haduu ceeldheer ku dhacay
haday dhalintii lumeen
haday dhaafeen dharkii
dhugiyo dhaclahaba lahaa
haday dhagahaba durteen
howraarta hadaan ka dhaho
hayaydiyo dhawaaqa iyo
hirkaan dheeliga nabaday
qofkii dhiiglee wanaagsan
dhadhama raac kaan ahayn
dhadiyo ceeryaan dhexroorin
ilaah aan talada dhaafin
dhulkiyo ciidaa korkeeda
aakhiro asagaan ladhaamin
haduu dhaqan keen dhantaal may
hadii gabdhihii dhildhilan
xishoodka ku dheehanaa
dhugmiyo daymaba lahaa
markaad dhugatee jaleecdo
hubkiyo dharkay xiran jireen
dhaayuhu ay jaman jireen
garayskii intay dhigaan
xijaabkii dhinac maraan
sidii ina dheefid iyo
odhiinga miduu dhaliyo
mugaabi mida u dhaxdiyo
shaydaanku intuu dhufsaday
dhiggooda intay noqdaan
inuu dheeliya hiduhu
ka dhiidhiya baa haboon
ragii baa dhankiisa gabay
xagodaa looga dhacay
dhurwaagu kasoo handaday
dhalaankiyo reerihii
siday dhugatiyo qabaan
dhukaan iyo cudur ku dhacay
dhuglaaway wada noqdeen
dhaqmaad iyo dumar sidiis
dhagtaa bidix baydurteen
waxay meel uga dheceen
dhamayskii sharafka iyo
shuruucduu eebe dhigay
ku sii dheeraan mayee
dhamaan soomaaliyeey
intiina dhulkii jirtiyo
intii dhooftee kamaqan
dhawaaq iyo qayla dhaan
dhambaal baan kuu wadaa
waxay dhumucdiisu tahay
dhexyaalkii qaranka iyo
hadii tiir dhiga hayaa
udiido inuu dhiciyo
cid dhawrtaa ayna jirin
inuu aqalkaa ku dhicin
dhimbilo hoostiisa yaal
miyaynaan wada dhowrahayn
dhulkii oo nabada alloow
alloow dhaameelkoo baxay
aloow dhitadiyo ciirtiyo
aloow dhaydu aysunsumin
dhiilaha laga buuxiyiyo
aan barwaaqo ku dhaashanaa
Siciid Qase
qase88@hotmail.com

