Home » Qoraalada Dr. Saadiq Enow, Qormooyinka, Wararka » SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii (Casharkii XXIV)

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii (Casharkii XXIV)

Markaas uu Talyaanigu soo weerarayo xuduudda Faransa, ciidamada keliya ee dowladda Faransa ay ka hor-geyn kartey weerarkaas waxay ahaayeen ciidankeeda badda. Gaar ahaan cuntubyada fadhigoodu ahaa badda dhexe (Mediterranian). Raxanta saddexaad ee ciidanka badda Faransa ayaa markaas ku sugnaa degmada Toulun ee ku taal xeebta uu Faransiisku ku leeyahay dhanka bari ee badda dhexe. 14/ 6- 1940-kii, ciidankaas waxay weerar ku qaadeen xeebaha lagu magacaabo Ligurian ee ku yaal waqooyi-bari ee Talyaaniga iyo dekadda wayn ee degmada Genoa. Degaankaas oo u dhow xuduudda Faransa ayaa waxaa laga taakuleynayay ciidamada Talyaaniga ah ee weerarka ku qaadey Faransa. Afar maraakiib oo ah kuwa madaafiicda culus sita iyo 11 ah doonyaha gantaallada xambaara ayaa weerar ku qaadey xeebihii Talyaaniga. Waxay bur-buriyeen haaman ay ku jireen keyd xooggan oo shidaal ah iyo saldhigyo ciidamada Talyaanigu ay ku lahaayeen xeebaha Ligurian. Waxaa kaloo ay weerareen dekaddii degmada Genoa. Degaankaas weerarku qabsadey waxaa ku yiil xarumihii laga taakuleynayay ciidamada Talyaaniga ee ku duuley Faransa. (Sea War: 1939-1941. Janusz Piekalkiewicz. Blandford Press. 1987. p. 82. London – New York).

Subaxnimadii ay taariikhdu ahayd 17/ 6- 1940-kii, Marshal Henri Philippe Petain oo ahaa madax-waynihii Faransa ayaa wuxuu dowladdii Jarmalka u soo jeediyay heshiis xabbad-joojin ah iyo wada-hadal. Jarmalkii waa ay ka  aqbaleen. 20/ 6- 1940-kii, heshiis kale oo kaas lamid ah ayaa Farnsiiskii waxay ka u soo jeediyeen Talyaaniga. Laakiin Talyaanigii waa uu ka dhega adeygey, wuxuuna kaga jawaabey in uu 22 qeyb oo ciidan ah uu laba meelood kaga weeraro dalka Faransa. Tirada ciidankaas waxay kor u dhaafeen 300.000 oo nin. Talyaaniga waxaa markaas damac xooggan uu ka hayay in uu qeyb wayn ka helo dhulka Faransa oo Jarmalku boobayo iyo weliba dhulalka qaaradaha Afrika iyo Aasiya oo Faransiisku uu gumeysto.

Qeyb kamid ah ciidanka Talyaaniga waxay weeraraeen xuduudda labada dal ee marta buuraha Alpa dushooda. Ciidan kale waxay iyaguna weerareen xeebaha koonfureed ee Faransa ay ku leedahay badda dhexe ee Mediterranian. Gaar ahaan xeebta degmada Nice ee ku dhow xuduudda Talyaaniga. Ciidamada Faransiiska xooggoodu Jarmalka ayay kula dagaalamayeen xuduudda waqooyi. Dhanka koonfureed waa ay ku tabar-yaraayeen. Arintaasi waxay sababtey in Talyaanigii uu guulo ka gaaro weerarkiisii hore. Laakiin guulahaas ma noqon kuwo sii socda. Dhanka dhulka buuraleyda ah, guushii Talyaaniga waxaa hakiyay dabeylo baraf xambaarsan ee halkaas ka dhacay xilligii uu weerarka ahaa. Dhanka xeebta ciidankii ka yimid, qudhooda waa socon waayeen masaafo dhaafsiisan 8 km. oo dhulka ah.

21/ 6- 1940-kii, ciidamadaii badda ee Faransa waxay weerar ku qaadeen degmada Baardiya ee ku taal xeebta dalka Liibiya oo markaas ahayd degaan uu Talyaanigu gumeysto. Weerar kale ayaa ciidankii cirka ee Fransa waxay ku qaadeen laba degmo ee ku yaal xeebaha Talyaaniga. Mid waxay tahay degmada Taranto ee ku taal xeebta koonfur-bari, midda kale waxay tahay degmada Livorno ee ku taal xeebta galbeed. Weeraradaas ayaa waxay ahaayeen gulufyadii ugu danbeeyey ee ciidamada Faransa ay qaadaan inteeyan si buuxa isu dhiibin. 22/ 6- 1940-kii, dalka Faransa waxaa taladiisii la wareegey Jarmalka. Saddex cisho dabadeed (25/ 6- 1940-kii) Talyaanigii waxay aqbaleen heshiiskii xabbad-joojinta ahaa ee Faransiiska ka dalbadey.

Heshiisku wuxuu dhacay iyada oo ciidamadii Talyaaniga ayan wax guul ah ku heysan Faransa. Sidaas darteed Talyaanigii uma suuragelin damacii uu ka lahaa dagaalkan oo ahayd in uu imbraadooriyad ku dhisto jebinta Faransa oo markaas uu wax ka boobo degaamada uu Faransiisku ka taliyo. Meelaha uu Talyaanigu indhaha ku hayay waxaa kamid ahaa Jabuuti, Tuunis, jasiiradda la yiraahdo Corsika ee ku taal badda dhexe (Mediterranian) iyo dhulka buuraleyda ah oo ay  ka soo qubtaan biyaha webiga Rhone. Laakiin maadaama ciidamadii Talyaaniga ayan guul wayn ka gaarin dagaalkii ay la galeen Faransiiska, waxaa loo oggolaadey codsi taag-daran oo ah in dhulalkaas aanu soo xusney masaafo ah 50 km. laga yeelo meelo hubka ka caaggan, iyada oo Jarmalka uu gacan ka siinayay arintaas. Waxaa kaloo Talyaanigii loo oggolaadey in uu heysto degaamo kamid ah ciidda Faransa. Waxaa kamid ahaa jasiiradda Corsika, meelo kamid ah waddooyinka mara buuraleyda Alpi, iyo meelo kamid ah xuduudda u dhexeysa Faransiiska iyo Talyaaniga. Dhulkaas wuxuu Talyaanigu ku sugnaa tan iyo bishii sebtember 1943-kii.

Markey taariikhdu ahayd 14/ 6- 1940-kii, magaalo-madaxdii Faransa waxay gacanta u gashey ciidamadii Jarmalka. Si buuxda ayaa markaas waxaa isu dhiibey dowladdii Fransa. 22/ 6- 1940-kii, heshiis xabbad joojin ah (heshiiskii II-aad) ayaa dhex-marey Jarmal iyo Fransa. Adolf Hitler markii ay soo gaadhey in Faransiisku diyaar u yahay wada-hadal nabadeed, wuxuu doortey in heshiisku ka dhaco howdka degmadaas Compiègne, taas oo 17 km. ka jirta dhanka waqooyi magaalo-madaxda ayuu heshiisku ka dhacay. Sababta uu u doortey degmada waxay ahayd, waxaa horey goobtaas uga dhacay wada-hadal (1918-kii) dhex-marey labada dowladood, xilligii uu dhamaanayay dagaalkii I-aad ee dunida. Heshiiskaas oo lagu bah-diley Jarmalka kadib markii lagaga adkaadey dagaalkii I-aad, ayaaAdolf Hitler waxay ugu muuqatey in uu joogo wakhti iyo xaalad uu kaga aarsan-karo dhacdadaas taariikhiga ah.

Waxaa xusid mudan in heshiiskaas hore lagu qabtey tariin dushiis. Tariinkii waxaa la dhigey meel ah matxaf taariikheed. Faransiiskii waxaa lagu khasbey in tariinkii ay soo qaadaan oo ay dhigaan bartii kol hare uu yiil markii heshiiska hore la-kala saxiixanayay. Sidii ayay Fransiisku yeeleen. Dabadeed halkii ayaa heshiiskii is-dhiibka iyo xabbad-joojinta lagaga saxiixdey dowladdii Faransa. Ninka u saxiixey wuxuu ahaa Jeneraal Charles Huntziger. Dhanka Jarmalka, Hitler ayaa yimid iyo qaar kamid ah saraakiishiisii sare oo ay kamid ahaayeen Hermann Wilhelm GöringRudolf Hess, Friedrich von Ribbentrop, Alfred Hermann von Brauchitsch. Heshiiskaasi wuxuu jebiyay heshiis saddex bilood horteed (bishii maarso) ay kala saxiixdeen Ingiriiska iyo Faransiiska ee ahaa in aanan labada dal midkoodna uusan heshiis gaar ah la dhigan maamulka Nazi-ga ah ee Jarmalka. Laakiin Faransiiska markii uu jabey uma bannaaneyn doorasho aanan ka aheyn in uu aqbalo waxa uu Jarmalku u yeerinayo.

Heshiiskii waxaa ka soo baxay in dhulka Faransa laga yeelo laba qeybood. Qeyb waa gobolladii ay Jarmalku qabsadeen (occupied zone) oo ah waqooyiga. Dhulkaas oo ciidamada Jarmalka ay si toos ah uga talinayeen waxaa baaxaddiisa lagu qiyaasaa 3/5 dhulkii Faransa. Qeybta kale waa gobollo si magac u-yaal ah u madax-bannaan (free zone) oo dowlad maqaar-saar ah ay ka taliso. Dhulkaasi oo ku yaal koonfurta ayaa ciidamada Nazi-gu ay gebi ahaan ka maqnaayeen. Qeybta ay ciidamada Jarmalka la wareegeen wuxuu xigaa xeebta bad-waynta Atlantikada. Waa dhulka ku wajahan jasiiradda uu Ingiriisku deggan yahay ee Jarmalku uu doonayay in uu ka weeraro dalka Ingiriiska.

Dowladda maqaar-saarka ah ee Faransa waa dowladdii la oran jiray Régime de Vichy, taas oo cimrigeedu ahaa muddadii u dhexeysey 11/ 7- 1940-kii illaa agosto 20/ 9-1944-kii. Wuxuu ahaa nadaam macmal ah oo si buuxda ula shaqeynayay Jarmalka. Waxaa odey ka ahaa Henri Philippe Pétain. Ninkan oo kamid ahaa saraakiishii sare ee Faransa ayaa dagaalkii I-aad ku heley billad-sharaf markii uu ciidamadii Jarmalka ku jebiyey dagaal kamid ah kuwii ugu waynaa ee dhaca dagaalkii I-aad. Dagaalkaas oo dhacay sanadkii 1916-kii ayaa wuxuu ka dhacay meel u dhow degmada Verdun (waqooyi-bari Fransa).

Henri Philippe Pétain, markaas uu hoggaaminayo dowladda Faransa, da’diisu waxay ahayd 85 sano. Isagu wuxuu ku dadaaley in taagtiis uu badbaadiyo madax-bannaanida dalkiisa, misana wuxuu ku khasbanaa in wada-shaqeyn buuxa uu u muujiyo Jarmalka qabsadey dalkiisa ee kana awoodda roon. Ingiriiskii wuxuu noqdey maamulka keliya ee ku yaal Yurubta galbeed kaas oo ka madax-bannaan Jarmalka. Waxaa u muuqatey in dagaalku uu noqonayo mid u dhexeeya isaga iyo Jarmal oo wata Yurub inteedii kale. Si uu taas uga hor-tago falkii ugu horeeyey ee uu qaado waxay ahayd weerar uu ku bur-buriyey saldhig ay lahaayeen ciidamada badda ee Faransa kii ugu waynaa. Saldhiggaas ayaa waxaa ku urursanaa maraakiibta dagaalka ee Fransa kuwii ugu tayada wanaagsanaa ee markaas degaankiisa ku sugnaa. Dagaalka ayuu kala soo cararey oo wuxuu ku soo ururshey dekad ku taal waqooyiga Aljeeriya ee la yiraahdo Marsada Wayn (Mersa Al-Kabiir).

Ingiriiska wuxuu ka cabsi qabey, xooggaas iyo qalabkaas in uu gacanta u galo dowladdaNazi-ga ah, dabadeed isaga lagula diriro. Wuxuu markaas qorsheeyey in uu weeraro saldhiggaas oo uu bur-buriyo maraakiibta Fransiiska ee fadhiya Marsada Wayn (Mersa Al-Kabiir). Weerarkaasi wuxuu dhacay 3/ 7- 1940-kii. Maantaas waxaa marsadii weerarey ciidamada la yiraahdo Force H oo ah cuntubyo ciidanka badda Ingiriiska ah, kuwaas oo la smeeyey dagaalkii II-aad gudihiisa. Ujeeddaduna waxay ahayd in ay buuxiyaan awooddii ciidamada badda Faransa ay ku lahaayeen badda dhexe (Mediterranian). Ciidankaas ayaa saldhiggoodu wuxuu ahaa buurta la yiraahdo Gibraltar (Jabal Al-Daariq) ee ku taal albaabka u dhexeeya bad-waynta Atlantikada iyo badda dhexe.

Degmada Mersa Al-Kabiir waxay ku taal xeebta waqooyi-galbeed ee Al-jeeriya. Xilligaas Al-jeeriya waxay xisaabsaneyd gobol Faransa kamid ah ee Afrika ku yaal. Weerarka Force H ay ku qaadeen saldhiggii degmada, waxaa hoggaaminayay Admiral James Fownes Somerville. Heshiiskii ay Faransiisku isku dhiibeen dabadeed ayaa ra’iisul-wasaarihii IngiriiskaWinstone Churchill wuxuu u soo qorey admiraalkan dhambaal uu ku amrayo in uu bur-buriyo saldhigga Fransiiska ee fadhiya marsada wayn. Ra’iisul-wasaaruhu wuxuu ogsoonaa ciidanka Ingiriiska ah ee weerarka qaadaya iyo kuwa Faransiiska ah ee la weerarayo in ay ahaayeen kuwo saaxiibo ahaa oo is-kaashanayay muddadii uu dagaalku socdey. Misana duruuf adag ayaa keentey in la bur-buriyo. Sidaa darteed ayuu dhambaalkii uu u qorey admiraalka Ingiriiska ah wuxuu ku yiri sidaan:

“ Waxaad ku xukman tahay waajib la siiyo admiral Ingiriis ah kii weligiis ugu kharaaraa. Laakiin annagu si buuxda ayaanu kuugu kalsoonnahay, waana aan rumeysannahay inaad si arxan-darri ah u fulineysid waajibkaas “. (http://en.wikipedia.org/wiki/Attack_on_Mers-el-Kébir)

Admiraal Somerville oo ahaa sarkaal daacad u ahaa dowladdiisii, kama uusan shakin fulinta amarkii la siiyey. Bal markii uu khabarka soo gaarey, dhambaal digniin ah ayuu u direyAdmiral Marcel-Buno Gensoul oo ahaa madaxa saldhigga Fransiiska. Wuxuu u sheegey maadaama dowladdii Faransa ay is-dhiibtey, in uu safka Jarmalka ka soo baxo oo ku soo biro safka Ingiriiska. Isla-markaas uusan jirin wakhti uu jawaab kaga sugo. Friintii uu admiraalkii Ingiriiska ahaa u direy admiraalkii Faransiiska waxaa kamid ahaa sidaan:

“ U soo shiraaco xaggayaga oo nagala qeyb-gal dagaalka aanu Jarmalka kula jirno illaa aanu ka guuleysaneyno. Ama u shiraaco xagga dekadaha Ingiriiska iyo degaanada aanu maamulno. Haddiise aad dooneyso in maraakiibtaada aanan loo adeegsan dagaalka lagula jiro Jarmalka si aadan u jebin heshiiska xabbad-joojinta ah, haddaba aynu is-raacno oo aynu u shiraacanno jasiiradaha uu Faransiisku gumeysto oo ay kamid tahay Martinique (koonfur Amerika). Halkaas ayaa hubka looga dhigayaa ama waxaa lagu wareejinayaa Jamciyadda Ummadaha. Halkaas ayay ku nabadgelayaan muddada dagaalka ka harey. Ciidanka maraakiibta la socda waxaa loo soo dhoofinayaa waddankoodii. Haddii aad fuliso qodobadaas mid kamid ah, maraakiibtaadu waxay noqonayaan kuwo loo celiyo dalkoodii dagaalka dabadiis. Ama mag-dhow buuxa ayaad ka heleysaan wixii dhaawac ah ee soo gaarey muddadii dagaalka lagu jirey. Haddiise aad ka madax-adeygto qodobadaas, aniga oo ka xun waxaan ku khasbanahay inaan kuu sheego inaan muddo lix saacadood ah ku dejinayo maraakiibtaada. Ugu danbeyntii haddii lagu guul dareysto arimahaas aan dusha ku soo sheegey, amarka aan ka heysto dowladda boqortooyada ah wuxuu yahay inaan ku dhaqaaqo tallabo kasta oo suuragal ah si aan uga hor-tago in maraakiibtiina ayan gelin gacmaha Jarmalka “. (Isla-marjicii hore).

Admiraal Jean Louis Darlan, oo ahaa taliyihii guud ee ciidanka badda Faransa ma ayan gaarin digniinta ciidankiisa fadhiya mersada wayn ay ka heleen Ingiriiska. Wakhtiga oo yaraa awgiis, dooddii ma ayan soo dhaafin labadii admiraal ee is hor-fadhiyay. Waxaa muuqatey in mid waliba uu ku adkeystey mowqifka dowladdiisii. 3/ 7- 1940-kii, goor ay casarkii tahay ayaa waxaa bilowdey weerarkii Ingiriiska uu ku qaadey saldhiggii marsada wayn. Weerarkaas oo lagu magacaabo Attack on Mers-el-Kébir, ayaa dhanka Ingiriiska waxaa ka qeyb-qaatey saddex markab oo waawayn oo kuwa dagaalka ah. Iyagu waxay kala ahaayeenHMS Hood – 51, HMS Valianta – 1914 iyo HMS – 09. Waxaa kaloo ka qeyb-qaatey markab ah kuwa dayuuradaha qaada, kaas oo la yiraahdo HMS Ark-Royal oo ay weheliyaan raxan maraakiib ah oo ah kuwa gantaallada xambaara iyo 11 kuwa wax bur-buriya. Faransiiska waxaa marsada ka joogey 10 markab oo kala ahaa 2 gantaallo-xambaar ah, 2 kuwa lagu dagaalamo ah iyo 6 kuwa wax bur-buriya ah. Maraakiibta Faransiiska maaheyn kuwo dagaal u diyaar ahaa. Isla-markaas waxay ku sugnaayeen dekad ciriiri ah. Qaar maraakiibta kamid ah waxay ku jireen meelo xagal ah oo ayan ka dagaalami karin.

Maraakiibtii Ingiriiska ayaa madaafiic ku bilaabey saldhiggii. Muddo saacad ah markii uu weerarku socdey, madaafiicdii Ingiriiska waxay dabkoodii la haleen markab wayn oo kuwa dagaalka ah kaas oo la yiraahdo Bretagne. Bakhaar kamid ah bakhaaradii markabka ayaa dabkii uu qabsadey. Taasi waxay dhalisey in markabkii gubto oo ku dego badda salkeedii. Markabkaas waxaa Fransiiskii ka qabsadey dhaawacii ugu waynaa ee dhimashada ciidanka. Waxaa ku dhintey 977 nin. Muddo laba saacadood ah ayay ku qaadatey in ciidamadii Faransa ay u jawaabaan ciidamadii Ingiriiska. Muddadaas ayaa markab kuwa dagaalka ah oo la yiraahdo Strasbourg, wuxuu ku guuleystey in si nabad ah uu dekadda uga furto, dabadeedna u shiraacdo dhanka badda. Waxaa la shiraacdey shan markab oo kuwa wax bur-buriya ah. Maraakiibtaas ayaa waxay dhabarka ka soo weerareen maraakiibtii Ingiriiska ee soo duqeynayay. Dabadeed maraakiibtii Ingiriiska waa ay baxsadeen. Dayuuradihii Ingiriiska ayaa markaas weerar ku bilaabey maraakiibtii Faransiiska ee badda joogey. Waxaa kaloo dayuuradihii Faransiiska ay duqeyn ku bilaabeen buurta Jabal Al-Daariq. Dagaalkii wuxuu ku dhamaadey iyada oo Faransiiskii ay ka dhinteen 1.296 oo ciidankiisii ah. Waxaa ka dhaawacmey 350 nin. Jarmalkii waxay heleen fursad ay faafiyaan dicaayad ka dhan ah Ingiriiska.

Qore: Dr. Saadiq Enow

saadiq.enow@gmail.com

 

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno