraalkaas ayuu Dr. J.A. Armour wuxuu ku caddeeyey in wadnuhu uu leeyahay hannaan dareen-side ah oo u gaar ah, kaas oo ka madax-bannaan hannaanka dhexe ee dareenka (Central Nerve System). Si madax-bannaan ayuu ogaallada una qaabilaa, una keydiyaa. Sidaa darteed, wadnaha la rahmado waxaa ku keydsan ogaallo uu ka sido qofkii hore ee xubintan hibada u lahaa. Ogaalladaas ayuu qeyb uga gudbiyaa qofkan cusub oo wadnaha soo rahmaday.

Haddaanu dib ugu laabano kitaabka quraanka ah, waxaanu ka heleynaa xog culus oo goor hore leynaga siiyay wadnaha. 122 jeer ayaa quraanka lagu sheegey ereyga wadnaha, si aadamiga loo dareensiiyo ahmiyadda ay xubintaasi leedahay. Xusidda lagu sheegay quraanka, waxaa wadnaha u weheliya in isla-markaas loo adeegsaday macnayaal dhowr ah oo kala duwan. Tusaale-dhig, mar waxaa loo adeegsanayaa in uu yahay cadka xabadka inoogu jira, suuradda Al-Xaj aayadda 46-aad marna waxaa loo adeegsaday in uu yahay caqliga, suuradda Al-Kahaf aayadda 57-aad  Marna waxaa loo adeegsanayaa ruuxda, suuradda Al-Axsaab aayadda 10-aad marna waxaa loo adeegsaday ra’yiga, suuradda Al-Xashar aayadda 14-aad.

Aayadahaas iyo kuwo kale waxay inoo tilmaamayaan in wadnuhu qabto shaqooyin ka duwan midda lagu og-yahay ee dhiig-wareegga ah. Sidaas si lamid ah waxaa sheegaya tijaabooyinka aqooneed ee wadnaha lagu sameeyey. Marka la eego awoodda magneetikada (magnetic field) ee ku hareereysan wadnaha, waxay tahay mid ka xoog wayn 5.000 oo jeer middeeda ku hareereysan xubinta maskaxda. Ogaallada uu wadnaha u gudbinayo maskaxda, 200 oo jeer waxay ka badan yihiin ogaallada uu wadnuhu ka qaadanayo maskaxda. Waxaa halkaas laga dheehanayaa, maadaama wadnuhu uu ka awood badan yahay maskaxda, in uu isagu yahay midka hadlaya ee amarka bixinaya ee la dhegeysanayo. Aragtidaasna waxay hor-joogsaneysaa malihii ahaa in maskaxdu ay tahay xubinta keliya ee hagta jirka intiisa kale.

Takhtarka la yiraahdo Paul Ka’ikena Pearsall 6/ 4- 1999 wuxuu soo saaray buug uu ku magacaabay Lambarada sirta ah ee wadnaha (The Heart’s Cord). Isagu wuxuu macalin ka yahay jaamacada Manoa ee ku taal meel ka baxsan magaalo-madaxda jasiiradda Hawaii (Hanolulu). Waa takhtar takhasusukiisu yahay Clinical Neuro-Psychology. Wuxuu buugiisaas ku qoray:

“ Marka leysku dhafo xikmadihii laga dhaxlay dadkii inaga horeeyey, garashada aqoonta caafimaadka, raad-raaca garashada, iyo khibradaha qofeed, waxaanu ka heleynaa in maskaxdu ayan ahayn, bal uu wadnuhu yahay xubinta ay ku keydsan tahay siraha la xiriira jirka, caqliga iyo nafta dadka “. (The Heart’s Cord. Paul Ka’ikena Pearsall 6/ 4- 1999. Hawaii – USA).

Xogahaas keydka ah oo xumaan iyo samaan leh, ayaa aadamigu uu marba khaanad furtaa. Xogtaas ayaa hadba midda uu furto ayay xubnaha intooda kale ku shaqeeyaan. Taasina waxay waafaqsan tahay ereygii aqoonta ku dhisnaa ee uu inooga tegey adeegihii suubanaa (nabadgelyo iyo shacni dushiisa ha ahaatee). Xadiiskaas oo Bukhaari iyo Muslim ay wariyeen ayaa wuxuu leeyahay:

“ Hooyaay, jirka xubin ayaa ku jirta, taas oo haddii ay hagaagto uu jirku hagaagayo, haddii ay xumaatona uu jirku xumaanayo. War-hooy xubintaasi waa wadnaha “.

http://www.youtube.com/watch?v=aOsSs1PjMBg

Adoo huba wax kuu daran haddii aad ka hari waydo

Garashada waxad kala hal noqon hawtul-hamaggiiye

Isagaa horuu gala dabkoo aan hareer marine

Hal ku seega waa la arki jiray habow se waa liide

Haddaan la hinjin waligeedba talo way hawirantaaye

Soomaaliyeey  wixi  horiyo  haatan  iyo  eegga

Hiddihiyo intaan dhaqanka iyo haybtayada guurin

Ciiddeena hodonkaa intaan nacabku hayl-haylin

Oo  haayir  noo  yimid arlada naga hadhiiraysan

Hubka dhiga dagaalkana hojiya haayinta colaadda

Haaraanka gacal waw xunyee ciil-qabka hilmaama

Isu  soo  hilooboo  midnimo saaka  ku  heshiiya

Hamba-qabasho mooyee markaa haayid kale daaye

Intaad Eebbahiin hiishataan dawladnimo haybsha

Waxaad heli baheenkaa midaad ku haqab-beeshaane

Haddii kale huq iyo ciil ku jira talo ma haysaane  (Cabdulqaadir Cabdi – Shube)

Qore: Dr. Saadiq Enow

saadiq.enow@gmail.com

 

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno