Home » Suugaan » Suugaanta Soomaalida & Afka Soomaaliga

Suugaanta Soomaalida & Afka Soomaaliga

Afka Soomaalidu waa af ballaaran, erayadiisuna badan yihiin si loo fiiriyaba hadal iyo hawraar, maanso iyo maahmaah, gabay iyo geeraar, masaal iyo madaddaalo, hees iyo hello, sheeko iyo qorriin iyo qun-u-hadal, gees loo dayaba waa af hodan ah ee Eebbe Weyne u yeelay murti bad ah iyo miro macaan ka buuxaan , nuxur, qoto dheeri iyo xigmadina u sii dheer yihiin.

Haddaad eegto af-Soomaaliga qaayihiisa, iyo qaabkiisa suugaanta waxaad ogaanaysaa inuu yahay af aad u da’weyn, soona maray taariikh dheer sida Laatiinka, Hebrewga, Carabiga iwm. Soomaaliga waxaa looga hadlaa Geeska Afrika( Horn of Africa), wuxuuna ka mid yahay baa la yiri: Afafka reer Kuush( Cush the son of Ham of Noah). Boqorkii Nibruud (Nimroid) wuxuu ahaa ina Kuush, waxayna boqortooyadiisu ka talin jirtey Babylon( Ciraaq) ilaa Suuriya. Sidaas darteed waxaan halkaas ka cabbirahayaa inuu afka Kuushku soo maray ilbaxnimo iyo waaya-aragnimo dheer ee gaaraysa in ka badan 5000 oo sano. Afafka uu la bah yahay waxaa ka mid ah afka Gaallaha, iyo Danaakilada(Cafar).

Haddaba af-Soomaaligu wuxuu u kala baxaa laba qaybood oo ah Hadal iyo Murti:

1. Hadal waa erayada qayaxan oo aan taxnayn, jiib iyo luuq midna aan lahayn,warkana laysugu tebiyo.

2. Murtiyina waa erayo taxan ,xarafraac/qaafiyad(alliteration) leh, habdhac/jaangooyo(rhythm) leh, deelqaaf iyo laaxinna aan lahayn, warkana laysugu tebiyo.

Murtidu waxay u kala baxdaa laba qaybood sida: Maanso iyo Hees.

Heesku wuxuu u kala baxaa laba badood ee waaweyn, sida: Hees hawleed iyo Hees cayaareed oo haddii la sii falanqeeyo mid waliba noqonayso bad aan laga bixi Karin ama geed laamo badan leh oo aan la tiring Karin caleentiisa.Tusaale:-

1. Hees hawleed,waxaa ah tan xoolaha loogu heeso marka la wado ama la shubahayo, tan mashaqa xoolaha, tan caruurta lagu seexiyo, tan roobka lagu wacaysto, iwm.

2. Hees cayaareed, waxaa ka mid ah, tan muusikada loo garaaco/afuufo, haanta lama durbaanka loo tumo, tan sacabka loo tumo ama qoobka looga cayaaro, oo dhammaantood looga jeedo, farax, madaalo, iyo maaweelo iyo iwm.

Maansadu waxay u kala baxdaa toddoba (7) qaybood oo kala duwan, kuwaasoo kala ah:

1. Gabay, 2. Geeraar, 3. Masafo, 4. Jiifto, 5. Wiglo, 6. Guurow, 7. Iyo Buraanbur.

Toddobadaas qaybood oo maansadu u kala baxdo waxaa calanka u sida gabayga. Siday isugu xigaan bayna u kala qaaya weynyihiin. Sidaas waxaa u qoray abwaanno badan ee suugaanta wax ka qoray, meelo ay ku kala duwanaayeenna waa jireen, hase yeeshee Somaalidu waxay ku maahmaahdaa biyo meel godan bay isugu tagaan, sidaas darteed sidii ugu saxsanayd ee la isku wada raacay, anna aan aqoontayda ku darsaday ayaa qoraalkaygu ku salaysan yahay, isla markaasna waxaan shaki ku jirin in tixraac(reference) laga dhigan karo habka aan qoraalkaan u dejiyey, gaar ahaanna marka suugaanta buug laga qorahayo.

Guud ahaan Af Soomaaligu murtida iyo macaanka waa ka siman yahay, gabayguna waa ugu horreeyaa, waana ugu tix (verse) dheer yahay, waxaana la moodaa inuu ugu hanaqaadsanyahay, uguna tixo xoog weyn yahay, asagoo waliba run ahaantii ka hawl badan kuwa ka tixo gaagaaban sida geeraarka, jiiftada iyo masafada iwm. Sidaan horay soo u sheegay toddobada qaybood ee maansada midiba waa ka madax bannaan tahay kuwa kale dhigaal ahaan iyo luuq ahaanba. Guurowga waxaa lagu sheegay inuu yahay Maanso Abgaal, aniguse inaan maqlo mooyee ma arag waligay tixo guurow ah, sidaan u qorayna waa sidii la iigu sheegay maansada intooda kale reer Puntland waa yaqaanniin . Anigu waxaan tirshaa oo aan aqoon u leeyahay labada ugu horraysa maansada ee ah Gabayga iyo Geeraarka. Xeerka maansada qofka kasta waa baran karaa, laakiinse qof kasta gabyaa ama geeraarshe ma noqon karo,maxaa yeelay dareenka maansoodku waa aqoon dheeraad ah ee maanso yahanka Eebbahay qalbigiisa geliyey. Kuwa tiriya maansada laftoodu waa kala heli og yihiin hogogga maansada, erayada arartooda iyo dulucdoodana waa kala heli og yihiin.
La arkee in laba nin oo gabyaa ah ninba tab kaga wacan yahay saaxiibkiisa kale, oo ninba tabtiisa uu kan kale kaga horreeyo.
Meelaha laga maansoodo waxaa ka mid ah kuwaan hoos ku qoran:

1. Ammaan (Praise)

2. Calaacal(Catow) (Lamentation)

3. Cay (Diatribe)

4. Digasho (Taunting)

5. Diradiro (Provocation)

6. Faan(Dhood) (Boasting(Bragging)

7. Guubaabo (Exhortation)

8. Halxiraale (Riddle)

9. Kuhaan(Guhaan) (Curse),

10. Waanada (Advice)

11. Kaftan (Humour)

12. Xigmadda (Philosophy)

Tusaale Gabay( Epic Poem):

Tix kasta oo gabay ah xarafka gabaygu ku socdo eray wataa waa inuu labo meelood kaga jiro, taasoo ah xeerka lagu yaqaan. Marka labaad waa inuu ku jaango’an yahay codkii gabayada lagu qaadi jirey, laguna yaqiin Aw-Muuse Ismaaciil, Sayid Maxamed, Raage Ugaas, Cali Dhuux, Qamaan, Khaliif Shiikh Maxamuud iwm. Lama ogola haddii xaraf qur ah siyaado ku yahay ama ka dhiman yahay, eray bal isaga daa warkiisa, waayo haddii habdhaciisu khalad yahay waa deelqaaf(gef)/ Laaxin. Waa inay dalaysnaataa maansadu(Gabay ama Geeraar), sidii Cali Dhuuxba uga afeeftay deelqaafka markuu hooriskiisii Deelleydii Guba ku yiri:

Afartaa sidii deleb la riday maysu daba joojey,
Da’dii aan ka qaadiyo miyaan deelkii ka habowshey,
Ma daleeyey deelqaafku waa kaa dilaa gabaye
.

Hadda ka hor waxaan anigu sheegay in reer miyigu gabayada hiddo iyo dhaqan u leeyihiin, maxaa yeelay Af Soomaaliga ayey hodan ku yihiin, meesha reer magaalkuna ku horreeyo heesaha caashaqa, oo xataa markaan baadi doonay xididkooda aan is-iri waxay xiriir la leeyihiin ama laga sannifay geeraarka maansada, sababtoo ah, geeraarka hees waa loo rogi karaa asagoon eray laga bedelin, waxaana loogu luuqayn karaa sida heesta kamanka loo garaaco.

Bal adiguba ku day sidaas. Marka heesaha magaalada ee muusikada lihi kolley ayagoo suugaanta ka tirsan, waxay u dhow yihiin miraha geeraarka in kastoo heesta maansada laga saaray. Teeda kale dhaqanka Soomaalidu wuxuu salka ku hayaa miyiga, maansaduna waxay ku tiirsan tahay dhaqankaas iyo afkaas hodanka ah, iyo waliba af gurigii ay lahaayeen raggii gabayada waaweyn caanka ku ahaa, maxaa yeelay luuqadda oraahdeeda ninkii aan u baran sidii gabayga ama geeraarku codsanahayey, wuxuu kala kulmi doonaa laaqda dhibaato weyn hadduu ku dayo af guri uusan u dhalan ama waxaa la yaabaya dadkiisa hadduu la yimaado lahjad qalaad. Nin walba deegaankii uu ku soo barbaaray af guriga looga hadlo ayaa wacan inuu kuu maansoodo hadduu doonahayo in la fahmo xigmadiisaiyo codkiisaba. Tusaale: Anigu waxaan ku dhashay Gobolka Mudug ee ah bartamaha Soomaaliya, Afsoomaaliga halkaas looga hadlo waa af macaan ee aan lahayn turxaano qalaad, waana af guriga lagu qoray buuggaagtii Sayid Maxamad C.X. Sababtu waxay tahay: Puntland oo dhan iyo Ugaadeenya dadka dega waa isku af, afgurigoodana farqi yar baa u dheexeeya, suugaantana waa isaga mid, waana is af yaqaanniin. (Ogow ayadoo Soomaaliga la wada yaqaan haddana waxaa isugu hadal dhow intii hayb oday wadaagta. Sidaas awgeed Sayidkii af gurigiisii waxba kama duwanayn kaan anigu ku hadlo, taasoo ii fududaysay inaannan dhibaato kala kulmin maansooyinkiisii.

Laaq (vocal style)

Sida runtu tahay qayb kasta oo maansada ka mid ah qaabkeedu waa u gooni, sida dhigaalka ama dhawaaqa. Haddaba in kasta oo xeesha abwaanimada curinteeda iyo kasmadeedu ay tahay hibbo iyo deeq Rabbi qofka abwaanka ah maanka u geliyey, haddana ogow in murtida qaabkeeda ay luuqdu(laaqayntu) hoggaan lagu hago ay u tahay, maxaa yeelay miraha maansada ama heeska waxaa ka horreeya in la qaybo luuqda lagu yaqaan, oo taas intaan gabayga la hawaysan loo baahan yahay in la isku laylyo, si loogu barto miisaanka ama jaangooyada lagu yaqaan habdhaca maansada ama heeska. Dabadeed marka ardaygu dusha ka barto, uuna xafido maansooyinkii ay tiriyeen abwaanadii caanka ku ahaa, ee xirfadaas laga gaato ama looga dambeeyo ,gaar ahaanna uu yeesho aqoonta naxwaha(grammar) waxaa u furan in haddii uu gabyaanimo u dhashay oo uu leeyahay alabkeedii kartida(talent) inuu isku dayo taawadiisa ama maansadiisa hadba heer ha u joogtee. Taasi waa xeesha luuqda ee la baran karo la’aanteedna maansooyinku isaga kaa darmi karaan, ayna kugu adkaan karto sida aad isula hesho mirahaaga iyo habdhacaaga oo is oggol. Xasuusnow in raggii Soomaaliyeed ee maansada laga dhaxlay ay reer miyi ahaayeen waxna aysan qori jirin, isla markaasna in ay laaqada ku tiraabi jireen markay maansoonayaan, ayagoo karti iyo xasuusba u lahaa inay isku dubbaridaan gabay ama geeraar ee haddana luuq qurxoon leh, ee uu dadka dareenkooda ku soo jiito.

Haddii aan tusaale ka bixiyo farqiga gabay iyo geeraar u dheexeeya ee lagu kala garto waa:

1. Luuqda. 2. dhigaalka ama dherarka miraha oo dhammaantood aad u kala duwan waayo tixda gabaygu waxay dherer le’eg tahay labo tixood oo geeraar ah, marka laga xaraf luuqeedka ugu dambeeya erayada tixda qaarkood, sida:-
2. Caliyow da’daan ahay waqaa looma duur xulo e,
3. Duq gaboobay iyo wiil yar baa loo dedaa hadale.

Labadaas tixood ee uu mariyey abwaankii caanka ahaa ee Qamaan Bulxan, haddaan geeraar u beddelo maxay noqon lahaayeen? Waa sidaan:

1.Caliyow da’daan ahay,

2. Waqaa looma duur xulo.

3. Duq gaboobiyo wiil yar,

4. Baa loo dedaa hadal.

5. Sidaad aragto waxaan ka reebay e’dii hadal raaccaysey markii tixdu gabay ahayd, macnuhuna waa sidaan horay u sheegay oo waa laaqda hagaajinteeda. Hadaba meeshaas waxaa ka muuqda in tixda gabay ahi tahay laba tixood oo geeraar ah iyo xaraf dheer.

6. Bal day waxa tixdii gabay ahayd noqotay laba tixood oo geeraar ah iyo waliba xarafka ka soo haray ee ah e taasoo aan geeraarka luuq darteed loogu dari Karin gabayna luuqda darteed aan looga reebi Karin haddii kale jaangooyada ayaa ka xumaanaysa oo ka gaabanaysa heerkii habdhaca lala rabey.

7. Codbeeg=(Syllable). Marka tixda gabayga iyo tixda geeraarka haddii aan cabbiro codbeegyada ay erayadoodu ka kooban yihiin, waa sidaan, ayagoo si kala qoqoban aad u ogaatid farqiga u dheexeeya:

8. Gabay:Dar.bane Ma.xam.ma.dow Ga.bay aduu kuu da.liil.ya.ha.ye=15 codbeegyo. Waxaa suurtowda in tixdaas mid kale dirqi kaga dheeraato, oo noqoto 16 codbeeg, laaqdiina is keento. Geeraarka haddaan kiu dayo:1. Ha.shaan ku him.bir.yoo.da.ye(=Tix) oo ah 8 Codbeeg. 2. Ku han.qaa.ray du.ni.dii(Tix kale)=7 codbeeg, Marka cabbirka codbeega geeraarku waa 6 ilaa 8 codbeeg. Waa haddii aadan aqoon fiican u lahayn sida laaqda loogu cabbiro maansada. Xirfadaas codbeegga wax ku daya oo Soomaali ah waxaa ugu horreeyey Aden Dirie Ali. Hase yeeshee maansaooyinka luuqdoodu waa iga da’weyn yihiin.

Maxaa lagu kala gartaa maansada bilicdasan iyo tan hoosaysa?

1. Maansada bilicdasani, deelqaaf ma leh, habdhaceedu waa sugan yahay, dhihitaankeeda waa la qaban ogyahay, waana xiiso badan yahay, waana qaab xariiro lagu raaxaysto, ee boqol tixood hadduu yahay iyo haddii kaleba dareenkaaga soo jiita ee aad qaban karaysid, isla markaasna aan sida quraanka haddii mar la qaybo aan la illoobin.

2. Ka hooseeya wuxuu liddi ku yahay(opposite) kan kor ku xusan. Lama jeclaysan karo waayo oraahdiisu ma qumana xallad iyo xiisana ma leh. Sidaas awgeedna badanaa lama xafido kii tiriyeyna hawl mooyee tayo gabay uma keeno.
Anigu waxaan baaritaan dheer, iyo maanso aruurinba ku sameeyey, raggii Soomaaliyeed ee ugu maanso wanaagsanaa. Kuwaas oo tix kasta oo ay sheegeen cilmi weyni kaaga kordhayo, luuq iyo mirana dhammaan isaga eg ama iska suureeya habdhaca iyo dhigaalkaba. Waxaan maansooyinkooda aad u xiiseeyaa Allaha u naxariisto ee raggii ahaa.

Aw Muuse Ismaaciil, Daraawiishtii, Raggii Guba soo galay, Khaliif Sh. Maxamuud, Jaamac Kediye Cilmi , Aadan Carab, iwm. Anna haddaan maanso tirinayo ayaga ayaan habdhacayga kuwoodii ku jaangooyaa, xirfado badanna aan kaga daydaa, anigoo aan warkoodii isticmaalin waligay tixahoodii, waayo nin kasta oo gabyaa ah waa in maansadiisu aysan noqon gabay dheeg, teeda kale waxaan ka maansoonayo iyo wixii ay ka maansoonayeen ayaaba kala duwan oo aan shaqoba isku lahayn. Sidaas darteed abwaan kasta wakhti gii uu maansooday marxaladii jirtey ayaa tixdiisu ku saabsan tahay ama ay ka hadlaysa arrimihii joogay.

Waxaa kaloo jira abwaanadu hoggaha maansada waa kala heli og yihiin, waana kala erayo waaweyn yihiin, waana kala xirfad iyo xeel badan yihiin sida ay maansada u oranahayaan baana lagu kala gartaa midkooda gabayga ku horreeya, uguna tabo wacan . Gabayada la soo shaac bixiyo markay akhristayaasha soo gaaraan waxaa xaakin(judge) u ah oo maansadooda qiimeeya ninkii asagu gabyaa ah ee ku maansooda qaabka maansada ee bilicdasan ama ugu heer sarraysa. (Every verse is evaluated by a poetry expert , who definitely judges whether it is a good poem or a bad poem, because that is the obligation of the expert). Gabay jacbur ama gabay hadal u eg in kastoo xaraf uu ku socdo, ayaa tusaale u ah gabay xume(bad poem).

Sidaas awgeed ardayda gabayada barata ha isu xil saareen marka hore inay bartaan xeerka maansada, sida habdhaca, tayadiisa, qaabka dhigaalkiisa, iyo xaraf raaciisa, inta aysan ayagu kuwooda bilaabin ama daabicin, waa in marka hore 100% abwaanku isku kalsoonyahay, sax ahaanshaha maansadiisana uu ku kalsoon yahay , naxwahana uu qareen u noqon karo ama macallim.

Waxaan idiin rajeynahayaa inaad qoraalkaan aqoon ka kororsataan. Waxaadse ogaataan in suugaantu(Literature) ay tahay maaddooyinka jaamacadaha loo galo ee degreega laga qaato mid ka mid ah, hase yeeshee gabayaanimadu ay tahay hibo gabyaaga Alle siiyey.

Aden Dirie Ali

One Response

  1. Asc, Aden Diiriye sxb Allaha ka abaal mariyo, runtii goor iuu iga dhamaaday ma garanayo qoraalkagu! Si fcn baad soo ban dhigtay waxanad ifisay in khilaf melaha qaar ka jiro waxay ii cadaysay inaad tahay nin Suugaanta u dhuun duleela.

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno