Home » Diinta, Wararka » Qisadii Nabi Muuse iyo Khadir |Q-2aad. W/Q: Sh. Axmed C/samad

Qisadii Nabi Muuse iyo Khadir |Q-2aad. W/Q: Sh. Axmed C/samad

Qeybtii koowaad ee qormadaan waxaan ku soo bandhignay qisadii nabi Khadir iyo nabi Muuse oo aynu af soomaali ku tarjumnay. Qeybta labaadna waxaan ku soo qaadaynaa qayb ka mid ah faa’iidooyinka iyo cibrooyinka inoo ku sugan qisadaan qiimaha badan. Qisada waxaa ku jira cilmi iyo faa’iido badan oo aan hal maqaal lagu soo koobi Karin; sidaa darteed waxaan ka dhigaynaa labo qaybood, isla markaasna si fahamka iyo isku xirnaanta macnuhu u xoogaysto waxaan u qaybinay faa’iidooyinka: a) qeyb ka hadlaysa Ilaahay iyo qeyb cilmiga ku saabsan, b) qeyb ka hadlaysa saaxiibnimada iyo qeyb faa’iidooyin guud ah.

Ahmiyadda qisadaan:

Qisooyinka Qur’aanka iyo xadiisku iyaga oo guud ahaan wada leh ahmiyad ballaaran ayaa qisadaani leedahay ahmiyad gaar ah. Dhinacyada ahmiyadda dheeraadka ah ay ku yeelatayna waxaa ka mid ah:

1. waxaa ka wada warramay Qur’aanka iyo xadiiska.

2. Waxay ka mid tahay qisooyinka nabigu (scw) ka sheekeeyey kuwa ugu dhaadheer.

3. Waxay dhexmartay labo nabi oo kala haysta labo cilmi oo kala duwan.

4. Waxay kulmisay culuum iyo cibrooyin farabadan.

5. Waa qiso xiiso leh oo dadka qaarkood dhexgaliyaan wax badan oo aan sugnayn, kuwo kalena ay u daliishadaan waxyaabo diinta khilaafsan; sidaa darteed waxay qisadaan saxiixa ah meesha ka saaraysaa waxyaabaha aan sugnayn oo loo nisbeeyey nabi Khadir, waxayna dahaarka ka qaadaysaa siyaabaha qaldan ee dadka qaarkood u daliishadeen.

6. Nabigeena (scw) ayaa jeclaystay in nabi Muuse sii sabro; si Ilaahay khabarkooda noogaga sii sheekeeyo.

Faa’iidooyinka Alle ka hadlaya ee qisada:

1. Qeybka (waxa qarsoon) Ilaahay kaliya ayaa og, nabiyaashuna waxba kama oga wax Ilaahay ogaysiiyo mooyee; sidaa darteed Khadir ma aanu garan nabi Muuse ilaa uu weydiiyey, ujeeddada uu ugu yimidna ma ogayn ilaa uu isagu u sheegay. Nabi Muuse na ma ogayn in uu jiro nin ka cilmi badan ilaa uu Ilaahay u sheegay.

2. Ilaahay wuu awoodaa in uu soo nooleeyo wixii dhintay, Ilaahay wuxuu awooddiisa ku soo nooleeyay kalluunkii meydka ahaa ee la milxiyey. Sidii kalluunku badda ugu dhexsocdayna mucjiso kale ayay ahayd.
3. Qisadu waxay tusaysaa Cilmiga Ilaahay waasacnimadiisa iyo yaraanta cilmiga dadka marka la barabar dhigo cilmiga Ilaahay. Wuxuu Khadir ku yiri Muuse: cilmigayga iyo cilmigaaga iyo cilmiga khalaa’iqda oo dhan kama aha cilmiga Ilaahay inta uu shimbirkaas afkiisa badda kaga qaatay waxa uu badda ka yahay oo kale mooyee.

4. Way ka qarsoonaan kartaa addoonka xikmadda ka dambaysa qaddarta Ilaahay ee ku fulaysa addoomadiisa, hadhowna way u caddaan kartaa wixii uu shar iyo balaayo u qaatay inay nicmo iyo khayr u ahaayeen, sida ku dhacday qoladii doonta iyo labadii waalid ee dhalay wiilkii Khadir diley.

5. Xadiiskaani wuxuu daliil u yahay ahlu sunnaha aaminsan in Ilaahay ogyahay wixii ahaaday (dhacay), waxa ahaan doona iyo waxa aan ahaan hadday ahaadaan sida ay ahaan lahaayeen, sida uu Alle u yiri: haddii la celin lahaa (gaalada geerida ka dib) waxay ku noqon lahaayeen wixii laga reebay. Waxaa looga jeedaa haddii adduunka dib loogu soo celiyo dhaqan fiican ma samaynayaan ee xumaantii hore ayay ku noqon lahaayeen.

6. Waa la arkaa in Ilaahay khayr ugu diyaariyo ilmaha wanaaggii aabbayaashood. Khadir darbigii ayuu toosiyay; si uu ugu xafido kansigii aabbaha fiican uga tagey ilmihiisa, iyada oo ah naxariis xagga Rabbi ka timid. Haddaba qofkii ilmihiisa wanaag la raba waa inuu isagu wanaagsanaado, markaas baa Ilaahay ubadkiisa u xifdinayaaye.

7. Ilaahay waxa wanaagsan in loo tiiriyo, waxa xuna nafta iyo shaydaanka loo tiiriyo ayaa edebtu keenaysaa, iyada oo labada dhacdaba qaddar Ilaahay ku ahaadeen. Khadir wuxuu yiri (isaga oo Ilaahay khayrka u nisbaynaya): Rabbigaa wuxuu doonay in ay (wiilashu) xoogaystaan oo kansigooda la soo baxaan. Wuxuu kale oo yiri Khadir isaga oo ceebaynta isu tiirinaya: anigu (Khadir) waxaan doonay in aan ceebeeyo doonta. Khaadimkii Muuse na wuxuu yiri isaga oo hilmaansiinta u nisbaynaya shaydaan: (wax aan shaydaan ahayn ima hilmaansiin in aan kuu sheego).

8. Ilaahay mulkigiisa wixii uu doono ayuu ku sameeyaa, khalqigiisana wixii uu doono ayuu ku xukumaa, caqliguna meel kuma leh Ilaahay afcaashiisa iyo axkaamtiisana caqli lagu ma caaridi karo ee waxaa addoomada laga rabaa raalli noqosho iyo is dhiib.

Faa’iidooyinka cilmiga ku saabsan ee qisada:

9. Way bannaantahay in cilmiga la isla akhriyo, laguna doodo. Cabdullaahi Ibnu Cabbaas iyo Alxurru Ibnu Qays waxay isku khilaafeen magaca ninkii uu nabi Muuse u safray, ma Khadir buu ahaa mise nin kale?, waxayna cilmi ka dalbeen ciddii cilmiga haysay, markaas baa Ubayyi Ibnu Kacab Rasuulka (scw) uga wariyey xadiiskaan.

10. Meel kitaabka iyo sunnada ka sokaysa oo lagu kala boxo ama lagu wada qanco ma jirto. Cabdullaahi Ibnu Cabbaas wuxuu ku yiri Ubayi Ibnu Kacab: aniga iyo saaxiibkay (Alxurru Ibnu Qays) waxaan ku muranay Muuse saaxiibkiis ee ma maqashay Rasuulka (scw) oo arrintiisa xusaya?. Ma uu oran maxay kula tahay iwm ee wuxuu weydiiyay wax uu nabiga ka maqlay uun. Haddaba waa in markii la is khilaafo lagu kala boxo kitaabka Alle iyo xadiiska nabiga (scw), isla markaana wixii adkaada culumada lala kaashado.

11. Caalimka waxaa laga rabaa in uu dadka ku dhex faafiyo cilmigii uu ogaaday, gaar ahaan haddii cilmiga uu hayo dadka is qabtay kala saarayo. Ubayyi Ibnu Kacab xadiiskaan wuxuu u wariyey Cabdullaahi Ibnu Cabbaas iyo Alxurru Ibnu Qays, Cabdullaahi Ibnu Cabbaasna xertiisa ayuu u wariyey isaga oo ku raddiyaya Nowf Albikaali oo ku andocooday in aan saaxiibka Khadir ahayn Muusihii reer Banii Israa’iil.

12. Way bannaantahay in uu ninka caalimka ah yiraahdo wax i weydiiya, sida Cabdullaahi Ibnu Cabbaas oo kale, nabigeenuna (scw) wuu ku yiri asxaabta i weydiiya waxaad rabtaan, waase markii isla cajabid laga aamin yahay, baahina keento sida in laga cabsado cilmiga dhumitaankiisa.

13. Muusaha laga hadlayo ee Khadir cilmiga u doontay waa nabi Muusihii reer Banii Israa’iil oo Fircown Ilaahay u diray, sida ku cad xadiiska markii uu Cabdullaahi Ibnu Cabbaas raddiyay Nawf.

14. Way bannaantahay in la canaanto ama hadalka lagu kululeeyo ciddii waxaysan aqoon dadka cilmi uga dhigta, sida Cabdullaahi Ibnu Cabbaas u yiri: been buu sheegay cadawga Ilaahay, mana uu u jeedin in uu dhab ahaan cadaw Ilaahay yahay ee wuxuu doonayey in uu ka canaanto ku dhiirashada wax aanu aqoon.

15. Ninka caalimka ah ee nabi Muuse u safray, uuna cilmiga u doontay waa Khadir, sida ku cad jawaabtii Ubayi Ibnu Kacab uu siiyay Cabdullaahi Ibnu Cabbaas iyo Alxurru Ibnu Qays.

16. Culumada oo ah kuwii nabiyaasha dhaxlay waxaa laga rabaa inay raacaan dhaqankii nabiyaasha oo ay dadka Rabbigood xusuusiyaan, aayaadkiisana ku dul akhriyaan; si naftoodu ugu sifaysanto, quluubtooduna ugu jilicdo.

17. Ninka dadka wacdinaya haddii wacdigiisu dadka saameeyo oo ay khushuucaan, ayna ilmeeyaan oo ooyaan waxaa habboon in uu khafiifiyo; si aysan uga daalin, sida nabi Muuse markii ay ilmeeyeen uga tagay.

18. Ninka u safray cilmi doon ama Jihaad iwm, haddii maslaxadi ku jirto in uu sheego waxa uu doonayo iyo halka uu u socdo, sidaas baa ka fiican in uu qariyo; maxaa yeelay muujintiisa waxaa ku jira faa’iidooyin ay ka mid yihiin u diyaargarow, in hawsha si buuxda loo galo iyo in la muujiyo sharafta cibaadadaasi leedahay, sida nabi Muuse u yiri: waan socon ilaa aan gaaro labada badood kulankooda ama aan samano socdo, nabigeenuna (scw) asxaabtiisa wuu u sheegay halka uu u socdo duullaankii Tabuuk, iyada oo waliba caadadiisu ahayd in uu sarbeebo halka uu duullaanka ku yahay, waana arrin maslaxadda ku jirta ku xiran sheegis iyo qarinba.

19. Caalimka, daaciga iyo muslimka kaleba waxaa laga doonayaa tawaaduc (in uu hoos isu dhigo) si kasta oo cilmigiisa iyo meekhaankiisu u weyn yahay, waliba in ninka fadliga badani wax ka barto qof ka fadli yar, illaa waa la hubaa in nabi Muuse ka fadli badanyahay Khadir’e, Ilaahayna wuxuu nabigeena (scw) u waxyooday: (war) tawaaduca ilaa aan qofna qof u faanin.

20. Ninka caalimka ah way ku habboontahay in uu ka barto cilmiga uu ku liito cid aad u taqaan, xataa haddii uu cilmiga kale ka badiyo ama ka fadli badanyahay.

21. Fadli bay leedahay in loo safro cilmi doon, qofku si kasta ha u cilmi badnaadee. Nabi Muuse wuxuu u safray cid ka cilmi badan, fadligiisa iyo qadarkiisuna kama reebin in uu raaco cid uu cilmi ka rajeynayo. Nabigeena (scw) isagana waxaa lagu amray in uu dhoho: Rabbiyoow cilmi ii kordhi.

22. Shaqada aan xamaasadda loo hayn way adagtahay, waana lagu daalayaa, sida ku dhacday nabi Muuse iyo khaadimkiisii; waayo hilowgii u hayey meesha ay u socdeen iyo cilmiga ay ka filayeen baa u sahlayey mashaqada safarka, goortii ay dhaafeen meeshii ay u socdeena waxay dareemeen daal. Haddaba xer-cilmigu waa inay cilmigaan ku dalbaan himmad sare iyo xamaasad u sahasha dhibta laga marayo.

23. Caalimka iyo daaciga waxaa laga rabaa inay si wanaagsan u fahansan yihiin dalka iyo dadka, ayna og yhihiin dhaqankooda, isla markaana ay xiriir wacan la leeyihiin. Khadir dhulkii uu markaas joogay salaan kuma ogayn; sidaa darteed wuxuu yiri: xaggee dhulkayga salaantu uga timid. Markii dadka doonta wata ay la hadleena way aqoodeen oo lacag la’aan bay ku qaadeen.

24. Waxaa loo baahanyahay in si edeb ah loola dhaqmo macallinka, hadal dabacsan oo ixtiraam lehna lagu la hadlo, sida nabi Muuse u yiri: ma ku raacaa si aad ii bartid hanuun waxa lagu baray ah?, wuxuuna muujiyay inuu baahi u qabo hanuunka iyo cilmiga uu hayo, umana hadlin sida dadka kibirka iyo qallayfku ku jiro oo aan iyagu culimada u muujin inay cilmigooda u baahan yihiin, qaarkoodna ayba sheegaan inay iyaga iyo culimadu iskaashanayaan ama kala faa’iidaysanayaan iwm!.

25. Cilmiga waxtaraya waa cilmiga khayrka kugu hanuuniya ama kaaga diga sharka iyo waddooyinkiisa, wixii aan intaas ahayna waa cilmi aan faa’iido lahayn ama dhibaato leh.

26. Qofkii aan ku samri Karin la socoshada caalimka iyo barashada cilmiga waxaa dhaafaya cilmi badan, qofkii aan samir lahayna cilmiga kama salgaaro; waayo Khadir wuxuu kaga cududaartay Muuse in aanu ku samri Karin la socodkiisa.

27. In uu qofku cilmi u leeyahay ama fahmo waxa loo socdo ama la qabanayo waxay qeyb weyn ka qaadataa in uu ku adkaysto. Qofkii aan ogayn waxa lagu samrayo ama ujeeddada laga leeyahay ama faa’iidada laga helayo ma helayo wax sabarka ku dhiirriya. Khadir wuxuu ku yiri Muuse: sidee ayaad ugu sabraysaa wax aadan cilmi u lahayn.

28. Haddii uu macallinku maslaxad u arko in uusan ardaygu waxba weydiin ilaa uu isagu wax u sheego gar buu u leeyahay, illeyn isagaa maslaxaddiisa iyo sida uu wax u baran karo ka oge, sida in uu damiin yahay ama ka celinayo waxaan faa’iido lahayn ama uu arrimaha qaarkood oo uusan gaarin uga turayo.

29. Edebta ardayga marka uu caalimka la jiro waxaa ka mid ah in uu ku samro, amarkiisana uu adeeco, sida Muuse u yiri: waad i heli doontaa aniga oo samraya, arrinna kugu caasiyi maayo.

30. Qisadu waxay tusaysaa in xadiis hal nin oo lagu kalsoonyahay wariyey loo daliishan karo caqiidada, illaa Ibnu Cabbaas wuu ka aqbalay Ubayi Ibnu Kacab, hal nin buuna ahaa, Isagana xertiisu way ka aqbaleen xadiiska uu u wariyey, isna hal nin buu ahaa, akhbaarta nabiyaashuna masalooyinka caqiidada ayay ka mid tahay.

31. Waxaa loo baahan yahay in aan lagu degdegin raddinta culimada iyo dadka wanaagga lagu yaqaan. Haddii lagu arko wax munkar u eg ama la fahmi waayayna waxaa habboon in la weydiiyo waxa ay u daliishadeen ama dhinaca ay ka eegeen waxa ay dheheen ama ku keceen. Muuse wuxuu u arkayey waxa Khadir sameeyay in uu khalad ahaa, dhab ahaanna sax buu ahaa.

32. Xadiisku wuxuu faa’iidaynayaa in ay waajib tahay in aan lagu degdegin raddinta arrimaha wajiyada badan ama siyaabo kala duwan noqon kara, sida masalooyinka aqbali kara hal waji ka badan.

Sh. Axmed C/samad

alwaqaar@hotmail.com

One Response

  1. Abu-wehliye says:

    ?????? ????? ????? ???? ???????
    ???? ???? ??? ????? ???? ???? ???? ?????

    (Waxaa loo baahan yahay in aan lagu degdegin raddinta culimada iyo dadka wanaagga lagu yaqaan. Haddii lagu arko wax munkar u eg ama la fahmi waayayna waxaa habboon in la weydiiyo waxa ay u daliishadeen ama dhinaca ay ka eegeen waxa ay dheheen ama ku keceen. Muuse wuxuu u arkayey waxa Khadir sameeyay in uu khalad ahaa, dhab ahaanna sax buu ahaa)

    Ilaahey Soomaalida xaqa ha tusiyo….Aamiin

Leave a Reply

© 2008-2014 somalireal.com · RSS · Designed by Zakaria
oyun oyna porno