Home » Qoraalada Dr. Saadiq Enow, Qormooyinka, Wararka » IS-FITAAXA ADDUUNKA. W/Q: SAADIQ ENOW.

IS-FITAAXA ADDUUNKA. W/Q: SAADIQ ENOW.

Sida la ogsoon yahay caalamka nagu hareereysan wuxuu ka kooban yahay xiddigo (planets) isu raacsan hab-caa’iladeed, cirjiidyo (galaxies) ay ku urusan yihiin milyaaraad qoysas oo xiddigo ah iyo bannaa dhexahooda yaal (inter-galactic & inter planets spaces). Abuuraleydaas na dul-heehaabaya markii leysu-geeyo waxay lee-yihiin muuqaal buufin oo kale ah, kaas oo dhibco yar-yar oo fara-badan (xiddigihii) ay dibadda kaga xardhan yihiin. Waxaa jira bannaan buufinka caalamka gudihiisa ah (internal universe) iyo bannaan buufinka dibaddiisa ah (external universe). Aqoonta aadamigu uu u leeyahay bannaanadaas labada ah waa eber. Si taas lamid ah ayaa aqoonta uu u leeyahay cir-jiidyada ku xardhan buufinka waxay iyaduna ku dhowdahay eber. Sidaas darteed ogaalka asraarta innagu weegaaran waxay weligeed ahayd arin soo-jiidasho iyo xiiso-badan u leh dadka dabiicadda caashaqey.

Lammaanaha waalidka u ah gooreysada ee ah maalinta iyo habeenka iyo xilliyada afarta ah ee sanadka ayaa waxay yihiin kuwo ku yimaada hayaanka uu dhulka kula jiro jurmiyadaas dusha inooga muuqda. Maalintu waxay dibadda u soo saartaa daruuro iyo cadceed ay ka danbeeyaan cir midabkiisu yahay bay-madow, kaas oo wax ka dhex-muuqdaa uusan jirin. Habeenkuna wuxuu la yimaadaa gudcur ay ka dul birqayaan xiddigo hayaan ku jiro oo uu waalid u yahay dayax leh cirir-gaar. Muuqaalladaasi waxay su’aalo badan ku abuureen maskaxda aadami kasta oo jaceyl u haya in uu haleelo asraarta dabiicadda ku dahsoon. Su’aalahaas oo lagu xeyraamey waxaa kamid ah, adduunkaan isku qoofalan intee-jir yahay ? Bilow ma-lahaa, dhamaadse ma-leeyahay ?. Intee ayuu muggiisu le’eg yahay ?. Ma taagan yahay, mase waa geeddi socdaa ?. Xaggee xuddun u ah caalamka ?.

Inkasta oo aadamigu uu goor hore isu-xilqaamey u kuur-galka aqoonta cir-baradka iyo muuqaallada cirarka (Nature of Universe), misana raggii haleeley fikradaha ogaal-baarista ah, waxaa xiisahooda dabrayay laba caqabadood. Mid waxay ahayd gaabiska fiirada indhaha qaawan ee wax lagu eegayo, taas oo tiiradeedu ay liidato. Midda labaad waxay ahayd dhadada iyo habaaska ka buuxa dabaqadaha dusheena ah, ee kala-xijaabaya dhulka iyo bannaanka cidlada ah ee nagu hareereysan. Gaabiskaas dabarka ku noqdey ayaa dhaliyay in dadkii hore ay caqliga u kaashadaan mala-awaalka hab-dhismeedka dhulka iyo cirarka iyo xeerarka ay ku taagan yihiin.

Dhamaan il-baxnimooyinkii hore, waxay qabeen dhulku in uu yahay mid fidsan. Sidaa darteed qaarkood waxay ku tilmaameen in uu saddex kalluun oo waawayn ay sidaan. Qaar kale waxay ku tilmaameen in uu dusha ka saaran yahay dibi wayn oo ku taagan kalluun dushiis. Waxaa xigey Giriiggii oo iyagu mala-awaaley in dhulku uu u qaab eg-yahay kubbad nuskeed, kaas oo dusha ka saaran maroodiyaal saddex ah ee waawayn. Goor danbe waxaa timid aragti sheegeysa in cirka qudhiisu uu yahay kubbad nuskeed, taas oo ka wayn dhulka, isla-markaas dusha kaga hagoogan. Filososfkii Giriigga ahaa Arstotle (384-322 ch), isagu wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyey ee sheega in dhulku uu koobaaban yahay. Wuxuu daliishaday aragti uu ka dhaxley saddex arimood. Mid waxay ahayd xiddigga waxara-xir (pole-star) ee ka muuqda cirifka waqooyi, kaas oo u muuqda mid taagan oo aanan meeshiisa ka dhaqaaqin. Waa xiddigta qarniyo badan calaamadda u ahayd bad-mareenada si ay jahooyinka u kala gartaan. Xidiggaas taagan, ayaa qofka markuu dhaqaaqo oo uu tago gobol ka fog meeshii hore, wuxuu u muuqanayaa mid ku sugan halkiisii. Arinta labaad oo Arstotle uu daliishadey waxay ahayd dayax-madoobaadka oo uu ku tilmaamay in uu kala dhex-gelayo dhulka iyo qorraxda. Arinta saddexaad ayaa iyaduna waxay ahayd aragtiyo uu ka qaatey geeddi-socodka harka.

Qarnigii 16-aad c.d. waxaa yimid Nicolaus Copernicus (1473-1543 cd) oo u dhashay dalka Poland. Isagu wuxuu raad-raac xisaabeed ku sameeyey geeddi-socodka qaar kamid ah jurmiyada dusheena ka muuqda. Aragti qarniyo badan lagu muransanaa ee la xiriira meesha xuddunta u ah caalamka, ayuu wuxuu ka yiri: “ Waxaanu awoodnaa in aragtidaas aanu beddel ku sameyno, haddii aanu fal gibin ah ku dhaqaaqno. Falkaasi ayaa wuxuu yahay, in aanu qoraxda ka yeelno in ay xudduntii lagu meereysanayay tahay “. Xilligaas wax aqoon ah looma lahayn ku-meereysiga qorraxda. Laakiin waxaa la yiqiin lix xiddig oo kamid ah kuwa qoraxda ku meereysta. Iyagu waxay ahaayeen Mercury, Venus, Earth, Mars, Jupiter, Saturn. Lixdaas xiddig iyo qoraxda ayuu ka dhigey aragtidii toddobaaleyda ahayad.

Dabadeed waxaa yimid aqoonyahankii Talyaaniga ahaa Galileo Galilei (1584-1642). Isaga oo tijaabo ku jira ayuu laba dhalo maalin isa-saarey oo ku eegey bannaan daaqaddiisa ka muuqda. Wuxuu arkey in fiiradii fogeyd ay u soo dhowaatey. Dabadeed wuxuu hal abuurey agab fiiro-tebiye ah (Telescope) kaas oo awooddiisu ay kala xoog weyn-tahay. Galileo Galilei, isaga oo ka faa’iideysanaya agabkan uu heley ayuu wuxuu guda galey in uu ku raad-raaco muuqaalka jurmiyada inaga sareeya. Wuxuu halkaas ka heley fursad ayan helin aqoonyahannadii ka horeeyey ee cir-baradka ahaa.

Agabkii fiiro-tebiyaha ahaa wuxuu u sahley in ay si wanaagsan ugu muuqdaan dayaxa dushiisa iyo godadka ku yaal. Waxaa la moodi jiray in dayaxa dushiisu ay sallaxan yahay, laakiin aragtidaas waa uu beeniyay. Wuxuu arkey afar dayax oo ku meyreysanaya xiddigga Jupiter, kuwaas oo goor danbe magaciisa loo bixiyay. Wuxuu arkey xilliyada xiddigga Vilnus, iyo labada meel oo xiddigga Saturn uu ka buuran yahay. Wax badan oo horey u dahsoonaa ayuu fiiro-tebiyihii dhaxalsiiyey. Sanadkii 1616-kii wuxuu qorey buug uu uga sheekeynayo wixii uu ku arkey samada. Isagu wuxuu beeniyay aragtiyaalkii khuraafiga ahaa oo ay heysteen baadariyadii kaniisadaha Talyaaniga. Isaga oo ka hadlaya mid kamid ah aragtiyaalkoodii khuraafiga ahaa, wuxuu yiri:

“ Midka jecleystey in caalamku dhaqaaqo, iyada oo dhulku taagan yahay, xagga caqliga wuxuu ka liitaa midka fuuley buur magaalada dhinaceeda ah, dabadeed intuu sii jeestey yiri: magaalada ha la soo dhaqaajiyo oo horteyda ha la keeno, isaga oo ka wahsanaya in uu madaxiisa soo wareejiyo “

Johannes Kepler (1571-1630) aqoonyahan u dhashay dalka Jarmalka ayaa isaguna soo bandhigey raad-raac uu lix sano ku hayay xiddigga Mars oo keliya. Natiijadii uu ka dhaxley shaqadaas wuxuu ku soo koobey saddex qodob oo ahmiyad u lahaa aqoonta cir-baradka. Waxay ahaayeen sidan:

1) Meereysiga xiddiguhu ay qoraxda ku wareeganayaan in ayan ahayn mid koobaaban, bal ay tahay qaab ukun oo kale ah.
2) Masaafada u dhexeysa xiddigga iyo qorraxda waa mid is le’eg marka la eego xilliyada isku-midka ah ee sanadka.
3) Waxaa iyana isku-mid ah is barbar-dhigga afar-geeska sanada xiddigta oo loo qeybshey lix-geeska masaafada uu qorraxda u jiro.

Dabadeed waxaa yimid Isaac Newton (1642-1727), kaas oo dhashay sanadkii uu dhintey Galileo. Isaga oo ka faa’iideysanaya aqoontii ururtey ee ku baxdey dadaalkii ay sameeyeen raggii ka horeeyey iyo cabqariyaddiisa ayuu wuxuu hindisey xeerarka saddexda ah oo wax kasta oo dhaqaaqa ay leeyihiin (Lows of Motion). Wuxuu isku dabaqay mabaadiida aqoonta xisaabta iyo falsafadda cimilada. Wuxuu hal-abuurey aqoonta xisaabta ah ee lagu magacaabo (Differential Colculus). Aragtidiisii la xiriirtey cuf-jiidka (Gravity) wuxuu ku heley dhaqdhaqaaqa xiddigaha ay ku meereysanayaan qorraxda, iyo kuwa dayaxyada ay ku meereysanayaan xiddigahooda. Wuxuu ku xisaabiyay mugga dhulka iyo dayaxa iyo inta ay ka le’eg-yihiin qorraxda. wuxuu qiyaasey mugga dhulka uu le’eg-yahay. Isaga oo xariiqimo u sameynaya, wuxuu sheegey dhaqdhaqaaqa dayaxa in uu yahay mid aanan sugneyn oo cuf-jiidka qorraxdu ay raad ku leedahay.

Waxaa kale oo kamid ahaa arimaha uu ka hadley isaga oo isla-markaas ka bixiyay aragti caqli-gal ah, xoogga isku haya kalana haya xiddigaha. Isagu wuxuu tilmaan wacan ka bixiyay sababta dhaqdhaqaajineysa biyaha badaha iyo abuurka hirarka badda. Arinka uu Newton gartey ee uu xeel-dheerida ku heley waxay ahayd in uu fahmey xeerarka caalamiga ah (universal lows) in ay yihiin kuwa ay noloshu u wada hoggaansan tahay, caqliga aadamiguna wuxuu leeyahay awood uu ku fahmo iyo awood uu uga faa’iideysto xeerarkaas.

Kadib markii la fahmey wax badan oo la xiriira aqoonta cir-baradka ah, ayaa waxaa soo baxay wax badan oo cusub ee jaahil laga yahay. Midda ugu qallafsaneyd ee qarnigii 20-aad dood xoog weyn dhex-dhigtey aqoonyahannada waxay timid markii la ogaadey in adduunku fidsamayo. Qarniga bilowgiisii ayaa aqoonyahannadu waxay dareemeen in xiddiguhu ay kala hayaamayaan oo mid waliba uu ka fogaanayo inta kale. Muran badan ayay arintaasi ka dhex-dhalisey raggii ku howlanaa u kuur-galka aqoonta cir-baradka. Waxaa halkaas ka dhashey su’aalo ay illaa iyo hadda u la’yihiin jawaabo ay kaga qancaan. Waxaa kamid ahaa, suuragal ma tahay in caalamku uu is-fitaaxinayo oo iskiis u fidsamayo ?. Haddii arinkaasi uu sax yahay, muxuu noqonayaa doorka uu qaadanayo cuf-jiidka (Garavity) isku hayay uunka ?. Yaa dacallada ka haya caalamkan mugga wayn ?.

Dooddii iyo dadaalkii badnaa oo ay aqoonyahannadu sameeyeen, waxay ku soo gunaanadeen oo ay isku raaceen, is-fitaaxinta caalamku in ay tahay xaqiiqo jirta. Dabadeed waxay sheegeen, haddii lagu guuleysto in gooreysada gadaal loo raaco, in la gaarayo meel ay ku kulmeen afarta wax ee saldhigga u ah nolosha uunka, kuwaas oo ah walaxda (matter), tamarta (energy), goorta (time) iyo meesha (space). Aragtida la xiriirta in uunku ka soo bilowdey qaraxii waynaa (The Big Bang), waxaa la heley markii aqoonyahanka la yiraahdo Edwin Powell Hubble (1889-1953) uu tilmaamay in caalamku uu is-fitaaxin ku jiro. Daba-gal uu dhowr sanadood ku hayay xiddigaha iyo cir-jiidyada ayaa waxaa uga dhex-muuqdey in is-fidinta caalamku ay tahay hayaan joogto ah, kaas oo u hayaamaya jahooyinka oo idil. Waxaa jira aragti oraneysa, haddii toban tallaabo horey loo qaado, dabadeed toban kale dib loo soo qaado, macnaheedu wuxuu yahay in meeshii laga tegey lagu soo laabanayo. Sidaas si lamid ah ayaa haddii dib loo soo celiyo hayaanka is-fitaaxa caalamka, howshu waxay ku abyooneysaa halkii uu hayaanku ka soo bilowdey. Iyada oo aragtidaas la tix-raacayo ayaa fahamka hayaanka is-fitaaxa caalamka wuxuu soo kordhiyay fahamka ah in caalamku uu bilow lahaa dhamaadna leeyahay. Waxaa halkaas ku af-jabay kuwo badan oo Eebe-inkirayaal ah. Iyagu waxay is-diidsiin jireen in abuurka caalamku uu bilow lahaa dhamaadna leeyahay.

Albert Einstein (1879-1955) wuxuu kamid ahaa ragga ugu weynaa ee u ololeynayay aragtida Eebe-diidka ah. Isagu wuxuu ahaa aqoonyahan ku xeel dheer cimilo-baradka (Physics). Wuxuu tilmaamay aragtiyaalkii Issac Newton in ay yihiin kuwo hagaagsan oo la fal-gelaya dhaqdhaqaaqa gaabiska ah ee inooga muuqda nolol-maalmeedkayaga. Dhaqdhaqaaqyadaas ayaa dhamaantood waxay noqonayaan kuwo gaabis ku sugan markii la barbar-dhigo xawaaraha iftiinka. Hal-abuurkii tayada lahaa ee uu ka tegey Albert Einstein waxaa kamid ahaa aragtida barbar-dhigga (Relativity). Kacdoon-aqooneed waxaa iyadana keentey aragtiyaalka uu doodda geliyay oo ay kamidka ahaayeen jahada afarta ah ee cirku leeyahay (Four Demensional Space), xawaaraha iftiinka oo la raaco iyo gooreysada oo la hakiyo, in gadaal loo noqdo oo la gaaro xilligii ay noloshu bilaabatay.

Abert Einstein, dadaal badan ayuu ka muujiyay, haleelka aragtiyaal aadamigu ka faa’iideysety. Laakiin aragtida uu ku fashilmey waxay ahayd midda uu ku sheegey in caalamku yahay mid sugan (Cosmological Constant). Aragtidaas oo uu soo saaray bilowgii qarnigii 20-aad, waxaa qiimo u yeeley aqoonyahannadii galbeed iyo bari oo intoodii badneyd ay ku qanceen arintaas. Waxay aragtidaas u daliishadeen in adduunku uu weligiis soo jirey, weligiisna uu jiri-doono. Sidaa darteed noloshu ayan lahayn bilow iyo dhamaad. Aragtidii ahayd shuuciyadda oo xilligaas dunida ka calan-waleeneysey ayaa aragtidaas khaldan waxay markhaati u gashatey in ay ku inkiraan jiritaanka Eebe (kor ahaaye). Markaas ayay shucuubtoodii shaki xooggan kaga abuureen nolol-diineedkii iyo caqiidooyinkii ay rumeysnaayeen. Laakiin markii Edwin Powell Hubble uu xaqiijiyay in aduunku uu fidsamayo, waxay noqotey mid iska-cad in fidsanaantu ay leedahay meel ay ka soo bilaabatey iyo meel ay ku dhamaaneyso. Albert Einstein wuxuu markaas dib uga laabtey aragtidisii ahayd in adduunku yahay mid taagan oo weligiis soo jiray. Isagu wuxuu aragtidiisaas ku sheegey in ay ahayd khaladkii ugu waynaa ee uu noloshiisa galay.

Edwin Powell Hubble, wuxuu wax wayn ka beddeley aragtidii laga heystey muuqaalka uu leeyahay qaab-dhismeedka caalamka. Aqoonyahannadii hore waxay qabeen aragti ah, dhulalka adduunka in ay ku urursan yihiin hal cir-jiid (Galaxy), kaas oo ah midka inoo muuqda ee la yiraahdo cir-jiidka caanaha (Milk Way). Sida la qiyaasayo cir-jiidkan waxaa ku urursan 200 – 400 milyaar oo xiddigo ah. Edwin Powell Hubble, wuxuu sheegey in ay jiraan tiro intii la doono badan oo cir-jiidyo ah.

Waxaa kale oo ninkan uu beeniyay aragti ahayd, xiddigaha tirada badan ee muuqatada iyo ma-muuqatada leh, in ay yihiin kuwo is-dhex yaacsan. Isagu wuxuu sheegey in ay si habsami leh u xiriiraan una socdaan, isla-markaas ay mar walba u hayaamayaan sidii ay u sii kala sikan lahaayeen. Raad-raac uu dhowr sano ku hayay socodka xiddigaha inoo muuqda, ayuu aragtidaas ku soo bandhigey sanadkii 1929-kii. Wuxuu ku sheegey in masaafada u dhexeysa xiddigaha nagu meereysanaya ay mar walba sii kala fogaanayaan. Waxaa halkaas ka dhashay xeer ay goor danbe xaqiijisey aqoonta cir-baradka, kaas oo lagu magacaabay Hubble’s Low. Qeexiddiisuna wuxuu yahay sidan: Xiriirka tooska ah ee u dhexeeya masaafada cir-jiidka gudihiisa (The direct correlation between the distance to a galaxy). Xeerkan ayaa wuxuu inoo fasirayaa, xiddigaha naga sii fogaanaya, in macnaheedu ayan ahayn in dhulku uu xuddun yahay. Bal dhamaan waa ay kala fogaanayaan.

Dadaalkaas taariikhiga ah ee aadamigu uu ku doonayay in uu ka daba-tago wax kamid ah asraarta mugga wayn ee inagaga qarsoon caalamka cirarka, wuxuu ahaa mid ka socdey dhinacyo badan. Casrigan aynu ku jirno, farsamooyinka soo kordhey ee qaayaha leh waxaa kamid ah agab farsamadiisu sareyso, kaas oo loo adeegsado tebinta fiirada fog (Telescope). Agabkan ayaa loo kaashadey in asraar badan laga ogaado qaab-dhismeedka caalamka dusheena ah. Agabkaas waxaa loogu magac-daray aqoonyahankii ugu horeeyey ee sheegey in dhulku is-fidinayo, kaas oo ahaa Edwin Powell Hubble. Shirkadda NASA ee Mareekanka (National Aeronautics and Space Administration) ayaa agabkaas dhistey, oo waxay ku magacawdey Haubble Space Telescope. Muddo toban sanadood ah ayay qaadatey dhismaha fiiro-tebiyahan (1980-1990). Islamarkaas waxaa dhismihiisii ka qeyb-qaatey 10.000 oo shaqaale ah. Agabkan fiiro-tebiyaha ah wuxuu leeyahay laba indhood oo lamid ah labada indhood oo aadamiga. Sidaa darteed waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay labada indhood ee aadamiga uu ku eego dhismaha caalamka dusheena ah. Markii hawada sare la geeyey waxaa lagu arkey meelo aanan horey u muuqan. Ogaallada uu soo tebiyay waxaa ugu culus cir-jiidyo aanan horey loo aqoon iyo daruuraha mugga wayn ee lagu magacaabo SuperNova. Waxaa kale oo uu soo tebiyay ogaallo aanan weli loo helin aragti cilmiyeysan oo lagu qeexo, taas oo weli lagu howlan yahay fasiraaddeeda.

Agabkan wuxuu wax badan ka beddeley aragtiyaalkii sal-dhigga u ahaa aqoonta cir-baradka. Wuxuu adkeeyey aragtidii ahayd is-fitaaxinta cirjiidyada caalamka iyo dhulalkooda. Xiddigahaas ku urursan cirjiidyada tirada badan waxay yihiin kuwo si joogto ah u kala fogaanaya. Isla-markaas dhamaantood waxay ku jiraan hayaan ay kaga fogaanayaan xudduntii ay ka soo unkameen. Xowliga socodka ay ku kala fogaanayaan waa mid xawaarihiisu dheereeyo oo wuxuu gaarsiisan yahay il-biriqsigiiba 270.000 km. Kala-fogaanshaha dhismaha caalamka (cir-jiidyada, xiddigaha iyo bannaanada u dhexeeya). Waxaa u saldhig ah xeer-xisaabeeka lagu magacaabo (Quantum Mechanics), taas oo lagu hagaajiyay aragtidii klaasikada ahayd ee Newton, iyada oo isla-markaas lala xiriirinayo socodka mowjadaha.

Cimriga caalamka waxaa lagu qiyaasaa in uu yahay 15 bilyan oo sano. Muddadaas uu uunku soo jiray waa uu is-fidinayay. Buufin dhibco lagu xardhey oo la buufiyey oo kale ayay xiddiguhu u kala sikanayeen, iyaga oo weli hayaankoodii uusan hakan. Arintaas oo ahayd mid aadamiga ka dahsooneyd ayaa maanta waxay noqotey mid la hubo oo ka baxdey muran iyo shaki ay ku jirtey muddadii 100 sano ahayd oo aragtidaas leysku hayay. Fahamka hayaankaasi wuxuu yahay garashada aqooneed ee la heley qarnigii tegey middeeda ugu hilan cusleyd. Misana aadamigu wuxuu la xeyraansan-yahay sababta ka danbeysa is-fitaaxan mugga wayn. Taasina jawaabteeda waa sahal oo waa Eebaha boqorka ah ee wax walba uumey oo unkey. Isaga ayaa u gartey in uunku ku shaqeeyo hannaankaa is-fidinta ah. Aragtidaas oo quraanka goor hore lagu xusey ayaa sanadkii 2011-kii waxaa si camali ah u soo bandhigey saddex aqoonyahan. Iyagu waxay arinkaas ku qaateen abaal-marinta caalamiga ah ee la yiraahdo Nobel Prise. Aqoonyahannadaas saddexda ah waxay kala yihiin:

1) Prof. Saul Perlmutter. Wuxuu dhashay 1959-kii, wuxuu odey ka yahay mashruuc cilmi-baaris ah oo la yiraahdo Supernova Cosmology Project, Lawrence Barkeley National Laboratory, iyo jaamacadda California.

2) Prof. Brian P. Schmidt: wuxuu dhashay 1967-kii, wuxuu odey ka yahay koox cilmi-baarayaal ah oo ku howlan daruuraha la yiraahdo High-z Supernova Search Team. Waxay ka tirsan yihiin macalimiinta Jaamacadda Harvard.

3) Prof. Adam G. Riess: wuxuu dhashay 1969-kii, wuxuu macalin ka yahay jaamacadda Harvard qeybteeda Astronomy iyo Physics. Wuxuu kaloo macalin ka yahay jaamacadda Jhon Hopkins.

Aragtida ay aqoonyahannadan ku qaateen abaal-marinta caalamiga ah, waa aragti uu kitaabka quraanka ah goor hore ku baaqay. Aayad quraan ah oo qarniyo badan la soo gad-gadoomeysey waayaha ayaa si cad inoogu sheegeysa in caalamku uu fidsamayo, axadka fidinaayana uu yahay Eebaha boqorka ah ee wax walba ay u yihiin saami uu yeeshey ee aan lala wadaagin. Suuradda Al-Daariyaat, aayaddeeda 47-aad ayaa waxay leedahay sidaan:

(???????????? ???????????? ???????? ???????? ???????)
(Cirkiina gacmo ayaanu ku uunney, annagaana (si joogto ah u) fidineyna)

Haweeneyda la yiraahdo Prof. Olga Botner, waxay cilmi-baare ka tahay jaamacadda Uppsala (Sweden). Waxay kamid tahay aqoonyahannada u kuur-gala aqoonta caalam-baradka. Iyada oo ka hadleysa aragtidan cusub ee lagu guuleystey waxay sheegtey in aadamigu uu heley fursad uu caalamka ku sahmiyo, taas oo ka danbeysey kororka aqoonta iyo farsamada teknolojiyada agabka fiiro-tebiyaha ah. Prof. Olga Botner, waxay xustey ogaalka ay soo bandhigeen saddexdii aqoonyahan ee Nobel Prise-ka qaatey, waxay tiri:

“ Arintan la ogaadey, saldhig adag iyo dhagax xagal la dhigey ayay u tahay aqoonta caalam-baradka ah. Waxay waddo wayn u fureysaa facaha mustaqbalka ee aqoonyahanno iyo macalimiinba leh “.

Cirka naga koreeyiyo shamsada caamka laga yeeley
Cibaarooyinkaa falagga iyo calawyadaas meeri
Caadkaa sareeyiyo daruur cadar ah guudkeena
Dabeylaha cel-celiskooda iyo curashadii roobka
Cadadkii shuhuurtiyo bilaha la isku caadeeyey
Cawadiyo dharaartiyo wakhtiga labada ceynood ah
Carrada waasaceediyo khalqiga ku camirane jooga
Intaas oo xikmado culus ahoo caaddil ku abuurey
Nin cabbaar yar eegaaba waa la cajabaayaaye
Haddii aadan cilmiga leyna farey caynna ka aqoonin
Calaamadaha Ilaah dhigeyna sow kuma ciraab qaadan (Cismaan Yuusuf Keenadiid)

Qore: Dr. Saadiq Enow
Saadiq.enow@gmail.com

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno