Home » Diinta, Wararka » Sh. Umal oo xalay ka hadlay Tilmaamaha ay Khawaarijtu caanka ku tahay. (Dhageyso)

Sh. Umal oo xalay ka hadlay Tilmaamaha ay Khawaarijtu caanka ku tahay. (Dhageyso)

Sh. Maxamed Cabdi Umal, ayaa waxa uu xalay ka hadlay Tilmaamaha lagu garan karo kooxda Khawaarijta ee ay caanka ku yihiin.

Sh. Umal, oo 3 dii, habeen ee la soo dhaafay Muxaadaro uu uga hadlayo Khawaarijta ka waday Masaajidka Abuu Bakar Sidiiq ee xaafadda Islii magaalada Nairobi,  ayaa waxa uu xalay si qoto dheer u qaadaa dhigay Tilmaamaha Khawaarijta lagu garto, waxaana ay tilmaamahaas kala yihiin.

Laba ka mid ah Tilmaamaha habeen hore ayuu Sheekhu ka hadlay dib ugu laabo qeybtii habeen hore. kuwa xalay uu ka hadlay waxay kala yihiin:

3- Inay baneystaan dhiigga Muslimiinta iyaga ka ra’yiga duwan, ka dib marka ay Gaalnimo aan sharciga boos ku laheyn ku xukmiyaan.

4- In  ay nusuusta u daliishadaan si aan sax aheyn, sida:

A- In ay nusuusta ku soo aroortay gooddiga ay xoogga saaraan, kana tagaan nusuusta ku soo aroortay yabooha iyo Naxariista Illaahay.

B- Inay Nusuusta dul saaraan dadka ay maaggan yihiin ee khilaafsan ra’yigooda, iyadoo ayan is laheyn nusuusta ay daliishanayaan iyo cidda ay u daliishnayaan.

5- Inayan aqoon u laheyn Sunada, Qur’aanka kaliyana ay fahankooda ku dul fariisiyaan.

6- Inay culimada baadi ku xukmiyaan, gaaleysiiyaan, waxmagaratadana ku diraan.

7- Inay isla weyn yihiin, naftoodana ay ku kadsoon yihiin.

8- Inay ka buuxaan dadka Jaahiliinta ah, ka dib marka ay ka cararaan Culimada.

Tilmaamahaas, ayaa ka mid ahaa kuwii uu Sheekhu ku sheegay Khawaarijta, isagoona carrabka ku adkeeyey in tilmaamahaas laga helayo kooxaha maanta jooga, balse qeybta soo socota ee Muxaadaradiisa uu ku tusaaleyn doono.

Fududeysiga dhiigga marka uu Sheekhu ka hadlayey  ayuu wuxuu sheegay, in ay jiraan dad riqiis ka dhigay dhiigga Muslimiinta, wax kasta oo lagu daadin karana sahlay. wuxuu sheegay in Manhajka Khawaarijta ay ka mid tahay in la yiraahdo ” Al Qaatilu Mujaahid Wal Maqtuulu Shahiid” sidaasna dhiig badan oo aan waxba galabsan lagu baneysto.

Sheekhu mar uu ka hadlayey is cajabinta, ayaa waxa uu sheegay in dadka qaarkood ay isku qanciyeen, dhalinyaradana ku qanciyeen inay Ahlu Jano yihiin, wuxuuna sheegay xitaa in wiilal yaryar lagu yiri ” isku qarxiya Janaad galeysaane” iyagoo isku qarxinaya dad Muslimiin ah oo aan waxba galabsan.

Markii uu ka hadlayey fududeysiga dhiigga, ayuu wuxuu Sheekhu sheegay in magaalada Nairobi, ay ka dhacday in rag ay ka doodeen mas’alada is qarxinta, ka dibna raggii doodayey mid ka mid ah uu sheegay in Sh. Ibnu Cutheymiin uu ka soo horjeeday in la is qarxiyo, ka dibna nin meesha joogay uu sheegay inay sax aheyd in xitaa la isku qarxiyo Sh. Ibnu Cutheymiin. wuxuuna Sheekhu tusaalahaas u keenay heerka dadka qaarkiid marayaan.

Fiiro gaar ah: Ninku Sheekhu sheegayo waa jiraa, waa nin weyn oo gaaleysiintu ay afka ka saarsaaran tahay, waxaa ka mid ah dadka uu gaaleysiiyey Sh. Yuusuf Qardaawi, Sh. Bashiir Axmed Salaad, Sh. Axmed Cabdi Samad iyo culimo kale, ninkaas biyo uma kabado gaaleysiinta dadka Muslimiinta ah.

Waxaa intaas u dheer ninkaas Culimada dhiiggooda baneysanaya, isagu ma ahan nin ku toosan diinta, akhlaaq xumo oo dhan agtiisa ayey taalaa, balse wuxuu isku tiriyaa ninka dadka ugu toosan. dabcan isla cajabiddii Khawaarijta ayaa ka muuqata.

Ugu dambentii: Muxaarada Sheekha, ayaa caawa la soo afmeeri doonaa, haddii Ilaahay idmo, waxaana Sheekhu caawa ka hadli doonaa Khawaarijta uu ka soo sheekeeyey sida ay ku tahay waaqica hadda lagu nool yahay, iyo kooxaha fikirkooda wax ka qaatay.

Halkan ka dhageyso Muxaadarada Sheekha qeybtii 3-aad.

Xafiiska wararka Somalireal

somalireal@gmail.com

7 Responses

  1. deeq ahmed deeq says:

    ninkaas shiikhu sheegay waa nin nairobi jooga dadka oo dhan baa yaqanaan YAXYE ayaa ladhahaa dadka waxa uu gaalaysiiyaa inta asaga uu necebyahay maxan nin ku fiican diinay waxaad arkaysaa asagoo salaada oo lagujiro ku siidhaafaya lamasheegin waligi in uu salaada subax jamaaco ku tukaday marka dadka ayaga oo noocaas ay tahay akhlaaqdoodu dadka gaalaysiinay bal kawaran makulatay in uu jilayo filim aan lafahmin ama uu rabo in uu dadka ku siro khamiiska marwalba uu qaato iyo kitaabada waa wayn oo uusan dhigin asagoo xanta culimada afka aan kaqaadin dhahan waa culimo xunxun

  2. C/xanaan says:

    Masha,allah kheyr allaha siiyo shiikh umal ayan dhexdas ayan qolyo kamid ah dhalintas kala doodayay isqarxinta nasiib xumo waxan jaahilnimo aheyn kuma aysan doodin waxana madaxmaray madax adeygooda iyo iyagoo xaqa ka cararaya alle haso hanuniyo.

  3. awmese says:

    waxan maqli jiray HEBEL AFKIISA IYO DHAGIHIISU ISMA MAQLAAN
    hada kahor websitekan waxan ka akhriyey maqaalo aad badan oo looga digayo aflagaadada iyo wax kasheega culimada
    maanta isla websitekii ayaa culimo lagu aglagaadaynaya
    mise jamaacatul ictisaam kaliya culimo ah oo ummada inta kale waa caamo cajiib

    DADKA MIYAAD WANAAGA FARAYSAN NAFTIINANA WAAD ILAAWAYSAAN
    Eebow u unaxariiso naftan daciifka ah oo ceebteeda ku mashquuli intii ceebta walaalked ay ku mashquuli lahayd

  4. nuuradiin says:

    walaahi waan aqanaa ninka deed uu ku sheegay Yaxye waa qof bilaa edeb ah dadka inta ka fikirka duwan xitaa asalaamu calaykum kuma salaamo waa takfiir dibirsan walaahi waan aqaanaa ninkaas kaas haduusan takfiir aheyn takfiirba majiro

  5. cali yare says:

    war ilaan ninka aad sheegaysaan warkiisu waa gaaray meel walba aniga ma aqaan lakin dadkaheegaynaya ayaan maqlay ninkaas

  6. hoopiya says:

    tandimul qacidah manta man ku haynaa hal mas alaba alaha ka dhigee oo uu ku khilaafsanyahey manhajkii salafka bal waxaba dhihi karna wa maqawiirta sharecada islamka xaga aqonteda hadii la eego markaan sideetameeyadii an bowsiga aheyn alqacida masa isha diinta saan bay uwadey marka yan lagu tuurin mujahidiinta been abuur khawarij galo lama dagalantee

  7. odowaa says:

    Ninkaas la sheegayo ee yidhi sh.ibnu cuthaymiin hala isku qarxiyo wuu jiraa waxaana la dhahaa Yaxye waana tuug weliba maktabada sh.umal ayuu hadda kahor kutub ka xaday waa nin markaad aragto aad dareemayso in uu faasiq yahay anigoon aqool ninkaas markaan arkay suu uyaalo ayaan xasuustay ninkii xalaaj la dhihi jiray ee qarnigii 3aad ee H cabaasiyiintu dileen ee baadiniga ahaa

    yaxyoow takfiirin ayaad camal ka dhigatay ogoow hadaad saa kusii socoto in aad eyda naarta ka mid tahay

Leave a Reply

© 2008-2013 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno