Home » Qoraalada Dr. Saadiq Enow, Qormooyinka, Wararka » SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii (Casharkii XX-aad)

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii (Casharkii XX-aad)

Weerarkii uu Jarmalku ku qabsaday Poland wuxuu ku magacaabay Ololihii
Sebtember (September Campaign). Waxaa ka qeyb-qaatay ciidan tiradiisu
dhan yahay 1,500,000 oo ay weheliyaan 2,750 oo taangi iyo 2,315 oo
dayuuradood. Markii uu weerarkaas bilowdey, qiyaastii laba toddobaad
kadib (17/ 9- 1939-kii), waxaa dhanka bari ka soo weeraray dalka
Poland ciidankii casaa (The Red Army) ee Midowga Soofyeeti, kuwaas oo
dowladdoodu ay horey Jarmalka ula dhigatey heshiis ay ku qeybsadeen
dalka Poland. Ciidan tiradiisu dhan yahay 500,000 ayaa dagaalka soo
galay dhanka bari. Waxaa weheliyay 4,736 oo taangi iyo 3,300 oo
dayuuradood. Inkasta oo ciidamadii Poland ay dagaalameen, misana tabar
ay ku hor-joogsadaan ma ayan lahayn gulufkan xoogga wayn ee bari iyo
galbeed uga yimid. Dad-waynihii reer Poland waxay markaas bilaabeen
dagaal-jabhadeed, iyaga oo isla-markaas dhistey dowlad qarsoon.
Hoggaankoodii wuxuu fariistey magaalada London.

Maalinta uu Jarmalku galay Poland, hoggaamiyihii Talyaaniga Benito
Mussolini, wuxuu ku baaqay, afar cisho dabadeed (5/ 9- 1939) in
leysugu yimaado wada-hadal nabadeed si qaaradda Yurub looga badbaadiyo
dagaal-wayne ka dhaca. Laakiin Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa ka daba
hadlay oo Jarmalka siiyey digniin kama danbeys ah. Waxay u qabteen
wakhti gaaban oo ku eg 3/ 9- 1939-ka (markay saacaddu tahay 11:15
barqanimo) in uu kaga baxo dalka Poland. Markii uu wakhtigii dhacay,
labadaas dowladood waxay ku baaqeen dagaal ka dhan ah Jarmalka.
Labadan dal, inkasta oo ay arkayeen in ayan Jarmalka is-hureynin,
misana markaas waxay tix-gelinayeen heshiis ay horey  ula dhigteen
dowladda Poland oo la xiriira, haddii midkood la soo weeraro in ay
colaadda isga hiiliyaan. Heshiika Faransiiska iyo Poland
(Franco-Polish Alliance) wuxuu dhacay 19/ 5- 1939-kii. Midka
Ingiriiska iyo Poland (Polish-British Commom Defence Pact) ayaa isna
wuxuu dhacay 25/ 8- 1939-kii.

Dalka Poland ma ayan laheyn awood ay kaga hor-tagaan xoogagga soo
weeraray. Haddii ay is-dhiibaanna waxay ka cabsi qabeen in dalkooda la
xalaaleysto oo sidii Austria oo kale, Faransiiska iyo Ingiriiska ay
kula heshiiyaan Jarmalka. Sidaa darteed xooggii yaraa oo ay lahaayeen
ayay ku mitideen in ay ku difaacdaan dalkooda. Ciidankii weerarka
ahaa, muddo dhowr toddobaad ah ayay ku wiiqeen xooggii ciidanka
Poland. 27/ 9- 1939-kii, ciidankii Jarmalka waxay qabsadeen degmada
Warsaw oo ah magaalo-madaxdii Poland. Laba cisho dabadeed (29/ 9-
1939) Soofyeetiga iyo Jarmalka waxay ku heshiiyeen xuduuddii ay ku
qeybsadeen dalkan ay ciiddiisii la wareegeen. Lix sano dagaal ah ayaa
u bilowdey, kaas oo bartamihii 1945-kii ay ku adkaadeen xooggii
xulufada iyo Soofyeetigii oo goor danbe ay colloobeen Jarmalka. Dadka
ka dhintay Poland muddadii uu dagaalku socdey, lagama hayo tiro sax
ah. Waxaase lagu qiyaasaa tiro ku dhow 5,000,000 oo qof. Waxay isugu
jireen askar dagaalamaysey, kuwo jabhado ahaa, rayid ku dhintay
dagaalka iyo dad la geeyey xeryo leysku ciqaabo.

Faransiiska iyo Ingiriiska, inkasta oo ay ku baaqeen colaad ka dhan ah
Jarmalka, misana midkoodna ma hayn qorshe u diyaarsanaa oo ay ku
weeraraan Jarmalka. Garabkii xulufada ee dowladihii Yurubta Galbeed
waxaa wal-wal badan uu kaga yimid dhul-boobka Jarmalka iyo
is-fitaaxinta maamulka Naasiga ah. 1/ 9- 1939-kii, markii uu Jarmalku
qabsaday Poland, isla-maalintaas dalka Faransa waxaa looga dhawaaqay
diyaar-garow buuxa ee dagaal. Laba cisho dabadeed dowladihii xulifada
ahaa waxay ku dhawaaqeen dagaal ka dhan ah Jarmalka. Dowladahaas oo
markoodii hore ahaa Faransiis iyo Ingiriis, ayaa waxaa goor danbe ku
biirey dowlado badan oo la garab noqdey. Ciidamada Faransiiska waxay
ahaayeen kuwa iyaga xuduuddooda weerarka kaga bilaabay Jarmalka. 3/ 9-
1939-kii, Faransiisku waxay weerar ku qaadeen gobolka la yiraahdo
Saarland ee  ku yaal koonfur-galbeed dalka Jarmalka. Weerarkaas oo ay
tuulooyin ku qabsadeen ayaa Faransiisku 12 km. oo keliya ay gudaha ugu
galeen xuduudda Jarmalka.

Laba toddobaad ayay Jarmalkii ku qaadatay in ay Faransiiska ka soo
saaraan xuduuddoodii. Faransiiskiina waa uu joojiyay in uu sii wado
weerarkii uu Jarmalka la damacsanaa. Wuxuu xujo ka dhigtay, in xooggii
iska-caabinta ee Poland la wiiqey. Taas waxay muujisay sida dowladihii
xoogga lahaa ayan weli diyaar ugu ahayn dagaalka Jarmalka. Sidaas ayaa
dagaalkii Yurub ka dhacay qeybtiisii hore wuxuu ku qaatay magaca ah
Dagaalkii Bugta ahaa (Phony War).

Ingiriiska isaga oo dagaal ka carar ah ayuu wuxuu qorsheeyey, isaga oo
aanan la dagaalamin Jarmalka misana in uu dhaawac u geysto. Sidaa
darteed raggii caynaanka siyaasadda u hayay waxay ku fekereen in ay
cuna-qabateeyaan gaadiidka badda ee u adeegaya xukuumadda Naasiga ah.
Sida la ogsoon yahay dhulka Jarmalka waxaa badaha waawayn ku xira
xeebaha uu ku leeyahay badda Baaltika, taas oo ah bad gudaha ku jirta.
Bad-waynta Atlantika iyo badda Baaltika waxaa isku xira madiiqa
Denmark (Denish Strait). (The Illustrated History of World War II.
Owen Booth and John Walton. Chartwell Books, Inc. 1998. Pages 44 –
49).

Jarmalka qudhooda kama maqneyn fahamka ah in Ingiriisku uu ka
cuna-qabateeyo xagga badda.  Iyagu waxay si wanaagsan u garanayeen
culeyska ay arintaas ku keeneyso mashruucooda dhul-boobka ah. Haddaba
maamulkii Jarmalka si uu uga hor-tago cuna-qabateynta ay filayeen,
waxay guddoonsadeen in ay weeraraan dowladaha Scandinavian-ka ee
ku-yaal waqooyiga qaaradda Yurub. Saddexda dal oo magacaas wadaaga
(Sweden, Norway iyo Denmark), inkasta oo dhamaantood ay ahaayeen kuwo
dhexdhexaad ah, misana laba kamid ah, Jarmalkii kama uusan aqbalin
dhex-dhexaadnimadii oo weerar ayuu ku qaadey. Norway waxay ka
doonayeen xeebta dheer oo ay la leedahay bad-waynta Atlantika.
Degmooyinka dekadaha leh ee ku yaal xeebaha galbeed ee dalka ayaa
waxay ahayeen hanti uusan Jarmalku ka maarmain. Waxaa kaloo jiray
waddo tariin ee isku xirta dhulka birta hodanka ku ah ee waqooyiga
Sweden ee degmada Kiruna iyo degmada dekadda wayn leh ee la yiraahdo
Narvik (waqooyiga Norway). Xilliga uu kuleyluhu jiro, hantidaas birta
ah waxay ka dhooftaa dekadda ku taal degmada Luleå (Sweden) ee ku
dhacda xeebta badda Baaltika. Xilliga qaboobaha oo baddaas ay barafka
tahay, birta waxaa laga dhoofiyaa dekadda degmada Narvik, taas oo ku
taal xeebta bad-waynta Atlantikada.

Jarmalku wuxuu u baahnaa hantida ceyriin ee birta ah, taas oo gudaha
dalkiisa uusan ka heli karin. Qalabka ah Taangiyada, madaafiicda,
qoryaha waawayn iyo kuwa yar-yar, tariinada iyo waddooyinkooda,
baabuurta  iyo maraakiibta waxay ahaayeen agabka uu ku duulaan
tegayay. Birta uu ka sameynayay wuxuu markii hore ka soo dhoofsan
jirey gobolka Lorraine ee Fransiiska, kaas oo birta hodan ku ah. Wixii
ka danbeeyey sebtember 1939-kii, fursaddaasi waa ay joogsatay. Meesha
keliya oo sida fudud uu bir uga heli karo waxay noqotay waqooyiga
dalka Sweden (degmada Kiruna) oo ah degaan hodan ku ah birta, una
dhexeysa labada dekad ee ah Luleå iyo Narvik. Dekadaha iyo baahida
birta waxaa u weheliya oo Jarmalku uu ku doonayay weerarka dalalka
Scandinavian-ka, in uu saldhig u helo ciidankiisa cirka. Wuxuu
arintaas ku doonayay meel uu ka weeraro dalka Ingiriiska. Waddanka
Denmark ayaa iyaduna waxay uga maarmi-waayeen degaanka ay ku taal oo
ah dhulkii ay sii mari lahaayeen. Waa dal xuduud la leh Jarmalka,
dhinaca kalena, xud biyo ah la leh Norway. Isla-markaas waxaa ku yaal
madiiqa leysaga gudbo badda Baaltika iyo bad-waynta Atlantika.

Weerarka uu Jarmalku ku qaaday waddamada Scandinavian-ka wuxuu lahaa
dhacdo hor-dhac u ahayd. Markii Ingiriisku ku baaqay colaadda
Jarmalka, wuxuu cuna-qabatayn ku bilaabay maraakiibta Jarmalka ee ku
gooshaya bad-waynta Atlantika. Isaga oo adeegsanaya booska
istraateejiyadda ah ee dalkiisa uu ku yaal ayuu Ingiriisku wuxuu
ciriiri geliyay maraakiibtii uu Jarmalku ku adeeganayay. Waxaa halkaas
ka bilowdey dagaalkii La magic baxay Battle of Atlantic, kaas oo
socdey muddado shan sanadood ka badan. Khasaaraha uu geystey waxaa
lagu qiyaasay in ay ku dhinteen tiro ka badan 80,000 oo qof, kuwaas oo
isugu jira ciidan iyo bad-maaxyo. Waxaa ku gubtay 3,500 oo maraakiibta
ganacsiga ah. Waxaa kaloo ku gubtay 175 markab dagaal iyo 783
maraakiibta biyaha quusa. (White, David (2008). Bitter Ocean: The
Battle of the Atlantic, 1939-1945. New York, United States: Simon &
Schuster. p. 2.).

Weerarkii Scandinavian-ka waxaa hor-dhac u ahaa dhacdo  kamid ah
colaaddii Atlantka. Waxaa jiray markab dagaal oo Jarmalku leeyahay
(Admiral Graf Spee), kaas oo koonfurta bad-waynta Atlantika ka ugaarta
maraakiibta Ingiriiska. Wuxuu halkaas ku dejiyay maraakiib dhowr ah oo
Ingiriisku leeyahay. Waxaa kaloo jiray markab kale oo kaas wax dejiyay
la shaqeynayay oo isna la yiraahdo Altmark. Markabkan danbe ayaa wuxuu
soo qaaday rag 299 ah oo Ingiriis u dhashay. Iyagu waxay ka badbaadeen
maraakiibtii bad-waynta lagu dejiyay. Maxaabiis ahaan ayaa Jarmalku u
soo qaatay. Si haddaba Altmark uu uga badbaado indhaha maraakiibta
Ingiriiska, wuxuu u baxay dhanka waqooyi ee bad-waynta Atlantika.
Halkaas ayuu kaga soo leexdey xeebaha dalka Norway.

Waxaa jiray doonyo yar-yar oo Ingiriisku leeyahay kuwaas oo ku
howlanaa ilaalinta badda ku wajahan dalka Norway. Dayuurado uu
Ingiriisku leeyahay ayaa waxay soo sheegeen in markab Jarmal leeyahay
uu ku wajahan yahay xeebaha koonfureed ee Norway. Dabadeed
basaasiintii Ingiriiska ayaa waxay heleen taarkii sirta ahaa oo
markabkan uu kula xiriirayay xaruntii laga hagayay. Waxay markaas
ogaadeen in markabku yahay Altmarka, maxaabiis Ingiriis ahna ay saran
yihiin. Maraakiibtii Ingiriiska ee ilaalada ahayd waxay la soo hadleen
Norway, iyaga oo ka codsanaysa in maxaabiista Ingiriiska ah ay ka soo
deyso markabka Jarmalka. Norway waxay ku jawaabtey, in ay laba jeer
baareen markabkan. Raad ciidan leeyahayna ayan ku arag. Sidaa darteed
ay u oggolaadeen in uu biyahooda soo galo. Dowladdii Ingiriiska ayaa
arinkii soo fara-gelisey. Kadib markii ay u sheegtey in ay si toos ah
wax uga qabaneyso arinkaas ayay amartay in raxan ciidamadeed badda ah
ay weeraraan Altmark.

16/ 2- 1940-kii, goor ay fiidnimadii tahay oo Altmark uu doonayay in
uu baxsado ayaa ciidan Ingiriis ah ay weerareen. Markab kuwa dagaalka
ah oo la yiraahdo HMS-Cossack iyo ciidan khaas ah oo saaran ayaa ka
qeyb-qaatay dagaalkan. Arintaasina waxay ka danbeysey mar ay ka
codsadeen in ciidamada Norway ay kala qeyb-qaataan weerarka, laakiin
waa ay ka diideen. Dhowr saacadood ayay qaadatay in markabkii iyo
maxaabiistii saareyd lagala wareego Jarmalka. Dhacdadaasi oo lagu
magacaabo (Altmark Incidet) waxay Norway ku furtay xaraj siyaasadeed.
Dowladdii Jarmalka waxay arintii u aragtay fursad ay ugu
mar-marsiinyooto sidii ay ku weerari lahayd Norway. Waxay markaas
sabab ka dhigtay, haddii ciidamadii xulufada ay xadka biyaheeda ku
dagaalamayaan in dhex-dhexaadnimadii ay ka baxday.

Qorshaha weerarkan oo ay ku magacaabeen (Operation Weserübung) ayaa
wuxuu ahaa mid horey loo dejiyay. Wuxuu ahaa weerarkii ugu horeeyey oo
ciidamada Jarmalku ay qaadaan iyaga oo qeybihiisa ay wada socdaan
(cir, dhul iyo bad). Maalinta uu weerarku bilaabanayay waxaa ka
horeeyey ayaamo ay xabbado isku rideen ciidamada fadhiyay xuduudda
Jarmalka iyo Denmark. 9/ 4- 1940-kii, danjirihii Jarmalka ahaa (Cecil
von Renthe-Fink) ee fadhiyay Denmark wuxuu la kulmay wasiirkii dibadda
ee Denmark (Peter Rochegune Munch). Markuu ka soo baxay 20 daqiiqo
dabadeed, wuxuu sheegey in ciidamadii Jarmalka ay xuduudda soo
tallaabeen iyaga oo doonaya in ay qabsadaan Denmark. Arintaasna wuxuu
sabab uga dhigay in looga hor-tegayo weerar ay Faransiiska iyo
Ingiriisku doonayaan in ay ku soo qaadaan dalkan. Isla-markaas
danjiruhu wuxuu dhaleeceeyey weerarka iska-caabinta ah oo ay wadaan
dad Denmarka u dhashay. Wuxuu u digey dowladda Denmark oo uu u sheegey
in xagga circa laga duqeyn doono magaalo-madaxda Copenhagen, haddii
ayan ciidamadooda xabbad-joojin sameyn.

Isla-maalintaas ayaa Jarmalku uu weeraray Denmark iyo Norway. Kadib
markii ay ciidamadiisu ka yimaadeen xagga badda, cirka iyo dhulka,
muddo lix saacadood ah ayay ku qabsadeen magaalo-madaxdii labada dal.
Sidaa darteed dagaalkaas waxaa lagu tiriyaa kuwa ugu wakhtiga gaaban
oo dal dibadda lagaga soo duuley misana lagu qabsaday. Arimaha u
sahlay Jarmalka qabsashada labadan dal waxaa kamid ahaa, xogta uu ka
hayay xaaladdooda, ciidanka circa oo si xooggan uga qeyb-qaatay iyo
maraakiibta xowliga ku socda oo maalin ka hor gaarsiiyay ciidamo badan
degmooyinkii xeebaha ku yiil ee fogaa.

Denmark waxay ka doonayeen in ay ka dhigtaan kaabad ay ku gaaraan
Norway. Waxay bar-tilmaansadeen magaalooyinka waawayn ee dekadaha leh
oo ay kamid yihiin Oslo, Trondheim, Kristiansand iyo Bergen.
Dagaalkaas oo kedis ahaa ayaa wuxuu sahlay in Jarmalku ay si fudud u
caga-dhigtaan degmooyinkii ay galeen. Gacanka Oslo (Oslofjord) oo
degmada kaga yaal dhanka koonfur, wuxuu ahaa mid ay ciidamada ku
aaseen miinooyin si ay u hakiyaan ciidamada Jarmalka ee badda ku
imanaya. Arintaasi waxay sababtay in muddo laba saacadood ah ay
magaalada dib uga dhacdo xilligii ay ku tala-galeen Jarmalku in ay ku
qabsadaan. Saacadahaas ayaa waxay fursad u noqotay xubnihii dowladda
iyo boqorkii (King Hakoon VII) in ay ku baxsadaan. Boqorkan ayaa horey
u diidey in uu heshiis saaxiibtinimo la saxiixdo dowladda Naaziga ah.
Laakiin boqorka Denmark (King Christian X), isagu saxiixii ayuu
dhiibey, sidaas darteed wuxuu ku sugnaa magaalo-madaxda, illaa uu
dalka ka xoroobey.

Ciidamadii labada dal waxay bilaabeen in ay isu habeeyaan qaab
jabhadeed. Iyaga iyo dad-waynihii waxay bilaabeen weerar dhuumaaleysi
ah oo ay kaga soo hor-jeedaan Naaziga. Shan sano oo cadaab ah ayaa u
bilaabatay, taas oo ay dad badan ku hoobteen. Bishii may 1945-kii ayaa
ciidamadii xulufada ay ku guuleysteen in ay si buuxa u xoreeyaan
waddamada Scandinavian-ka.

Harka iyo habeenkiyo subxiga hiirta soconeysa
Waxaa dunida howsha ugu wacan haatan la ogaaye
Hawo soo siyaaddaa nafluhu haabo leeyahaye
Hadaftiyo habaas gulufka iyo hor isu qaad-qaadka
Hubka leysu doonanahayiyo soo-hayada yeeri
Sharta leysu hoosimahayaan lagu heshiineynin
Hud-hudkaasi wuxuu soo wadaa had iyo leysaane (Maxamuud Il-Dab)

Qore: Dr. Saadiq Enow
saadiq.enow@gmail.com

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno