Home » Qoraalada Dr. Saadiq Enow, Qormooyinka, Wararka » XEERKA ISA-SOO JIIDASHADA. W/Q: Dr. Saadiq Enow.

XEERKA ISA-SOO JIIDASHADA. W/Q: Dr. Saadiq Enow.

Tan iyo markey nolosha bilaabatay aadamigu wuxuu u gur-guuranayay in uu wax ka ogaado asraarta ku qarsoon nolosha. Xiisaha ay leedahay darteed ayaa aadamigu wuxuu arimahaas u hurey wakhti badan, juhdi dheeri ah iyo kharaj xoog leh, kaas oo tijaabooyinkii baadi-goobka ay ku go’een dad badan. Iyada oo aanan la soo koobi karin ogaallada nolosha ee inaga qarsoon, ayaa misana xikmadda Eebe (kor ahaaye) waxay ku aroortey in uu nagu adoonsadey in aanu daba-gal ku sameyno walxaha uunka iyo xeerarkooda. Xeerkan aanu kaga hadleyno casharkan waa xeer kamid ah kuwa ugu hilan culus ee nolosha. Kaas oo ah mid qarsoon, laakiin fal-galkiisu waxay ka muuqataa nolosha qof-walba oo aadami ah iyo sadka uu leeyahay. Xeerku waa midka lagu magacaabo Xeerka Isa-soo Jiidashada (Low of Attraction). Waa aragti ah Metaphysic ee ka hadleysa xiriirka ka dhexeeya falalka qofka iyo fal-celiska uu kala kulmayo natiijada falalkiisa.

Aragtida xeerkan oo ah mid fil-wayn ayaa macnaheedu wuxuu yahay wanaaggana waxaa ka dhasha wanaag, xumahana waxaa ka dhasha xumaan. Aragtida ceynkan ah waxaa laga heley qoraalladii Faraacinada iyo Giriigga. Laakiin mug-wynideeda uma ayan qiimeyn oo fahamkeeda waa uu ku yaraa. Kutubta laga akhristo diimaha kala duwan (Hindu, Jain, Buddhist iyo Sikh) ee laga rumeysan yahay dalka Hindiya, ayaa waxaa si xooggan loogu xusey aragtida xeerkan. Qoraallada kutubtaas ayaa waxaa ku jira ereyga ah (Karma), kaas oo diimahaas dhamaantood ay ku micneeyeen in uu yahay xiriirka isu jawaabidda ah ee falalka uu qofka sameynayo iyo natiijada ka dhalaneysa. Hadduu qofku wanaag sameeyo wuxuu la kulmayaa wanaag, haddiise uu xumaan sameeyo wuxuu la kulmayaa xumaan. Falkaasi ama ha ahaado ficil uu qofku ku kacay, ama ha ahaado hadal uu yiraahdo ama xataa ha ahaado feker maskaxdiisa ku dhasha. Waxay sheegaan, maadaama falku uu ku curtey wacyi buuxa iyo haleel ku dhisan garasho, waxaa khasab ah in uu la kulmo fal-celis ku haboon oo jawaab u ah.

Waxay ku tilmaameen fal-celiskaas in uu sidii abuurkii u baxo, dabadeed markuu bislaado mirihii ayaa ku soo baxaya qofkii abuurka lahaa. Iyagu waxay rumeysan yihiin, Karma in ay tahay hannaan abaal-marineed ee xagga ilaahiyada ka ahaatey, taas oo calafka u qeybisa aadamiga. Sidaa darteed hannaankan maahan mid ay ka suurowdo dulmi-falid, bal waa hannaan leh beeg aanan dheelliyin iyo anshax caddaaladeed. Waxay raad ku yeelataa xaaladaha bulshadeed oo muuqaalka qofka uu kamid yahay. Iyaga oo rumeysnaa xerka Karama ee isa-soo jiidashada ayaa waxay tilmaameen in caqliga, cimriga, aqoonta, hantida, iyo tilmaamaha kale ee qofka ku lammaanan in dhamaantood hannaanka qeybiyaa uu yahay Karma.

Kadib markii muddo laga aamusnaa hadal-heynta aragtida xeerka isa-soo jiidashada, aqoonyahanno kacay dabayaaqadii qarnigii 19-aad, ay dib u soo nooleeyeen aragtidan. Aqoonyahan u dhashay dalka Ingiriiska ee la yiraahdo Thomas Troward (1847-1916) ayaa kamid ahaa filosofiin ka hadley arintaan. Isagu wuxuu kamid ahaa raggii asaasey dhaqdhaqaaq la yiraahdo New Thought Movement. Qaab feker ah ayay ku doonayeen in ay ku helaan qaar kamid ah asraarta nolosha. Hadalladii uu reebey waxaa kamid ahaa:

“ Fekerku wuxuu ka horeeyey muuqaalkiisa, isaga oo ku tallaalan unugyada maskaxda. In la howl-galo si joogto ah ayaa waxay u kobcineysaa bu’dii abuurku ku tallaalnaa. Ugu danbeyn markii ay hesho xaalado munaasib ah, waxay isu beddeleysaa sawir muuqda oo dibadda u soo baxa “. (Phineas Parkhurt Quimby. MSN Encarta. on 2009-11-01. Retrieved Nov. 16, 2007).

Sanadkii 1910-kii aqoonyahan Wallace Delois Wattles oo u dhashay Mareekan ayaa wuxuu soo saarey buug uu ku magacaabay Aqoontii Lagu Heli-lahaa Hodantinimo (The Science of Getting Rich). Wallace Delois Wattles wuxuu buugiisa ku sharxay sida uu qofku uga gudbi lahaa caqabadaha ay naftiisu hor-dhigtay iyo in tartanka uusan ahayn midka lagu helo hantida. Bal uu jiro fure qarsoon oo qofka hela uu ku gaarayo hodantinimo, kaas oo uu ku tilmaamay xeeraka isa-soo jiidashada. Aqoonyahan kale oo la yiraahdo Judge William Quan, ayaa isna sanadkii 1915-kii wuxuu qorey buug uu kaga hadlayo xeerka isa-soo jiidashada. Wuxuu buugiisaas ku magacaabay Bad-wayntii Falsafad-diineedka (The Ocean of Theosophy). Wuxuu buugiisa kaga Hadley garashada saldhigga u ah aqoonta Theosophy. Wuxuu kala qaadey cimilada bugta ah oo ay kamid yihiin sixirka iyo curaafyeysiga, iyo xeerarka dhabta ah oo uu kamid yahay xeerka isa-soo jiidashada.

Waxaa xigtay gabadha la yiraahdo Anna Besant oo iyadana kamid ahayd aqoonyahannada ka Hadley arintan. Sanadkii 1919-kii ayay waxay soo saartey bug ay ku ururisey khudbado ay jeedisey, kuwaas oo ay kaga hadleysey xeerkan. Qoraalladaas oo lagu magacaabo (Popular Lectures on Theosophy), waxay ku xustey is barbar-dhig xeerka dhul-jiidka (Gravity) iyo xeerka isa-soo jiidashada. Waxay tilmaantey in ay yihiin laba xeer oo isu dhigma.

Aqoonyahanka la yiraahdo Israel Regardie ee u dhashay Faransiiska ayaa isna goor danbe ku soo biirey dadkii ka hadlay aragtida xeerkan. Sanadkii 1937-kii wuxuu qorey bug uu ku magacaabay Farshaxanka Caafimaadka Dhabta ah (The Art of True Healing). Wuxuu ku timaamey xeerka ugu way nee dunida ka jira in uu yahay xeerka isa-soo jiidashada. Buugu wuxuu xusayaa in xumaantu ay ku tallaalan tahay qofka. Si haddaba uu uga dawoobo in loo baahan yahay in uu farsamo khalwo (meditation) ah uu u kaashado sidii uu maskaxda uga daweyn lahaa xumaanta. Xeerka is-aoo jiidashada wuxuu ku tilmaamay in uusan ahayn mid wanaagga kuu soo jiida oo keliya, bal uu yahay mid nolosha kaaga yeelaya sidii aad jeceshahay in ay u muuqato.

Napoleon Hill, aqoonyahan u dhashay dalka Mareekanka. Sanadkii 1928-kii ayaa isna wuxuu qorey bug uu ku magacaabay (The Law of Success). Wuxuu si xooggan u adkeeyey jiritaanka aragtida xeerka isa-soo jiidashada. Wuxuu xusey kalsoonida nafta in ay saldhig u tahay wax-qabadka qofka. Qof walba waa uu ka gun-gaari karaa wixii uu doono haddiiba uu rumeysan yahay in uu ka gun-gaari karo. Saboolnimada iyo guul-darrida ayuu wuxuu ku tilmaamay kuwo la xiriira cabsida. Sidaa darteed, cabsida oo meesha laga saaro, waxay dhalineysaa in qofku uu noloshiisii wax ka beddelo.

Millennium-ka cusub waxaa kordhey fahamkii xeerkan. Bandhiggii ugu qiimiga badnaa ee looga faalloonayo xeerka isa-soo jiidashad wuxuu ahaa filim dokumenteer ah oo ay sameysey shirkad Ingiriis ah. Filinkaas oo lagu magacaabo Sirtii (The Secret) ayaa wuxuu si habsami leh uga faaloonayaa fahamka aragtidan. Sanadkii 2006-dii ayaa filimka la sameeyey. Sanadkii xigay oo ahaa 2007-dii, filimkii buug ayaa laga sameeyey kaas oo wata isla-magacii. Filimku wuxuu ka sheekeynayaa tan iyo intii aadamigu uu ku dhaqnaa dhulka oogadiisa, in xeerkan uu ahaa sir ka dahsoon dadka. Laakiin sirtaas waxaa mar walba helayay dad yar. Dadka intiisa badan waxay markaas taabac u noqdaan kuwaas tirada yar ee sirta helay. Sirtu waxay tahay indhulka oogadiisa ay diyaar ku tahay wax walba oo aanu jamanno. Awoodii aanu ku hanan laheynna waanu leenahay. Sidaa darteed ayaa fahamkaas qofka helaa wuxuu ku dhaqaaqayaa wax-qabad. Dabadeed waxaa halkaas ka unkamaya xeerka isa-soo jiidashada. Ugu danbeyn labadii wax ee isa-soo jiidanayay ee ahaa qofka hanka leh iyo wixii uu jamanayay, waa ay isu imaanayaan.

Xeerkan isa-soo jiidahsada (Low of Attraction) wuxuu yahay waalidkii xeerarka nolosha iyo kuruskii hor u-marka qofka iyo bulshada. Mid ay kamideysan yihiin ragga taariikhda galey ayaa jirta oo waa fahamka xeerkan. Waxaa la arkaa nin shirkad leh oo ay u shaqeeyaan kumanaan qof. Waxaa la arkaa nin sarkaal ah oo hor-taagan kumanaan ciidan ah. Waxaa la arkaa nin aqoonyahan ah oo wax-baraya kumanaan ardey. Waxaa la arkaa nin siyaasi ah oo la hadlaya kumanaan qof. Waxaa la arkaa shiikh tujinaya kumanaan qof oo salaad u taagan. Waxaa la arkaa maal-qabeen wax-taraya kumanaan qof oo sabool ah. Waxaa la arkaa boqor u taliya kumanaan qof oo raciyaddiisii ah. Raggaas hor-seedka u ah kumanaanka qof, waxba ma ay dheera qof kamid ah kumanaanka ay hor taagan-yihiin. Laakiin sir ay heleen ayay ku gaareen maqaamka mudnaanta leh oo ay kumanaanka qof u ictiraafeen. Sirtu waxay tahay xeerka isa soo-jiidashada (Low of Attraction). Waa xeer inoo sheegaya, muuqaalka uu qofku maanta leenahay oo ah mid ka dhashay fikrado uu qofku doortey shalay. Muuqaalka uu beri yeelan-doonona waxaa u saldhig ah fekerka uu maanta hayo. Sidaa darteed fekerka oo la hagaagsadaa wuxuu curiyaa muuqaal wanaagsan oo la yeesho.

Isku soo duuduub, fahamkaas badan oo aqoonyahannadu ay isku darsadeen waxaa laga dhaxley tafsiir oranaya, wax kasta oo qofku janto cimilada ayay diyaar ku yihiin. Isagaa laga doonayaa fekerkii uu ku baadi-goobi lahaa. Marka halkaas la marayo waxaa haboon in la fahmo, umuuraha ogaalkoodu uu dadaalka badan kaga baxay ummadaha nagula dhaqan dunida, in xaggayaga uu yahay wax macruuf ah oo dadku wada ogsoon yihiin. Bal waxay kamid yihiin arimaha ugu horeeya ee aanu caruurta barno. Sida aanu ka baranay macaaliimta diinta Islaamka, dadka muslimka ah waa kuwa fuliya tiirarka shanta ah oo diinta Islaamku ay ku taagan tahay. Tiirarkaas ayaa dhamaantood waxay yihiin fal dadka u muuqda oo ay suuragal tahay in qofkeeda looga markhaati kaco haddiiba uu la yimaado. Lagumana diidi karo lagumana beeneyn karo. Falalkaas waxaa adkeeya oo rukumo u ah tiirarka iimaanka ee lixda ah. Labada arimood waxay ku kala duwan yihiin iyada oo tiirarka iimaanku ay yihiin kuwo qarsoon oo aanan looga markhaati kici-karin qofkey run ka tahay iyo midkey been ka tahay. Maxaa yeeley iyaguna waa arimo ka dahsoon aragga aadamiga, qaadashadeeduna waa arin ku dahsoon laabta gudaheeda. Lixda tiir oo uu iimaanku ka taagan yahay waxaa kamid ah in la rumeeyo xukunka Eebe (kor ahaaye) ee horey u dhacay (Al-Qadaa) iyo beeggiisa (Al-Qadar).

Faco badan oo kamid ah bulshooyinka Islaamka, ayaa taariikh dheer la soo rumeysan aragtidan caqiidada ah oo ay la soo noolaayeen. Laakiin facuhu waxay ku kala duwanaayeen fahamka iyo dhaqan-gelinta aragtidan. Facii ay barakadu raacdey ee noolaa qarniyadii ay diintu cusbeyd, waxay u qaateen fahamkan mid kacdoon ku abuura nafafyaalkoodii, taas oo ay ku hagaagsadeen noloshii adduun iyo aakhiro. Markaas ayaa waxay ku dhisteen xoog leh aqoon iyo il-baxnimo. Waxay ku camireen dhul dhintey iyo adduun meyd ahaa. Rumeynta xukunka Eebe ee horey u dhacday (Al-Qadaa) iyo jaangooyadiisa (Al- Qaddar), waa iyada midda fir-fircoonida ku abuurtey facihii hore. Aragtidaas ayaa waxay ka heleen tamar ay ku tiigsadaan han sare. Markaas ayay ku guuleysteen.

Qirashada ah in wax walba ay ku dhacaan jaangooyo xagga Eebe (kor ahaaye) ka ahaatey iyo xukun uu horey u ridey waxay dadka qaar ku reebtaa fashilaad iyo fadhiidnimo. Gaar ahaan kuwa qaata fasirka ah in wax walba horey loo jaangooyey oo ayan waxba ku soo kordheyn dadaal lala yimaado. Qofkii qaata ama bulshadii qaadata fekerkaas, waxay noqdaan kuwo ka caajisa in ay u kacaan howl ay qaban karaan. Iyagu waxay isku xukumeen in ay haraan oo ayan waxba qaban. Markaas ayay waddada u banneeyaan kuwo facood ah oo iyagu ku dhaqaaqa qadaha Eebe (kor ahaaye) kuna guuleysta qaddartiisa. Iyagu waxay garanayeen in ay jirto xeerka sababeynta ee la xiriirsan xukunka iyo jaan-hooyada Eebe (kor ahaaye). Markaas ayay ka guureen qaddar jaan-gooyo hooseysa ee darrowgu hareereeyey. Waxay u guureen jaan-gooyo han sare leh ee tiigsaneysa nuur iyo naruuro. Waxay si buuxa u fahmeen oo si buuxda u dhaqan-geliyeen ooraahdii uu ku yiri macallinkoodii Maxamad ahaa, adeegihii suubanaa (sh.n.d.a.) ee ahayd:

(Maleeya kheyrka waa aad heleysaane)

Waxaa halkaas ka muuqata, islaamku in uu reebey in aadamigu niyad-jabo ama uu hankiisa noqdo mid liita. Maxaa yeeley, qofka iyo waxa uu rabo waxay lamid yihiin bir-labta iyo birta ay soo jiidaneyso. Waxyaabaha niyaddaada ku soo dhacaya waa waxyaabaha nolosha kuugu diyaarsan. Waaxa waxyaabaha aad la kulmeysid oo aad isa soo jiidaneysaan. Waxaas ayaa xumaanaya haddii ay niyaddu xun-tahay, oo aad inteeda xun doorato. Ama samaanaya haddii ay niyaddu san-tahay oo aad samaha doorato. Ooraahda suubanaha (sh.n.d a.) waxay inoo bidhaamineysaa, fursadaha nolosha in ay yihiin kuwo xiriir la leh fikradaha uu qofku helayo. Fikraduhu ama ha ahaadaan kuwo doonis lagu helo ama ha ahaadaan kuwo isaga-kaa soo dhaca, waxay xiriir la leeyihiin waxyaabaha ka muuqanaya hareereheena. Iisla-markaas waxaa kale oo ay xiriir adag la leeyihiin calafka aanu ku leenahay dunida.

In arintaas la fahmo maahan mid adag, keliya waxaa nagu filan in aanu eegno xeerarka ay dayuuraduhu ku socdaan iyo halgankii lagu heley. Xeerarkaas oo kufaa-kac badan lala soo maray ayaa waxaa faham-darrideeda waxaa ku halaagsamay dad tira-badan. Tan iyo maanta, waa la daba-socdaa si loo awdo khalal kasta oo ku iman-kara. Cimilada, dhankeeda ayay diyaar ka atahay oo Eebe (kor ahaaye) horey ayuu u hagaajiyay si aanu u adeegsano. Sidaa darteed meel kasta oo aad dhulka ka joogto, dayuuradda ka keceysa waxaa qabanaya xeerkaas. Waa xeer qura oo ku jaan-go’an duulis walba (airodynamic). Haddii aadamigu uu ku fekero in uusan awood u lahayn arin jirta (duulista), isla-xilligaas ayuu tallaabo dib u qaadey isaga oo ka sii fogaanaya intii uu markii hore u jiray. Sidaas ayaa iyada oo ay jirto xeerkii xukunka Eebe (kor ahaaye) iyo jaangooyadiisa, ayaa misana qofku uu la imaanayaa aragtidii uu ku dhici lahaa xukunkan.

Sanadihii toddobaatameeyadii ee qarnigii tegey, waxay ahayd xilli hannaankii shuuciyadda ah ay si xooggan u caga-dhigatay Soomaaliya. Waxaa ciriiri galey wax badan oo dadku ay u adeegsan jireen nolosha. Waxaa kamid ahaa dhuxusha. Waxaa dhici jirta in muddo shan saacadood saf loo taagnaado si dhowr kilo oo dhuxul ah loo helo. Baahida loo qabo dhuxusha iyo saacadaha badan ee safka lagu jirayo markii leysu eego waxaa culus baahida loo qabo. Sidaa darteed ayaa qiimeynta iyo rabitaanka waxay sahlayaan awoodda baxaysa si loo helo waxaas la doonayay. Haddiise uu qiimaheedu intaas ka yaraan lahaa, ma dhacdeen in muddadaas safka la taagnaado. Wax walba oo aad isa-soo jiidaneysaan waa sidaas oo waxaa idin xiriirsha xeer u baahan in mucaadaladiisa la dhameystiro.

Haddaba sida ay diintu inoo sheegtey, khibradda waayuhuna ay kaga markhaati-kacdey, xasilinta xeerkan wuxuu ka imanayaa saddex tallaabo oo sir ah, kuwaas oo dadka intiisa badan ka dahsoon. Saddexda tallaabo waxay yihiin:

SIRTA 1-aad: Maskaxdu waxay lamid tahay dhulka la beerto oo kale. Dhulku ma uu kala jecla abuurka aad lagu rido. Jaad walba oo abuur ah oo lagu tallaalo laguna waraabiyo wuxuu u soo saaraa mirihiisa. Maskaxduna waa sidaas oo kale. Jaad walba oo fikrad ah ayay abuurkeeda qaabileysaa. Haddii lagu waraabiyona waa ay u mira-dhaleysaa. Haddaba sirta koowaad waxay tahay in maskaxda lagu abuuro su’aasha ah, maxaad nolosha ka rabtaa (oo aad dooneysaa) ?.

SIRTA 2-aad: Waa garashada ah in doonistii mala-awaalka ku dhisneyd ay u gudubto in ay suuragal noqon karto. Qofku waa in uu ogaadaa oo ku qancaa wax kasta oo uu doonaayo in horey loogu diyaariyay cimilada. Eebe (kor ahaaye) ayaa aadamigu wuxuu siiyay mid kasta wuxuu doonayay intuusan helin waxaas. Markaad heshid dabadeedna, wixii wax ka badan ayuu kuula diyaar yahay. Waxaa qofka laga doonayaa in uu doonto oo isaga uu raadsado. Waxaa jira ooraah suubanihii Maxamad ahaa (sh.n.d.a.) uu ka soo tebiyay Eebaha boqorka ah, taas oo aanu ka fahmeyno micnahan. Eebe (kor ahaaye) wuxuu leeyahay:

(Anigu waxaan ku sugnahay meesha uu addoonkeyga iga filaayo ee meel kasta ha iga fisho).

Waa ooraah qiimi badan oo han iyo baraarug ku abuureysa qof kasta oo maqla. Eebaha boqorka ah wuxuu inoo caddeynayaa in uu u fulinayo addoomadiisa wax kasta oo ay ka maleeyaan. Sidaa darteed wanaag iyo kheyr in laga fisho ayuu ina-barayaa.

SIRTA 3-aad: Waa miikaanikada xeerka isa-soo jiidashada oo markaas bilaabanaya. Aadigana oo u siqanaya dhanka wixii aad rabtey iyo wixii aad rabtey oo dhankaaga u soo siqanaya. Markaasna waxaa natiijada xukuma mucaaddalada uu qofku heysto furaheeda. Eebaha wax walba abuurey ee wax walba awooda, isaga oo sirtaas inoo sheegaya ayuu wuxuu inagula hadlayaa aayadda 60-aad ee suuradda Al-Qaafir. Wuxuu ina leeyahay sidaan:

(Rabbigiin wuxuu yiri: war i barya aan idiin jawaabee)

Sidaas ayaa xeerka isa soo-jiidashada uu uga mid yahay xeerarka Eebe (kor ahaaye) oo lagu xusey quraanka iyo axaadiista. Iyada oo leynagu barayo in maskaxda lagu tallaalo wanaag. Markaas la waraabiyo si ay beertu u baxdo dabadeed la yeesho awood iyo tamar lagu dhaqaaqo oo mirihii diyaarka ahaa lagu gurto. Haddii taas la waayo waxay noqoneysaa in lala-mid noqdo kuwa laga deyriyay ee aanan mahadin noloshooda. Kuwaasi waa kuwa malahooda xumeeyey Malaha xun iyo filashada aanan wanaagsaneyn Eebe (kor ahaaye) wuxuu ku dhaleeceeyey munaafiqiintii dagaalka kaga hartey suubanihii Maxamad ahaa (sh.n.d.a.). Sababta ay u hareen waxay ahayd malahoodii xumaa ee niyad-jabka ahaa. Suuradda Aala-Cimraan, aayadda 154-aad, Eebe (kor ahaaye) isaga oo arintaas kaga waramaya wuxuu yiri:

(Koox kalena waxaa mashquuliyay naftoodii iyaga oo xagga Eebe ka maleynaya wax aanan xaq ahayn male jaahiliyad ah ee xun).

Eebow danniga aadanuhu deli-dhac weeyaane
Docdii noo ekeyd bey hawadu naga duweysaaye
Nagana daahan xaal aanu mudan labada daaroode
Dib wixii u raagiyo wixii soo deg-dega haatan
Naftu sey darraan moodi iyo sida ay dooneyso
Kii door ah adigaa ogsoon nagase diimoone
Dif cudur dareen iyo colaad laga digniin keeno
Waxaan daaqo loo heynin iyo dacas hadduu joogo
Adigaa daraaddaa khalqigu kaga dawoobaaye
Dadku wuxuu ku liibaani jiray inay duceystaane
Haddey kugu darraantaan baryada dan ay lahaayeenba
Dadaal iyo dhakhsaa la arki jiray inaad u deeqdaaye
Digrigiyo quraankaa ninkii dagani tuugaaye
Durba wow ajiibtaa addoon daa’imow yiriye
Daa’irada adigaa u fura diiq ninkii gala’e
Ninkii dowlad sheegtaa aduu kuu daliil yahaye
Dulmi haddii uu qabo ruux muslin wow dan-qumisaaye
Bal na dey waxay nagu rideen dabaq ciriiryoone (Cismaan Yuusuf Keenadiid)

Qore: Dr. Saadiq Enow
Saadiq.enow@gmail.com

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno