Home » Maqaallo, Qoraalada Maxamed Nuur, Qormooyinka, Wararka » Burburinta Buulka Caarada. W/Q: Maxamed Nuur Shire.

Burburinta Buulka Caarada. W/Q: Maxamed Nuur Shire.

Mahad oo dhan ilaahay ayey u sugnaatay, nabad galyo iyo naxariisna ha ‘ahaato nabigeena dushiisa (SCW).

Horudhac

Inta aanan u guda gelin qormadaan Burburinta Buulka Caarada, waxaan in yar ka bidhaaminayaa cinwaanka qormada:

Buul-Caaro, wax guri laga dhigto  isagaa u liita, maxaa yeelay, Qorax, Dhaxan, Roob iyo Cadow midna kaama difaaci karo.

“Haddii Buulka Caaradu sidaas u liito maxaa loo burburinayaa, maa Aayar la xaaqo” ? waa su’aal maskaxda Aqrisyaha Maqaalkan ku soo dhici karta. jawaabta su’aashaas oo  ay sheeko la socotana iga hoo.

Nin baa ka shakiyey in uu Bahal liqay. ninkii Bahalka liqay waxkasta ayuu sameeyey oo ay ku jirto inuu iska mantajiyo laakiin Bahalkii uu mooday inuu liqay  waa ka soo noqon waayey calooshiisa. Xanuun shaki ku salaysan ayaa ninkii ku dhacay. Marba markii ka dambaysay waa sii itaal darreeyey ilaa uu hawlgabay, ugu dambayntiina Awr guradiis ayaa  lagu qaadi jiray marka la guurayo.

Muddo markay arrintu sidaas ahayd ayaa maalin maalmaha ka mid ah ninkii xanuunsayey oo ardaa jiifa waxa u yimi nin safar ah. Markay iswareysteen ayaa ninkii safarka ahaa yiri “Aniga ayaa xanuunka dawadiisa aqaan  ee ha la ii keeno caano geel oo dhay lis ah iyo caleenta geedka jaleelada”.

Makhrib markay noqotay ayaa ninkii safarka ahaa dab shiday oo digsi loo keenay ku kariyey caleentii geedka. Markay in door ah ay kartay ayuu biyihii oo uu ka miiray caleentii intuu ku daray caanihii dhayda ahaa cabsiiyey ninkii xanuunsanayey. Mantag  ayaa soo dhaafay ninkii xanuunsanayey. Markuu in badan mantagay ayuu ninkii safarka ahaa ku yiri ninkii xanuunsanayey ” halkan bal eeg; waxaan aad mantagtay waa maxay?” Ninkii xanuunsanayey baa eegay mise waa Bahalkii uu moodayey inuu liqay oo  ku dhex jira mantaggii. Markaas ayuu weydiiyey ” oo ma anigaa Bahalkan  mantagay?” Ninkii kale ayaa ugu jawaabay ” haa”.Maalintaas ayaa xanuunkii ugu dambaysay ninkii. hadde ogow, ninka waxa uu Mantagay waa caleenta geedkii la cabsiiyey, balse wixii uu aaminsanaa ayaa la rabay in loo raaco, si shakiga uga baxo.

Waxaan Sheekadan uga gol leeyahay, waxaa jira nin guri ka dhigtay Buul -Caaro, ninka magaciisa qormadan in badan buu ku soo noq-noqon doonaa. ninku  isagu ma aaminsana inuu Buul- Caaro u dhisan yahay. wuxuu aaminsan yahay in Daar weyn oo shub ah ay u dhisan tahay, marka si aan ugu muujino inuu guri khatar ah deggen yahay  ayaan u jileynaa malihiisa, si uusan isu-weydiinin ” maxaa qoraagu isugu kalifay burburinta Buulka Caaro”. sidaas daraaddeedna awoodda aan ku burburinayo Buulkiisa,  waan cayiliyey, si’  isaga ” C/waaxid ah” loogu qancinayo in waxa uu dhistay uu  Buul-Caaro ka weyn yahay.

Waxaa laga yaabaa isu-ekeysiinta sheekada iyo qormada inaan adkeeyey, balse waxaan hubaa inaad si wanaagsan iila socon doontid, inta aan qormadan daadaheynayo. marka hore aan ku baro  Ninkii aan magaciisa horey kaaga qariyey,  waxaa la yiraahdaa C/waaxid C/laahi Khaliif, waana nin wax ku qora baraha internetka, isaga ayaana ugu talagalay qormadaan inaan kaga daba tago qormooyinkiisa, gadaal ayaan ka faahfaahin doonaa waxyaabaha aan ku haysto.

C/waaxid C/laahi Khaliif. wuxuu wax ku qoraa baraha interner ka qaarkood qoraaladiisa iyo hadaladiisa uu warbaahinta ka jeediyo, waxa uu had iyo jeer ku duraa Culimada Jamaacada Ictisaam, iyo kuwa kale oo isagu u maleeyo inay Jamaacada ka tirsan yihiin, balse aan ka tirsaneyn, laakiin isku wax uu ku haysto. haba duree, waxyaabaha uu ku durayo ee uu cuskanayo kama awood badna Buul-Caaro haddii ayanba ka awood liidanin, balse isaga waxa ay ula ekaatay inuu wax badan oo xikmad iyo cilmi ah uu u soo bandhigayo inta uu fariimaha uu dirayo. Hadii ay sidaasi tahayna waxaan ka fursan waayey ” Qoraha Maqaalkan” inaan iftiimiyo in waxa uu walaalku cuskanayo inayan cago-adag ku taagneyn. waxaan filayaa inaan hadda si fiican isula socono.

Qofka in arrin  uu wax weyn u maleeyo laga kala daadiyo, way uga xanuun badan tahay  in wax sahlan oo uu karkaran karo  laga kala daadiyo. taasoo jirta, ayaa haddana qofka kale ee wax naqdinaya ay macno badan u sameyneysaa inuu waqti iyo maskax badan geliyo waxa uu wax ku naqdinayo. halkaan haddii aan iftiimiyana, waxaan ka wadaa aniga ” wax naqdinaya” iyo C/waaxid ” kan la naqdinayo” waxaa noo fiican in waxa uu dhistay anna aan daba socdo ay yihiin wax weyn, si’ isagana nin wax weyn lagu naqdinayo uu ugu ekaado, anna aan xanuun u-dareensiiyo ileen waxaan u soo tafa-xeytay inaan meel saaree..

Intaas haddaan Horudhaca ku gaabiyo. Qormadan waxaa laga yaabaa in dadka qaarkii ay la dheeraato, balse waxaan isku dayayaa inaan wax badan soo uruuriyo, si aad wax qorxoon u dhadhansato, isla markaasna aadaan u daalin.haddiise aad gudaha qormadan kala kulanto wax ka macno yar wixii aad iga fileysay, raali gelin ayaan diyaar la ahay..

Intaas ka dib.

Waxaan in badan la socday qoraalada, C/waaxid C/laahi Khaliif, oo ka mid ah dadka shabakadaha warbaahinta wax ku qora, isla markaasna si aan kala har laheyn wax uga sheega inta badan  Culimada Soomaaliyeed,  waxaana ay taasi igu kaliftay inaan qoraal uga jawaabo xadgudubyada faraha badan ee qoraaladiisa ku jira.

Ugu horeyn C/waaxid waxa uu Culimada Soomaaliyeed ee uu wax ka sheegooda caadada ka dhigtay ku dhaleeceeyaa arrimo inta badan Muslimiintu ay ku khasban yihiin, isaga wax ku  dheeceynayana uu ku sugan yahay waxyaabaha uu dadka ka soo horjeeda uu ku maago.

Soomaalidu waxay tiraahdaa “ Maroodigu Takarta saaran dushiisa ma arkee, waxa uu arkaa midda saaran Maroodiga  kale”  waxaan taas ula jeedaa: C/waaxid waxa uu inta badan Culimada uu maaggan yahay ku eedeeyaa waxyaabo isaga uusan ka marneyn, waxaana caqligu keenayaa in qofi uusan cid kale ku eedeynin arimo isaga uu ku sugan yahay, waxaana ka mid ah:

1- In Culimada Ictisaam ay weerar joogta ah ku hayaan Al-Shabaab.

2- In la tuhmi karo sida dalalka Gaalada ayan cadaadiska u saareyn, isla markaasna ay nabadda ugu dhex joogaan dalalka aan Muslimka aheyn.

3- In Culimada Ictisaam  ay hoos joogaan maamulo gaalo ah.

Haddaba sidaas C/waaxid amuurahaasi u dhigay wax ma u jiraan?

Qodobka koowaad ee ah midka C/waaxid duulaanka ugu yahay Culimada uu maaggan yahay, ayaa sida qoraagu u fahansan yahay, ama uu u soo bandhigo aan aheyn, waxaana taas caddeynteedu tahay:

B- Culimada markii ugu horeysay waxay ka hadleen khaladaad diini ah oo jira, waxayna khaladaadkaas uga hadleen si guud, iyagoon farta ku fiiqin xarakada Al-Shabaab ee uu C/waaxid sida indho la’aanta ah u taageero, sida isaguba uu qirsan yahay, aadna qeybaha dambe ku  arki doontaan.

T- Cidda Culimada weerarka afka iyo midka addinka ah ku qaaddayba waa kooxo Af, qoraal iyo Gacan  ku-dhiiglayaal ah oo uu C/waaxid labada hore “ Af iyo Qoraal ku-dhiigle” ka mid yahay.

J- Hadday Culimadu afka ka hadleen, waxaa loogu jawaabay aflagaaddo, tuhmid,  iyo dhaleeceyn xad-dhaaf ah, qaarkoodna ifka ayaaba la dhaafiyey oo waa la dilay, taasna waa mid aniga “ qoraha maqaalkan” iyo adiga “ aqriyaha maqaalkan” aan wada garaneyno, waa haddii aan si miyir leh wax u ‘eegno.

Anoo weli dhex mushaaxaya ka jawaabidda qodobka koowaad, aan bal eegno isagu “ C/waaxid” qodobkaas halkee ka joogaa?

Maadaama C/waaxid uusan isagu is arkin, inta xamaasadeysanna ay la il-daran yihiin cudurka “ Tacasubka” ayaa waxaan ku haynaa inuu dhex fadhiyo qodobkaas uu Culimada Ictisaam ku maago, baal aan eegno:

1- Culimada waxay ku jiraan Dhinaca  Dacwada oo ah Camalka ugu muhiimsan ee Nabiga SCW looga dayday. camalada kale oo dhanna waxay hoos imaanayaan midka ay Culimadu ku howlan yihiin ee faafinta Diinta.

2- Haddii xaal saas yahay, isaga “ C/waaxid” wuxuu qoraaladiisa iyo hadaladiisa mar walba ku weeraraa culimada.

Haddiiba aan ogolaano in Culimadu, ay  Al-Shabaab  weerar ku yihiin, isagu ma ceeb ka saliim baa? Mase wax kaleba kama hadlo aan ka aheyn weerar qoraal iyo af ah oo uu ku hayo Culimada?. Waxaan filayaa in qodobkaas cidda ugu horeysa ee uu qabsanayo ay isaga iyo inta la halmaasha ay yihiin. Kaas xagga u tuur.

Qodobka labaad.

Wuxuu in badan C/waaxid, Culimada uu maagayo ku dhaleeceeyaa in dowladaha waddamada gaalada ayan col la aheyn Culimada Ictisaam, iyadoo muslimiin kale gaalada uu dagaal kala dhexceeyo, meeshii lagu arkana la ceyrsado, isaga oo is-ilowsan wuxuu in badan ku soo celceliyaa, inay taasi tuhmo keeneyso, maadaama la rabay in muslimiinta oo dhan isku si’ loo ugaarsado. “Oo waa yaabee amuuro aan lagula aaminsaneyn sidee laguula wadayaa”? .

Waxaa is-weydiin mudan arintani Shareecada sal maku leedahay, taariikhda Muslimiintase masoo martay?

Sh. Maxamuud Sh. Maxamed Shibli, allaha xifdiyee, ayaa hadda ka hor waxaa la weydiiyey su’aal ka hadleysa mowduucan, wuxuuna ka bixiyey Jawaab faahfaahsan, una dhigneyd sidan:

S2- Sheikh Iyadoo dowladi qeyb ka mid ah Muslimiinta ay meel kale kula dagaalameyso, qolo kale oo Muslimiin ah heshiis mala ahaan karaan?.

Jawaab:

Waxaan ku tilmaannay bayaankaayagii inay taasi banaan tahay hadday muslimiinta maslaxad ugu jirto, daliilo saddex ahna waan tilmaanay, waxayna  ahaayeen:

1-      Quraanka oo ku sheegay aayadda 72 ee suuratul Anfaal oo micnaheedu yahay:

“ Haddii ay muslimiin idin waydiistaan gargaar iyo hiilo aad uga hiilisaan gaalo ay is dagaalayaan diin darteed waxaa waajib idinku ah inaad u hiilisaan ama u gargaartaan, waase haddii aanay jirin heshiis iyo ballan nabadeed oo idinka dhaxeeysa idinka iyo gaaladaas “.

Waxaa halkaas ka cad in ay iska hor yimaadeen laba arimood oo kala ah:

.         Ballantii heshiis ee gaaladaas iyo muslimiintaas gargaarka laga dalbaday dhex tiilay oo keenaysa in aanay gurmad iyo hiilo samayn.

.         Waajibka ah in muslimiinta loola dagaalamayo diin darteed loo hiiliyo gaar ahaan hadday  u baahdaan ama soo dalbadaan.

Waxay aayadani mudnaanta siisay ilaalinta ballanta heshiiska oo ah in aadan u hiilin adigoo ilaalinaya ballantii nabadda ee aad la gashay gaalada.

2-      Qisadii Abuu basiir iyo reer Makka ee uu Bukhaari ku soo saaray saxiixiisa:

Qisadaas oo ahayd in nabigu scw la galay heshiis nabadeed reer Makka, heshiiskaas oo ka dhacay  Xudeybiyah, kuna heshiiyeen inay nabad ahaadaan 10 sano oo joojiyaan dagaalka u dhaxeeya.

Waxaa kamid ahaa heshiiska in qofkii reer Makka ah ee soo islaama, una soo carara dhinaca Madiina iyo nabiga scw dib loogu soo celiyo reer Makka.

Waxaa soo cararay Abuu Basiir oo ahaa muslim, waxaana laga soo daba diray laba nin oo soo celiya, Nabiguna scw waa aqbalay celintii oo wuu u dhiibay.

Waxaa dhexda kasoo baxsaday Abuu Basiir oo labadii nin midkood dilay, waxuuna u yimid Nabiga scw oo uu ku yidhi ” Allah anigana waa iga soo badbaadiyay celintii, adiguna waad fulisay ballantii “.

Nabiga scw wuxuu kula hadlay Abuu Basiir erayo uu ka fahmay laba arimood:

1aad: In la celin doono haddii uu sii joogo.

2aad: In ay u furantahay inuu duurka galo oo reer Makka la dagaalamo, waxii dad ah ee uu heli karana halkaas ku aruursado.

Abuu Basiir wuu ka baxay Madiina, reer Makkana dagaal dhuumaalaysi ah ayuu la galay, rag bandanna waa helay ilaa ay usoo dacwoodeen reer Makka Nabiga scw oo ay ka dalbadeen inuu raggaas ka qabto, kana tanaasuleen soo celintooda.

Haddaba waxaad aragtaa in Abuu Basiir iyo Muslimiintii la socotay colaad iyo dagaal kala dhaxeeyo reer Makka, Nabiga scw iyo muslimiintii kalena heshiis kula jiraan reer Makka, Nabigu-na scw wuxuu ilaalinayay ballantii heshiika ee dhex martay reer Makka, Abuu basiir-na wax heshiis ah kama dhexayn reer Makka.

3-      Qisadii Xudeyfa iyo Aabihiis ee uu  Muslim ku soo saaray Saxiixiisa:

Waxay ahayd qisadan waqtigii ay taagnayd xiisaddii dagaal ee Badar, waxaana duulaan soo ahaa reer Makka oo guluf colaadeed soo qaaday, waxay dhexda ku qabteen Xudeyfa bin Yamaan iyo aabihiis oo ahaa muslimiin soo hijrootay.

Waxay reer Makka ku tuhmeen Xudeyfa iyo aabihiis inay u socdaan muslimiinta, iyana waa inkireen oo waxay sheegteen inay Madina u socdaan.

Waxaa heshiis lagula galay Xudeyfa iyo aabihiis in lasii daayo, ayaguna aanay dagaalka la soo safanin Nabiga scw.

Waxay Xudeyfa iyo aabihiis u yimaadeen nabiga scw kahor dagaalkii Badar, waxayna u sheegeen sida wax u dhaceen iyo heshiiskii lagu soo daayay.

Nabigu scw ma dhihin iska daaya warkooda oo dagaalka dhinac ka gala, ugumana qiil bixin inay ahaayeen Mukrahiin, ee waxa uu yidhi:” Waan u oofinaynaa ballantooda, Allaah ayaana u kaalmaysanaynaa ” sidaasna waxaa dagaalka kaga hadhay Xudeyfa iyo aabihiis.

Waxay qisadanna ku cadahay in ay Xudeyfa iyo aabihiisna reer Makka heshiis nabadeed kula jireen, Nabiga scw iyo muslimiinta kalena dagaal ka dhaxeeyay waliba gaaladuna duulaan soo qaaday, xiisadda dagaalkuna taagnayd.

Waxaan rajeynayaa inay intaasi ku filan tahay jawaabta su’aashan aad I waydiiseen.

Intaas waxaa ku eg  jawaabtii Sh. Shibili.

Haddaba haddii aan sidaas isla fahannay, waxaad u baahan tahay in la isugu kaa xiro, halka Muslimiinta dalalka gaalada dhex jooga ay heshiiska kula galeen dalalka ay ku nool yihiin, iyo nooca heshiiskaas.

Jawaabtuna waa:

Dadka dalalka gaalada deggen ee sharciga ku leh, iyo kuwa weli aan sharciyada ka qaadan ee qoxootinimada ugu dacwoonaya inay deggenaasho ka helaan, waxaa qabsanaya qodobada kala ah:

1-      In qof  kasta oo waddanka yimaada uu ixtiraamo qawaaniinta waddanka muddada uu joogo waddankaas ama ha ahaado mid soo ziyaartay ama mid degay.

2-      In qof kasta oo qaata jinsiyadaha wadamadaas uu ixtiraamo, taageero, difaacana dastuurka dalka iyo qawaaniintiisa.

3-      In uu qof kasta oo qaata jinsiyadda waddanka hoos imaanayo qawaaniinta, kuna fulayso dhamaan xuquuqda uu leeyahay iyo tan lagu leeyahay.

Haddaba, haddii aad deggen tahay dal gaalo ama aad ku socotid, isla markaasna aad sharciga ka qaadatay, ama aad dooneyso inaad ka qaadato, qodobadaasi waa ku haystaan, kamana baxsan kartid inta aad diyaarka u tahay inaad nabad ugu dhex noolaato. haddii ay xaajadu sidaas tahayna, waxaad ku jirtaa heshiis in xuquuqdaada iyo midda lagugu leeyahayba ay hoos tagayaan Dastuurka dalka aad ku nooshahay. waxaan filayaa in jawaabtaas ay faahfaahsan tahay.

Haddaba inta aanan qodobkaas macsalaameynin, waxaa is-weydiin mudan isaga C/waaxid ah, xaggee joogaa? heshiiskaas aan soo qeexnay isaga ma haysto miyaa? weliba dalka uu joogo ee Britain, waa lagu dhaariyaa qofka Aqoonsiga qaadanaya inuu  daacad u ahaanayo Dastuurka iyo Boqoraddaba. midda kale isaga ma cid baa ugaarsata? waxaaba taas ka daran isaga ayaaba har iyo habeen la taagan taageerada Al-Shabaab, oo mamnuuc ka ah dalka uu joogo ee Britain. isaga mala tuhmi karaa? haddii aan ula dhaqanno sida uu dadka ka aragtida duwan ula dhaqmo jawaabtu waa ” haa” laakiin ma doonayo inaan xirto Ookiyaalaha  isaga iyo saaxibadii ay dadka kale u gashadaan, balse haddii mad-habkiisa la raaco, waa isaga cidda ugu horeysa ee in la tuhmo mudan. waxaana taas uga tagayaa ” C/waaxidow adiga oo  taageera Al-Shabaab,  cidi kulamahadashee, maxaad ka rabtaa cid aanba taageersaneyn”. caqliga waxa uu keenayaa in adiga  lagu tuhmo, halkii laga tuhmi lahaa cid aanba kula aaminsaneyn waxa aad sheegeyso.

Qodobka saddexaad.

Wuxuu C/waaxid in badan ku eedeeyaa Culimada uu maaggan yahay inay dhul gaalo joogaan, mana ahan mas’aladan mid hal mar uu ka hadlay. aad iyo aad ayuu u soo celceliyey, waxaana ka jawaabidda qodobkaan u kala qaadayaa laba qeybood. igana hoo:

1- Culimada uu maaggan yahay, waxay ku kala nool yihiin dunida dacaladeeda. dalalka aan Muslimka u naqaano iyo kuwa Gaaladaba waa joogaan, waxaan u leeyahay “dalalka aan Muslimka  u naqaano” waxaa jira dad aaminsan in caalamku uusan ku jirin  hal dal oo Muslim la dhihi karo, mala yaabtay?.

Meelaha laga soo minguuriyey fikirka C/waaxid ka dhex guuxaya, waxaa laga aaminsan yahay  in xitaa dhulka Barakeysan ee Makka iyo Madiina, ay dhul gaalo yihiin. haddii Makka iyo Madiina halkaas laga taagan yahay, waxaa iska cad in meelaha kalena ay ka sii xag jiraa, laakiin ma hubo in C/waaxid qof ahaan u qabo fikirkaas. balse waxaan hubaa qaar ka mid ah wadaaddada la fikirka ah C/waaxid inay qabaan in Boosaaso iyo Hargeysa laga Hijroodo, maaddaama ay dhul gaalo u arkaan. haddii xaal sidaas yahayna wax lala yaabo maaha in Culimada uu ku eedeynayo ku noolaashaha dhulalka Gaalada, ay ka mid yihiin Culimada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Somaliland, Puntland, iyo dhulka ay ka taliso dowladda KMG ah.

2- Qeybta labaad, waa Culimo ku nool dalalka ay Gaaladu xukunto, ugana badan tahay Muslimiinta. haddii aan malaha u hagaajiyana, Culimada, C/waaxid amuurtaas u haysto waa  Culimada dhulalkaas ku dhaqan. waxaana jirta inuu jiro Fikir gaaleysiinaya dadka waddamada gaalada dhex deggen.

Haddii C/waaxid qabo in dhulka gaalada joogitaankooda lagu gaaloobayo, isaga xaggee ka galayaa gaalnimada? mase Britain waa dhul Muslim? laakiin waxaa suuragal ah in gaalnimada ay ku shaabadeysan tahay dadka ka fikirka duwan qolyahan C/waaxid la dhacsan yahay, iyagana ay cudur-daar leeyihiin xitaa haddii ay ku dhacaan qawaacidda ay dadka kale u cuskanayaan. haddiise C/waaxid u arko in joogitaanka dalalka Gaalada ay Tuhmo keeneyso, isaga ayaa kow ka ah cidda Tuhunkaas uu dhalada ka saaran yahay.

Qubanayaal kale iyo su’aalo ku socda  C/waaxid C/laahi Khaliif.

C/waaxid, waayadan dambe waxa uu ka shanqarinayey inuusan Culimo aheyn, waxaase wax lala yaabo ila noqotay in waxa uu ka hadlo ayan aheyn Ganacsi, Sport,  iyo arrimo kale, ee waxa uu qoro ama ka hadlo ay tahay Diin, waa su’aale sidee diin uga hadleysaa adigoon ehel u aheyn?

C/waaxid, haddii qodobada aad dadka kaa soo horjeeda ku eedeyneysid aad adiga ku sugan tahay,  macquul ma tahay inaad marka hore adiga ka waantowdo, markaas ka dib aad dadka kale ku eedeyso, haddiiba aad u kulushahay inaad wax eedeyso?

Qoraa C/waaxid, mar ayaa waxaad shaaca ka qaadday inaad si’ indho la’aan ah u taageerto xarakada Al-Shabaab. sidoo kalena waxaad sheegtay inaad iska deyneyso taageerada xarakada. su’aalahan iga guddoon: maxaa taageeradaada ka dhigay mid indha la’aan ah? maxaad si miisaaman wax ugu taageeri weyday? sababtii aad sheegtay inaad isaga deyneyso taageerada xarakada weli waa taagan tahaye maxaa is-bedelay? haddiise ay jiraan dad kale oo inta aad ka carootay ka badan ka biyo-diidsan maxay kaaga baxsan la’yihiin?

Caddeynta amuuraha aan ka hadlayo.

Haddaba C/waaxid oo isagu isku xukumaya inuu indho la’aan xarakada u taageero aan idin kala baxo, qoraalka aad hoos ka aqrin doontid sadarada ugu dambeeya ayuuna sidaas ku leeyahay.

Insha Allaahu waxay u dhowdahay inaan faraha kala baxo taageerada indho la’aanta ah ee Xarakada.

Sida aad ila aragteen C/waaxid, wuxuu qirtay inuu si’ indho la’aan ah u taageero xarakada Al-Shabaab, warkiisa burin kale uma baahna, kaliya waxaan leeyahay maaddaama aad indho la’aan wax u taageertid, wax badan ma arki kartid ee marka hore waxaa fiicnaan laheyd inaan  kaa maqalno inaad si miisaaman wax u taageertid, iyadoo ayan intaasi kugu filaan doonin, haddii kale aayar meel fariiso, indho la’aan waxba looma taageeree.

Waxaa xusid mudan, in  markii C/waaxid qoraalkaas qoray, caddeeyeyna inuu si’ indho la’aan ah wax u taageero, laga bixiyey faalooyin badan. dadkii fikirkiisa la dhacsanaa uma cudur-daarine cay iyo yuhun ayey soo qoreen, halka kuwii kasoo horjeeday ayan soo dhaweynin, markii leysku baaba’ayna  markii dambe qoraalka intii xasaasiga aheyd baa laga saaray web kii lagu qoray. Nasiib wanaag goor dambe ayaan helay qoraalkaas oo dhameystiran.

Waxaa jira eedeymo kale oo C/waaxid la soo shir tago, balse kuwaas intooda badan waa been-abuur ama fahan xumo, maxaa yeelay haddii aan ku laazimino inuu amuurahaasi aaminsan yahay waxaa soo baxaya fikir laga yaabo inuu diido marka isaga la weydiiyo.

Arrin kale. qolyahan C/waaxid la dhacsan yahay fikirkooda, waxay kala reebaan xukun ay ridaan iyo waxa ka dhalanaya, iyagoo ka carara natiijada ka dhalata axkaamta ay la haliilayaan, sida tusaale ahaan: waxay murtaddiin ku xukmiyaan dadka qaarkiis, haddii la weydiiyo ” hebel oo aad murtad ku sheegtay, isaga iyo xaaskiisa ma is-qabaan mase xaaraam bay ku wada joogaan? Ilmaha ay iska dhalaan muxuu yahay? jawaabaha su’aalahaas iyo kuwa kaleba aad ayey uga leex leexdaan, mana garanayo wax natiijada looga cararayo, haddiiba xukunkii ka weynaa la soo riday.

Waxaan walaalka ka rajeynayaa inuu  si hufan uga jawaabo su’aalaha maqaalka ku jira ee isaga ku wajahan, iyo waxa uu ka leeyahay amuuraha aan soo bandhigay. waaba haddii uu ka hadli karee. sidoo kalena waxaan rajeynayaa inuusan ka meereysanin waxa aan ku haysto ee uu si toos ah u abaaro.

Fiiro gaar ah; haddii magaca golaha Baraarugga la iigu jawaabo ama la iigu duur-xulo, waxba kama dhihi doono, maxaayeelay qoraalkeygu wuxuu ku wajahan yahay qof gaar ah.

Ugu dambeyntii: Fatwada Sh. Shibli aan ka soo guuriyey, haddii qaabka aan ula jeedo, ay isu qabsan weydo, anigaa fahan xumo igu dhacday ee Sheekhu  eed kuma lahan.

W/Q: Maxamed Nuur Shire

mnuur10@gmail.com

64 Responses

  1. cabdi faatix says:

    maashaalaah walaahi waa raddiskii ugu bislaa ee aan arko abid maxaayeelay sidaa hor dhaca noo gusheegtay walaal markii hore buulkii caarada ayaad yara dhistay say u noqoto wax la bur burin karin waxaan u malaynayaa inaan xitaa dib loo dhisi karin buulkaas aad bur burisay wadaadka la radinayo waxaan dhihi lahaa hadal kuuma eka ee walaal jooji “TAAGEERADDA INDHA LA’AANTA AH”

  2. abu rixa says:

    Ugu horeyn Maxamed Nuur Shire walaal alaaha noo barakeeyo gacmahaaga dahabka ah waad soo afjartay waadna eridicate gareeysay dadkii dugsan “BAYTUL CANKABUUTKA” labadda arimood ee uu gilty ga dareemi doono qofka la radinayo waxay aniga ila tahay:
    1. waxaan ahay caamo islamarkaasna har iyo habeen waan fatwoonayaa islamarkaasna waxaan iska laalaadin (isku dhererin) culimadda aan wada naqaan().
    2. warkkisii ahaa: “Insha Allaahu waxay u dhowdahay inaan faraha kala baxo taageerada indho la’aanta ah ee Xarakada”
    jumlodaas siday ilatahay laba jeer ayuu ku fashilmay:
    B. Marka hore wuxuu qirtay inuu ku fashimay oo uu darbigii soo taabtay ay na u cuntami waysay inuu sii wado taageeradda ashabaab.
    T. Marka xigta wuxuu caddeeyey in markii horeba si indha la’aan ah oo jaantaa roggan ah ku taageeri jiray shabaab oo aysan ku fadhin taageeradiisii wax cilmi ah.
    anagoo intaas iyo inta kale ee walaalku inoo sheegay xeerinayna waxaan dhihi lahaa walaal its time for you to stop.

  3. jookar says:

    MAANSHAA ALAAH QORAAGA DHALINYARADA AH MAXAMED NUUR SHIRE AAD BAAD UGU MAHADSANTAHAY SIDAAAD UGARAB TAAGAN TAHAY CULUMADA NINKAAN C/WAAXID LADHAHO WAXBA UMA HARIN AAN KA AHEYN INUU KA SOO LAABTO FIKIRADIISA SAAN U MALEYNAYO WAXA LAGA QORAY WAX UU KAGA JAWAABI KARO MAJIRAAN SAA WAXBA LOOGAMA TAGIN XITAA SPACE YAR LOOMA DHAAFIN ILAAHAY KHEYR SII MAXAMED NUUR WAA NAGA FARXIYEYE

  4. muumin says:

    waad mahadsan yahay qoraaga maxamed nuur runtii aniga waligay ma arkin si ka fiican sida aad wax u naqdisay qof la laqdiyo kii ugu fiicnaana waad naqdisay nabar uu ka soo waaqsaneyn baad ku dhufatay maba ka soo jawaabi karo qoraalkaan waligiisna sidaan oo kale wax uma qorin lagamana filayo inuu hada ka dib sidaan wax uhagaajiyo

  5. ciid says:

    Kkk qoraalkaan wuxuu mudanyahay in biyo dahab lagu qoro c/waaxid iska dhaafee kuligood haday isku tagaan kama soo jawaabi karaan maqaalkan intii aan akhrinayey hal kalmad oo xadgudub ah kuma arkin ilaahay janadiisa firdows haku geeyo

  6. xaaji says:

    Maqaalka aad buu dheeryahay walaahi madareemin dheeraantiisa maxaawacay wuu igusocday ilaahay wax waabaray qoraagan maxamed nuur maskaxdaada ilaahay hakuu siyaadiyo hanakuubarakeeyo mar walba waaqaca maqaalo kufadhiyo baad kahadashaa kuwa kaa soo horjeedo xikmad malahan

  7. abuu dijaana says:

    Mujaahidiinta weerar baa laguusoo qaaday sh xasaan weerar baa ku socdo qoraa sare c/waahid al mujaahid wiilkaan baa weerar ku soo qaaday laakiin hala sabro guusha waxaa iskaleh muslimiinta munaafiqiinta ilaah waa jibinayaa

  8. haaruun says:

    qoraaga iyo dadka comment gareerey waan umahadcilinaa maqaal dhinac walba ka dhisan iga dheh sida loo ridiyey cabdiwaaxid waa si cilmi iyo caqli kudheehan tahay qoraagu wuxuu cadeeyey ninka culumada laga celin waayey inuu asagaba wuxuu eedeynaayo kusugan yahay mida kale waxaa waxkasta uga daran qoraalka asaga laga keenay kaas jawaab uma heli karo xataa haduu kuwa kale jawaab u helo

  9. liibaan says:

    aniga runtii magaranaayo si aan u amaano maqaalkaan aad baan ugu farxay waxaan kadhigay maqaalka koowaad of all time that mr. mohamed nur had writen wuxuu maqaalkaan wataa ridin ifin qalad su’aalo aan laga jawaabi karin iyo dareensiin qofka lala hadlaayo haduu caqli leeyahay wax waa loo bayaaniyey jawaabta maqaalkan waa inay uskugu tagaan ninka laridiyey iyo saaxiibadiis meel walba hajaoogaane xitaa markaas umamaleynayo siday jawaab ugu keeni lahaayeen waxa laga qoray waa mahadsan yahay qoraaga inbadan

  10. mataan says:

    qoraaga waa kumahadsan yahay maqaalkaan khair allaha siiyo amaan waxaa u dhameeyey walaalihii iga horeeyey waxaan sugnaa sida cabdiwaaxid uga soo jawaabo kolay umamaleynaayo inuu ka jawaabaayo maxaa yeelay qof waxaas difaaci karo majiro haduu damiirleeyahay

  11. haadi says:

    maqaalkan waa fiican yahay laakiin aad buu ubadan yahay lama wadadhameynkaro waxaa fiicneyd in qeybo laga dhigo aniga hada ma dhameynin laakiin intaan ka akhriyey best ayey aheyd

  12. Suufi says:

    walaahi inta la dhisay baa la dumiyey hadana eber haka soo bilaabo 10 sano wuxuu cabdiwaaxid qoraayey maanta la soo afjaray laakiin ragii comment ku difaaci lahaa lama hayo maqaano meeley ka baxeen student waaniye muxamed iyo ragii kale ee taageerijiray aaway mase waa shihiideen bal hadii cid meel ku og la hayo hasoo jawaabaan ragaas meel baa la saaraye

  13. burhana says:

    aad ayaan ugu macahad celinaya qoraaga maqaalka qoray waxaan ku darayaa ( xamaasado waa waali ku meel gaar ah ) marka qofku marka uu aad wax ujeclaado waxaa dhacda in uu ka indhala’yahy kana dhaga la’yahay cidda u ujecelyaha ceebtooda sadaas darteed waxaa dhacda in uu TARSAASIYO KUNA HADLO WAX BADAN OO UU SAN ASAGU MARKAAS MAQLAYN LAAKIN CIDWLAB OO WAX XUN SHEEGTA QOLO AYAA LAGUSALADAA

  14. wadani says:

    it’s very good article realy i read one of the best article i have ever seen thanks

  15. cabdi faatix says:

    abuu dijaana:
    walaal meesha waxaa yaala xaqaaiq iyo documentary cid weerartayna ma lahan ee isagaa is weerariya sxbkaa marka saas ula soco mahadsanid

  16. Yazid says:

    waan u mahad celinayaa qoraaga, maqaalka hufan ee u diyaariyeyna waaa maqaal maskax ku baxday inankiina lagu bur buriyey tuhunadisa mala awaalka aha. waxaa wax lala yaabo ah in qof maankisa uusan kala harsaneyn oo si indho la’aan ah u taagersan urur inuu ka hadlo umad uyo culimadeeda. waxaa kusoo gabageynayaa allah xaqa ha ina tuso xumaantana ha inaga hayo

  17. Muu Aliyeev says:

    maashaa alaah, allaylehe maqaalkaliya lama dhihi karee waa farshaxanka farshaxanada qorayaash soomaaliga,

    wali ma arag qoraal sidan oo kale uhufan sal iyo baarba, hoga tusaalaynata xikmadaysan, waxa adilo iyo nas lakorsaaray maskaxda la shiilay hadii laqiimeeyo budget reer-galbeedku isticmaalaan dhanka cilmi baarista iyo ticnoljiyada kun sano inkabadan ma gooyn karto qoraaga maqaalkiisan.

    maxamed nuur alla xafitho qalinkiisa iyo maskaxdiisaba aadna waan ugu ciil baxnay maqaalkan maxaa yeelay maqaalo waxaana wareeriyay HANAFADAYAAL ay isteerinka u hayan oo meel loo raaca lahayn ama DIGAAG FAR SOOMAALI BARAD AH ku feegaartay.

    C/ WAAXID hal talo ayaan ku siin lahaa walaal waxaa laguu soo qoray intaan xasuusta maqaalkii ugu khatarsanaa if iyo aakharaba, ka faa iidayso, waxna kuqaado allahana kugu soo hanuuniyo.

    waxaan kuu raacin lahaa abaal laawe hano qonin, ha ufahmin fadeexayn ee waa kuu nasteexo iyo dhimrin.

    halna waa iga digniin haduu ku qanciyo koleey anaa huba aad baad ula cajabidoon taaye naqshada haka xadin koobi in aad kasamaysatana waa xaaraan qadhcana qoraaga adoon ogolaansho kaqaadan.

    hadaad wax soo dhoodhoobto tixdan ayaa kugu sufoobaysa.

    Gudcurkaba Gollidu waa cidaa Gawra dhaxmeede
    . Gulaal anigu kuma taagsan karo soo gadhaaciyi’e
    . In Gunaanad kugu waajib yahay waxa gunteediiya
    . Nin Gasiirad kugu oodi baad daba geleysaaye

    Abaal ma gude gobeybaa ka roon kuu gabraar tagae
    . Hawraarta qaar baanan geyin inan gorfeeyaaye
    . Nin Gedaadda Xaraf kaa badshaan Gaatiryow Ahaye

    . Meeshay gantadu kaaga taal garan ma waayeene
    . Geegaalidaan sari lahaa gaadhay lawyada e
    . Xabaal baan ku gaw siin lahaa goof intaan qodoe

    iska jir meesha yaadan ku hodmine

  18. horeeye says:

    BUU-LCAARO
    kkkkkkkkkkk ciwaanka iyo sheekadu ay bey isu dabaqeen waxanse aad ula yaabay qaabka asluubeysan ee qoraalkan loo diyaariyey waxaan rajeynayaa in qolyaha ay kusocoto ay kabaran doonan qaabka wax looqoro ama wax looridiyo MAXAMED NUUR, iyadon cidna lacaayin cidna la afla gaadeyn.

    Jawaabtuna ay noqoto mid asluubeysan,waxaan saas uleeyhay qolyhaas waxaa lagu yaqaanaa ama looga bartay in aysan wax nuxurleh sheegin ee waxoodu ay cay iyo cantarabaqash noqdaan.

    qoraagu waa kufara yareystay qoraalka runtiina in qaabkaas wax loo qoro waxay muujinaysaa in fahanka iyo xikmada aan losinayn.

  19. suldaan says:

    Maqaalkaan aad baan ugahelay hal mar ugamabogan karo waan kucelcelinayaa ilaa aan ka dhargo walaahi tanoo kale ma arkin ileen duulaan sidaas bay uindho adagyihiin kuwi culimada lagu saliday haday ula lala baxayaan qoraaga laakiin saan u maleynaayo wuu lagurinayaa ninkii soo jooglaga waayo soo jiifsaa laga helaa

  20. fagare says:

    kkkkkkkk aad baan ugu raaxeystay maqaalkaan walaahi waligey asagoo kale ma arin ileen maxamed ridinta dadka waa ku dheereeyaa hadaan isbarbardhigo maxamed nuur iyo cabdiwaaxid
    maxamed waa ka badiyaa qoraalka tan labaad waa ka asluub fiicanyahay tan sadaxaad waa ka miisaan culus yahay c/waaxid duulduul baa kujira tan kale wuxuu ka xigaa xaga manhajka fiican culimada badankoodna maxamed bay isku mowqif yihiin kolay dhulkaa lala galay cwaaxid wuxuu u baahan yahay gurmad faarax deeq iyo suldaan garyare haday wax kubiirin karaan ha caawiyaan saaxiibkood wiil baa u soo baxaye

  21. kaafi says:

    maasha allaah waa gahaajisay maxamadoow ilaahay haka qabto inta xaasidka ah ishooda walaahi cidii cali leh waa garan kadhaah in ninkaas meel looga soo haray duqone yeelkeede

  22. rooble says:

    ilaa 4 jeer baan ku ceshaday akhrinta maqaalkaan welina kama dhargin aniga waxaan layaabay su,aalaha la weydiiyey cwaaxid maba kajawaabi karo waxan u maleynayaa inuu iska aamusidoono maadaama qoraalkaan uu macluumaad badan iyo qurux badnaa isku darsaday wuu iska dhagatiri doonaa say ila tahay

  23. Asad Yare says:

    Afkaaga caano lagu qabey maxamed nuur, ninkaas c.waaxid ah waa nin aan la yaabay maqaaladiisa mar wuxuu ku leeyahay sheekh ma ihi hadana wuu fatwoonayaa,mar wuxuu dadka ku haystay buu isagii dhex fadhiyaa waa debciga lagu yaqaan kuwa maangaabiinta ah
    Ilama aha in uu jawaab u helayo aan ka ahayn af lagaado iyo xukun sida looga bartay GOBI kuwa la baxay
    mar 2aad mahadsanid qoraaga

  24. Abdihakim says:

    Masha allah, runti maqaalkan waxan ku tilmaami karaa miid kasoo burqatay maskax fiyow. Maxamed Nur wan ku aqaaney qoraalada qurxoon lkn kani wa ka duwan yahay kuwi hore, wa dood hufan iyo garnaqsi waana mid aan looga baran doodaha wadaadada. Waxan u baahanahay inaan ka gudubno qaabka fadhiidka ah ee gaboobey oo ah. In qaab barako wadaadnimo ku dhisan la isugu sacabiyo ama aflagaado iyo caay lugu kala ciil beelo ee arrintu ay noqoto dood wadaag walaltinimo ku dhisan oo la isu garaabayo iyado la is tixgelinayo kolley waxan wa iska qandho iyo xummad dhallinyarada dhagabeel ku riday lkn hadii lasii noolaado waqtigaa wax badan xallin doona. Aad bad u mahadsan tahay Boqor halkaas nooga si wad. Waxan jeclaan lahaa cidda qormadu ku socoto hadey jawaab bixinayaan iney ilaaliyaan anshaxa qoraalka mowdacana aysan ka bixin ayna ixtiraamaan dareenka akhristayaasha.

  25. Mascud Xassan says:

    salaamun calaykum afkaaga caano lagu qabay tani waysoo dhaaftay hadda waa afkaaga iyo gacantaadaba malab lagu qabay m.n.shire walaal waxaan kugu tilmaami laha inaad difaaca dacwadda ka joogtid boos xassaan rc ( waxaan ka wadaa gabayaagi nabi csw haku qaldin qof kale!!!) waa sidiisii oo kale maxaayeelay anagu ma laynayno ilaahay ayaana kama gan galaynay dhiig muslim “walow kaana munxarifan muta awilan mithlahum”
    laakiin carabkaaga iyo midigtaada ayaaba uga daran wax kasta wa akhiiran waxaan dhihii lahaa “FAHAL ANTUM MUNTAHUUN” shukran jamiican.

  26. daahir says:

    aniga waxaan ogaa doodo c/waaxid uu kugali jiray internet ka waagaas lagama daba hadli jirin wuu ka adkaa dadkii uu wax isu qori jireen laakiin hada qoraagan ku soo baxay iska celin karo waan jeclaan lahaa haduu wax isku hayo inuu qoraalkaas ka soo jawaabo anaga waan isku fiirin laheyn

  27. cali dhuux says:

    waa ,maqaal cajiib ah miisaan fiican lasaaray

  28. anas says:

    aniga waan ku diidanahay aragtida qofka qoray maqaalkaan yuu culimo u yaqaanaa kaliya dadka mujaahidiinta ka soo horjeedo culumada rabaaniyiinta ee furimaha joogo masoo hadal qaadin calaada daro buu ku sameeyey

  29. mujaahid says:

    ala maxaa leysu camiray saas leykagama haraayo waxaad isku qanciseen waad arki doontaan

  30. bidaar says:

    kk waan salaamayaa qoraaga sharafta leh waxaan ku qoslay dadkaan cwaaxid ka mid yahay marka la weydiiyo waxa gaalnimada ka dhalanayo way ka cararayaan haday sidaas udiidayaan kharaarkeeda may iska dhaafaan

  31. bashiir says:

    aniga ninkaan c/waaxid la dhaho waxaa aaminsanahay wuxuu sheego iyo wuxuu qoro daacad kama aho mujaahidiintana taas way la socdaan marka maxamed nuur waxba ha is qancinin ninkaas ka adkow ama haka adkaanin anaga nooma xisaabsano

  32. jamaal says:

    war ninka meel baad uga soo harteen meel uu ka jawaabona ugama tagin waad bakhti garaacday xoogaa ninka inaad wax u reebtaa fiicenyd waa ina adeerkaaye kkkkk

  33. xasan dheere says:

    maasha alaah war kale madhimana waxaan sugeynaa wuxuu ku soo jawaabo ninka meydkiisa lagu tuntay waan dhowrnaa

  34. c/qaadir says:

    waah waah waxaasaa maqaal lagaa dhahaa sxiibow maxamed nuur maad i bartid sida kan oo kale looqoro kkkkkkkk

  35. ayuub says:

    kow markaan soo galaayey web site ka oon arkay maqaalkaan waan fiiriyey dhererkiisa waxaan is dhahay aad buu udheeryahay laakiin markaan bilaabay waan iska qaban waayey macaankiisa meel laga soo gali karo oo dhan wuu iska ilaaliyey qoraaga hadal uma furna c/waaxid maxaa laga sugayaa ismana dhiibayee

  36. warsame says:

    maqaalkaan amaan uma dhino laakiin aawey ninka la ridinayo asaxaabtiisa wax may ka dhahaan mase afkiibaa juuqda gabay

  37. duceysane says:

    ilaahay haku barakeeyo walaakanagoow waad naga farxisay runtii ninkaan wuu dhibay culimadda hada wuxuu ku dhuuntaa GOM iSLAAM laakiin goddkaasna qoraageena waa ka sii hor dagay inuu ka jawaabi doonin ala maxaa caawa jab haysto waaa uga daran asagoo dhahaaya nsha Allaahu waxay u dhowdahay inaan faraha kala baxo taageerada indho la’aanta ah ee Xarakada.hadalkaas baa wax kasta uga daran

  38. Axmed yare says:

    wixii aan dhihi lahaa waa laiiga hormaray isku wado baa la maray waxaa ii dhiman majiraan waan u hambalyeynayaa qoraaga sida uu soo jiitay dareenka akhristayaasha

  39. saadaam says:

    ileen saana waa jirtay kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  40. barre says:

    waxaan maqlay inuu c/waaxid aad u naxay wuxuu raadinayaa cid uu la kaashado siduu waxyeeli lahaa fadeexad baa la soo gudubtay aniga waan aqanaa ninkaas waa nin indho adag oo reer mudug ah ma aamusaayo markuu dhahay waan ka laabanayaa taageerada mujaahidiinta xitaa meeshiisii buu ka sii waday wuu iloobay waxaasoodhan

  41. raage says:

    maanta oo dhan waan ku ceceshanaayey maqaalkaan waan ka dhargi waayay waa maqaal fiican

  42. ugaaska says:

    waad hagaajisay alaha kubarakeeyo

  43. abdullaahi says:

    ma sha allaaaaaaah

    Umadan laga waayi maayo shaqsiyaad iyo afraaad xaqqa cadaysa
    sida M NUUR

    ALLE SWT HAKU XIFDIYO M NUUR WAA MAQAAAL XAQAA’IQ JIRA KA HADLAYA

  44. a.yassin says:

    asc waan salaamayaa kaatibka iyo cuqaasha ka comment gareysay walaahi waxaan ku tilmaami lahaa maqaalka dhacdadii ugu khatarsaneyd ee somalia ka dhacda taarikhdu markay ahayd 16th of july inkasta oo aan aqoon u lahayn ninka la naqdinayo hadana waxaan hubaa in istaraatiijiyaddii niqaashka oo dhan laga xigsadday markay say ila tahay wax badan kama dhihi karo, tusaale ahaan linkiga cadaynta ah wuxuu i geeyey websiteka al-qimmah oo hal fikir ay wada taageeraan waa alshabaabe ma dhihi doono warkaygi waa la jarjaray ama waa been abuur oo markaas uu caayo al qimmah marlabaad dhamaantiin waad mahadsantihiin GREATINGS FROM INDIA

  45. dirir says:

    asc aniga waxay ila tahay markaad niqaasheysid waxaa fiican inaad kala hartid maxamed nuur awoodiisa oo dhan wuu wada isticmaalay hadiiloo soo jawaabo tolow muxuu soo qori doonaa waxaan aqaanaa ninka la naqdiyey waa nin rug cadaa ah qoraalka kusoojiray mudo dheer waan sugeynaa jawaabta

  46. dardaa says:

    fikirigeyga hadaan dhiibto ninka qoraalkaan qoraay waa nindagaal kujiro qof dagaalsan waxba ma faaiideynaayo marka isdaji markahore waxaad dadkakaleku eedeyneysid adigaaba kow ka ah

  47. mowliid says:

    waxaan salaamayaa qoraaga caqliga badan runtii meelkasta wuu ka toosiyey waa isku miisaamay waxay noo tahay barasho sida dadka loo ridiyo ayadoo lagu xadgudbin aadaad umahadsantahay qoraa maxamed nuur

  48. mursal cade says:

    ilaah hakaa abaalmariyo maxamadoow dadaalkaaga runtii aniga waxaan xasuustaa mar kaligaa aad qoraal ku difaaceysay culumada hada waxaad heshay rag badan oo waxqora laakiin sidaad u bilowday adigaa hadana ugu horeeya wal xaqu yuqaal

  49. shuceyb says:

    ilaahay hanoo waayin qoraagan oo kale oo ku caan baxay jijibinta shubahaadka beenaalayaasha

  50. fahad says:

    maasha alaah waad qiimysay waana tusaaleysay waana sooafjartay waad mahadsantahay

  51. mukhtaar says:

    aleylehe waa laga takahlusay ninkii culimada ismooday waan u hambalyeynayaa qoraaga walee lagaama daba hadli karo

  52. garaase says:

    ilaahay gacanta aad ku qoray iyo maskaxda aad ka soo maashay kuu barakee anagana alaha naga dhigo kuwii kaalinta dagaalka mubtadicada ka qeyb gala

  53. xuseen says:

    thanks alot very good maqaal walaahi waa lagu farayareystay qoraalkaan maasha alaah

  54. jiinoow says:

    waad mahadsantahay maxamed nuur heer sare baad ka gaadhay qoraalada maqaalada halkaas kasiiwad jazaakumu laah

  55. nasteex says:

    maqaalkaan wax badan baa ka faa,iideystay waxaa kamid ah fatwada sh shibile waxaa ka midah sida sheekooyinka laisugu xidho waxaa kamid ah sida loo xidhxidho qofka lala niqaashayo waxaa kamid ah waxyaabo badan oo igakala dumay

  56. student says:

    ilaahay ayaa xaqiiqada garanaya laakiin inta noo muuqata c/waaxid waa laga wataa walxaqu yuqaal aniga oo waxbadan ku diidan qoraaga maxamed nuur ayaan qirsanahay inuu sifiican wax u qoray

  57. jookar says:

    umadu xumaan iskuma wadaraacdo dadka wax tacliiqiyey waxay isku raaceen maqaalkaan inuu yahay the best amaantaasna waxaa yeelanaya qoraaga soo jiitay quluubteena iyo kuwo kale oon waxtacliiqinin

  58. samawade says:

    qofkii qoraalka naqdin lahaa wuxuuba ka qajilayaa akhristayaasha comment gareeyey marka wuu iska noqonayaa laakiin aniga waxba kumadiidani tuti waa ok

  59. indhacade says:

    maasha alaah wax aan ceeb laheyn majiraan laakiin maqaalkaan waa laga soo shaqeeyey aniga waxaanumaleynayaa in waqti badan lageliyey maqaalkaan wayna ka muuqataa in kastoo maxamed nuur dad la sheekeystay ay ii sheegeen in 3 bari uu ku diyaariyey laakiin waa daraasad fiican oo soo afjartay culumo caygii weynaa

  60. faysal says:

    waa mahadsan yahay qoraaga laakiin nin aan waxba aheyn lama buunbuuniyo ninka c/waaxid la dhaho waa caamo in waqti intaan leeg lagu bixiyo ma ahan

  61. cadaawe says:

    aniga waxaan isdhahaayey qoraagu muxuu u dhisayaa guriga ileen waa nin lagdin lamaagan walaahi sida cabdiwaaxid dhulka loogu jiiday mahan wax laga sheekeynkaro ilaa maqaalkan la akhriyo maahee

  62. yaasiin says:

    waan salaamayaa qoraaga maxamed nuur waa la garnoqsatay cwaaxid waadna ka heshay waad la dooday waadna ka xujo badatay waad tusaaleysay haduu wax garanayo dadkana waad ka dhaadhicisay wuxuu yahay waxaas oo dhan waxaa kutusinayo siduu ilaa hada usoo jawaabi waayey

  63. bishaar says:

    aniga gadaan c/waaxid ahaan lahaa waxaan samwyn ahaa
    1- waxaan iska dhaafilahaa hubsiimo la’aanta
    2-waxaan iska dhaafi lahaa qoraal oo dhan si kumeelgaar ah
    3-waxaan arday u noqon lahaa maxamed nuur si aan qoraalka u barto
    4 waxaan raali gelin siinlahaa dadkii aan waxkasheegi jiray oo dhan
    5 hadaan wax qoro waaxaan u dhiibi lahaa dad kale si ay iiga hubiyaan
    talaabooyinkaas baan qaadi lahaa

    • salaxudiin says:

      WAA TAY KU DHAANTAYNAYEEN DHIMAEY WADAADKIIYE DHULKA WAAN KA SOO

      FUURI JIREY DHOWR ANOO MAQANE .!!!

      WAXAAN FILAYAA XUUB CAARO WAXAA TILMAAN U AH KUFRIGA IYO WIXII

      TAAGEERA .

      WAXAANA FILAYAA WAXAAD TIHIIN INDHA KU GARAADLAYAAL OO WAXAAD ARAGTEEN RAGII U TAGNAA DIFAACA DADKOODA DADKOODA IYO DIINTOODA OO LA ISU BAHAYSTAY MAGAALOOYINA LAGA QABSADAY .

      WAXAADNA HILMAANTEEN BALANQAADKII ALLE U YABOOHAY MUTAQIINTA .!!!

      WAA YAABE MA WAXAAD DHIHI DOONTAAN ALSHABAAB MUTAQIIN MAAHA OO

      WAA YAABE HADAYAN IYAGU AHYN MA KUWA GAALADA BARAXA KA DABA QAADA AYAA MUTAQIINA ?

      MISE WADAADKA KA LEEXDAY WADADDII UU SHALAY JEEXAY GAALADA KA HOR —TAAS WAXAAN UALA JEEDA RAGII SHALAY JIHAADKA WADEY OO WIILASHAAN FURINTA KUAL JIREY AYAA MAANTA FINTO KU SHEEGAYA MARKAY GAALADA SAAXADA SOOO FARIISTAY ARKEEN SOOW KAMA DHIGNA KUWAASI SHAYDAANKEE BEDER GAALDA SOO HOR KACAY MARKUU MALAAIKTA ARKAYNA HALKAAS KA LAABTAY YIRINA WAXAYDAAN ARKAYN BAAN ARKAAYE NABADEEY !!

      BEL EEGEEY 1 ARARE GAALO MAJOOGIN

      2 GAROWE IYO BOOSAASO ILAAA QOW GAALO MA JOOGIN

      3 LUUQ IYO GEDANA GAALO MA JOOGIN ILLAA XILI DAMBE MOOYEE

      4 XAMAR IYO DAGAALKII MAXKAMADAHA GAALO MAJOOGIN

      5MAANTA OO DALKII LA HAYSTANA WAA FITNO IYO WAXBAA NALAKA MAQLI

      WAAYEY HA LA MEEHANAABAAN WADAAD XUMAYAAL

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno