Home » Qoraalada Maxamed Nuur, Qormooyinka, Wararka » Alla Sheekadu macaanaa.

Alla Sheekadu macaanaa.

Siyaabaha dadku isugu imaan karaan oo sheeko ku  wadaagi karaan ma ahan mid sharraxaad u baahan. Waxaa jira dad sheeko wadaag ah oo ay isugu baxdo, waxaa kale oo jira dad isku cusub oo fadhi uu kulmiyey si kastaba ha isugu yimaadeene. waxaa dhacda marmarka qaarkood in qofi dad u sheekeeyo, haka codsadeen ama yeyan ka codsane, haku talagalo in warkiisu meel fog gaarayo ama yuusan u dhug lahaane.

Haddii siyaabahaasi iyo kuwa kaleba ay suuragal tahay in loo sheekeeyo, waxaa mudan inaan isa su’aalno sheekada noocwalba ha ahaatee malagadhigi karaa mid macaan oo ciddii ay dhagaheeda ku dhacdo ay dhadhansato, kuna hamido inay dib u maqasho? Maxaase sheekada ka dhigi kara mid la necbeysto? Su’aalahaasi iyo kuwa kaleba waxaan isku dayi doonaa inaan ku dul istaago qormadan haddii Illaahay ii ogolaado.

Tusaale ahaan, haddii lagu dhaho ha fariisan macnaheedu waa taagnow, waxaan taas ula jeedaa haddii aan iraahdo sheekada waxaa dhadhan tira waxyaabahaas, macnaha waxaan tilmaamayaa waxa sheekada macaan ka dhigi kara inay yihiin waxa  kasoo horjeeda. Marka waxaan rabaa inaan ku iraahdo, ha iiga talagelin inaan laba amuurood oo lid isku ah wada sheego. Intaasi waa iga afeefe waxaa sheekada dhadhanka ka qaada oo aan macaaneynin:

1-Sheekada oo aad loo badiyo.

Waxaa jira dad mar walba jecel inay dadka kale u sheekeeyaan, cid kalena aan hadalka waxba uga ogoleyn, taasi waxay sababeysaa in qofka noocaas ahi  ay dadku kahsadaan, weliba arintaasi waxay daran tahay marka meel lawada fadhiyo oo lagu sheekeysanayo, waxaaba laga yaabaa dadka qaar kalyo-adagi inay qofkaas u sheegaan inuu war badan yahay, walow laga yaabo in dad aad u dhibsanaya warbadnaanta qofkaas ay isaga qoslaan, una muujiyaan in wax dhib ahi jirin.

Haddii warka badan la isku naco waxaa ila quman  inaynu warkeena xaddidno si’ aan naloo kahanin.

2-Sheekada oo lagu soo celceliyo.

Dhibic kale oo dadku dhibsadaan ayaa ah, sheekada oo marar badan lagu soo celceliyo, waxaana suurowda in qofka dabeecaddaas lehi bulshadu isu wada sheegto, laguna calaamadiyo qof hal sheeko yaqaana oo iyada un meel walba ka sheega.

Ku soo celcelinyta sheekooyinka bulshadu ma jeclee sow ma haboona inaan hadalkeena macaaneyno?.

3-In loo sheekeeyo dad aan diyaar u aheyn sheeko.

Haddiiba qofi doonayo inuu dad kale u sheekeeyo si kastaba ha ‘ahaatee, waxaa haboon in uu haysto dhageystayaal daneynaya sheekadiisa, haddiise uu iska sheekeeyo iyadoo dadkii dhibsanayaan waxaa dhacda in warkiisa uu dhadhan beelo, xitaa haba ahaado mid xiiso lehe, waxaana arintaasi ay ku imaan kartaa sidan:

A-In sheekadaan horey loo dhageystay.

B-In sheekeeyaha aan cidina ka codsanin inuu akhiyaarta u sheekeeyo.

C-Laga yaabo in akhiyaarta ay sheeko  u socotay, ayna jeclaan lahaayeen inay tooda dhameystaan.

D-In xili xun ay tahay oo dadku dooneynin inay meesha sii joogaan.

Afartaas xubnood ayaan ku soo gaabsanayaa inayan haboobeyn inaan loo sheekeynin dad aan sheekadaada dooneynin.

4-Sheekada oo ay ku badan tahay su’aalaha.

Akhristow dadku kala dabeecada duwane, qaar ayaa ku ibtileysan inay su’aalo ku xakaariyaan cidda ay markaas la joogaan, iyadoo su’aaluhu ay sii kala dhib badan yihiin, waxaana su’aalaha aan la xiiseynin ka mid ah kuwa tooska ah ee dadka laga weydiiyo naftooda, sida: ganacsigaaga meeqo ayaad ka faa’iiddaa? Meeqo sano ayaad jirtaa? Xaas ma leedahay/ malagu guursaday? Maxaad waxaas u sameyn weyday? Kuwaasi aan isaga soo gaabsado su’aalaha tooska ah oo dadka qaarkiis ayan jecleyn in la weydiiyo, walow ay dhici karto in dadka qaarkiis xiriirka ka dhexeeya awgiis ay su’aalahaasi iyo kuwa kale oo ka badan ay is-weydiin karaan.

Laba nin ayaa la is-baray, markii hore aad ayey isu xiiseeyeen, labadooduna waxay ahaayeen laba qof oo wanaagsan. Labada nin midkood ayaa ahaa nin aad u su’aalo badan,kankalena ma jecleyn su’aalaha. Markii dambe ayaa waxaa dhacday in ninkii su’aalaha badnaa laga dhuunto marka uu soo muuqdo. Waxaan xusuustaa habeen ayaa anaga oo wada fadhina waxaa soo muuqday kii su’aalaha badnaa ka dibna yarkii su’aalaha necbaa ayaa igu yiri “ waxaa soo socda hebel jawaabona uma hayo su’aalaha uu i weydiin doono” markaas ayaan ku iri “ meesha dad badan oo kale baa fadhiya adiga kaligaa su’aalo lama weydiin doono, midda kale ma wax lagu weydiin doono ayaad ogtahay waa adiga leh jawaabo ma soo diyaarsane” arin aad u qosol badan ayey aheyd.

Si’ aan lagaaga dhuumanin marka aad soo muuqato su’aalahaagu ha yaraadaan waa sida ila fiican aniga.

5-Sheekada oo la kululeeyo.

Dabcan marka la sheekeysanayo wax ayaa la isku qabanayaa, jiritaankooda, marka ay dhaceen iyo wixii la mid ah, iyadoo si deggen wax la isu tusaaleyn karo ayaa dadka qaar waxaa caado u ah inay meel kulul gaarsiiyaan warka, doodna ka dhaliyaan. Qaar ayaa miiska garaaca, waxaaba dhici karta in is-maandhaaf uu halkaas ka dhasho. Haddii amuurtaasi ay meesha ka soo baxdana waxaan filayaa inaad fahmeyso in sheekadii meesha taalay macaankeedii lumay, waaba haddii ay markii hore dadka ku socotaye.

6-Sheekada oo ay ka muuqato Ixtiraam la’aan.

Ma ahan ujeeddadeydu inaan ka hadlo muhiimadda ay leedahay is-ixtiraamidda, balse waxaan u socdaa inaan farta ku fiiqo siyaabaha ay sheekooyinka qaarkood uga dhar la’yihiin Ixtiraamka, waxaana ka mid ah:

A-In sheekeeyuhu uu ku hadlo ereyo u daran dhagaha dadka maqlaya.

B-In sheekeeyuhu uu muujiyo ka sareyn dadka dhageysanaya.

C-In sheekeeyuhu uu u faano dhageystayaashiisa.

D-In sheekeeyuhu mar walba ku mashquulo arimo isaga u gaar ah, iyadoo dadkii uu u sheekeynayey ay isaga afkiisa dhowrayaan.

E-In sheekeeyuhu hadalkiisa ay ka muuqdaan amarro uu siinayo dadka uu u sheekeynayo, sida: inuu qaarkood amro inay aamusaan, kuwa kalena uu u soo jeediyo inay u jawaabaan sida uu doonayo.

Qodobadaasi iyo kuwa kale oo aad ogtahayba waxay muujinayaan Ixtiraam la’aan, sheekadana waxay ka dhigi karaan, mid aan soo jiidanin dadka dhageysanaya.

7-Meesha lagu sheekeysanayo oo aan munaasib aheyn.

Akhristow, goobuhu kala munaasabsane, waxaa jira meelo ayan suuroobin inay akhiyaar ku sheekeystaan, ha ‘aato goobta la fadhiyo, ama dadka goobtaas kusugan oo aan lagu ag sheekeysan Karin, ama si’ kaleba goobtu yeyan munaasab u ‘ahaane. Waxaan filayaa inaad ila fahmeyso sheekada aan macaanka u salaxayo inay tahay mid xambaarsan xikmad iyo aqoon oo ah mid wax lagu kala faa’iidayo, aqoon, waaya-aragnimo iyo waxyaaba kale oo faa’iido leh.

8-Sheekeeyaha oo hadalkiisa ay suugaan ka muuqato.

Soomaalidu waxay tiraahdaa, hadal murti leh iyo hilib mindi leh midna laguma margado, haddii hadalku murti leeyahay cid walba oo dhageysaneysa si fudud ayey u fahmeysaa, waxaana suurowda in waqti badan iyadoo la fadhiyey haddana aan la dareemin, sababtuna waa murtida ka daganeysa afka sheekeeyaha. Aan tusaaleyno:

Iskadaa wax kalee qof murti leh sheekadiisa, ama in la dhageysto wax uu soo alifay sow lacag lagama bixiyo,? Sow Tikit looma jarto? Sow waqti laga yaabo inuu adag yahay lama aado si qofkaas sheekadiisa ama waxa uu alifay loo soo dhuuxo, looguna soo madadaasho? Jawaabaha su’aalahan waxay ila tahay inay haa tahay.

Haddii ay sidaasi tahay, ka waran inaad fursad u hesho inuu kula joogo qof suugaan yahan ah oo hadalkiisa oo dhan ay murti ka da’eyso? Dabcan sheekada qofkaasi way ka xiiso badan tahay midda qofka kale ee caadiga u sheekeeya, waxaa kale oo xusid mudan in qofka dadka u maadeeya sheekadiisuna ay dhadhan iyo xiiso leedahay.

9-In sheekadu taxan tahay.

In sheekadu taxan tahay waxaan ula jeedaa in loo dhigo sida ay u kala horeyso, haddaan Canjeero ku maahmaaho waad ila yaabeysaane, Oodo dhacmeed say ukala sareeyaan baa loo kala qaadaa, sidaas daraadeed sheekadu sida ay u kala horeyso ayaa ugu fiican in loo soo bandhigo.

Tusaale, Suuradda 11- ee qur’aanka kariimka ah, suuradda Yuusuf, waxaa Illaahay ku sheegay inay tahay sheekooyinka midda ugu fiican, waxay suuraddu ka sheekeyneysaa qisadii Nabi Yuusuf (CSW) waxay suuraddu ka sheekeyneysaa heerarkii kala duwanaa ee uu Nabi Yuusuf soo maray, yaraantiisii ilaa uu Nabi ka noqday, waa arin mudnaanteeda leh.

Tusaale kale, marka laga waramayo qof taariikhdiis, waxaa laga bilaabaa xiliga uu dhashay ilaa lagu geeyo xiliga laga warramayo, waxbarashadiisa dugsi hoose ilaa meesha ugu sareysa ee uu ka gaaray, ka waran haddii qof laga warramayo waxbarashadiisa laga bilaabo heer jaamacadeed, iyadoo lagu geysnayo dugsi hoose, waa macquul in dadka qaar ay sidaas ka helaan, balse waxay aniga iyo dad kale oo badan igula haboon tahay in heerkaas jaran-jarada oo kale ah lagu wado, dabcan sheekaduna waa sidoo kaloo, in sidaas loo taxo ayaa ila quman.

Halkan marka ay mareyso 3 qof ayaan is-leeyahay waa ay ugu sheeko fiicnaan karaan, waxayna kala yihiin:

Qof suugaan yahan ah oo murti badan.

Qof yaraantiisii loo sheekeyn jiray, “ sheeko xariir” oo sheekooyinka xifdin jiray, dadku kala xifdi badane.

Qof  wax aqrin badan, gaar ahaan buugaagta sheekooyinka.

Intaas haddaan isla meel dhigno, waxaa mudan inaan xoogaa yar ku hakano, waxyaabaha lagu garto in sheekadu ayan dhadhan laheyn, ama ayan dadka dhageysanaya ku soconin, waxaana ka mid ah:

1-Dhageystayaasha oo dareenkooda ka sii jeediya sheekeeyaha.

2-Dhageystayaasha oo  sheeko kale ka garab aqriya qofkii sheekeynayey, ka dib marka tiisu ku socon-weydo.

3-Dhageystayaasha oo muujiya in laga joojiyo sheekada, waxaana lagu sii garan karaa:

A-In ay badato saacad fiirintu.

B-In uu bato kuur-kuursigu

C-In dhageystuhu uu mar walba su’aal is weydiiyo ileen waa qof meesha isku qasbayee.

D-In dadku kala indha adage qaar ka mid ah ay goobta ka kacaan ka dib marka ay kahdaan qaabka sheekadu u socoto, walow aragtideyda laga fiican yahay in goobta laga kaco iyadoo qofi sheekeynayo, haddii waxa la sheegayo ayan gaf diineed iyo mid dhaqan xumo ah oo la joojin waayo aheyn.

Ugu dambeyntii: In bulshadu sheekeysato waxaa ku jira faa’iidooyin badan, oo ay ka mid tahay, is-fahan bulshada dhexmara, kala faa’iideysi aqoon iyo taariikh, is-barasho iyo in xitaa dadku bartaan sida bulshada loola hadlo. qof af-garooc ahaa baaba laga yaabaa inuu hadalka ku barto, walow af-tahannimadu ay tahay hibo Illaahay bixiyo.

Qormadii, alla sheekadu macaanaa, halkaas baan ku ekeynayaa, aad ayaad ugu mahadsan tahay waqtigaaga qaaliga ah ee aad ku bixisay inaad qormadan aqrisid. Waa inoo qormo kale oo xiiso badan haddii Illaahay idmo.

 W/Q: Maxamed Nuur Shire

mnuur10@gmail.com

13 Responses

  1. sayid says:

    maasha alaah waa maqaal aad umacaan malahana wax xasaasiyad ah dhaqan guud buu qoraagu kahdalay waana loobhaanahan yahay qormooyinkaan dadka kawada dhexaaya

  2. waaniye says:

    runtii waa qormo qiimo badan waanad kumahadsantahay maxamed shire qaabka wanaagsan eed wax noogu sharaxday

  3. xaqaani says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    sheekadu weyba ila tagtay goor aan akhriyey waan garan waayey

  4. caamir says:

    qoraaga mohamed nur aad buu uhagaajiyey waa qof rug cadaa ah oo qoraalka bartay maqaaladaada mid kasta waxaan arkaa kan ka dambeeyaa kasii fiican xalay baan aqrinayey kii isfahan waaga anoo kaas la yaaban baan ka maanta aqriyey kanaaba kasii daran halkaas kasii wad buug inaad kasoo saartid baa fiican

  5. abuu cali says:

    ninkaan qoraalkaan wuxuu rabaa inuu dadka ka mashquuliyo jihaadka iyo digriga alle in dadku waqtigooda dhumiyaan buu raadinayaa waxba hauriyaaqina walaalka waaniye waxaan kugu ogaa adoo mujaahidiinta taageero maxaa ugu amaaneysaa qofka qoraalkaan qoray caqligeena buu rabaa inuu kuciyaaro

  6. xaaji says:

    ilaahay qoraalka hakuu barakeeyo wax fiican baad soo bandhigay oo maskax u baahan saaxiibadey iyo aniga dhaqano badan oon leenahay baan qoraalka ku arkay waan ku qoslay waxaan isoo jiitay qofka sheekada kucelceliyo kaas waan aqaanaa kkkk tan kale sxb abuu cali qoraalkaan waa mid fiican cidna kama hadlaayo iyo jihaad fadlan ujeedada qoraaga meel kale ha u dhigin ilaahay ka cabso

  7. sahro says:

    walaahi waan umacaansaday warkan wiilka qoray wuu mahadsanyahay xikmad baa kabuuxdo

  8. xasan says:

    walaahi waa maqaal cilmiyeysan dabeecadaha dadka buu qoraagu sifiican ukala bartay laakiin maahmaahda canjeeroda dad baa ku maahmaaho ma aho in lagu qoslo laakiin qoraagu kaftan buu ula jeedaa ayaan u maleynayaa

  9. nadaara says:

    web site kaan wuxuu uga badalanyahay wababka kale dad aqoonyahano ah aa maqaalo ku leh sida qoraageena mohamed nuur walaahi waan ku raaxeystay qoraalkaan mana ka daaleysid inta la akhrinayo thanks sxb

  10. bile says:

    maxamed nuur macalinka amaan wuu mudan yahay waana la amaanay qoraal cajiib ah buu soo bandhigay alaha ku barakeeyo qoraa m nuur halkaas kasii wad

  11. waaniye says:

    abu cali

    walaal markasta iyo meelkastaba jihaadka waan taageersanahay waanan difaacayaa inta awoodayda ah laakiin taas macnaheedu maahan inaan cidkasta oo wax sheegta ladagaalansanahay xattaa haduu wax macquula sheego

    hadaan anigu amaanay ninka maqaalkan qoray macnaheedu maahan inaanu aniga iyo isagu isku fikirnahay balse waxaa waajib ah inaan wax kasta oo wanaag ah oo uu sheego qaato isaguna inuu qaato wixii wanaag ah eenu usheegno

    midda labaad wuxuuba kumutaystay amaanta inuuna mujaahidiinta wax kasheegin ileen waxaanu kunaqaanay inaa meeshan cayda mujaahidiinta uun lagusooqoree

    midda aad tidhi caqligeena ayuu rabaa inuu kuciyaaro walaal caruur manihin oo wax khalad ah nagama dhaadhicin karo wixii sax ahna inaynu kuraacno waa waajib diini ah

    anigu cid aan wax sax ah kudiidayana majirto cid aan wax khalad ah kuraacayaana majirto

    waad kumahadsantahay akhil faadil naseexada aad isiisay

  12. abuu muscab says:

    sheekooyin waxa jira aadan uso joogin lkn markaad qoraala haan aad aqrido
    aad moodaysid in aad hadda dul joogtid
    Hadana sheekadan oo M Nuur qoray waxaad mooda anoon arag in aan maali walba arko
    runti waa maqaal aad u qurux badan hadana dhacdo jirta ka hadlaya

    dhanka kale zaman ba waxaba jira
    Zamankaan waxaa socda hebel waa Jihaad diid.

    xata dhalinta kalimaad kaas isticmaalaha waxay u badan tahay
    in aysan garanayn wax ka ratimaya lkn ay uun kasoo naqliyeen shaqsi kale

    ILLAAHHA QALUUBTA GAD GADIYOW QALBIGANAGA XAQQA KU SUG

  13. sumeya says:

    wuu mahad sanyahay wilka qoray sheekadaan runti wax bana kabar tay
    sheekooyinka noo badiya naga daya waxa hirigtaa

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno