Sheekh Maxamed Umal ayaa shaaca ka qaaday in Sh. Xasaan uu ku saamoobay fikirkii Khawaarijta.
HALKAN KA DHAGEYSO MUXAADARADA OO DHAN
Xalay waxay aheyd, habeenkii ugu dambeeyey ee uu Sh. Maxamed Cabdi Umal, ka hadlayey kooxda Khawaarijta iyo kooxaha ku saamoobay, waxaana xalay Sheekhu wax ka tilmaamay qaar ka mid ah sifooyinka kooxda Khawaarijta, wuxuuna intaa ka dib u guda galay inuu tilmaamo kooxaha Casrigan jooga ee la dhihi karo waa Khawaarij, ama ku saamoobay fikirkooda.
1-Kooxda Abaadhiya ee Dowladda Cumaan xukunta, ayuu Sheekhu sheegay inay ku socoto dariiqadii Khawaarijta, si toos ahna loogu magacaai karo.
2- Kooxda Takfiir Walhijra, ayuu Sheekhu ku sheegay mid iyaduna ku socota dariiqii Khawaajirta, isagoona Sheekhu ka sheekeeyey taariikhda kooxdaas, iyo waqtigii ay Soomaaliya soo gaartay, iyo weliba marxaladda ay hadda ku sugan tahay.
3- Kooxda Al-Qaacida, ayuu Sheekhu sheegay inay ka mid tahay kooxaha ku saamoobay fikirka kooxda Khawaarijta, gaar ahaan marka ay timaaddo gaaleysiinta iyo daadinta dhiigga dadka Muslimiinta ah. Sheekha ayaa ka sheekeeyey taariikhdii ay bilaabatay kooxda Al-Qaacida, iyo kooxihii ay ka koobneyd ee isbeheysigaas isugu tagay.
Sheekha ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab, ayan waxba uga duwaneyn kooxda Al-Qaacida, haddana ayba ku biirtay, wuxuuna Sheekhu intaas ku daray dhiig daadinta iyo gaaleysiinta dadka Muslimiinta ah inay u aabba yeelin.
Sheekha, ayaa sheegay in fikir ahaan ay wax badan ku waafaqeen Khawaarijta, balse isagu uusan dhihi karin waa Khawaarij, wuxuuna carrabka ku adkeeyey in wax badan ay ka dhalan karaan haddii uu sidaas fatwoodo, laakiin waxaa farqi u dhexeeyaa in ficiladooda la xukumo iyo in iyaga la xukumo, sida Sh. Umal sheegay.
4- Kooxda Suufiyada ee hubeysan, ayuu Sheekhu sheegay inay ku jirto qeyb Tajfiirnimo ah, isagoona intaas ku daray in kuwa aan hubeysneyn ay fikirkaas wax ka qabaan, wuxuuna tusaalayaal dhowr ah ku xoojiyey amuurtaas.
Maktabadda Daarul Xadiith ee Nairobi iyo Sheekha Muddariska ka ah ee Xasaan Xuseen, ayuu Sheekhu sheegay in ay ka mid yihiin kooxaha sida aadka ah ugu saamoobay fikirka Khawaarijta.
Sheekh Umal, ayaa si aad ah uga hadlay mowqifyada Sheekh Xasaan Xuseen, isagoona ku nuuxnuuxsaday inuu muddo ka war-wareegayey inuu si toos ah uga hadlo, balse hadda uusan ka aamusi karin, wuxuuna Sheekhu qodobeeyey Mawaaqifta Sheekh Xasaan, waxaana uu ka soo qaatay qodobadaan:.
1- In Sheekh Xasaan Muslimiinta ku gaaleysiiyo wax aan Gaalnimo aheyn, taasoo ah asal ka mid ah usuusha Khawaarijta, sida Sheekh Umal sheegay.
Qodobkaas, isagoo Sheekhu faahfaahinaya, ayuu sheegay in Sh. Xasaan uu xarakada Al-ictisaam ku gaalnimo xukmiyey, weliba masaa’il isaga “Sh Xasaan” uu fatwooday, wuxuuna Sheekhu is weydiiyey sababta Ictisaam na gaalo loogu xukumayo, marka Sheekh Xasaan laftigiisa uu fatwoodana uusan u gaaloobeynin.
2- In Sh. Xasaan Maslaxad u arko in la gaaleysiiyo xukaamta iyo shacabka Punland, Somaliland, Kililka shanaad ee Itoobiya, Dowladda KMG ah, shacabka ku hoos nool, wuxuuse Sheekh Umal mar kale is weydiiyey waxa Sheekh Xasaan Kenya Musliimta ku nool uga reebay kuwa la soo sheegay, wuxuuna Sheekh Umal hadaladaas oo dhan ka soo guurinayey qoraalada iyo Cajaladaha Sheekh Xasaan Xuseen.
3- In Sh. Xasaan aad u sahlo dhiigga Muslimiinta, ayuu Sh. Umal sheegay, wuxuuna tusaale u soo qaatay, Jamaacada Ictisaam iyo Salafiya Jadiidiya, kuwaasoo Sheekh Xasaan sheegay in la laayo.
Fiiro gaar ah: In Ictisaam la laayo, Sheekh Xasaan si bareer ah buu u sheegay, balse in Salafiyo Jadiidiya la laayo, Sheekh Umal, ayaa sheegay in Xasaan si toos ah ugu sheegay mar ay kulan wada yeesheen, sida Sh. Umal sheegay.
4- In Sh. Xasaan Xuseen, uu ku dhawaaqay inuu Sh. Cumar Faaruuq gaaleysiin lahaa ee uu isaga daayey inuu maskax ahaan caadi u aheyn. wuxuuna Sh. Umal sheegay in taasi ay tahay ku degdegid gaaleysiin dad Culimo ah.
Sh. Maxamed Cabdi Umal, ayaa sidoo kale sheegay in Sh. Xasaan mahajka uu ku socdo uu iska horimaanayo, wuxuuna soo qaatay tusaalooyin ay ka mid yihiin:
1- In Sh. Xasaan marna fatwooday in ciddii wax aan kitaab Illaahay aheyn u xukun tagta inay gaal tahay, isla markaasna isaga uu hadda tago Maxkamadda Kenya, qareen difaacana ay u qabteen ardadiisa, waa sida Sheekhu hadalka u yiriye, wuxuuna Sh. Umal is weydiiyey waxa dadka kalena ay ugu gaaloobayaan, Sh. Xasaana ay ugu banaantahay.
2- In Sh. Xasaan, Jamhaddii, UWSLF ku gaaleysiiyey inay u hoggaansameen Dastuurka Itoobiya, markii la weydiiyey xukunka Muslimiinta u ololeysay Dastuurka Kenyana uu dhahay “waa Muslimiin”, ayuu Sh. Umal sheegay inay ka mid tahay iska hor imaanshaha Manhajka Sh. Xasaan.
Muxaadarada qeybta uu Sh. Umal ku raddinayey Sh. Xasaan ayaa dheereyd, wixii intaas dheer iyo wax badan oo aan soo gaabinayba ka dhageyso codka Sheekh Umal, waa Muxaadaradii xalay ee uu soo afmeeray.
Ugu dambeyntii: Sh. Umal ayaa muxaadarada ku soo gabagabeeyey, inay xaaraam tahay, in wax laga barto, in laga ganacsado Cajaladihiisa, in la faafiyo, in loo dhiibo Masaajid, wuxuuna ku sababeeyey in umadda caqiidadeeda laga leexinayo.
Xafiiska wararka Somalireal
somalireal@gmail.com

asc.. ninkii soo joog laga waayo soo jiifso ayaa laga helaa hase ahaatee arinka ugu weyn oo hadda taagan ee shiikhu ku fashilmay islamarkaasna uu (sida uu aaminsanyahay) ku riddoobay waa markii uu aqbalay maxkamadda Kenya lawyerna qabsaday oo walaalow ummadda muxuu ku haystay!!! umaddana u turi mayno markay aniga iqabsatona waan farsamaysanayaa miyaa!!!! waxaan maqli jiray” wadaad xume ayaa waxaa usoo dacwooday nin badar meel u yaalay ay lo’ ka daaqday markaas ayuu u fatwooday in uu ku leeyahay ninkii lo’da lahaa tiir dheer oo la istaajiyey mugiis oo badar ah markaas ayaa wadaadkii waxaa hoos looga sheegay lo’da inay tiisii tahay markaas ayuu islamarkiiba si atomatik ah u yiri “LA JIIFIYAANA BANAAN!” oo uu ka waddo tiirkii oo la jiifiyey mugiis oo mindhaa labo sacab aha. marka waxaan sugi la ahay shiikh xassaan bushintaas meeshu la fuuli doono dhagtaa ii taagan!!!!!.
ilaah ha idin barakeeyo wax badan baan webkaan soo booqday kana helay wax i anfacah waxaan aaminsanahay aad baa loogubaahnaa in xasaan laga hadlo iyo khadka uu ku socdo iyo waxa uu ku gafsan yahay mahajkii salafka weliba wax badan shiikh umal wax badan buu uxeeriyey
Kkkkkkkkkk… Wadaadadi Absame waa waasheen mar ba waxay rabaan bey ku hadlayaan, kaalay dadka ma xooleey moodeen, waa in inta baasboorada laga qaado Wardheer lugu celiyo. Waayo dadkey wareerinayaan hadey keeneen labadoodi isku tuulada ka yimid iney isgaaleysiiyaan, mida kale dowladnimada iyo siyaasada wey ku wareersan yihiin….. Thank u all.
maasha alaah sh umal waa geesi waxaan mar horaa larabay in laga digo xasaan sababtoo ah inuu takfiir u sii socdo waa muuqatay
asc somalireal iyo akhristayaashaba waa idin salaamay salaan ka dib waan ogaa ninka xassaan ah in uu laf toobin ku hayo oo wixiisu ay yihiin khaalif tucraf waana uu ku guulaystay mar haddii somali oo dhan ay yaqnaan maantay, laakiin wadaadada kale warkooda ma cadda waxay rabaan lama yaqaan tusaale ahaan asaga waa UMALE haddii la waydiin lahaa maxaad ka aaminsantahay dastuurka muxuu ku jawaabi lahaa marka xassaan waa luggooyo kuwa kalena waa lugo gooyeyaal isma dhaanto iyo dhasheed.
alshabab jabyoo waxa kudhacay jac iyo baaruude
jidna uma furno maanta wa ugole jaxiimaade
jameecooyinkii aamusnaan jiraa xiray jidkoodiye
jawaab bey kabixiyeen dadkey jaah wareersheene.
warka jooga qoomkaas jaboo diinti jeer maraye.
milatari ahaan wowjabeeb oo waa janjeerane
balcad iyo jowhar iyo dhulbaa laga jafaayaaye
jidwalbooy damcaan inay jafaan soo jiqbuunoqone
jini ba horboodahaya iyo duul jiinti jaah maraye
how jixinjixina qoomkaas jaboo culimadii jaafay.
asc Sheikh umal wuu asiibay lkn waxaad mooda in uu soo daahay
Aad baan usoo dhawaynayna suu uga xanaaqay
cayda aflagaadada iyo taxqiirka uu Xasaan u gaystay Culimada waa wayn ee Diintan islamka uso adeegay
Sida
Xaafidu Siyuudi ,Shiekh Albaanu, iyo Mufasirka somaliyeed sheikh Cumar faaruuq
Inkastoo aan usoo joognay ayadoo dhalinyaradan
hadda alshababka isku badalay ayagoo caayaya
culimadii waa wayna sida Albaani Ibnu baaz iyo Cuthaym
HADANA UMAL UU 6STER DHEXFADHIYO OO UUSAN HAL MARNA KA HADLIN
hadana maanta waan soo dhawaynayna difaca culimada waa wayn
sido kale muwduuca Takfiir nimada ee umal uu muujiyay in ay xasaan ka muuqato calaamado ka mid ahi ayadana wa arin loo baahan yahay asc
ictisaam iyo amisom horta waa maxay farqiga udhaxeeyo ileen amisom muslimiinta ayey layneesaa ictisaamne eray kamadhahaane bal waxaan kamaqlay amiirkooda ina salaad maxaa xabada looguridaa waa masaakin meel iskajoogee subxanalaah midakale umal asaga soo takfiir ma’ahanoo ileen mujaahidiinta ayuu wuxuu kusheegayaa khawarije diintaan ictisaam hadyigii nebi muxmed swc ma’ahan ileen cadowgeeda waxawaye alqacida iyo alshabaab car yaa isheegi kara cadowga ictisaam markii laqadaro waa ladhihi waa koox muslim ah sida alqacida alshabaab ictisaam waan necay ilaahay dartiis ayaan unacay waayo gaalada ayey hoosta ugajiraa
somalireal.com waad mahadsantihiin idinka xoogaa halgan waad yara cadaalad dhaantaan oo aaraada idinka sohorjeedo waad tixgalisaan waad kumahadsantihiin waa ragonimo midaas
Sh.Umal dulqaadkii ayaa ka dhamaaday, Xassaan ma aarsan karo oo hadda diiradda ayaa saaran haddii uu muhadiro qabto dadka inta badan waxay is dhahaayaan amaa la idinku agsawiraa marka jaanis fiican ayuu helay Maxamed Cabdi Umal
Sh. Umal Allaha xifdiyo, afartii hameenba masjidka ayaan joogay anoo dhegaysanaya Muxaadarada qiimaha badnayd ee kahadlaysay Khawaariijta, sifooyinkooda iyo usuushooda. Aad iyo aad ayaan uga faa iidaystay. Waxaan layaabay sida xarakaad badan oo maanta dunida ka jira ay waxyaalo badan uga egyihiin Khawaariijtii xilii Cali Bin Abu Dhali (RC).
Aad ayey u haboonayd inuu shiikhu radiyo waxyaalaha uu Sh. Xassaan ka hadlo ee uu san ugu aaba yeelin Muslimiin badan ee kuwana uu gaalaysiiyo kuwana uu siyaabo kale uu u xukumo.
Jazaa ka Allaahu khayr yaa Sh. Umal
To dowdaa sxb ictisaam raali kama ahan weerarka ay gaalada kusoo qaadeen dhulka somalia sh.umal ayaaba isla muxaadaradiisa kusheegay inaysan raali ka aheyn hase ahaatee waxay kasoo horjeedaan daadinta dhiiga muslimka iyo gaaleysintiisa muslimiinta iyo caburintoda hadad wax fahmeyso xaqa waa cadyahay sxb ogow culumada rabaaniyiinta inay sheegen in waxa somalia kasocdo uusan jihaad aheyn hadad culimada warkooda iska daysid oo aad caamada raacdo waa aduun majaha loo rogee madaxu hooseeyo. Ugu dambeyn waxan kugula talin lahaa hadad arintan cilmi uleedahay inad xujadaada latimaadid hadad jaahil katahayna aad iskaga aamustid.
dowdaa doqonimmaadada waxay kuu kala saari waysay culumada iyo amisom wasakh noocaagoo kala ah waan aqaanaa wuxuu joogaa nbi surwaal xunna futada ku qabaa waryaa anaga wax nawaydii dabaal baad tahay aana siyaasada soomalia waxba ka ogayne ragga yar yarka hana masoo wadaan dane islaanimo iyo mid soomaaliyeed wa umulo doox aan diir naxa lahayn waa ayaka maalin walba dilaya dadka wax garadkoodii iyo culimadoodii kasooo biloow dr shahiid ex prafasor ibraahiim caddow oo la ogyahay inta uu soomaali usoo taray qof walba oo wax bartana garanayo waayo waa mu asiska fpens haayada utaagan ardada soomaliyeed inay diraasa thaanawiya ama bach udoontaan caalamka intiisa kale waxaa kaloo dileen dr qamar hhhhhhhhhhhh caku naagahana way laayaan ileen waxaa kaloo oo ay dileen dr cabdiraxmaan hadana waxay banaysteen dhiiga culimada alle waa naga qaban karaa shabaaaaaaaaaab waxay dhaheen ictisaam waxa uu dhahay waa laga qayb gali kara doorashooyinka shabaabna waa rido by dhaheene hada axmed mursi ma murtad baa dadka doortayna ee malaayiinta ah ma murtadiinbaa waa iga su alle ma afarta qof ee shabaabka ah baa muslin ah aduuuuuuun xasaan haduu run sheegayo ha yimaado saaxada yuuna culimada alle cilmiga kumanaystay xag xaganine waa maxay masayrka hayo asaga uuufffffffffffffffffffffff annaga waxaan cilmiga ka qaadanaa culimada waawayn ee layaqaano sida cumar faaruuq shekh maxamed macalin sheekh islaam sheekh umal lshariif cabdi nuur ama kanaxa ama kufarxa anaga marnaba madhagaysano hadalada xasaan
Dhamaantood
wax ay haayaan ma jirto waxan oran Allah u towba keena
Diintana ka shaqeeya
Khuruujka baxa Dacwada u baxa
Asalaamu caleeykum,
waxaan rabay akhyaarta inaan su,aal ka waydiiyo hadii ay suura galtahayna ay gaarsiiyaan sheekh umal cajalka afrad ee uu kaga hadlay xassan,waxaa ka mid aha hadalkiisa qofka hadii doodi idin dhex marto ama la is fahmi waayo in aan caadifad lagu radin oo aan loo isticmaalin wuxuu ku dhaho tusaale gaal haduu kudhaho aadan mid lamid ah dhihin waa sax sheekha hada ka hor waxay is hayeen nimanka looyaqaano salafiya jadiida oo markii la isku hayAy a waxa hada socda qolana ay lahayd waxani jihaad ma,ahahn sheekk umala jihaad uu kutilmaami jiray tusaale dagaaladii itixaadku ay gali jireen ,hadaan sookoba hadalada sheekha waxaa ka mid ahaa xasan dadka uu fatwada dilka ah kasoo saaray nimankaas salafiyada ah marka sheekha hala waydiiyo qofka muslimka ah in magac uusan raali ka,ahayn la odhan karo iyo inkale waayo jadiidya ayuu lahaa iyaguna ma ogla in jadiidiya ladhaho salafiyiin ayaynu nahay ayay dhahaan tan kale sheekha bal hala waydiiyo magacaas meesha laga soo qaatay iyo cida bixisay ama waxa ragasi ay ku khilaafeen manhajka salafka,shukran jawab ayaan idinka sugayaa wasalamau caleeykum.