Home » Qoraalada Dr. Saadiq Enow, Qormooyinka, Wararka » SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii | Casharkii XXI-aad

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii | Casharkii XXI-aad

Markii magaalo madax-dii Poland ay ku dhacday gacanta ciidamadii Jarmalka (27/ 9- 1939-kii), isla-maalintaas ayuu Hitler wuxuu jeneraalladiisii faray in ay dejiyaan qorshihii dagaalka la magac-baxay Fall Gelb. Waa dagaal qorshihiisu ahaa in uu ku qabsado dalka Faransa iyo dowladaha dhulka hooseeya ee leysku yiraahdo Low Land. Markaas wuxuu bilaabay, ciidamadii ka jiray jabhadda bari in uu si tar-tiib ah ugu soo daad-gureeyo jabhadda galbeed. Dhulka la yiraahdo Low Land waa dhulka ay ku yaaliin xeebaha galbeed ee qaaradda Yurub, kuwaas oo ku wajahan jasiiradda Ingiriiska. Waxaa dhulkaas ku dhamaada webiyada ah Rhine (dhererkiisu waa 1,230 km.), Scheldt (dhererkiisu waa 350 km.) iyo webiga Meuse (dhererkiisu waa 925 km.). Wuxuu dhulkaas degaan u yahay dowladaha Hooland, Baljam iyo Luxembourg. Jarmalka waxaa kuu khasbayay boobka dhulkaan, iyada oo degaankaasi uu yahay dhulkii uu u sii mari lahaa weerarka Faransiiska iyo Ingiriiska.

Dabayaaqadii bishii sebtember 1939-kii, Hitler wuxuu u xil-saaray qorshaha weerarkan Jeneraal Franz Halder. Sarkaalkan iyo kooxdiisii waxay qaateen qorshe lagu magacaabo Schlieffen Plan, kaas oo uu dagaalkii I-aad dejiyay Jeneraal Alfred von Schlieffen oo xilligaas ahaa taliyaha ciidanka Jarmalka. Schlieffen Plan, wuxuu ahaa qorshe-dagaal oo mar qura lagu weerarayo Midowga Soofyeeti iyo Faransa. Jeneraalkii lahaa naqshaddan wuxuu dhintey iyada oo aan la fulin qorshihii. Laakiin naqshaddii keyd ayay u noqotey wasaaraddii hubka iyo rasaasta (Minister for Armaments and Ammunition) ee Jarmalka. Dabayaaqadii oktoober, Hitler wuxuu howshii ku wareejiyay sarkaal kale oo la yiraahdo Jeneral Erich von Manstein. Qorshihii hore oo uu wax ka beddeley ayaa lagu duulaan-tegey. Qorshahan cusub (Manstein Plan), waxaa loogu magac daray sarkaalka naqshadda lahaa.

Ingiriiska iyo Faransiiska horey diyaar uguma ayan ahayn in ay dagaal la galaan Jarmalka. Laakiin markii Jarmalku uu u muuqdey mid siyaasaddiisu ay ku dhisan tahay damac dhul-boob ah, waxay bilaabeen in ay dad-waynihii abaabulaan si ay uga qeyb-qaataan dagaal xooggan oo ku soo food leh. Ingiriiska waxaa uu isku deyey, Holand iyo Baljam oo ahaa waddamo dhex-dhexaad ah, in uu ku dhiiri-geliyo in qudhoodu ay cadeystaan colaadda Jarmalka, isaga oo u tusiyay in ayan is-hureynin. Laakiin labadaas dal waa ay ka diideen oo dhex-dhexaadkoodii ayay ku adkeysteen. Waxay filayeen in Jarmalka uu ku xushmeynayo siyaasadda dhex-dhexaadnimada. Dhanka dowladda Faransiiska, waxaa u muuqatey, colaadda Jarmalka in uu gacan kaga helayo dowladahan saddexda ah ee kula teedan xuduudda galbeed ee Jarmalka. Waddamadan (Holand, Baljam iyo Luxembourg) ayaa Faransiiska wuxuu qorsheynayay, iyaga oo xulufo ah in ay weerar ku qaadaan Jarmalka kuleylaha 1940-ka.

Weerarka uu qorsheynayay ka sokow, Faransiiska waxaa u degsanaa qorshe difaac difaac ee uu ku magacaabay Dyle Plan. Waxaa dejiyay Jeneraal Maurice Gustave Gamelin. Waxaa lagu saleeyey aragti ah in Jarmalka uusan weerar toos ah la beegsaneyn waddamada Holand, Baljam iyo Luxembourg. Bal uu si toos ah u soo weerarayo xuduudda dalka Faransiiska. Iyagu waxay sidaas ugu maleeyeen in Jarmalku uu xaq-dhowrayo siyaasadda dowladahaas ee dhex-dhexaadka ah. Sidaas darteed tan iyo dagaalkii I-aad dabadiis, meelo dalkiisa kamid ah eek u wajahan xuduudda Jarmalka ayaa waxay ka dhisayeen dhismayaal difaac ah. Waxay isugu jireen godad iyo taagag adag. Waxaa halkaas ay dhigeen hub, saanad iyo agab dagaal oo culus. Dhismayaashaas oo lagu magacaabay Maginot Line, ayaa waxay ahaayeen kuwo goo-goos ah oo ku yaal meelaha ku wajahan xadka ay la lahaayeen Jarmalka. Waxay ka koobnaayeen 103 dhismayaal oo dhufeesyo ah. Waxaa halkaas ku sugnaa ciidanka cagta Faransiiska qeybta 55-aad. Iyagu waxay ka koobnaayeen saddex ciidan (213-aad, 295-aad iyo 331-aad). Waxaa weheliyay ciidanka 11-aad ee teknikada ah, guutada 64-aad ee sahanka, iyo ciidanka 45-aad ee madaafiicda goobta.

Ingiriiska dhankiisa wuxuu bilaabay in uu ciidan xooggan keeno dalka Faransiiska si ay isu cududeystaan. Maalintii Poland la qabsadey dabadeed, muddo shan toddobaad ah ayaa Ingiriisku waxay ku daad-gureeyeen ciidan gaaraya 158.000 oo nin oo kamid ah BEF (British Expeditionary Force). Ciidankaas waxaa laga tallaabiyay kanaalka la yiraahdo English Channel, kaas oo biyihiisu ay yihiin gacan kamid ah bad-waynta Atlantikada. Kanaalku wuxuu u dhexeeyaa ciidda koonfurta Ingiriiska iyo waqooyiga Faransa. Tan iyo bartamihii bishii may 1940-kii, ciidankaas waxay ku sugnaayeen waqooyiga Faransa meel ku beegan xuduudda u dhexeysa Baljam iyo Faransa.

Dhowr maalmood ka hor intuusan dagaalku bilaaban, Jarmalku ciidamo xooggan ayay ku soo urursheen dhulka howdka ah ee ku yaal xuduuddeeda galbeed. Galabnimadii ay taariikhdu ahayd 10/ 5- 1940-kii, ciidamadii Jarmalka waxay weerar xooggan ku qaadeen waddamada saddexda ah ee Baljam, Holand iyo Luxembourg. Ciidamada halkaas weeraray ayaa waxay ahaayeen ciidanka 6-aad oo iyagu weeraray waqooyiga Baljam. Ciidanka 2-aad, ciidanka 4-aad iyo ciidanka 12-aad, iyagu waxay weerareen bartamaha Baljam. Ciidanka 16-aad iyo ciidanka 1-aad iyaguna waxay weerareen koonfurta Baljam, gaar ahaan degaanka uu maro xuduudda uu dalku la leeyahay Faransiiska. Xilligaas ay colaaddu bilaabaneysey, is barbar-dhigga labada ciidan ay colaaddu ka dhexeysey wuxuu ahaa sidaan:

Haddaanu ku hor-marno ciidankii xulufada, Faransiiska ayaa wuxuu lahaa ciidan xooggiisu yahay 5.500.000 oo nin. Waxaa xuduudda ka joogay 2.240.000. Taangiyada iyo gawaarida gaashaaman oo ay lahaayeen waxay dhamaayeen 4.111. Waxaa xuduudda ka joogay 3.254. Dayuuradahoodu waxay ahaayeen 3.097. Waxaa xuduudda ka joogay 879. Dowladda Baljam waxay lahayd ciidan dhan 640.000 oo nin. Dhamaantood xuduudda ayay joogeen. Taangiyada iyo gawaarida gaashaaman oo ay lahaayeen waxay dhamaayeen 270, kuwaas oo dhamaantood xuduudda joogey. Dayuuradahoodu waxay ahaayeen 140.

Waxaa dagaalka ka qeyb-qaatay 118. Dowladda Holand ayaa iyaguna ciidankoodu wuxuu ahaa 40.000 oo nin. Dhamaantood xuduudda ayay joogeen. Taangiyadoodu waxay ahaayeen 40, kuwaas oo dhamaan xuduudda joogay. Dayuuradahoodu waxay ahaayeen 82. Waxaa dagaalka ka qeyb-galay 72 kamid ah. Ingiriiska ayaa isaguna wuxuu lahaa ciidan tiradiisu dhan tahay 1.600.000 oo nin. Waxaa xuduudda ka joogay 500.000. Taangiyada uu ku dagaal-galay tiradoodu waxay dhamaayeen 640 taangi. Tirada dayuuradaha uu lahaa waxay ahaayeen 1150. Waxaa dagaalka ka qeyb-galay 384. Dowladda weerarka ahayd ee Jarmalka, markaas waxaa cudud u ahaa ciidan tiradiisu tahay 4.200.000. Waxaa dagaalkan ka qeyb-galay 3.000.000 oo kamid ah ciidankaas. Taangiyada dagaalkan uu ku galay waxay ahaayeen 2.773. Waxaa kaloo uu lahaa 3578 oo dayuuradood, kuwaas oo 2589 oo kamid ah ay ka qeyb-qaateen dagaalkan. (Zetterling, Niklas; Söderlind Stig (2008). Blixtkrig!: 1939-1941. p. 147 Stockholm – Sweden).

Ciidanka Jarmalka ee weerarka bilowga ah qaaday waxay ahaayeen saddex qeybood (A, B iyo C), kuwaas oo mid walba uu ka koobnaa qiyaas 300.000 oo nin. Qeybta C, waxaa hoggaaminayay Jeneraal Wilhelm Ritter von Leeb. Xilligii la weerarayay Poland, ciidankan waxay ilaalinayeen xuduudda uu Jarmalku la leeyahay Faransa. Markii uu bilowdey weerarka Faransiiska, ciidankan waxay ahaayeen ciidan loogu tala-galay in ay mashquuliyaan ciidamada Faransiiska ee difaaca ku ah khadda Magnilot. Ciidankan Jarmalka ah ma ayan heysan wax tekniko ah oo ay weerar xooggan ku qaadaan.

Ciidanka B wuxuu waajibkoodu ahaa in ay qabtaan waddamada Baljam iyo Holand. Sidaa darteed ayaa labada ciidan ee ku kala wajahan labada dal waxay kala ahaayeen ciidanka 18-aad iyo 6-aad. Kan 18-aad wuxuu weeraray Holand. Iyagu waxay ahaayeen ciidan cag, waxaana hoggaaminayay Jeneraal Georg von Küchler. Waxaa la socdey ciidan ah laba qeyb oo taangiyo ku socda. Ciidanka 6-aad iyagu waxay weerareen dalka Baljam. Dhamaantood waxay ahaayeen ciidan tekniko ah. Waxaa hoggaaminayay Jeneraal Walter von Reichenau. Ciidankan ayaa waxay ahaayeen kuwo ku wajahan barta ugu muhimsan oo Jarmalku uu isha ku hayay oo ahayd xuduudda u dhexeysa Baljam iyo Faransa. Ujeeddadu waxay ahayd in uu kala jaro isu-gurmadka ciidamada labada dal.

Ciidanka A oo ahaa ciidanka ugu cuslaa oo weerarka qaaday, waxay ku wajahnaayeen waqooyiga Faransa. Waxaa waajibkooda ahaa in ay bur-buriyaan difaaca adag oo Faransiisku uu halkaas dhigay iyo in ay Faransa ka jaraan waddamada uu dhanka waqooyi kala leeyahay xuduudda. Ciidankan waxay ka koobnaayeen saddex qeybood. Waxay ahaayeen ciidanka 4-aad oo uu hoggaaminayay Jeneraal Günther von Kluge, ciidanka 12-aad oo uu hoggaaminayay Jeneraal Siegmund Wilhelm List iyo ciidanka 16-aad oo uu hoggaaminayay Jeneraal Ernst Busch.

Fiidnimadii ay taariikhdu ahayd 9/ 5- 1940-kii, ciidamadii Jarmalka waxay weerar ku qabsadeen dalka Luxembourg. Waa dal yar (2,586.4 km2) oo xuduud la leh Jarmal, Baljam iyo Faransa. Xoog iska-caabin ah oo ciidamadii Jarmalka ka hor-yimid ma uusan jirin. Weerarkii Luxembourg dabadeed, waxaa dhaqaaqay ciidankii B oo iyagu weerar ku qaaday xuduudda waddamada Holand iyo Baljam. Subixii ay taariikhdu ahayd 10/ 5- 1940-kii, ciidanka 7-aad iyo ciidanka 22-aad, qeybahooda dallaayadda ku booda (paratroopers), iyaga oo dayuurado lagu soo daad-gureeyay ayaa waxaa lagu daadiyay degmada Haag iyo waddada isku xirta Haag iyo degmada dekadda ah Rotterdam. Waxaa kaloo qeyb ciidankan kamid ah lagu daadiyay agagaarka dhufeyska la yiraahdo Eben-Emael ee ka dhisan xuduudda u dhexeysa Baljam iyo Holand. Waxay arintaan kaga hor-tegayeen khasaaraha kaga iman kara ciidamadooda, dabiicadda cimilada dhulka ee qallafsan. Weerarka qabsaday dhufeyska Eben-Emael wuxuu sahlay in ciidamadii Jarmalka ee aagagga kale ka howl-galay ay si sahlan u dhaqaaqaan. Ciidamadii Faransiiska iyo Ingiriiska, waxay ku joogeen qorshahoodii difaaca ahaa.

Fiidnimadii uu dagaalku bilowdey, ciidamadii Holand dib ayay u riixeen Jarmalkii. Laakiin aagag kala duwan ayaa waxaa ku soo degey ciidamo badan oo kuwa dalladaha ku soo booda ah. Dagaallo kedis ah ayay ku qaadeen aagaggii ay fariisimaha ku lahaayeen ciidamada Holand. Weerarka dhacay habeenkaas hore, Jarmalku waxay ku bur-buriyeen kala-bar dayuuradihii dagaalka ee Holand. Dagaal culus oo laba cisho socdey ayaa wuxuu sababay ciidankii Jarmalka in ay si buuxda u jebiyaan ciidamadii Holand ee ka hor-taagnaa qabsashada degmada Rotterdam. Ciidankii jabay iyo saraakiishoodii waxay ku yaaceen degmada gudaheedii. Saraakiishii Jarmalka uma muuqan in ay degmada ku qabsadaan qaab cunaqabateyn. Bal waxay doorteen in ay ku qaadaan weerar xagga cirka ah oo ay ku han-jebiyaan dowladnimada Holand, kuna curyaamiyaan awoodda ciidankeeda.

14/ 5- 1940-kii markay saacaddu ahayd 1:20 duhurnimo ayaa weerar xoog wayn oo xagga cirka ah waxaa ku bilowdey degmada Rotterdam. Magaaladu waxay ahayd degaanka ugu wershadaha badan, isla-markaas waxay ahayd xarun istraateeji u ah mashruucii dagaalka ee Jarmalka. 90 dayuuradood ayaa ka qeyb-qaatey duqeyntii degmada. Natiijadii weerarkaas wuxuu noqdey in degmadii dhulka lala ekeysiiyo. Tirada dadka ku dhintey weerarkaas waxay ku dhow-yihiin 900 oo qof. Waxaa ku bur-burey 24,978 aqal oo la degganaa, 2,320 oo meheradood, 775 oo bakhaaro ah iyo 26 dugsi. Dadka ku gurya-beeley waxay ahaayeen 70,000 oo qof. Intaas waxaa weheliya hoos u-dhac ku yimid hooshaarkii dowladnimo magaaladu ay astaan u ahayd. Ciidankii dalka waa ay awoodi waayeen in ay la tacaamulaan shiddada intaas le’eg. Gaar ahaan Jarmalkii ayaa ku baaqay in uu degmooyinka kale uu iyagana bur-burinayo. Dowladdii Holland waxaa u muuqday in badbaadada dadkeedu uu ku jiro in ay is-dhiibaan. 15/ 5- 1940-kii markay saacaddu ahayd 11:00, ciidamadii Holand waxay ku dhawaaqeen in ay hub-dhigid.

Dhanka Baljam, shiddada qabsatay maahayn mid ka yar labada dal ee weerarku ka dhacay (Holand iyo Luxembourg). Naqshaddii weerarka ee dalkaas waxay ahayd mid ku mataaneysan naqshadihii lagu weeraray labadaas dal ee kale. Weerarka ciidamadii Naasiga, xooggiisu wuxuu ahaa xagga cirka oo ay ku gacan-sareeyeen. Gacan-sareynta waxay siisay fursad ay ku curyaamiyaan difaacii Baljam. Garaacid xagga cirka ah ayuu weerarka ku bilowday, taas oo lala beeganayay meelaha muhimka ah oo laga dhaawici karo howl-gallada ciidamada Baljam. Dhufeyska la yiraahdo Eben-Emael ee ku yiil meel u dhow xuduudda labada dal ayaa kamid ah meelaha uu qabsaday weerarkii hore. Inkasta oo kooxdii weerartay dhufeyska ay dab xooggan qabadsiiyeen, misana ciidamadii Naasiga ahaa uma suuragelin in habeenkaas ay u dhaadhacaan dhufeyska gudihiisa. Maalin dabadeed, ciidankii Jarmalka waxaa soo xoojiyay ciidan dallaayadley ah oo ka tirsan ciidanka cagta. Jawaasiis ay adeegsadeen iyo cududdii xooganeyd oo ay ku soo weerartameen ayaa ciidankii Jarmalka waxay u suuragelisey in ay ku qabsadaan dhufeyskaas muhimka ah. (Dunstan, Simon (2005). Fort Eben Emael: The Key to Hitler’s Victory in the West. Osprey. pp. 45-55).

Isla-habeenkaas weerarku bilowdey, ciidamo tira-badan oo ah kuwa dalladaha ku-booda ayaa waxaa lagu daadiyay meelo kamid ah bartamaha dalka Baljam. Gaar ahaan meelaha ay ka dhisnaayeen kaabadaha badan ee ku yaal kanaalka la yiraahdo Albert-Canal. Waxaa kaloo xagga cirka laga weeraray garoomadii ay dayuuraduhu u fadhiyeen. Muddo 24 saacadood ah, waxaa lagu bur-buriyay 83 dayuuradood oo kamid ahaa 179-ka dayuuradood oo Baljamku ay lahaayeen. Sidaas oo ay tahay ciidamadii cagta ee Jarmalka, deg-degtii ay filayeen kuma ayan helin guul. Waxaa hakiyay ciidamadii Faransiiska oo si deg-deg badan xuduudda uga soo tallaabay iyaga oo gurmad ah iyo dhufeesyo adag oo Baljamku ay ku lahaayeen kanaalka Albert-Canaal.

Habeenkii u dhexeeyey 11-kii iyo 12-kii bisha, ciidamadii Baljam waxay sameeyeen xeelad dib u-gurasho ah. Subaxdii ay taariikhdu ahayd 12/ 5- 1940-kii, boqorkii Baljam Leopold-III wuxuu fadhi la qaatay saraakiishii sare ee ciidamada. Waxay guddoonsadeen in ciidamada Baljam ay isugu keenaan difaaca waddada tariinka ee isku xira labada degmo ee ah Antwerp (waqooyiga) iyo Leuven (bartamaha). Dhanka koonfur iyo xagasha waqooyi galbeed in ay u daayaan ciidamada ay xulufada yihiin ee ah Faransiis iyo Ingiriis. Qeybo kale oo kamid ah ciidanka Baljam waxaa loo diray in ay gadaal ka maraan ciidamada weerarka ah, si ay u dhaawacaan saadka uga imanaya dalkooda. Waxaa markaas bartamaha Baljam ka bilowdey dagaal xooggan oo laba maalmood socdey. Inkasta oo dagaal mitidnimo ah ay galeen ciidamadii Baljam, misana tayo ayaa lagu maquuniyay oo waa la jebiyay. Ciidamadii Baljam waxaa ay bilaabeen weerar jabhadeyn ah. Inkasta oo uu ahaa mid taag-daran, misana waxay dhaawac u geysteen isu-socodkii ciidanka Jarmalka. Tasaina waxay ka danbeysey markii ay bur-buriyeen kaabadihii muhimka ahaa ee dalka ku yiil.

Gacan-sareyntii cirka ayaa Jarmalka waxay ugu-danbeyn siisay in ay jebiyaan ciidamadii xulufada. 17/ 5- 1940-kii Brussels waxay ku dhacday gacantii Jarmalka. 28/ 5- 1940-kii boqorkii Baljam (Leopold III) wuxuu isu dhiibey ciidamadii Naasiga. Xubnihii dowladda oo uu kamid ayahy ra’iisul-wasaarihii Hubert Pierlot waxay u qaxeen dalka Ingiriiska. Inteeyan ciidamadii Ingiriiska ayan soo gaarin, Jarmalkii meelo badan oo kanaalka kamid ah waxay ka dhisteen kaabadaha biyaha dul saran oo ciidamadu ay adeegsadaan. Taasina waxay u sahashay isu-socodkii iyo taakuladii ciidamadooda.

Waxaa xusid mudan galabta uu Jarmalku qaadey weerarka jahada galbeed (10/ 5- 1940-kii), isla-galabtaas waxaa is-casilay ra’iisul-wasaarihii Ingiriiska Neville Chamberlain (1869-1940). Sababtu waxay ahayd, fashilaad ay siyaasaddiisii ku keentey in Jarmalku ay la wareegaan waddamada Scandinavia, ayaa waxaa ugu darsoomay weerarkan cusub oo u muuqday, waddamada Yurubta galbeed intii ka hartay in ay gacanta u gelayaan maamulka Naasiga. Waxaa la wareegey xilkii dowladda Winstone Churchill (1874-1965). 13/ 10- 1940-kii, iyada oo uu dabkii ka hurayo xudduudaha galbeed ee qaaradda Yurub ayaa Winston Churchill uu barlamaankii Ingiriiska ka jeediyey khudbaddiisii ugu horeeysey. Hadalkiisii waxaa kamid ahaa sidan: “ Mahayo wax aan idin hor-dhigo aan ka ahayn dhiig, tacab, illin iyo dhidid ………..… Waxaad is-weydiineysaan muxuu yahay hadafkayagu ?. Waxaan kaga jawaabi-karaa hal erey: Wuxuu yahay guul. Guul qiimo kasta oo ay ku kacdo, guul argagax kasta oo jira, guul si kasta oo ay suuragal u tahay in waddadu ay dheer-tahay oo adag-tahay. Maxaa yeeley, guul la’aanteed ma aan noolaan karno “. (www.school-for-champions.com/speeches/churchill_blood_sweat.htm).

Qabowga iyo nabaduu jeclaa yaa la qoonsadaye
Qaribaadda duulkii lahaa qado mahaystaane
Waa qaran-bax gaalada ninkii u quwad roonaaye
Jarmalkii qasaaraha jeclaa qaaday dunidiiye
Ka quusay qooriga Suweys qabashadiisiiye
Maraakiib qafilan baa bad-wayn looga soo qaxaye
Qabar sheegadkii iyo lawaa loo qodhlayn jiraye
Raaciyo haddey qaabileen qalab la’aaneede (Maxamad Cumar Dage)

Qore: Dr. Saadiq Enow
saadiq.enow@gmail.com

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno