Home » English, Qoraalada Maxamed Nuur, Qormooyinka, Wararka » Saxane oo Sahal isu bedelay. (Qiso dhab ah) W/Q: Maxamed Nuur.

Saxane oo Sahal isu bedelay. (Qiso dhab ah) W/Q: Maxamed Nuur.

Saxane oo Sahal isu beddelay waa Qiso dhab ah oo ka hadleysa qeyb ka mid ah arimaha ka jira Soomaaliya, waxayna sheekadu u dhaceysaa qaab ka qiseyn ah.

Ugu horeyn aan kuu kala sheego labada magac ee is-bedelay, si aad sheekada u dhuuxdo. waa hal qof, balse laba xili  soo maray. Markii hore waxaa la dhihi jiray Saxane, markii dambana waxaa loo bixiyey Sahal. haddaba aan idin kala baxo adiga iyo Saxane, maxaa yeelay Saxane ayaa nooga sheekeyn doona  sida xaaladdiisu aheyd iyo marka dambe ee uu Sahal la baxayba.

Saxane

Waxaan ahay Soomaali. magaceygu waa Saxane, dabcan magacan ma ahan kii ay ii bixiyeen labadii i dhashay ee waxaan la baxay sanadkii 2006-dii, xiligii ay soo ifbaxeen midowgii Maxkamadihii Islaamiga ahaa, anoo ka mid ahaa dadkii sida aadka ahaa u taageersanaa. xisaabtana ku darso magacan la iiguma wan-qalin, maaddaama uu ahaa wax gadaal kaga soo biiray nolosheyda.

Dabcan Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee aan sida aadka ahaa u taageersanaa, waxay soo hoyeen guulo badan oo aniga iyo taageerayaashii kaleba naga wada farxiyey, guul walba oo timaaddana waxay igu sii fogeyneysay jaceylka aan u qabay Maxaakiimta, halka dhinaca kale ay isla-weyne isii gelineysay, gaar ahaan marka ay timaaddo  dadka ka soo horjeeday kooxdii aan taageerada u ahaa.

Inaan ahay qof aad u toosan ayaa iga dhaadhacday, haddii cid si’ kale wax u aragta aan la kulmana waan la yaabi jiray, anoo quursan jiray. xaqu wuxuu ahaa midka aan arko oo kaliya, xaqdarraduna waxay la dhalatay cidda iga soo horjeedda. waan filayaa inaanad i weydiin doonin halka uu iga raacay magaca Saxane, maadaama aad fahantay.

Maxkamadihii oo jabay.

Dabayaaqadii 2006-dii ayaa meesha laga saaray Maxkamadihii Islaamiga ahaa, iyadoo ay sababta ugu weyn ay lahaayeen ciidamadii Ethiopia ee xulufada la ahaa dowladda KMG ah ee uu xiligaas hoggaaminayey Col. C/laahi Yuusuf, ka dib markii dagaalo lagu hoobtay ay dhexmareen.

Maadaama ciidamada Ethiopia aan aad uga soo horjeeday, Soomaali badanna ay sidaas wax u arkayeen, wax aan qaadan waayey ayey igu noqotay, waxaana iga tan badatay caro aanan cabiri karin heerka ay le’ekeyd, balse waxaan iloobay in dadka aan isku mowqifka aheyn ay ku kala duwan yihiin, Cilmiga, Caqliga iyo waaya-aragnimada, anagoo isku meel u jeednana aan ku kala duwaneyn sida arimaha oo dhan loo wada eegayo. “akhristow la soco waxaan ka hadlayaa dadka aan isku midka ka aheyn xagga aratida, kuwii aan soo kala horjeednay ha ila aadin hadhow”. laakiin maadaama aan Saxane ahay waa in sida aan wax u arko loo arkaa, neceybka iyo jeceylkana lagu miisaamaa heerka ugu sareysa, waxaanna  gaaray heer aan u caroodo qof walba oo aan xanaaqsaneyn, anoo isugu sheekeyn jiray ” muxuu qofkani la faraxsan yahay,  xili farxadeed lamaba joogee”.

Maalin ayaa waxaan soo fariistay meel shaaha laga cabo, waxaa kuraas iga soo horjeedda fadhiya nin aan is-garaneyno, kaasoo aan isku mowqif aheyn. wuxuu la fadhiyey nin kale. sheekaa isugu baxeysa, kan kale waa dadka aan necbahay, balse labadooda waa dad macriifo ah oo muddo dheer asaxaab soo wada ahaa. waxay ka sheekeysanayaan taariikh hore iyo caruurnimadoodii. anigii waan dibiray oo caraan u dhiman gaaray. haddii aan arinta u eegi lahaa in dadka arimo kale laga sheekeysan karo, wax badanna ay isaga xiran yihiin, waxaan hubaa sidaas xaalku ma ahaadeen, laakiin waxaan xiranahay Ookiyaalo arimaha oo dhan ka dhigay labo, mid saddexaadna aan meeshaba soo dhiganin.

Aan soo laabto. Waxaa bilaabatay muqaawamadii lagula diriray ciidamadii Ethiopia iyo kuwii dowladda ee ay is-xulufeysanayeen, dadkii muqaawamadaas ka qeyb galayeyna qof walba wixii uu uga qeyb qaadan karay ayuu ku dagaalgalay. akhristow ha iga hilmaamin in dadka safkaas ku wada jiray ayan isku ujeeddo wada aheyn, sida mar dambe soo bixi doonta.

Aniga Saxane ah bartanka ayaan uga jiray muqaawamadaas. qori ma qaadanin, balse waxaan afka ka difaaci jiray muqaawamada, hubka ugu weyn ee aan ku dagaalgalayey waxay aheyd dood iyo muran, ciddii aan taas isku diidnana waxaan u qaadi jiray cadaawad gaamurtay, inaan gaal ku sheegana biyo uma kaban jirin,  marka aan xukunkaas degdegga qaadanayona waxay aheyd marka doodda la igaga adkaado.

Waa la sii kala haray oo marba koox cusub ayaan maqalnay oo ka dhexbaxda muqaawamadii aan Taageerayaasheeda ka midka ahaa, dadkii naga soo horjeedayna waxay hadba na hordhigaan in awalba aanan isku ujeeddo aheyn, doodda ceynkaas ahna waran nalagu mudayo waa nagaga darneyd, aniga Saxane ahna habeenkii waxaan hooyan jiray anoo su’aalo badan ay madaxeyga ka guuxayaan, waxaana ka mid ahaa su’aalahaasi:

Sow loo dagaalami maayo in dalka laga saaro ciidamada Ethiopia?

Sow loo dagaalami maayo in dalka lagu xukumo shareecada Islaamka?

Haddii labadaas arimood loo dagaalamayo maxaa loo sii kala jajabayaa?

Sow diinta Islaamku midnimo ku baaqi meyso?

Haddii ciidanka Ethiopia dalka ka baxaan maxaa xigi doona?

Maxay yihiin dilalkan qarsoodiga ah ee socda yaase fulinaya?

Ma Soomaalidaa xumaatay mase Muqaawamadaas wax ka khadan yihiin?

Su’aalahaasi iyo kuwa kale oo badan ayaa habeen walba aan la hoyan jiray, dadkii aan taageersaneyn ee Muqaawada madaxda u ahaana marba waa sii kala harayaan, balse aniga Saxane ah waxaan ku sii baaqi ahaanayey hadba kooxda ka fog wixii aan ka soo horjeeday, su’aalaha isoo wajahayey iyo dadka hadba mar naga harayeyna ciilkii iyo xanaaqii ayey ii sii siyaadiyeen, anooba markii dambe ku sigtay inaan gaalnimo ku xukumo inta badan Soomaalida, maadaama usha aan cuskado ay arintaasi aheyd.

Ciidamadii Ethiopia waa baxeen si kastaba arini ha u dhacdee, balse in la kala durko maahee wax isu soo dhawaaday lama arkin, iska daa wax kalee, kuwii ka horyimid dowladdii ay madaxda ka noqdeen hoggaamiyaashii Muqaawamada ayaan midoobin, magacyo horlehna waaba la kala baxeen, dilalka qarsoodiga ah ee su’aalaha aan ka qabayna waa sii bateen, weliba markan waxaan maqalnaa qof caan ka dhex ahaa Muqaawamada oo madaxa la jibiyey, oo tolow waa ‘ayo, bal adba.

2009-kii bilowgiisii Muqdisho, waxaa ka baxay ciidamadii Ethiopia. magaalada in badan oo ka mid ah waa camiran tahay. ciidanka AMISOM ee markaas ku sugan waa ilaa 3000. waxay Muqdisho ka joogaan, Garoonka diyaaradaha, Dekedda iyo Madaxtooyada. magaalada inteeda badan waxaa haysta muqaalkii guud ee Muqaawamada. waa ragii shalay isku safka ku jiray, balse maanta is-gaadaya. koox walba oo Muqaawamada ka mid ah waxay ku xiran tahay Madax markii hore isku meel u jeeday. waxaana ay ku howlgalayaan in hoggaamiyaha ay ku daba feyshan yihiin uu yahay kan ka shaqeynaya Maslaxadda dalka, dadka iyo diinta.

Dr. Cumar Imaan oo ka mid ahaa raggii hormuudka u ahaa howsha socotay, Cilmi ahaanna ugu tug-tug roonaa dalka waa isaga tagay, oo tolow muxuu uga tagay Muqaawamada xiligii loogu baahida badnaa?, waxay aheyd su’aal aan aad isu weydiiyey, ilaa iyo haatanna  waa su’aal furan. la soco markaan waxaan ka hadlayaa kooxdii ka sii hartay dowladdii Shariif. waxaan kuwan ugu gaabsanayaa si aan hadhow Saxane loo weydiinin Shariif baa is bedelay iyo kanaa dhacay.

Hadalada iska soo horjeeda ee ay ku qowlayaan raggeygii ma ahan wax aan qormooyin ku koobi karo, aan hal tusaale soo qaato.

Sh. Xasan Turki ayaa maalin waxa uu ka hadlay qolyihii Asmara kaga haray Shariifka ee uu Sh. Xasan Daahir hoggaaminayey. Xasan Turki wuxuu yiri ” Xasan Daahir hadduusan iska reebin rimoorka uu gadaal ku wato ee Calmaaniyiinta ah waa la xukun” macnaha waa Calmaani kale ( qof aan diin laheyn) waa hal tusaale ee waan tixi karaa kuwa badan oo la mid ah.

Mid kale. Sh. xasan Daahir ayaa waxaa laga wareystay idaacadda voa-da laanta Afka-Soomaaliga, waxaa la weydiiyey waxa ay isku hayaan madaxda dowladda KMG ah. wuxuu sheegay inayan diin isku haynin ee ay Kursiga isku hayaan. waa Nabar kale. dadka dhagaha kama awdi karno, Sh. Xasan Daahir na afka ma qaban karno. hadalkiisa macno kale uma sameyn karno. wuxuu ku hadlayaa luuqad aan isla garaneyno dadka naga soo horjeeda. marka nala weydiiyo waxa aan ka leenahay hadalkaas waa marka aan ugu miicmiicda badannahay ileen mid ka mid ah hoggaamiyaashii ugu caansanaa ee aan taageersaneyn ayaa wuxuu ku hadalay wax ka soo horjeeda wixii aan ku doodi jirnay. ciil iyo caro iska dheh.

Intaas yar iyo wax badan oo aan qoraalka oo dheeraaday daraadiis uga tagay, iyo weliba waaqica oo fashil badan uu ka muuqday, ayaa waxa ay su’aal ku keeneen magacii aan la baxay ee Saxane,  xiligaas arimaha waxaan u eegi jiray laba midkood, balse waxaan is-weydiiyey armaa arimuhu laba kabadan yihiin oo maskaxdu u baahan tahay in dhinacyo badan wax laga fiiriyo.tani waa su’aal muhiim u ah dadka arin walba oo dhacda u qeybiya labo, iyadoo saddex iyo kabadan ay noqon karaan.

Sheekadii Saxane oo Sahal isu bedelay qeybteedii 1-aad halkaas ha inoo joogto. qeybta 2-aad waxaa inoogu marti ah Saxane  oo qaadan  doona magaca  Sahal, isagoona halkaas ka sii wadi doona waxyaabaha uu Saxanihii hore u bedelay magaciisii iyo Ookiyaalihii uu wax ku eegi jiray. isma dhaafno.

W/Q: Maxamed Nuur Shire

mnuur10@gmail.com

34 Responses

  1. burhaan says:

    aad ayuu umahadsanyahy qoraaga qoray maqaalk waxaa layaab leh in ay jiraan dad aad ufarabadan oo ay ku dhacday qisan oo kale markii ay wada qaateen magaca sahal ay layaabeen markii ay saxane ahaayeen qaabak ay ufakari jireen waxaan soo dhawaynayaa cid walba oo dib umiisaanta fikirkooda isa saxdana

  2. m gulled says:

    Waxa weeye nolol ay dad baden ay soo mareen ,kuwa kalana wa mari doonaan in the future waayo noloshu waa tubinkaas taarikhduna waa cycling recyl ama history repeats its self.you will find many pple going through the same

  3. bishaar says:

    maasha allaah waa qiso cajiib ah qoraagu wuu kufarayareystay waa nin ilaah u sahlay sida wax loo soo bandhigo ilaahay asagoo kale umadeena haku badiyo kolay kuwii wanaagu dhibijiray haday soo caytamayaane laakiin qoraalkan ciib malahan waa ok

  4. axmedyare says:

    walaahi waa sheeko qosol miiran ah dad saas saxane ka sheekeeyey ah baa dhooban hada kuwaaso maka faa,iideysan doonaan sheekadan mase way sii madax adkaanayaan

  5. horeeye says:

    SAXANE IYO SAHAL maanta meelkasta iyo tuulo kasata beyjoogan iyagoo kaaga sheekaynaya typically qisadna oo kale

  6. mataan says:

    walaahi sheekadan way ideeqday qoraagu wuu kumahadsan yahay qaabka uu noogu soogudbiyey anigaaba sidaas ahaan jiray qof waalan camal dad badan ayaa soo maray laakiin waa waqti la soodhaafay dad baa hada sidaas ah oo isla toosan ayagana waqtigaa wax fahansiin doona

  7. mursal yare says:

    to mataan
    ugu horeyn qoraalkan waa mid u qalmo in biyo dahab ah lagu qoro waana ku mahadsan yahay qoraaga
    sxb key mataan waxaan kugu raacsanahay in dad badan ay hada heeraas marayaan waxaad tiri way iska fahmi doonaan taas sax ma ahan hada iyo waaga uu qoraaga ka sheekeeyey isku mid ma aha hada shabaab xumaantooda banaankey taalaa laakiin markaas dad badan bay ku dhexjireen oo saas looma aqoonin sxbow kuwan shabaab taageerayo qiil malahan maalin walba way arkaan in shabaab ayna wanaag uhaynin soomaalida bal way ka sii dareenoo waxay dheheen anaga waxba ma xukunee askar baan nahay intaas ka dib maxaa haray oo lafahmi doonaa welina kuwaa difaacayee

  8. mataan says:

    mursal yare
    sxb waad mahadsan tahay waa runtaa shabaab hada xumaantooda banaanka bay taalaa dad badana waa ka hareen waxaas oo dhan waan kugu raacsanahay laakiin walaalow dadka isku caqli ma ahan kuwa aan horey wax u fahmin baa kujira iyagoon xumaan taageera ayna ka aheyn marka kuwaas waqtigooda haqaataan intay wax ka soo fahmayaan taas baan ula jeedaa ee si kale ha ii arkin aniga dhalinyarada waaba ka waaniyaa wixii taageersan alshabaab xumaantoodana waan u sheegaa kuwa badan waan ka reebay kuwa kalena shubhooyin baan ku furay way iska soo noqon doonaan ilaahay idinkiis

  9. abuu cali says:

    waan salaamayaa qoraaga waa sheeko fiican oo aad loo fahmi karo waaqaca ka hadleysa saxane waan aragnay ee sahal baan ka dhureynaa sheekadiisa waan sugi la,ahay mida sahal ta saxane aad bay u fiicneyd tan kalena mid kasiifiican baan ka rajeynayaa

  10. mmc says:

    waa saas lakiin markasta waxa ku gulaysta qiyaasta mustaqbalka cida aan marna mesha soo galin xamasad diineed ama midkale waqtigu waa waxa kaliya oo wax lagu barto qofkana waxbara
    waqtigaas saas uu saxane marayay dad ayaa dareemayay sida wax isu bedelidoonaan ama sii qiyaasayay

  11. Mohamud says:

    Dhabtii qoraagu waxjiruukahadlay waana kumahadsanyahay qof walbana wixii uu taageersanyahay ayaa la saxan ama laquman marka saxane aragnaye bal sahalna an aragno

  12. abu rixa says:

    Aad ayaan ugu mahad celinayaa qoraageena weyn iyo waliba mufakirka islaamiga iyo somaligaba ah, intaas ka dib waxaan jeclaan saxaneyaasha hada soo haray oo wali isla quman inay is weydiiyaan 7dan su’aalood oo hada saxane isweydiiyey plus 13kii su’aalood oo ku jiray maqaalkii ahaa “Al-Shabaab,Towxiidka, Shareecada iyo Muslimiinta” oo isna oo noo qoray M.N.Shire (jazahulaahu khayr) hadaan kusoo celiyo waa sidan:

    A) Su’aalaha ku jira maqaalkan “Saxane oo Sahal isu badaley”
    1.Sow loo dagaalami maayo in dalka laga saaro ciidamada Ethiopia?
    2.Sow loo dagaalami maayo in dalka lagu xukumo shareecada Islaamka?
    3.Haddii labadaas arimood loo dagaalamayo maxaa loo sii kala jajabayaa?
    4.Sow diinta Islaamku midnimo ku baaqi meyso?
    5.Haddii ciidanka Ethiopia dalka ka baxaan maxaa xigi doona?
    6.Maxay yihiin dilalkan qarsoodiga ah ee socda yaase fulinaya?
    7.Ma Soomaalidaa xumaatay mase Muqaawamadaas wax ka khadan yihiin?
    B) Su’aalihii kujiray maqaalkii “Al-Shabaab,Towxiidka, Shareecada iyo Muslimiinta”
    1- Koox muslimiinta ka mid ah ma u babac dhigi kartaa gaalo oo dhan iyo inta badan muslimiinta?
    2- Gar miyaa in Soomaalida lagu tijaabiyo arimo culculus oo ayan ka bixi karin, inta badan dadkuna ay fashil u arkaan?
    3- Intii 20 sano iyo ka badan ka dib laga shalaayi lahaa falal aan faa’iido badneyn, sow gar maaha in marka la nabad qabo aan lagu dhaqaaqin?
    4- Haddii dadka diinta bartay badankoodu diinta xagal-daacinayaan yey yihiin dadka koryeelaya?
    5- Haddii dhulkii kale ee Soomaalidu deggeneyd la leeyahay halaga soo Hijroodo dadkii muslimiinta ahaa ee ku noolaana ay doodi ka taagan tahay xukunkooda, yey kooxdani dartood u baaba’ayaan ma cid ay gaalo u arkaan iyo dhul ay waddan gaalo u arkaan bay daraadood u dhamaanayaan?
    6- Haddii xiligan la leeyahay inta badan umaddu maanta Towxiid ma fahmin goorma ayaa dadku towxiidka fahmayaan, dad intiisa badan ayan towxiid fahansaneyna sidee Jihaad looga dhaadhicin karaa?
    7- Haddii intii saaxiibada ahaa ay isku haystaan arimahaasi masiiriga ah goorma ayaa bulshadii kale sida aad wax u dooneyso uga gadeysaa, goorma ayaase caalam kale u gudubtaa?
    8- Qofkii su’aalahaasi keena ma murtad baa, mase waa mufsid dil mudan?
    9-Haddii Nabi Muxamad (SCW) ka bari noqonayey qaar ka mid ah ficiladii ay saaxiibadii sameeyeen, maxaa loo maqli waayey Al-Shabaab oo ka cudur daaranaya wax ay haleeyeen?
    10- Akhristaha qormadanow waligaa ma maqashay ficil hebel oo ay Al-Shabaab sameeyeen oo ay cambaareynayaan madaxda xarakadu, mase 5 sano iyo ka badan ururku maba qaldamin weli?
    11- Qof mulim ah wax ka sheegiis ma lagu gaaloobaa?
    12- Koox muslimiinta ka mid ah wax ka sheegeed malagu gaaloobaa?
    13- Muxuu yahay waxa u dhexeeya qof muslim ah iyo koox muslimiinta ka mid ah?
    waad mahadsantihiin.

  13. Muxamed says:

    Asc, abu rixa bacda salaam, marka koowaad maxaa loo dagaalamayey ma fahmi kartid hadaanad fahmin muxuu dagaalku ka bilowday! Dagaalku wuxuu ka bilowday wadaad waan ku gadanayaa iyo ima gadan kartid? Wuxuuna dagaalku u dhaxeeyey niman ashahaado la dirir ah iyo niman ashahaado difaaca! Markii ashahaado la dirirkii afka ciida loo daray ee maxkamadihii islaamka soo caan baxeen ayaa dagaalka waxaa soo galay gaalo is bahaysatay ee maraykan xabashi ugandhays burundi iyo wixii la halmaala! Markaan usoo noqdo su,aashaadii ahayd sow looma diriraynin in ethopia dalka laga saaro? Jawaabtu waa maya waxaa loo dirirayey in dalka laga saaro gaalada nagu soo duushay ee maraykanka, ugandha, burundi ee ethopiana qayb ka tahay, waxaa loo dirirayey in la raaciyo dabadhilif yadii kabaha u siday ee ina yeey iyo geedi waxaa loo diriray in la dumiyo dastuurkoodii gaalnimada ahaa iyo dimuqraadiyadoodii daba ka fuulka ahayd, waxaa loo dirirayey shareecadii islaamka ay dumiyeen in dib loo soo celiyo. Dabeed maxaa dhacay gaaladii 4- ahayd ee nagu soo duushay midbaa baxay 3-dii kale waa joogaan iyo kuwo lagu soo kordhiyey?dabadhilif bay cayriyeen dabadhilif kalay keeneen maxaa is badalay? Tan aad leedahay maxaa loo kala jabay waxaan kaa iri lama kala jabin bal rag safka mujaahidiinta ku dhuumanayey ayaa safkii gaalada galay! 13-su,aalood ee m.n. Shire dhamaantood waa shubhaad horaana ooga jawaabnay

  14. abu rixa says:

    muxamed
    wcs..muxamed SAXANOOW (ilaahay sahal hakuu badalee ileen isla qumanaantu ma fiicnee) intaas waa iga kaftan midda xigta walaal waxaa fiicnaan lahayd inaad isku daydid su’aalaha oo dhan inaad ka jawaabtid ma ahan inaad ku gaabsatid waa shubuhaad, fasaad iyo weedhaha kale ee dadka lagu xuuxiyo ama lagu cabsiiyo marka fikirkaaga intaad miiska soo saartid difaac adoon caroon.
    dhanka kale waxaad tiri AMISOM oo gaalo wada ah ayaa soomaaliya kusoo duushay (inkastoo anigu aanan jeclayn amisom iyo qaabka dadka rayidka ah ay ula dhaqanto ee arxan darrad ah) hadana cadaaladda ma keenayso inaan dhoho berri markay jabuuti ama turkiga ciddamo keenaan aan dhoho waa gaalo ama waa daba dhilif maxaa yeelay adigii (shabaabkii) kaligi muslimka ahaa ayaa dalkii gubaya oo muslimiintii soomaalida ahayd isku qarxinaya oo adoo dalka haysto ayaad -sida walaalku tilmaamay- gaadmo wax ku dilayay adoo intaad maxkamadaysid cadaalad mar siin karay.
    tan maxaakimtii inay kala jabeen ma ahan wax aad inkiri kartid qaybta aad leedahay safka mujaahiddiinta ayay ka baxeen ma waxaad ka Dr Cumar Iman , Ashaykh Maxamuud Ibrahim Suulay iyo kuwa la midda madaama ay shabaab ku khilaafeen fikirkood ma intaas bay ku gaaloobeen mise gaalo ku raaceen?

  15. Muxamed says:

    Abu rixa, muslimiin la isku qarxiyey ha ii dambaysee horta yaad muslim u taqaanaa? Aan ka doodno mas alatul asmaa wal axkaam waa maxay mumin, muslim, munaafiq, murtad iyo mushrik? Dayib dowladii c.laahi yuusuf culimada waa gaalaysiiyeen sida sh.cumar faaruuq wuxuu yiri gaal ninkii soo kaashada gaal waaye! Sh.c/nuur sidoo kale sh.xassaan sidoo kale. Bal waxaa ijmaac ah in inay kufri tahay mudaaharatul kufaar calal muslimiin. Idan marka murtad la dilo inaad tiraahdid muslim baa la dilay waa kuu aqoon yari. Tan kale cid walboo xaqa u istaagta waxaa lagu dacaayadeeyaa dhiiga muslimkay banaystaan dadkayna gaalaysiiyaan! Kasoo bilow ibnu taymiyah,ibnu qayyim, ibnu c/wahaab, al-itixaad, alshabaab iyo ina cabdile xasan. Ibnu taymiyah waxaa la yiri waxaad gaalaysiisay sheekhul akbar muxyadiinu carab waa suufi isku kaadshi jiray waligiina tukan! Markaasuu ibnu taymiyah keenay 40- imaam oo shaaficiya ah oo takfiirisay ninkaa! Sayidka macalinkiisii baa yiri sayid waxaa isoo gaadhay inaad dadka muslimka ah layso? Sayidka wuxuu yiray macalin hadii wargad bakh-shadaysan laguu soo diro warqada ma akhrin kartid ilaa aad bakh-shada jeexdo hadaba waxaan dilaa kuwa gaalada bakh-shada u ah! Sh. Maxamad c/wahaabna sidoo kalaa lagu yiri alshabaabna adaa hada ku leh? (tashaabahad quluubahum). Alshabaab waxaad dhahdeen dadkay gaalaysiiyaan gumacana waa ka soo horeeyaa! Warkaa waa la idinka horeeyey xataa suubanaha.scw. Ayaa lagu yiri maxamadow awoowgaa c/mudalib qureysh geel buu u qali jiray oo kurus iyo dhuladhule ayuu ka dharjin jiray adna sidii geelii ayaad qureysh u gawrici rabtaa? Markaasuu yiri (walaahi inii bucithu an adbaxakum) abu jahal ayaa yiri maxamad maanta wax fiican kumad hadlin markaasuu yiri suubanaha.scw. Anta minhim

  16. Muxamed says:

    Tan kalood leedahay ka jawaab 13- qodob ee shubuhaadka ah ee m.n. Shire waa maqaalkii iigu horeeyey ee aan ka jawaabo ee igu xanbaaray inaan bartan wax ku tacliiqo ee ayagoo faah faahsan ka fiirso tacliiqayga iyo kan waaniye wali waa dhagsan yahaye hadaanse qodob ama labo ka xuso waxaad tiri koox muslimiinta ka mid ah ma u babac dhigi karaan gaaloo dhan iyo muslimiin badan! Horta muslim gaal la safan gaal iga dheh oo waxba ha ii kala soocin. Tan kale ee ah gaalo kaa awood badan koox yar oo muslimiin ah ma u babac dhigi kartaa? Awalan allah.sw. Ayaa ka awood badan gaal kastoo awood sheegta asagaana u gargaaraaya mujaahidka diintiisa difaacaayo ( wakafaa bi rabbika haadiyan wa nasiiraa) allah.sw. Ayaa kugu toosinaya gaalka aad la dirisay maalinta ay daganyihiin sidii dagaalkii dayniile iyo meeshay ka dagan yihiin sida yurkud ku dhacday taasu waa (haadiyan) ( wa nasiiraa) oo ah allah.sw ayaa kuu gargaaraayana waa si toos ah iyo si dadbanba si toos ah waa dagaalada tooska ah sida kii ka dhacay dayniile, yurkud. Iwm. Sida dadbana waa waaguu maraykanka kusoo duulay somaliya 1992-dii ujeedkiisu wuxuu ahaa inuu dumiyey imaaradii islaamiga ahayd ee luuq wuxuun allah.sw oogu gargaaray si dadban oo maraykankii wuxuu ku saliday ganeral caydiid ilaa uu dabo jeediyo. Marka hadalka ah takaathurul islaax iyo awooda gaaladu haday ka weyn tahay tan muslimka jihaadku waa dhacayaa! Lam aqul axadun minal muslimiin! Maa awxaahaa illa shaydaan calaa bacdi lisaani culumaa,u jadiidiyah wal ictisaamiyah. Tan aad leedahay 2o-sano bacdigeed faa,iido la gaari waaye! Akhi waa been iska cad shuuf wilaayaadka islaamiga ah faa,iidooninka iyo fawaakihda yaalo akhi walaahi waa wax laga qajilo in beentaasoo kale lasoo qoro ana waan ka yaqyaqsoonayaa inaan ka jawaabo been sidaa u indha adag inlala soo istaago khayr wilaadka ka muuqo wax faa,iido lagaaray ma jiraan mudo 2o- sano ah nasalalaahu salaama.

  17. abu rixa says:

    Muxamed:
    walaal hadaan ka bilaabo meeshaad ka bilowday anigu muslim waxaan u aqaan qofka laga helo dawaabida ku jirtay xadiithkii arbaciinka ee suubanahu si qayaxan ugu tacriifiyey yaa muslim ah, ma aqaan inaa adigu gaalo u taqaanid caamada muslimiinta oo dhan maxaa yeelay waxay kooxda aad taageeraysid si aan kala sooc lahayn u laayaan (qarxiyaan) shacabka muslimiinta ee soomaaliya ku nool tusaale ahaan qaraxyadii shaamoow, baladwayne, hargaha iyo saamaha iyo waliba kii u dambeeyey iyo waliba kuwa intaa ka badan waxay fardi fardi u gaadmo dilaan dhamaan shacabka muslimka ee soomaaliya ku nool haday ahaan lahayd culumo tusaale ahaan Al Ustaad Ashahiid Axmed Haaji C/raxmaan, nabadoono sida waayeel iyo kuwa la midd ah, haween sida kuwii nadaafa ka shaqaynayay ee muqdisho 2009kii, arday sida kuwii scholarshipka turkiga ka helay iyo waliba inta soo hartay oo qof ay dhiigiisa ka caagan yihiin usan jirin marka mawaxaan kaa dhagaystid assaaftaas oo dhan waa murtadiin ama fasaad ayaa loo dilay !!!! walaal suubanahu wuxuu yiri (kacbada oo dunta ayaa ilaahay kala fudud dhiig qof muslima oo daadta) dhanka kale maqaasidda shareecadda ilaaliso ee shanta ah waxaa ka midda ah dhiigga muslimka marka haday Eebe Sareeye saas u adkeeyey dhiiga muslimka islaamkana halkaa is ka taagay ma inaad koob biyaha okale ka dhiga taanbay noqotay! war intay goortahay Rabi,Rasuul iyo Umaddaba ka sariigta.
    Ogow waxaa igala doodaysid dadka muslimiinta wa lalayn karaa idlaaqan iyo mayee ka daa ilaa bi xaqil islaam (horeyna waan uga soo hadalay dadkaad laysiin inaysan murtadiin ahayn)

  18. Muxamed says:

    Abu rixa, nimanka gaalada soo kaxaystay ee muslimiinta ku laayey ma maslimiin baad u taqaanaa? Nimanka dastuurka gaalnimada ah samaystay ma muslimin bay kuu yihiin? Kuwa dimuqraadiyada loo soo dhiibay ee dalka ku dhaqa la yiri ma muslim bay kuu yihiin? Xadiithka arbaciinka ku yaalo e 5-ta tiir islaam ka hadlayo aragtaye maxaad u arki weysay aayadaha iyo axaadiith-ta ka hadlayso 5-ta tiir islaamba inay burayaan hadii nawaaqidooda lala yimaado! Towxiidku waa buraa hadii gaalo laga wali yeesho salaadu waa burtaa hadii neef kaa timaado adoo ku jira soonku waa buraa hadaad raashin cunto adoo sooman zakadu waa burtaa hadaadan bixin neefkii lagu amray xajku wuu buraa hadaad xaaskaaga jamaacdo marka xarig kastoo xirma waa furmaa naagtu way xirantaa wayna furantaa oo meher ayaa xira dalaaq ayaana fura. Qaraxii shaamow xarakadu ma sheegan bal waa la ogyahay waxaa ka danbeeyey black water iyo qaraxii masjidka dabaqeynkaba dr. Axmad x. C/raxmaana sidoo kale bal waxaa ka danbeeyey ps-ta puntland. Hadaan kaa iraahdo wax qaraxii baladweyne waxaa waxaa ku halaagsamay axmaaro iyo murtadiin uu u weyn yahay cumar xaashi iyo waxla umad ah. Hargaha iyo saamahana waxay ahayd 8-wasaaradood ee dowlada ridada ah waxaana ku halaagsamay saraakiil, sirdoon iyo jawaasiis wada murtaduun ah. Wax ardo ah waxaa la sheegay afar arday ayagana waa looga digay inay ka dheeraadaan gaalada iyo murtadiinta agtooda.

  19. abu rixa says:

    Muxamed:
    Marabo inaan soo celiyey doodii ahayd “Ma doorashaa danbi ah mise dastuur” sababtoo ah nin baa mawduucaas xaqiisa siiyay waana ku jira webka maqaalkaas iyo tacliiqaad ku filan laakiin waxaan ka hadlayno waa 15 million oo somali ah ayaa qiil uga raadinaysa in ay gaal yihiin si aad dhiigooddaa u daadiso waayo shabaab makala saaraan dadka caamada ah iyo dadkay is hayaan (ku waad magacyada u baxisay), dhanka kale wax ay ku kala duwan yihiin malahan qaraxyada aad qiratay iyo kuwa aad inkirtay oo waa isku mid.
    midda kale Dr. Axmed H.A/raxmaan waxaa diyadiisa (amaba dhiigiisa) iska leh ahalkiisa ayagana waxay u haystaan ashabaab dhiiggii shiikha sida meel walba ku cadeeyeen, waxaan hada ka hor markii shahiidka la dilay ka akhriyey s/memo in ay shabaab iyo website kuba ka warsugayaan ehelka shiikha si ay u cadeeyaan cidda ay uhaystaan dilka shiikha markii reerku hadalayna way ku gacan sayreen ( waxaan soo xusuustay qisadii islaamidda c/laahi binu salaam). dhanka kale waxaad tiri 4 arday kaliya ayaa ku dhintay!!!
    walaal dhiigga muslimka kula yaraa!!!!!!!!!! xadiithka aan kor kugu xusuusiyay wuxuu ka hadlay hal qof oo muslim dilkii, dhanka kale waxaan ka hadlaynay istibaaxat dimaa al muslimiin marka 4tii aad qiratay mawaxaa lagu banaystay in loo hanjabay( loo booteeyey) oo ay diideen!
    mar labaad Alle haloo laabtood.

  20. bishaar says:

    Muxamed
    waxaa kugu fiicnaan laheyd inaad dhahdid khalad ka bari baan ka ahay cid walba oo sameysa, sidii nabi Muxamed uga bari noqday khaladkii ay sabaaxadiisu sameeyeen kuwii Nabigu khaladkooda ka bari noqday baana ka kheyr badan kuwa aad khaladkooda oo dhan saxda ka wada dhigtay, xitaa hadii aad dhihi laheyd qaar ayaan diidanayey qaraxyadii lagugu qabsaday wax ayey ahaan laheyd. waxaad dhahday b/weyne wixii ku dhintay dhamaantod wada murtadiin bay ahaayeen walaaloow arinkaas ma iska hubtaa waxaa kaa horeysa maalin aadan u doodi doonin afkaa qoyane mida kale kii hargaha iyo saamaha waxaad tiri wixii meesha ku dhintay wada murtadiin bay ahaayeen hadalkaas aad qortay maka baqeysaa in laguu qabsado maalinta ilaahay dhiiga u kala xukmin doono adoomadiisa? walaal anigan kula hadlaya ayaa 5 arday ka garanaya dadkii hargaha iyo saamaha lagu gubay ee hilibkooda la shiilay mida kale sow hal qof dhiigiisu kama cusleyn aduunka oo dhan oo la dumiyo, qaraxii b/weyne 80 qof baa ku dhimataye kuwli waa wada ehlo naar sow maaha? mida kale dadka aad iyaga murtadiinta ku xukuntay ee maamulada ku jira sow ma ogid inayan musalam aheyn oo nusuusta caamka ah iyo cida lagu dul dareerinayo ay kala duwan yihiin, aynaba jiraan culimo waaweyn oo aan gaalinimo ku xukumin oo ay muslim u yihiin? saxanoow aniga waa iska key difaaci kartaa laakiin soomaalida dhiigooda aad hadurka ka dhigtay oo aan eheladooda ka midka nahay kuwa la xasuuqay ee dhiigooda lagu faanay maalin aan maanta aheyn ayaa rabul caalamiinka hortiisa kugu markhaati nahay inaad halkan kaga dooday in wax muslim ah ayan xarakadu leynin ee waxa ay disho oo dhan ay yihiin gaalo ay gar tahay inay leyso.

  21. Abdihakim Diriye says:

    Ad ban ugu mahadcelinaya mudane Saxane waayo aragnimada uu so maray iyo sida fiyow ee uu fakarayo hada, qofkasta oo ku shaqeya maskax caafimad qabta naftisana runta uu shega kuna qanca inu yahay qof bulshada la mid ah lana siman iyaga khalad iyo sax-na leh indhihisu waxay tusayaan khaladadkisa inta uusan arkin xumaanta dadka kale. Lkn waxay dhibaato ka taagan tahay markasta oo Saxane hore uu isbadelo waxaa saaxada kusoo biiraya Saxanayaal yar yar oo iyagoo aan socod baran orad bilaabaya ayna adag tahay inaad qancisid ilaa ay wareega masaafa dheer so jaraan oo sanooyin ka dib kuu yimaadaan iyagoo daalay!!! Saxanayaashu waa noocyo badan yihin lkn waxay ka mideysan yihiin iney isu arkaan macsuumiin bandar jiifa iyo iney ka xunyihiin jiritaanka iyo nolosha dadka kale ayna jecelyihiin iney halaagsamaan wixii iyaga kaso haray. Aan bixiyo hal tusaale arrin maanta igu dhacday. Nin dhalinyara oo sxbkey ah oo Yemen ka yimid oo hada Kenya jogo ayaan maanta khadka isku aragnay waxaan ku iri, kawarran Islii? Wuxuu iigu jawaabey sidan, “Waa meel ay camireen gaalo iyo ahlu bidac.” ninkaas waa wiil dhalinyara oo somali ah hadana wadaad ah mudo dheer ayu diin baranayey aqoon diineed oo fiican buu leeyahay waxay ahayd inu ku farxo horumarka dadkisa uuna noqdo xubin waxtar leh oo bulshada anfacda lkn waxaa ku dhacay xanuunkii SAXNAANTA saas darteed buu xanaaqsan yahay fartana dhexda ka qaniin yahay. Sida jawaabtisa ka muuqata isaga uma kala duwana hantida gaalada iyo tan muslimiinta uu ahlu dibaca ku shegayo waxa uu dhibsanayo waa ganacsida iyo guryaha qurxoon ee Soomaalidu ka dhisatay Islii maadaama dadka hantidaas leh aysan isaga la aragti ahayn!!! Lkn waxa wax Ilaahey loogu mahadiyo ah in aragtiyada noocaasi ah aysan hada haysan sumcad iyo shacbiyad badan ayna u muuqdaan gabal sii dhacaya. Mahadsanidiin dhammaan walalaha.

  22. Muxamed says:

    Bishaar, adiguna waxaad rumeysan tahay hadalkii af hayeenka boliska dowlada ridada ah ee xasan bariise warkiisii ahaa waxaa meesha ku halaagsamay arday usocotay turkiga! Ana waxaan rumays nahay af hayeenka mujaahidiinta sh.cali dheere ee ahaa waxaa meesha ku halaagsamay saraakiil murtadiin ah jawaasiis iyo sirdoon cadaabi jiray gabdhaha xijaaban iyo raga sunada ka muuqata! Haday jiraan dad arday ah oo meesha ku dhintayna taa waxaa ka fatwooday sheekhul islaam, ibnu taymiyah, ibnu xazam iyo culimo kaloo fara badan oo maalikiya iyo xanafiyaba leh waxayna dheheen muslimiin iyo gaalo diriraya wixii muslimiin ah ee dhexdooda waxku noqda waa hadur magna ma lahan! Waxaan allah.sw markhaati hortiisa kaga furayaa bishaarow inaad murtadiin la laayey aad u doodaysid iyo kuwo gaalo dalka soo galiyey dad muslimiin ah ku xasuuqay shareecada islaamka la dirirey kitaabkii ilaahay ku saxarooday musqushana ku riday inaad kuwaas muslim mooradii soo galisay ood ka naxday dhibkoodii ayaan markhaati ka ahay alle hortii maalinta qiyaama waxaan rumays nahay sidaan maanta u doodayno iyo waxaan aan qoraynaba inay imaanayaan ayagoo kitaab ku qoran lana oran doono qof walbo ( iqra kitaabaka). Ee bishaarow ku kalsoonow in allah.sw. Kula soo saaro kuwaan aad ku doodaysid muslinimadooda ee kala ah xasan bariise, shariif. Sh. Axmad, c.wali gaas. Bhuke, musaxeni, males iyo obama! Anna waxaan ku kalsoonahay inaan kasoo muuqdo safka sh. Cali dheere, sh. Godane, macalin adan ceyrow, dr. Addawahire iyo sh. Usama. Ikeyn labadaa xisbi ayaa is haysee ku kalsoonow xisbigaaga xisbigayga waan ku kalsoonahayee.

  23. bishaar says:

    muxamed
    walaaloow horta anigu xagdubi mayo waxaan anigu ku weydiiyey oo kaliya su’aalo waxaan ku weydiiyey ma iska hubtaa in dadkii hargaha iyo saamaha lagu gubay ay murtadiin ahaayeen dhamaantood, waxaan kuu sheegay inaan anigu garanyo 5 wiil oo ardo ahaa masoo hadal qaadin xasan bariis hadalkiisa waxaan kaloo ku weydiiyey 80 qof baa b/weyne lagu qarxiyeye ma hubtaa dhamaan inay ahaayeen murtadiin, intaas baan ku weydiiyey waxaan ku daray kuwa maamulada ku jira gaalnimadooda inayan musalam aheyn oo ay jiraan culimo muslim u taqaana intaas hadaan ku muteystay in males iyo musafeni aan la xukun ahay oo aan naarta la galayo ilaah ayaa wax kaa oranaya inaad saxane ku haboon tahay qoraageena sharafta mudan been ma sheegin markii uu ka sheekeeyey saxanayaasha. hal arin way fiicnaan laheyd in la sameeyo inaan qofka xukunkiisa lagu degdegin waxaan kuu sheegayaa in haddii aad igu gafto oo gaal igu sheegto balse xaqiiqadu ay noqon weydo sida aad moodeyso in adiga diintaadii ay khatar ku jirto marka adoon cid kale ku fogee ayan kaa aheyn bal taada u tur degdegana jooji

  24. suufi says:

    muxamed
    sxiiboow waxaan ku su,aalayaa adiga xarakada shabaab baad taageertaa eedaha loo haysto oo sheegaya inay dad muslimiin ah laayeen dhamaantood ma been abuur baa? hadii ay jawaabtu maya tahay ma sheegi kartaa masaa,isha ay xarakadu ku qaldan tahay? mase maba qaldanto oo waa ceeb ka saliim, su,aashu waa toos jawaab toos ah bay rabtaa, lama rabo way qaldami karaan iyo waa bini,aadam inaad dhahdid taas anagaba waan ognahay ee waxaan rabnaa inaad qalad la taaban karo aad tilmaantid hadii aad ku ogtahay hadaan ku ogeyna aad dhahdid aniga weli qalad kuma arkin, mida kale mowduuca iyo dood wanaaga ilaali fadlan oo hadal badan oo meel kale u socda hanagu daalinin

  25. Muxamed says:

    Bishaar, walaalow anigu kuguma xad gudbin kuma gaalaysiinin waxaad ku hadashay iyo waxaan ku hadlay wali waa qoran yihiin waxaad i tiri muslimiintii la laayey eed murtadiinta ka dhigtay markhaati baan ka ah ilaahay hortii! Ana waxaan ku iri murtadiinta dalka gaalada keentay ee muslimiinta xasuuqday ama balad weyn halagu dilo ama hargaha iyo saamaha halagu dilo inuu muslimiin ka dhigto allah hortii baan kugu marag furi! Dadka muslimka ah ee danbiga lahayn ee gaalada ka ag dhawaa mag iyo diyo midna kuma laha xarakatul shabaab almujaahidiin. Tan kale aniga nin yahow hadal meel dhexe ma dhigo waxaa dalkanaga kusoo duulay obama, musaweni, males, sharif, xasan bariise iyo askartooda oo isku dhinac ah! Dhanka kale waxaa isku saf ah addawaahiri, abaqdaadi, al libi, iyo sh. Cali dheere! Labada saf dhexdooda deegaan ma leh la cariirsado qofkii isku daya inuu deegaan ka dhigtana dambaaburada ay labada dhinac is waydaarsanayaan ayaa daashkiisa holcin doonto

  26. Muxamed says:

    Suufi waxaan ku leeyahay wixii nabi kasoo haroodhan way khaldami xarakaduna macsuumna ma ahan ceebka saliimna ma ahan khaladaad waa leeyihiin waxbadan ooy saxeena waa jiraan! Bal waxaan isku haynaa inaad wanaagoodana maro ku dadid xumaantoodana miiska soo saartid

  27. Muxamed says:

    Saxane sida magaciisa ka muuqata waa nin saxan kolay howl saxan uu qabtay ayuu magacaa ku helay kuwa u diidana waxaan filayaa in waxood jealous yahay! Jealousty is a freedom for fools! Waxaa la yiri wax laga sheeyo nabad baa u wanaagsan hadana qofkii u istaago inuu ka shaqeeyo midbaa ku oran yaa kuu dirsada nabada colaadaa dan iigu jirtaaye! Somalina waxay sinji u leedahay inay saxane xag xagato? Hadaan usoo noqdo daaraha qurxoon ee islii ku yaalo ee somalidu leedahay iyo molalka ay culimadu leeyihiin canshuurta ay kenya ka qaado ee la siiyo milatariga kenya ee ku duulay gedo iyo jubooyinka ee diyaaradaha ku laynaya caruurteena maxay diinta islaamku ka qabtaa lacagtaa canshuurta ah ee culima iyo caamada somalida ee islii ku dhaqan laga qaaday laguna xasuuqay caruurtii jilib, hoos hungow baardheere, ceel cade? Su.aashaa jawaabteeda waxaan u deynayaa akhristayaasha mana arko maalmahaa culimadii aan jaalka ahayn ee waaniye, student, aw jaamac xagar, awmuuse? Maxaa idinku dhacay axbaabii maad jawaabtaan oo xaqa difaacdaan maxaa meesha la iigu cidleeyey?

  28. Abdihakim Diriye says:

    Muxamed, ano ku ixtiraamaya waxad tahay qofka ugu tacliiga badan page-ka waxku fahmana waa la la’yahay waxa ficnan lahayd inad adigu dib u akhridid waxad qortay, waxa laga yaabaa in sxbadaa ay isu badeleen sahalyaal adiguna aad ka dhawaaqeysid bahgooyo laga guurey, magaranayo dooda canshuurtu meeshey nagaso gashay jahawareerku wuxuu keenaa inu qofku garan waayo mowduuca laga hadlayo, waana astaan qof jabey hadal qubane ah oo aan lahayn wax laga qoro iyo daba la qabto, sida Somalidu yiraahdaan ( Neef gowracan geed kama waabto) waxa mudan inan isweydiino Abu Mansur Al.Amriki ayaa hada leh waxaa i dilaya Al.Shabaab maxa tahay arrintan macneheedu? Fadlan ha noqon “famaa baalul quruunil uulaa.”

  29. samatar says:

    muxamed
    walaal ha noqonin qof aan qajilin oo wax walba difaacaya dadkaan wax badan bay la socdaan marka xoogaa isku xishood bal arintaan hada soo korortay ee abuu mansuur al amriki maxaad ku fasiri doontaa armaa dhahaa asaga ma aha taas waa cajiib hadaad dhahdid al shabaab hadaii ay ka baqayaan kuwii u soo gurmaday oy leeyihiin khatar baan ku jirnaa oo waa nala dilayaa aboowayaaloow yey yihiin dadka muxamad ka gadayo inay nabad gelinayaan war anagaa balaayo aragnay

  30. abuu sundus says:

    waxaan ilaahay ugu dhaaranayaa inaan ka mid ahaa dadka laga hadlayo waxbadan baan iska indha tiri jirnay laakiin xaqiiqo lama qarin karo abuu mansuur amriki hadii naftiisa uu uga baqaayo shabaab al mujaahidiin magaranayo qof asaga uga shisheeya say u nabad gelinayaan waan ogeyn abuu dalxa suudaani sidii lagu dilay waan ogeyn saalax nabhaan sidi loo dilay fasuul sidii loo shirqoolay ninkii qeyrkiis loo xiirow soo qoyso soomaali haku quusato muhaarijiintii aduunka uga soo gurmatay sida y cabaadayaan aniga waa iga bas mar dambe leygama maqlaayo shabaab al mujaahidiin baan dad muslim ah dilin qofkii taas ku doodayona waxaan u arkaa qof inshaha iska tirayo

  31. saacid says:

    maansha allaah hala soo dhaweeyo walaalkeen abuu sundus caqliga ayuu ka shaqeysiiyey dhabtana wuu fahmay ilaahay dhalinyarada kale hanoosoo hanuuniyo asagaa waxwalba awoodo

  32. abu rixa says:

    abuu sundus maashaa waxaad muujisay macnaha rasmiga ee geesinimada

  33. Muxamed says:

    Asc, abdihakim diiriye bacda salaam, horta arintan abu mansuur baaritaan ayaa ku socda anigu ka hor dhici maayo! Tan canshuurtana waxaa keenay ganacsiga islii iyo daaraha qurgurxoon eed ka hadashay? Ileyn ganacsi dhul gaalo ka socda canshuur baa daba taal! Allah.sw. Wuxuu inoo sheegay ganacsiga qofka muminka ah inuu yahay jihaadka (hal adulakun calaa tijaaratin…….tujaahiduuna fii sabiililaahi) haduu galo sheekha caalimka ah tijaaradiisu waa jihaadka haduu galo tijaaratu dunyaa tijaarada jihaadkana uu ka fadhiisto wuu fashilma. Sidaa daraadeed tijaarada islii cida wada waan garanay ee tijaarada jihaadka somaliya cida wadaa ma noo sheegi kartaa? tan kale kutub quraana ayaa musqul lagu guray taasoo ay faleen dad islaam u nasab sheeganaya kama hadashaan idinmana damqayso diyaaradaha nasaarada kenya ayaa caruur somaliyeed ku xasuuqday shalay tuulada dhay tubaako kama hadashaan! Markii la idin arkana mujaahidiinta ayaad tunka haysataan? Oo khaladaadooda iyo kuwa aan jirin ood u saariseen ayaad faaqidaan.

  34. Sayid Mohamed Husein says:

    Aad ayaa aan ugu mahad celinayaa qoraaga,maadama arrinta uu ka hadlay ay tahay wax aan wakhti ahaan iyo wacaal ahaan labadaba u soo joognay,wax badanna ka tari karta xilliga umadda aan ka dhalanay ay marayso gaar ahaan dhalinyaradeeda oo ah kuwa dhan walba iyagu baylahda u ah dhibka iyo qaxarka ku habsaday bulsha weyntii soomaaliyeed
    Mahadsanid

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno