Home » Qoraalada Maxamed Nuur, Qormooyinka, Wararka » Saxane oo Sahal isu beddelay qeybtii 2-aad. W/Q: Maxamed Nuur Shire.

Saxane oo Sahal isu beddelay qeybtii 2-aad. W/Q: Maxamed Nuur Shire.

Waxaa isugu kaaya dambeysay iyadoo Saxane ay ku soo food laheyd marxalad cusub. Waxaan kala tagnay Saxane oo su’aalo badan jawaab u la’, kuwaasoo qaarna uga imaanayeen dadka kale, kuwa kalena ay ka soo maaxanayeen Maskaxdiisa. Halkanna waxaan sheekada uga baxeynaa Sahal oo ah magaca cusub ee Saxanihii hore, waxaana magacan uu ku baxay sababahan:

1- Saxane wax walba meesha ugu adag ayuu iska taagi jiray, halka Sahal uu iska daayey in arimaha halka ugu adag la iska taago.

2- Saxane arimaha oo dhan laba ayey ugu qeybsanaayeen, halka Sahal arimuhu uu ka qabo in caqliyo badan lagu fiiriyo, isla markaasna aririmaha qaarkood ay 10 iyo ka badan  noqon karaan.

3- Sahal arimaha siyaasadda ee Saxane ku xiiqsanaa si sahal ah ayuu u qiimeeyaa, halka waagii hore uu dusha saaran jiray culeys uusan qaadi Karin.

Haddaba Sahal baranaye ha inoo sii wado qisada:

: Aniga oo weli su’aalo badan igu taagan yihiin, noloshii adkeydna ka taagan oo dadkii asaxaabta iyo xigaalada ahaa ay ila yaaban yihiin, ayaa waxaa igu dhacday arin xanuun badan oo ka sheekeynteedu xusuus igu reebeyso. Waa xili barqadii ah, Taariikhdu waa 3-da bisha 12-aad, sanadkii 2009-kii. Waxaa I soo wacay nin aan saaxiibo aheyn. Markii uu I salaamay ka dib, ayuu wuxuu ii sheegay war uu isagu ku faraxsanaa, balse aniga aan aad uga naxay. Wuxuu ii sheegay in hotel Shamow oo Muqdisho ku yaal magaciisuna markaas aad u soo caan baxay, uu ka dhacay qarax ay ku dhinteen wasiiro dhowr ahaa oo ka tirsanaa dowladda KMG ah. Magacyadii wasiirada ayuu ii tiriyey. Farxadda hadalkiisa ka muuqata aad ayey u garab marsaneyd dareenkeyga. Markii uu ii dhameeyey sheegitaanka warkaas,  ayaa waxaan ugu jawaabay “ Illaahay ha u naxariisto dadka dhintay” markii uu intaas iga maqlayna isagoo ka carooday naxariista aan Illaahay u weydiinayo muslimiinta meesha lagu halaagay, balse isagu murtadiinta u yaqaano, ayuu telkii uu igala hadlayey igu dhigay, anigana kama xumeyn in halkaas uu igaga ekeeyo warkiisa dhiiggu ka qubanayo:

Sahal, ayaa hadalkiisa sii watay, wuxuuna yiri ”  aniga oo aad u naxsan, ayaa waxaan daawaday shaashadaha wararka laga fiirsado, waxaana ii sii korortay Murugo, ka dib markii sidii Shaamow wax uga dhaceen muqaalkoodii la soo bandhigay, qof kasta oo damiir fiican uu ku jirayna waa uu argagaxay, dadka Caloosha jilicsanna, iyaga ilmo ayaa ka qubaneysay indhahooda, waxayna arrintaas sahashay inaan si toos ah uga haro fikirkii hore ee aan qabay ee aan Saxane,  kula baxay”. Sahal,  ayaa intaas ku daray in uusan dooneyn inuu Soomaalida soo xusuusiyo xanuunkii maalinkaas, balse waxa uu dhacdadan uga dan-lahaa inuu sawiro sida uu Saxanenimadiisii uu isaga beddelay, isla markaasna uu Murugada ula wadaagay bulshada Soomaaliyeed ee maalintaas Tix iyo Tiraabba ku Cabbirtay sida ay uga gilgisheen dhacdadaas foosha xumeyd ee Shaamoow ka dhacday. 

Sahal iyo geeddi socodkiisii halka uu ku dambeeyo

Sahal hadda waa Soomaali aaminsan in Umadda Soomaaliyeed ay tahay umad Muslim ah, kana mid tahay “Soomaalida”dadka ugu wanaagsan marka laga hadlayo ku dhaqanka shareecada Islaamka, haddii xaal sidaas yahana in dagaal dhexdooda ah uu sii socdo Sahal xal uma arko, in gardarro lagu dilana warkeedba daa.

Wuxuu kale oo Sahal qabaa, in dalka uu ka dhaxeeyo inta Illaahay ku beeray, loona baahan yahay inayan beylihin, marka ay iyagu ku heshiiyaanna ciddii nabad ku dhex joogeysa ay u furan tahay, iyadoo la ilaalinayo maslaxadda dadka iyo dalka Soomaaliyeed, adduunka kalena xiriir uu kala dhexeeyo maaddaama ay wax badan isaga xiran yihiin.

Sahal iyo sida loo arko.

Sahal wuxuu helay saaxiibo ay kala irdhoobeen intii uu howsha adag ku jiray, iyo kuwa ay isla jaan-qaadeen intii uu caadiga ku soo laabtay. raggii ay isku asaxaabta ahaayeen (Saxanayaal) iyagu ma  arki karaan, maxaayeelay waxay ifka ugu neceb yihiin dadka fikirkooda naca, waxayna aaminsan yihiin inuu garanayo boogo badan oo ku yaala, kuwaasoo ayan dooneyn in laga damqiyo.

Waxaa xusid mudan in Saxanayaashii uu Sahal ka soo tagay qaar ka mid ah ay ka daba yimaadeen saaxiibkood, welina waxaa la filayaa in kuwo kale ay ku soo biiri doonaan.

Ugu damneyntii: Sahal waa faraxsan yahay, halkii uu waagii hore ka careysnaa. sumcad fiican buu bulshada ku dhex leeyahay, halka waagii hore uu fongornaa. waa uu nastay, halka waagii hore uu dusha saaranjiray culeys ka tan-weyn.

Waxaa laga yaabaa in dadka maqaalkan aqriya ay is-weydiiyaan ” tolow Saxanaha Sahal isu beddelay waa kuma? su’aashaas jawaabteeda waa” magacyada waxa ay ka tarjumayaan isbeddelada dhacaya waana tilmaamo jiray, welina jira, balse qof gaar ah diiradda laguma saarayo qormadan”.

Si ay isugu kaa qabsato qormadan, waxaad u baahan tahay inaad tii ka horeysay dib u milicsato, maadaama inaad tan fahanto ay ku xiran tahay inaad tii hore soo aragtay. si ay taas kuugu suuragasho:

QORAALKII HORE HALKAN KA AQRI

Waxaan Aqristayaasha ka raali gelinayaa daahidda qeybta labaad ee Qormadan, iyo haddii aan idinku dheereeyey, aadna waxaa u mahadsan inta codsiyada badan igu soo weydiisay inaan soo daabaco qeybta labaad ee Qormadii ” Saxane oo Sahal isu bedelay”.

Aqris wanaagsan.

W/Q: Maxamed Nuur Shire

Email: mnuur10@gmail.com

 

8 Responses

  1. ciid says:

    aad baanudhuuxay walaahi waaqoraal aad umacaan labadooda mar aan dhameeyey aan garanwaayay maqaaladaada mid kasta waa the best laakiin waayadan aad wax uma qortid calaakuli xaal macno badan baa kabuuxo u baahan in la fahmo

  2. abu rixa says:

    asc: runtii ma aqaan si aan ugusoo gudbiyo amaan ku filan qoraaga (mufakirka islaamiga) maxaayeelay waxaan dhameeyey labada maqaalba anoo dhoolo cadaynayaa aadna moodid in aan toos u daawanayo qisadda saxane iyo proccesskii ay ku qaadatay inuu sahal isu badalo waxaan aad ula yaabay saxane markuu lahaa “WAXAAN GAARAY HEER AAN U XANAAQO QOF WALBA OO AAN XANAAQSANAYN” waa arin layaab leh, thank you Maxamed Nuur Shire, dhanka kale 6 sano ka dib 2006 caaway oo ay taariikhdu tahay 10kii july 2012 dadka weli sii ah saxaneyaasha waxaan dhihi lahaa darbigii ayaad soo taabateen, natiijadiina maantay dhabtay idiin saarantahay!!, wixii la sheegi jiray oo aad inkiri jirteena maantay gundahaad ku haysaan!, waala dhaafay waqtigii aad ka waantoobi lahaydeen, usoo noqda walaalihiin iyo mujtamaciina is dhaqan celiya walaalayaal!.

  3. haadi says:

    sxb maxamad nuur maqaal qiimoleh baad noosoo gurdbisay anaga bosaso saxanayaal waanala joogaan laakiin waa dhuuntaan laakiin fikradaha saxane qabay way aaminsanyihiin dilkii dr axmed ka dib kuwaa katanaasulay fikirkii saxanaha hada dadkooda ka mid ah sababtoo ah fikirkaas waxba mareebayo cid ma ixtiraamaayo gar mahan in lasii aaminsanaado

  4. xamdi says:

    thanks walaalo ilaahay maskadaada hanoo barakeeyo waa maqaal caqliyeysan

  5. cabdi faatix says:

    maashaa allaah tabaaraka laah aad ayaan ula dhacay habka quruxda badan ee walaalku usoo gudbiyey qormadan isla qumanayaasha marwalba presure minaalaahi ah ayaa saaran oo wax walba waaku adagyihiin ciriiri ayay is galiyaan commentiyaash ayey hada soo geli ayagoo xiiqsan.kkkkkkkk

  6. muumin says:

    qoraagu waa asiibay aniga say ilatahay mowduucaan waa muhiim wuxuu kahadlayaa isla qumanaanta waa sifooyinka khawaarijta saxane ayaaba sheegay oo dhahay cidii iga fikir duwan waan necbaa marka qisadan ama qormadan yaan madadaalo laga dhiganin ee halaga joogsado fikirka qatarta badan ee saxane iyo sahal ka hadleen mar kale qoraaga waa mahadsan yahay si ad u fiican buu usoo bandhigay

  7. jookar says:

    waa maqaal wanaagsan laakiin aniga qeybta koowaad baa ila fiican taasaa xaraarad leh horar oo kale inuu kuu shidanyahay baad u maleyneysaa anyway thanks mohamed nur

  8. dowlad says:

    walaahi qoraalkaan waan uriyaaqay kan iyo kuwa lamidka ah waxay muujinayaan dadka qaarkood say unoolyihiin qofkasta oosaaxada jooga wuu fahmi karaa halka qoraagu tooganayo waana muhiim in lahelo qoraayaal sidaan wax ugu cabira bulshada laakiin dadkii waxay u bateen dhag weyn farwaaweyn in wax loogu dhigay ubaahan yihiin

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno