Sh. Maxamed Umal ayaa waxa uu xalay ka hadlay waxyaabihii Khawaarijtu ku haysatay Cali Bin Abii Daalib, iyo qaar ka mid ah Tilmaamaha lagu garto Khawaarijta.
Sh. Maxamed Cabdi Umal, oo Masaajidka Abuu Bakar Sidiiq ee magaalada Nairobi ka wada Muxaadaro uu uga warramayo kooxda Khawaarijta, xalayna gashay habeenkeedii labaad, ayaa ka warbixiyey waxyaabihii ay Khawaarijtu ku andacooneysay inay kaga soo horjeedeen Khaliifkii 4-aad ee Muslimiinta, Cali Bin Abii Daalib Allaha ka raali noqdee.
Sheekha, ayaa waxa uu sheegay in C/laahi Bin Cabaas, uu u tagay ilaa 6000, kana tirsanaa kooxdii ugu horeysay ee Khawaarijta aheyd ee ku baxday Khaliifkii Muslimiinta, waxaana uu Ibnu Cabaas, weydiiyey waxa ay u gadoodsan yihiin oo ay Cali uga soo horjeedaan, waxayna sheegeen 3 qodob oo kala ah:
1- In Cali qafaalan waayey dadkii ka soo horjeeday ee uu gacanta ku dhigay.
2- In Cali uu heshiiska uu la galay Mucaawiye uu uga tanaasulay Amiirnimadii Muslimiinta ka dib markii uu heshiiska ku saxiixay magaciisa caadiga ah.
3- In Cali xukunkii Ilaahay ka leexday ka dib markii uu rag u dhiibay soo xukminta khilaafkii isaga iyo Mucaawiye.
Markii C/laahi Ibnu Cabaas, uu dhageystay dooddii Khawaarijta, ayuu mid-mid uga jawaabay qodobadoodii, waxaana sida Sh. Umal sheegay, ka soo hartay ilaa 2000, oo nin, halka kuwii kale ay ku adkeysteen madax adeygoodii iyo fahan yaraantoodii, aakhirkiina, waxaa lagu qaaday dagaal ay ku dhamaadeen, in yarna ay ka badbaadday.
Intaas bacdigeed, ayaa Sheekhu, waxa uu u guda galay qeybtii labaad ee Muxaadaradiisa, taasoo aheyd inuu tilmaamaha iyo caqiidada Khawaarijta wax ka ifiyo, wuxuuna xalay soo qaatay laba qodob oo kala ah:
1- In Khawaarijtu, dadka ku gaaleysiiyaan wax aan gaalnimo aheyn.
2- Inay ku baxaan xukaamta Muslimiinta, lana dagaalamaan.
Qodobka hore, ayaa Sheekhu ku sheegay inuu ka gudo balaaran yahay in la yiraahdo, waxay dadka ku gaaleysiiyaan dambiyada waaweyn, wuxuuna sidaas u yiri Sheekhu:
A- In kooxdii ugu horeysay ee Khawaarijtu, wixii ay Cali iyo Saxaabada kale ku gaaleysiiyeen ayan aheyn wax gaalnimo ah, isla markaasna kooxdaasi ay ahaayeen Khawaarijta Asalkooda, nusuustuna iyaga ku soo aroortay.
B- In kooxaha ka farcamay Khawaarijtu ayan kuligood Dambiyada waaweyn wax ku gaaleysiin jirin.
Halkaas marka uu marayo, ayuu Sheekhu, sheegay in dad badan oo maanta jooga ay Khaarijinimada ugaga cararaan inay Dunuubta wax ku gaaleysiinin, iyadoo weliba ay ku waafaqeen qodobkii ugu weynaa ee asalka u ahaa Khawaarijta.
Sheekha, ayaa sheegay in Khawaarijnimo ay tahay, in dadka lagu gaaleysiiyo masaa’il la isku khilaafsan yahay. culimada lagu gaaleysiiyo masaa’il tahwiil u cuntami karo. xitaa mararka qaarkood dadka lagu gaaleysiiyo wax ay ku saxsan yihiin laakiin Khawaarijta la khaldan.
Qeybaha ka dhiman tilmaamaha Khawaajirta, ayaa Sheekhu caawa ka hadli doonaa, iyadoo sidii balantu aheyd caawa la soo afmeeri doono, haddii ayan Sheekhu Muxaadarada la sii durkin oo uusan habeen kale ku darsanin. haddii Ilaahay idmo.
Ugu dambeyntii: Magaalada Nairobi, ayaa aad looga hadal hayaa Muxaadarada Sheekha, iyadoona dad badan ay aad ugu riyaaqsan yihiin Muxaadarada, isla markaasna rumeysan yihiin in xiligii ay ugu habooneyd ku soo beegantay.
Halkan ka dhageyso qeybta labaad ee Muxaadaradii xalay.
Xafiiska wararka Somalireal
somalireal@gmail.com

Ugu horeyn waxan halkan kasalamayaa dhamaan maamulka iyo shaqalaha somalireal.com ASC. salan kadib waxan idinkaga mahadcelinayaa howsha culus ee aad islaamka uheysaan waxana idinleeyahay haka caajisina ee halkas howsha kawada ALLAAHNA ha idinku garab galo. Sheekhenana allaha xifdiyo isaga iyo dhamaan culimada mithaalkiisa ah. Anagana allaha nagu anfaco cilmigooda.
Marka ugu horeyso salaamayaa bahda somalireal.com. Intaas kadib shaki kama taagna in Khawaarijta siduu sheekha u sifeeyey lakiin su’aasha waxa weeye Khawaarijta xiligaas bay ku ekeyd JAWAABTA waa MAYA xilli katasta way soo baxaan ayagoo magic kale wato ilaa Nihaayada aduunyada. Khawaarijta maanta inoo joogta waxay wataan magaca Wahaabiyada. Maantanta khaawaarijta Jaamacad bay leeyihiin oo lagu baro in dadka lagu gaalaysiiyo quraankana la xafidsiiyo ayagoon raacen saa ma fahamsane. Khawaarijta waxay buriyeen ayagoo Gaalada adeejinayso Soomaaliya,Ciraaq,Liibiya,Suuriya. Laakiin waa Mahad Alle in sii bur burayso Khawaarijta Zamankeena.